Connect with us

Wararka

Xabsi Maku Kireysani Lahayd $$250,000?

Published

on

 


Xabsigii Mandela oo habeenkii lagu kireynayo $250,000. Waxaa dalka Koonfur Afrika lagu qabtay carwo lagu kireynayo xabsigii uu mudada dheer ku xirnaa madaxweynihii hore ee dalkaas Nelson Mandela, waxaana habeenkii lagu seexanayaa lacag dhan $250,000 ama rubuc malyuun doolar. Waxaa halkii habeen ku hoyanaya xabsigan illaa 67 qof , halkaas oo ahayd xabsi si weyn loo illaaliyo.

Mandela ayaa 18 sano ku jiray xabsiga, isaga oo wadarta guud xirnaa 27 sano, muddooyin kalena kusoo qaatay xabsiyo kale.

Hay’ad lagu magacaabo CEO Sleepout , taas oo doonaysa in ay xusto maalinta Mandela oo ku beegan 18-ka bishan. Mandela oo u xirnaa, lana dagaalamay nidaamkii midab takoorka Koonfur Afrika ayaa geeriyooday sanadkii 2013-kii isaga oo 95 jir ah, wuxuuna sanadkan noqon lahaa 100 sano jir.

Dadka yabooha xabsiga ku tartamaya ku hoyashada xabsiga ayaa qofka bixiya lacagta ugu badan waxa uu habeen ku hoyanaya isla qolkii lagu hayay Madela, wuxuuna ku seexanayaa sariirtiisii.

Illaa 3 sariirood ayaa illaa hadda lasoo bandhigay, balse xabsiga oo leh sariiro kale oo badan ayaa laga yaabaa in kuwa kale oo badane la kireeyo.

Xabsiga waxa uu ku yaalaa jasiiradda Robben Island, taas oo ka baxsan magaalada Cape Town, dhinac kastana ay biyaha badda uga hareereysanyihiin.

Sifada kaliya ee lagu tagi karo ayaa ah gaadiidka badda, waxaana jira rixlooyin doomo waaweyn ah oo maalin kasta geeya boqolaal dalxiisayaal ah.

Jasiiradda ayaa ah meel degaan ah oo ay degenyihiin dad shacab ah, waxaana ka dhacda doorashooyinka dalka Koonfur Afrika.

Balse dadka degen ayaa aad u yaraanayay kadib markii ay gabaabsi noqdeen kaydkii biyaha macaanaa ee jasiiradda, waxaana loo baahday in biyo macaan looga keeno magaalada xitaa sanado ka hor intii magaalada Cape Town uusan ka dhicin qalalaasaha biyo la’aanta.

Jasiiradda waxa ay noqotay goob Hiddo-Dhawr ah oo ay aqoonsantahay hay’adda dhaqanka ee Qaramada Midoobay ee UNESCO, waxkasta oo halkaas yaalana waxaa lagu illaaliyay shuruucda Qaramada Midoobay.

Maalinta Mandela ayaa waxaa aqoonsatay Qaramada Midoobay sanadkii 2009-kii, sanadkastana waxaa laga xusaa dalka Koonfur Afrika. Waxa dadka ay sameeyaan adeeg bulsho muddo 67 daqiiqo ah oo ka dhigan 67-dii sano ee uu halganka ku jiray noloshiisa.

Facebook Comments Box

Xafiiska Falanqeynta ee Diblomaasi.com waa xafiiska u qaabilsan dabagalka wararka, baarista qotoda dheer, xaqiiqo raadin, iyo ka warbixinta arrimaha danta guud, soo bandhigida xogta qarsoon ama daahsoon sida musuq maasuqa ama arrimo laga yaabo in aan si kale loo ogaan. Xafiiska Falanqeynta ee Diblomaasi.com wuxuu door muhiim ah ka ciyaaraa la xisaabtanka dawladda, ganacsatada iyo shakhsiyaadka iyaga oo xafiiskan soo bandhigaya sheekooyin muhiim ah oo saamayn ku yeelan kara bulshada. Ujeedada waa abuurista xaddaarad cusub.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Wararka

Turkiga oo soo saaray amar caalami ah oo lagu soo xirayo wiilka madaxweynaha Soomaaliya

War kaoso baxay booliiska Turkiga ayaa lagu sheegay in Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud uu shilka ka gaystay magaalada Istanbul.

Published

on


Dowladda Turkiga ayaa soo saartay amar caalami ah oo lagu soo xirayo wiil uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kadib markii la sheegay in shil gaari uu ku dilay nin mooto bajaajle ahaa oo dalkaasi u dhashay, kaasi oo markii dambe u geeriyooday dhaawac shilkaasi kasoo gaaray.

War kaoso baxay booliiska Turkiga ayaa lagu sheegay in Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud uu shilka ka gaystay magaalada Istanbul.

Booliiska ayaa sheegay in wiilka shilka gaystay uu watay gaari la sheegay in ay lahayd qunsuliyadda Soomaaliya ee halkaasi ku taalla. Turkiga ayaa xayiraad dhanka socdaalka ah kusoo rogay Maxamed Xasan Sheekh, balse saraakiishu waxay rumeysan yihiin inuu dalka ka baxsaday.

Qoraal uu soo dhigay X, oo hore loo oran jiray Twitter, duqa magaalada Istanbul Ekrem İmamoğlu ayaa ku wadaagay muuqaal uu ku sheegay in uu muujinayo sida shilku u dhacay, kaas oo ahaa 30kii Nofembar. Muqaaalka waxaa laga arki karaa baabuur gadaal uga dhacay mooto maraysa waddo mashquul badan oo ku taal magaladda Istanbul.

Ninka shilkaan ku geeriyooday oo ahaa aabbe leh labo carruur ah oo lagu magacaabo Yunus Emre Göçer, oo 38 jir ah, ayaa loo qaaday isbitaal balse wuxuu u dhintay dhaawacii kasoo gaaray shilka, lix maalmood kadib.

Warbixintii ugu horreysay ee booliska ay soo saareen ayaa lagu sheegay in ninka shilka ku dhintay uu khaldka lahaa sidaasna lagu sii daayay Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud sida warbaahinta Turkiga uu u sheegay qareenka qoyska ninka geeriyooday.

Laakiin dib u eegis lagu sameeyay muuqaallada ay duubtay kaamirooyinka qorsoon ayaa loo baahan doonaa sharraxaad kale . Wiilka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud wali kama hadlin arrintaan .

Sidoo kale xariirro ay BBC-da la sameeysay Madaxtooyada Soomaaliya iyo safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga si aan wax uga weydiinno arrintan ayaan suurtogelin.

Booliiska ayaa booqaday guriga ninka shilka ku geeriyooday.

Dacwad oogaha Turkiga ayaa soo saaray amar caalami ah oo lagu soo xirayo kadib boqasho ay ku tageen guriga ninka shilka ku geeriyooday, sida wakaaladda wararka AFP ay kasoo xigtay warbaahinta gudaha.

Maxaa Turkiga uga yaalla qofkii qof shacab ah shil ku dila?

Zakariye Xasan Ibrahim oo dagan dalka Turkiga sidoo kalana ku bartay cilmiga qaanuunka ayaa BBC-da uga warmay waxa uu xeerka turkigu ka qabo qofkii gaysta shil uu qof ku dhinto.

“Hadii uu shilku sababo dhimasho waxaa lagu xukumi karaa qofka gaysta ilaa 7 sano oo xariga ah ugu badanaa ayada oo la baarayo sida shilka uu u dhacay „ ayuu hadlkiisa sii raaciyaya.

“Hadii uu sababo dhaawac fudud waxaa uu qaba xeerka ciqaabta ee dalka in qofka gaystay lagu xukumi karo ilaa sadex bilood, Lakiin hadii uu qofku shilka ku waayo lug ama xubin ka mid ah jirkiisa, wuxuu musataysan kara ilaa lix bil oo xariga ama hal sano ugu badanaa” ayuu yir yir Zakariye Xassan.

Booliska ayuu sheegay in ay xaq u leeyihiin in baraan oo ay sii dayaan qofka hadii uusan geeri shilku sababin, balse hadii ay elahada dhibanaha ay dalbadaan ay sameyn karaan in qofka lasoo xiro.

“Qofka la iskama xiri karo, hadii uu fal danbiyeed dhaco waa in ay dadka ehalka ay dalbadaan in loo xiro”

Waxaa kale oo uu sheegay in qofka shil gaystay hadii uu waxyeelo soo gaarsiiyo dad badan lagu xukumi karo ilaa sadex sano oo xabsi ah.

Kiiska loo haysato wiilka uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya ayuu sheegay in uu yeelan karo labo waji, maadama uu markii hore uu dhaawac sababay, markii dambana dhimasho.

“Muddo kadib ayaa ninkii dhintay, taas oo khsabtay in dib loo furo kiiska oo dib loo baaro, laakin sii dayntii hore waxaa ay ahyed mid sax ah oo sharciga ayaa sidaas qaba”, ayuu BBC da u sheegay sharci yaqaan Sakariye.

Falalka noocaan oo kale ah ayuu sheegay in inta badan ay ka dhacan dalka Turkiga oo aysan ahyen mid cusub.

“Sharciga waa loo siman yahay oo qof walba waa xukumi karaa, laakin waxaad muuda in kiiskaan uu hadal hayn abuurtay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay sharci yaqaan Sakariye.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Wararka

Soomaali ku guulaystay Abaalmarinta Qaramada Midoobay

Cabdullaahi Mire waxa uu sheegay in muddo laba sano ah uu dib u dajin ka helay Norway, balse uu dib ugu laabtay Dhadhaab, oo aanu ahayn nin qariib ah, si uu u caawiyo. “Waxaan lahaa hammi ah inaan u adeego bulshadayda taasoo igu soo celisay xerada,” ayuu yidhi.

Published

on

Sawir gacmeedkan oo la qaaday 8-dii Nofeembar, 2023, ayaa muujinaya Cabdullaahi Mire, oo ku guuleystay abaal marinta sharafta leh ee hey’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee Nansen Award, oo sawir ka qaadaya mid ka mid ah maktabadihii uu ka hirgeliyay xerada qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya. (Sawirka AFP/UNHCR)

Cabdullaahi Mire, oo 36 jir ah, ayaa loo aqoonsaday inuu 100,000 oo buug u keenay dadka ay isku dalka yihiin ee ku dhibaataysan xeryaha qaxootiga ee Kenya. Cabdullaahi Mire ayaa ku guulaysto abaal marinta qaaliga ah ee UNHCR Nansen Refugee Award.

“Sannadkii hore ee 2022-ka waxaa abaal-marintan ku guuleysatay Angela Merkel oo horay u ahaan jirtay Ra’iisal wasaaraha Jarmalka, maantana waxaa ka mid ah qof qaxooti ku ahaa xeradaasi Dhadhaab, cirka ma ahan mid xaddidan,” ayuu Mire u sheegay warbaahinta VOA-da.

Isagoo hadlayay ka hor ku dhawaaqista abaalmarinta, Madaxa ugu sareeya ee Qaxootiga ee Qaramada Midoobay Filippo Grandi ayaa ku sharfay Mire hadal uu ugu yeeray “caddayn nool oo ah in fikradaha wax-ka-beddelka ahi ay ka soo bixi karaan bulshooyinka barakacay.”

“Wuxuu muujiyay karti weyn xagga xoojinta tayada waxbarashada qaxootiga,” Grandi ayaa yiri.

Dagaal sokeeye ilaa xero qaxooti ilaa abaal-marin

Cabdullaahi Mire waxa uu ku dhashay Koonfurta Soomaaliya sanadkii 1987-kii, wuxuuna ku noolaa Dhadhaab sagaashamaadkii markaas oo qoyskiisu ay ka soo qaxeen magaalada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya.

“Waxaan ka soo qaxnay degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose 1991-kii aniga iyo hooyaday, waxaana ku soo koray oo aan ku noolaa xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab muddo 23 sano ah,” ayuu Cabdullaahi Mire u sheegay laanta afka Soomaaliga ee VOA.

Xerada ku taal waqooyi bari Kenya ayaa maanta waxaa ku nool in ka badan 240,000 oo qaxooti ah, kuwaas oo intooda badan ka yimid Soomaaliya.

‘Adigaba daraad ayaad Dowlad calan leh haystay, maantana halka aan joogo dalxiis kuma keenin’

Cabdullaahi Mire waxa uu dhameystay waxbarashadii dugsiga hoose iyo sare isagoo ku sugnaa xerada, ka dibna waxa uu qaatay shahaadada xiriirka dadweynaha iyo saxaafadda.

“Caqabado badan oo aan la kulmay caawinta iyo dhiirigelinta hooyaday, waxaan ugu dambayntii 2013 ka qalin jabiyay shahaadada saxaafadda iyo xiriirka dadweynaha Jaamacadda Kenyatta ee dalka Kenya, si aan cod ugu noqdo shacabkayga nugul,” ayuu yiri Cabdullaahi Mire.

Isagoo shahaadadiisa qaatay, wuxuu markaas uga soo shaqeeyay hay’adda socdaalka ee Qaramada Midoobay ee Muqdisho iyo magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo ee koonfurta Soomaaliya.

Carruurnimadiisii Dhadhaab iyo waayo-aragnimadii xirfadeed ee xigtay ayaa ka dhigtay inuu garwaaqsado muhiimada waxbarashadiisa, wuxuuna ugu dambeyntii u huray noloshiisa xirfadeed inuu caawiyo dadka kale ee qaxootiga ah.

Horraantii 2018, wuxuu aasaasay urur lagu magacaabo Xarunta Waxbarashada Dhallinyarada Qaxootiga. Ururku waxa uu shaqaalaysiiyaa laba shaqaale oo buuxa iyo lix mutadawiciin ah waxana uu diiradda saaraa waxbarashada qaxootiga iyo horumarinta dhalinyarada.

Cabdullaahi Mire waxa uu sheegay in muddo laba sano ah uu dib u dajin ka helay Norway, balse uu dib ugu laabtay Dhadhaab, oo aanu ahayn nin qariib ah, si uu u caawiyo.

“Waxaan lahaa hammi ah inaan u adeego bulshadayda taasoo igu soo celisay xerada,” ayuu yidhi.

Gabar da’yar oo xerada ku baratay daawada ayaa ku dhiira galisay inuu buugaag u ururiyo qaxootiga, ayuu yiri.

“Intii lagu guda jiray mid ka mid ah booqashooyinka joogtada ah ee aan dib ugu soo laabtay xerada, ayaa waxaa ii timid gabar yar oo qaxooti ah oo ajnabi ah, oo iga codsatay haddii aan buug caafimaad ka soo diri karo Nayroobi,” Cabdullaahi Mire ayaa yiri. “Waxay ii sheegtay in ilaa 20 gabdhood ay caadiyan wadaageen hal buug oo bayoloji ah. Taasi waxay igu dhiirigelisay in aan baraha bulshada u isticmaalo ololaha buug-ururinta iyo deeqaha ilaa aan gaarno 100,000 oo buug.

Cabdullaahi Mire ma ahan qofka Soomaaliga ah ee ku guuleystay abaalmarinta Nansen Refugee Award, oo loogu magac daray sahamiyaha, saynisyahanka, diblomaasiga iyo bini’aadantinimada Fridtjof Nansen. Abaalmarinta 2012 waxaa la siiyay Xaawo Aadan Maxamed oo ku mutaysatay shaqada gaarka ah ee ay u qabto qaxootiga iyo barakacayaasha Soomaaliya ee gabdhaha iyo haweenka.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Wararka

Ciidamada Badda Mareykanka ayaa gacanta ku dhigay weeraryahano haystay markab lala xiriirinayo Israa’iil

Kooxda weerarka fulisay ayaa la wareegay beerta dhexe ee calanka Liberiya, oo ay maamusho Zodiac Maritime, oo ku taal gacanka Cadmeed, shirkadda, sida ay sheegtay ciidamada Maraykanka iyo Ingiriiska iyo shirkadda sirdoonka gaarka ah ee Ambrey.

Published

on


Dabley hubaysan ayaa gacanta ku dhigay oo markii dambe sii daayay markab lala xiriirinayo Israa’iil oo marayay meel ka baxsan xeebaha Yemen Axaddii ka hor inta aysan gacanta ku dhigin ciidamada badda ee Mareykanka, sida ay saraakiishu sheegeen.

Labo gantaal oo Balaastik ah oo laga soo riday Xuutiyiinta Yemen oo ay maamulaan ayaa markaasi ku dhacay meel u dhow markab dagaal oo Maraykanku leeyahay oo marayey gacanka Cadmeed, taas oo sare u sii qaadeysa tirada weerarada maraakiibta oo xiriir la leh dagaalka Israa’iil iyo Xamaas.

Dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ayaa weerarkan ku eedaysay fallaagada Xuutiyiinta ee ay Iiraan taageerto, inkastoo fallaagada gacanta ku haysa caasimadda Sanca aysan aqoonsanayn qabsashada iyo weerarka gantaallada.

Kooxda weerarka fulisay ayaa la wareegay beerta dhexe ee calanka Liberiya, oo ay maamusho Zodiac Maritime, oo ku taal gacanka Cadmeed, shirkadda, sida ay sheegtay ciidamada Maraykanka iyo Ingiriiska iyo shirkadda sirdoonka gaarka ah ee Ambrey.

Subaxnimadii Isniinta, Zodiac wuxuu sheegay in markabka sidday fosfooraska acid iyo shaqaalaheeda oo ka kooban 22 badmaax oo u kala dhashay Bulgariya, Georgiya, India, Philippines, Ruushka, Turkiga iyo Vietnam “aan waxba gaarin.”

“Waxaan jeclaan lahayn inaan u mahadcelinno ciidamada isbahaysiga ee si dhaqso ah uga jawaabay, ilaalinta hantida aagga iyo ilaalinta sharciga caalamiga ah ee badaha,” ayay tiri shirkaddu.

Taliska dhexe ee ciidamada Maraykanka ayaa bayaan uu soo saaray subaxnimadii hore ee Isniintii ku sheegay in ciidamadooda oo uu ku jiro markabka burburiye ee Arleigh Burke-class USS Mason, ay ka jawaabeen qabashada markabka, waxayna ka dalbadeen dableyda hubaysan inay sii daayaan booyada.

“Kadib, shan qof oo hubaysan ayaa markabka ka dejiyay waxayna damceen inay ku baxsadaan doontii yarayd,” Taliska dhexe ayaa sidaas yidhi. “Mason-ku waxa uu daba galay weeraryahannadii taas oo keentay in ay is dhiibaan.”

Taliska dhexe ma sheegin raggan, balse waxay sheegeen in gantaal laga soo riday Yemen oo ay maamulaan Xuutiyiinta uu daba socday subaxnimadii hore ee Isniintii.

“Ganaalada waxay ku dhaceen gacanka Cadmeed qiyaastii toban mayl-badeed oo maraakiibta,” ayaa lagu yiri bayaanka. “USS Mason … waxa ay soo gabagabaysay jawaabteeda M/V Central Park wicis murugo leh wakhtiga gantaalku ridayay. Ma jiro wax khasaare ah ama dhaawac ah oo soo gaaray labada markab inta uu shilkani socday.”

Zodiac wuxuu ku tilmaamay markabka inuu yahay mid ay iska leedahay Clumvez Shipping Inc., inkastoo diiwaanada kale ay si toos ah ula xiriiraan Zodiac inuu yahay milkiilaha. Zodiac Maritime ee fadhigiisu yahay London waa qayb ka mid ah kooxda Zodiac ee bilyaneer Israel Eyal Ofer. Diiwaanada shirkadaha Britishka waxay ku taxan yihiin laba nin oo leh magaca dambe Ofer oo ah agaasime hadda ah iyo agaasimihii hore ee Clumvez Shipping, oo uu ku jiro Daniel Guy Ofer, oo sidoo kale ah maamule Zodiac Maritime.

Dowladda Yemen ee uu caalamku aqoonsan yahay, oo fadhigeedu yahay magaalada Cadan ee u dhow, ayaa ku eedaysay fallaagada qabsashada, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee ay dowladdu maamusho.

“Dowladda Yemen waxay dib u soo cusbooneysiisay cambaareynteeda falalka burcad-badeednimada badda ee ay fuliyaan maleeshiyada argagixisada ah ee Xuuthiyiinta oo taageero ka helaya taliska Iran, kaasoo uu ugu dambeeyay afduubkii beerta Central” ayaa lagu yiri bayaanka.

Weerarka ayaa ka dhacay qeyb ka mid ah gacanka cadmeed oo aragti ahaan ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda oo si cadaalad ah uga fog dhulka ay Xuutiyiinta ka maamulaan dalkaasi. Burcadbadeeda Soomaalida ayaan la ogeyn inay ka howlgalaan deegaankaas.

Zodiac Maritime ayaa horay loo beegsaday iyada oo uu jiro dagaal sanado badan hareeyay oo u dhexeeya Iran iyo Israel. Sannadkii 2021-kii, diyaarad aan duuliye lahayn oo ay qiimeeyeen Maraykanka iyo waddamo kale oo reer galbeed ah oo ay Iran fulisay ayaa lagu dilay laba shaqaale ah oo saarnaa markabka shidaalka qaada ee Zodiac ee Mercer Street ee xeebta Cumaan.

Hawlgallada Ganacsiga Badaha ee Boqortooyada Ingiriiska, oo bixiya digniinaha badmaaxiinta Bariga Dhexe, ayaa hore u soo saartay digniin ku socota badmaaxiinta in “laba farshaxan oo madow iyo caddaan ah oo sidday siddeed qof oo ku labisan dharka ciidamada” lagu arkay aagga.

Dabley hubaysan ayaa gacanta ku dhigay oo markii dambe sii daayay markab lala xiriirinayo Israa’iil oo marayay meel ka baxsan xeebaha Yemen Axaddii ka hor inta aysan gacanta ku dhigin ciidamada badda ee Mareykanka, sida ay saraakiishu sheegeen.

Labo gantaal oo Balaastik ah oo laga soo riday Xuutiyiinta Yemen oo ay maamulaan ayaa markaasi ku dhacay meel u dhow markab dagaal oo Maraykanku leeyahay oo marayey gacanka Cadmeed, taas oo sare u sii qaadeysa tirada weerarada maraakiibta oo xiriir la leh dagaalka Israa’iil iyo Xamaas.

Dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ayaa weerarkan ku eedaysay fallaagada Xuutiyiinta ee ay Iiraan taageerto, inkastoo fallaagada gacanta ku haysa caasimadda Sanca aysan aqoonsanayn qabsashada iyo weerarka gantaallada.

Kooxda weerarka fulisay ayaa la wareegay beerta dhexe ee calanka Liberiya, oo ay maamusho Zodiac Maritime, oo ku taal gacanka Cadmeed, shirkadda, sida ay sheegtay ciidamada Maraykanka iyo Ingiriiska iyo shirkadda sirdoonka gaarka ah ee Ambrey.

Subaxnimadii Isniinta, Zodiac wuxuu sheegay in markabka sidday fosfooraska acid iyo shaqaalaheeda oo ka kooban 22 badmaax oo u kala dhashay Bulgariya, Georgiya, India, Philippines, Ruushka, Turkiga iyo Vietnam “aan waxba gaarin.”

“Waxaan jeclaan lahayn inaan u mahadcelinno ciidamada isbahaysiga ee si dhaqso ah uga jawaabay, ilaalinta hantida aagga iyo ilaalinta sharciga caalamiga ah ee badaha,” ayay tiri shirkaddu.

Taliska dhexe ee ciidamada Maraykanka ayaa bayaan uu soo saaray subaxnimadii hore ee Isniintii ku sheegay in ciidamadooda oo uu ku jiro markabka burburiye ee Arleigh Burke-class USS Mason, ay ka jawaabeen qabashada markabka, waxayna ka dalbadeen dableyda hubaysan inay sii daayaan booyada.

“Kadib, shan qof oo hubaysan ayaa markabka ka dejiyay waxayna damceen inay ku baxsadaan doontii yarayd,” Taliska dhexe ayaa sidaas yidhi. “Mason-ku waxa uu daba galay weeraryahannadii taas oo keentay in ay is dhiibaan.”

Taliska dhexe ma sheegin raggan, balse waxay sheegeen in gantaal laga soo riday Yemen oo ay maamulaan Xuutiyiinta uu daba socday subaxnimadii hore ee Isniintii.

“Ganaalada waxay ku dhaceen gacanka Cadmeed qiyaastii toban mayl-badeed oo maraakiibta,” ayaa lagu yiri bayaanka. “USS Mason … waxa ay soo gabagabaysay jawaabteeda M/V Central Park wicis murugo leh wakhtiga gantaalku ridayay. Ma jiro wax khasaare ah ama dhaawac ah oo soo gaaray labada markab inta uu shilkani socday.”

Zodiac wuxuu ku tilmaamay markabka inuu yahay mid ay iska leedahay Clumvez Shipping Inc., inkastoo diiwaanada kale ay si toos ah ula xiriiraan Zodiac inuu yahay milkiilaha. Zodiac Maritime ee fadhigiisu yahay London waa qayb ka mid ah kooxda Zodiac ee bilyaneer Israel Eyal Ofer. Diiwaanada shirkadaha Britishka waxay ku taxan yihiin laba nin oo leh magaca dambe Ofer oo ah agaasime hadda ah iyo agaasimihii hore ee Clumvez Shipping, oo uu ku jiro Daniel Guy Ofer, oo sidoo kale ah maamule Zodiac Maritime.

Dowladda Yemen ee uu caalamku aqoonsan yahay, oo fadhigeedu yahay magaalada Cadan ee u dhow, ayaa ku eedaysay fallaagada qabsashada, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee ay dowladdu maamusho.

“Dowladda Yemen waxay dib u soo cusbooneysiisay cambaareynteeda falalka burcad-badeednimada badda ee ay fuliyaan maleeshiyada argagixisada ah ee Xuuthiyiinta oo taageero ka helaya taliska Iran, kaasoo uu ugu dambeeyay afduubkii beerta Central” ayaa lagu yiri bayaanka.

Weerarka ayaa ka dhacay qeyb ka mid ah gacanka cadmeed oo aragti ahaan ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda oo si cadaalad ah uga fog dhulka ay Xuutiyiinta ka maamulaan dalkaasi. Burcadbadeeda Soomaalida ayaan la ogeyn inay ka howlgalaan deegaankaas.

Zodiac Maritime ayaa horay loo beegsaday iyada oo uu jiro dagaal sanado badan hareeyay oo u dhexeeya Iran iyo Israel. Sannadkii 2021-kii, diyaarad aan duuliye lahayn oo ay qiimeeyeen Maraykanka iyo waddamo kale oo reer galbeed ah oo ay Iran fulisay ayaa lagu dilay laba shaqaale ah oo saarnaa markabka shidaalka qaada ee Zodiac ee Mercer Street ee xeebta Cumaan. Hawlgallada Ganacsiga Badaha ee Boqortooyada Ingiriiska, oo bixiya digniinaha badmaaxiinta Bariga Dhexe, ayaa hore u soo saartay digniin ku socota badmaaxiinta in “laba farshaxan oo madow iyo caddaan ah oo sidday siddeed qof oo ku labisan dharka ciidamada” lagu arkay aagga.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Wararka

Diblomaasi.com waxay soo kordhisay qeyb WhatsApp Follow Channel ah ee aad kala socon karto qoraalada

Si’aad ula socoto Diblomaasi, waa inaad follow gareyso kanaalka Diblomaasi.com, RIIX halkaan, kadibna qeybta sare ee dhanka midig, waxaad RIIX-daa follow, si’aad noogu xirnaato.

Published

on


Diblomaasi.com ayaa soo kordhisay ama abuurtay qeyb WhatsApp Kanaal Follow ah, oo aad hadda kadib ka heli karto wararka, falanqeynta Siyaasadda Arrimaha Dibadda, wararka madaxa bannaan iyo ajendaha-dejinta wararka, falanqaynta siyaasadeed iyo faallooyinka fikirka-gaarka ah ee sida gaar ah loogu qoray/diyaariyey jiilka cusub ee aan ku daabacno boggeena.

WhatsApp ayaa soo bandhigtay channels iyo muuqaallo cusub oo u ogolaanaya dadka isticmaala inay la socdaan warbaahinada iwm, iyo cid kasta oo kale oo ay rabaan inay si toos ah uga helaan wararkooda.

Sebteembar 14, Meta waxa ay ku dhawaaqday in ay baahin doonto muuqaalka cusub ee kanaalada WhatsApp oo ka hawlgeli doonta in ka badan 150 wadan.

Maamulaha shirkada Meta Mark Zuckerberg ayaa sawir balaadhan ka bixiyay ujeedada aaladda markii uu bilaabay soo bandhigiddeeda iyada oo la wadaagay kanaalka uu isagu leeyahay ee app-ka.

Sida laga soo xigtay Tech Crunch, Zuckerberg wuxuu ku qoray Channel-kiisa cusub inuu ku faraxsan yahay inuu idin baro dhammaan kanaalada WhatsApp-ka, hab cusub oo gaar ah oo aad ku heli karto wararka iwm. Waxa aan bilaabayaa kanaalkan in aan la wadaago wararka Meta iyo wararka cusub. ”

Arrintaan cusub ayaa Diblomaasi.com u oggolaanaysa dadka ku xeran boggeena inay helaan hab kale oo ay si dhaqsi leh u heli karaan dhacdooyinka maalinlaha, toddabaadka iyo bilaha.

Si’aad ula socoto Diblomaasi, waa inaad follow gareyso kanaalka Diblomaasi.com, RIIX halkaan, kadibna qeybta sare ee dhanka midig, waxaad RIIX-daa follow, si’aad noogu xirnaato.

Markaad intaas tiraahdo waxaad marwalbo halkaas kala socon kartaa link-yada lasoo dhigo kadibna si toos ah ayaad u heli kartaa xogaha qoraallada Diblomaasi.com

 

Facebook Comments Box

Continue Reading

Wararka

Ku dhawaad 100 qof ayaa ku dhimatay Soomaaliya bishan Nofeember

Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA, Ku dhawaad 100 qof ayaa ku dhimatay Soomaaliya bishan Nofeember.

Published

on


Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA, dadka ku dhintay fatahaadda wabiyada iyo daadadki ka dhashay roobka deyrta ee wali ka da’ya qeybo ka mid ah Soomaaliya, ayaa waxaa ku dhintay ilaa 96 qof.

SONNA, ayaa tirada dhimashada rasmiga ah ka soo xigatay agaasimaha hey’adda Maareynta iyo Masiibooyinka Qaranka, hase yeeshee wariyaha VOA-da ee Soomaaliya ayaa ku soo warramaya in aad looga cabsi qabo in tirada ay intaasi ka badato maalmaha soo socda.

Khubarrada caafimaadka ayaa goor hore ka digay, suurtagalnimada dillaacista xannuunada faafa sida shuban-biyoodka, mallaariyada iyo wixi la mid ah, gaar ahaan deegaannada ay wali dad ku hareen ee ay saameeyeen fatahaadda.

Wabiyada Shabelle iyo Jubba ayaa si aada oo dhif iyo naadir ah ugu fatahay, degmooyin iyo tuulooyin dhowr ah oo ku yaalla Shabeellooyinka, Jubbooyinka, Gedo iyo Hiiraan.

Sidoo kale, daadad ka dhashay roobka guga ayaa garqiyay magaalooyin iyo degmooyin ku yaalla Mudug, Galguduud, Bay iyo Bakool. Roobka ayaa wali da’aya qeybo ka mid ah Soomaaliya, halka fatahaadaha ka dhashay wabiyadda Jubba iyo Shabelle ay waaga ku sii socdaan magaalooyinka ay barakiciyeen.

Qaramada Midoobay ayaa ku sheegtay fatahaadda ka dhacday Soomaaliya ay ka mid noqotay kuwi ugu xumaa ee uu dalku arko muddo tobnaan sano ah. Waxay kaloo sheegtay in ilaa iyo hadda ay ku barakaceen dad ka badan 700 oo kun oo ruux.

Roobab xooggan iyo daadad ayaa dilay dad aad u tiro badan, boqolaal kun oo kalena waxay ku barakaceen guud ahaan bariga Afrika bilihii la soo dhaafay, dowladaha iyo Qaramada Midoobay ayaa sidaas sheegay, taasoo hoosta ka xariiqday khatarta cimilada ee sii kordheysa ee ka jirta gobol siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba ay ka jirto xassilooni darro.

Ugu yaraan 179 qof ayaa ku dhintay dalal ay ka mid yihiin Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya, sida ay sheegeen hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa dowladda, waxaana qaar ka mid ah maamullada gobolka ay rumeysan yihiin in tiradan ay u badan tahay inay intaas ka badan tahay.

Roobabkan mahiigaanka ah oo dhibaato u geystay dalal kale oo ay ka mid yihiin Burundi, Suudaan, Koonfurta Suudaan iyo Uganda, ayaa saameeyay in ka badan saddex milyan oo qof oo ku nool gobolka Geeska Afrika oo markii horeba la daalaa dhacayay abaartii ugu xumayd ee soo marta afartan sano.

Haweeney isku dayeysa in ay alaab ka urursato gurigeeda oo ku yaalla magaalada Gaarisa ee dalka Kenya, kaddib markii ay daad soo galeen. Getty Images

Laga soo bilaabo 2020, xaaladaha abaarta, oo ay uga sii dartay isbeddelka cimilada, ayaa xaalufiyay dalaggii iyo xoolihii oo ay malaayiin qof ku noqdeen gaajo iyo nafaqo darro, iyo boqolaal carruur ah oo dhintay.

Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaantay roobabka ka culus kuwii caadiga ahaa inay sabab u yihiin laba dhacdo oo cimilodeed: Dhacdada El Niño, oo asalkeedu ka yimid badweynta Baasifigga ee dhulbaraha, xaaladdeeduna waxay sii daynaysaa kulayl dheeraad ah oo hawada ah, iyo dhacdo la mid ah oo loo yaqaan Badweynta Hindiya.

Fatahaada ayaa waxa ay waxyeelo gaarsiisay guryo, buundooyin iyo iskuulo, sida ay sheegeen hay’adaha gargaarka, kuwaas oo ka digay in ay sare u kacaan cudurro ay ka mid yihiin daacuunka iyo duumada.

Soomaaliya, oo fatahaaduhu saameeyeen 1.7 milyan oo qof, ayay dowladdu ku dhawaaqday xaalad degdeg ah bishii Oktoobar. Qaramada Midoobay waxay sheegtay in waddanku uu wajahayo “daad-qarnigii hal mar.” Inta badan dadka ay dhibaatadu saameysey ayaa ku nool koonfurta dalka, halkaas oo roobab mahiigaan ah ay ku riixeen labada wabi ee waaweyn inay jabiyaan oo ay qariyaan guryo iyo beero.

Daadad ayaa ilaa hadda la sheegay in ay ku dhinteen ugu yaraan 96 qof oo ay ku jiraan carruur sida uu sheegay Farxaan Jimcaale oo ah afhayeenka dowladda.

“Waan hurudnay markii ay biyuhu ku soo dhaceen gurigeena,” Faa’iza Axmed Faarax, oo ah hooyo haysata shan carruur ah oo ku nool magaalada Xudur ee Koonfur-galbeed ee Soomaaliya, ayaa ku tiri wareysi khadka taleefanka ah. “Daadadka ayaa qaatay wax walba. Kaliya waxaan awoodnay inaan badbaadino carruurta.”

Iyadoo buundooyinka ay go’an yihiin iyo isku-xidhka waddooyinka oo aan la mari karin, mas’uuliyiintu waxay ka walaacsan yihiin inay awoodi waayaan inay si dhaqso ah u samatabbixiyaan dadka barokacay ama ay gaarsiiyaan gargaar cunto.

Dalka Kenya, roobab xooggan ayaa dilay in ka badan 60 qof, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay kumannaan qof ayaa ku barakacay magaalooyin ku yaalla galbeedka iyo waqooyi-bari, sidoo kale, iyadoo dhammaan xaafadaha ay qarqiyeen bishan gudaheeda gobolka xeebta ah ee Mombasa, sida ay sheegtay Laanqayrta Cas ee Kenya.

__

ISHA: SONNA, VOA Somali iyo New York Times

Facebook Comments Box

Continue Reading

Wararka

Dagaalka Qaza: Maxaa ka cusub heshiiskii Xamaas iyo Israa’iil?

Heshiiska oo dhacay aroornimadi hore ee Arbacadi shalay, ayaa dhigaya in Israa’iil ay deyso 150 Falastiiniyiin ah oo ku xira xabsiyadeeda, sidoo kalana ogolaato in gargaar bani’aadannimo la geeyo Marinka Qaza, halka Xamas ay sii deyn doonto 50 ka mid ah laheystayaasha Israa’iil.

Published

on


Israa’iil ayaa xalay sheegtay, in sii deynta ilaa 50 qof oo ka mid ah Israa’iiliyiinta u afduuban Xamaas aysan dhici doonin ilaa Jimcaha berrito ah, halkii laga filayay in Khamiista maanta ah lagu sii daayo heshiiskii xabbad-joojinta afarta maalin ee ay gaareen Israa’iil iyo Xamaas, sida ay sheegtay VOA SOMALI.

Heshiiska oo dhacay aroornimadi hore ee Arbacadi shalay, ayaa dhigaya in Israa’iil ay deyso 150 Falastiiniyiin ah oo ku xira xabsiyadeeda, sidoo kalana ogolaato in gargaar bani’aadannimo la geeyo Marinka Qaza, halka Xamas ay sii deyn doonto 50 ka mid ah laheystayaasha Israa’iil. Sidoo kale, muddo afar maalin ah ayay Israa’iil iyo Xamaas jooji doonaan madaafiicda.

Waqtiga uu sida rasmiga ah u billaaba doono dhaqangalka heshiiska ayaanan caddeyn, hase yeeshee ilo wareedyada xagga amniga Masar ayaa sheegay in dowladaha dhexdhexaadinaya ay doonayaan in heshiiska xabbad joojinta uu dhaqan galo afarta barqanimo ee Khamiista maanta ah.

Xamaas ayaa la rumeysan yahay inay gacanta ku hayso in ka badan 200 oo laheysteyaal ah, kuwaas oo la qafaashay markii dagaalyahannadooda ay gudaha u galeen Israa’iil 7-dii Oktoobar, halkaas oo ay ku dileen 1,200 oo qof, sida ay muujinayso tirada Israa’iil.

Bayaan kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa lagu sheegay in 50 haween iyo carruur ah lasii dayn doono muddo afar maalmood ah, muddadaas oo ay joogsan doonaan dagaallada Gaza.

Bayaanka Netanyahu ayaa intaas ku daray in 10-kii qof ee dheeraadka ah ee la sii daayo, xabbad-joojinta lagu kordhin doono maalin kale, iyadoo aan la soo hadal qaadin sii deynta maxaabiista Falastiiniyiinta.

“Dowladda Israa’iil waxaa ka go’an in dhammaan la haystayaasha ay ku celiso dalkooda. Caawa, waxay oggolaatay heshiiska lasoo jeediyay oo ah marxaladdii ugu horreysay ee lagu gaari lahaa hadafkan,” ayaa lagu yiri bayaanka, oo la sii daayay saacado badan oo doodo ah oo saxaafadda laga xiray.

Heshiiska ayaa ah xabbad joojintii ugu horreysay ee duqeymaha Israa’iil ay ku burburisay qeybo badan oo ka mid ah dhulka ay Xamaas maamusho ee Gaza, oo ay ku dhinteen 13,300 oo rayid ah deegaanka aadka u yar ee dadku ku badan yahay iyo in qiyaastii saddex-meelood labo meel 2.3 milyan oo qof ay ku guryo beeleen, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Gaza.

Dalal badan oo reer galbeedka ah ayaa taageero la yaab leh u fidiyey Israa’iil haddii ay  noqoto dhaqaalle iyo hub intaba. Dadyow badan oo dunida kamid ah ayaa la yaabay markii Xoghaayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Anthony Blinken uu u sheegay suxufiyiinta asigoo ku sugan Tel Aviv inuu halkaas u joogo, “taageerada Maraykanka ee Israa’iil”, ” ila soco ma ahan oo keliya xoghayaha arrimaha dibadda, laakiin sidoo kale waa Yuhuudi.”

Warbaahinta reer galbeed ayaa si aan xishood la’hayn u muujisay taageerada xasuuqa shacabka reer falastiin.

Mike Johnson, afhayeenka cusub ee Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa yiri “Waxaan aaminsanahay in Ilaah barakeeyo wadamada taageera Israa’iil” isagoo ballan qaadaya taageerada Kongress-ka. Brian Mast, oo ah wakiilka jamhuuriga ee Florida, ayaa yimid Capitol Hill isagoo xiran dareeska ciidamada Israa’ii.

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Wararka2 days ago

Turkiga oo soo saaray amar caalami ah oo lagu soo xirayo wiilka madaxweynaha Soomaaliya

Gumeysi iyo isir sifeyn2 days ago

Guddida Carabta iyo Islaamka oo ka soo horjeestay diidmada qayaxan ee Maraykanka intii lagu jiray shirkii BAnthony Blinken ay la qaateen

Afrika2 days ago

Maxaa laga baran karaa Suudaan iyo faragelinta Qaramada Midoobay?

Diblomaasiyadda3 days ago

Shiinaha ayaa uga digay Mareykanka inuu ka fogaado arrimihiisa

Afrika3 days ago

Gumaysigu wuxuu ku dhex nool yahay dunida oo dhan – Pan-Africanist

Yurub3 days ago

Qaramada Midoobay oo qeylo dhaan ka soo saartay saboolnimada carruurta Boqortooyada Midowday

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda4 days ago

Waa maxay sababta luqadda Faransiiska ay u tahay luqadda inta badan looga hadlo Afrika?

Afrika4 days ago

Burkina Faso ayaa mamnuucayso luqadda rasmiga ah ee Faransiiska

Afrika5 days ago

Laba dawladood oo Afrikaan ah ayaa joojiyay heshiisyadii cashuuraha ee Faransiiska

Gumeysi iyo isir sifeyn5 days ago

Masar ayaa cambaareysay go’aanka Israa’iil ee ah in deegaamayn cusub laga dhiso Bariga Quddus

Bariga dhexe5 days ago

Madaxweynaha Ruushka Putin ayaa Abu Dhabi kula kulmay madaxweynaha Imaaraadka Carabta intii uu ku guda jiray booqashada Bariga Dhexe

Diblomaasiyadda6 days ago

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa Arbacada booqan doona Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta – waa maxay ujeedka safarka?

Gumeysi iyo isir sifeyn6 days ago

Dagaalka Israa’iil ee cisbitaallada Qaza

Gumeysi iyo isir sifeyn6 days ago

Azmi Bishara: Israa’iil waxay qorsheynaysaa inay ka saarto dadka Qaza laakiin Masar way joojin kartaa

Afrika7 days ago

Dalalkla Burkina Faso, Maali, iyo Niger ayaa doonaya inay ballaariyaan iskaashigooda cusub

Aragtida Indheergaradka1 week ago

Aragtida shirqoolka iyo caqliyadda ugub ee dhalanteedka waayahan

Gumeysi iyo isir sifeyn1 week ago

Maraykanka oo si qarsoodi ah ugu diray Israa’iil bambooyinka ‘busting’ ee dagaalka Qaza: warbixin

Gumeysi iyo isir sifeyn1 week ago

Israa’iil ayaa qorshaynaysa in ay disho shakhsiyaadka masuuliyiiinta ka ah ururka Xamaas

Gumeysi iyo isir sifeyn1 week ago

Dagaalka Qaza: Israa’iil oo dalalka Carabta ku wargelisay qorshe ay ka damacsan tahay Qaza dagaalka kadib

Siyaasadda Soomaaliya1 week ago

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo bisha soo socota ka qaadi doona cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 weeks ago

Waa kumaa Henry Kissinger, diblomaasigii qaabeeyey siyaasadda arrimaha dibedda ee Mareykanka?

Wararka2 weeks ago

Soomaali ku guulaystay Abaalmarinta Qaramada Midoobay

Wararka2 weeks ago

Ciidamada Badda Mareykanka ayaa gacanta ku dhigay weeraryahano haystay markab lala xiriirinayo Israa’iil

Akhri2 weeks ago

Raxmo-yarey yaa uureeyay?

Wararka2 weeks ago

Diblomaasi.com waxay soo kordhisay qeyb WhatsApp Follow Channel ah ee aad kala socon karto qoraalada

Wararka2 weeks ago

Ku dhawaad 100 qof ayaa ku dhimatay Soomaaliya bishan Nofeember

Akhri2 weeks ago

Xamar iyo Xaalka Fillada Cad

Yurub3 weeks ago

Musharaxii mulxidka ahaa ee ku caanbaxay Islaam Naceybka oo ku guuleystay doorashadii Netherlaan

Wararka3 weeks ago

Dagaalka Qaza: Maxaa ka cusub heshiiskii Xamaas iyo Israa’iil?

Wararka3 weeks ago

Türkiga oo aan ku degdegi doonin in uu fuliyo rajada Iswiidhan ee ku biirista gaashaanbuurta NATO – Reuters

Wararka3 weeks ago

Norway: Laba ka mid ah shaqaalaha xarunta caafimaadka ayaa lagu weeraray mindiyo – waa la xiray sida ay booliska sheegeen

Gumeysi iyo isir sifeyn3 weeks ago

Xildhibaanada Koonfur Afrika ayaa u codeeyay in xiriirka loo jaro Israa’iil

Gumeysi iyo isir sifeyn3 weeks ago

Dagaalka Qaza: Maxay ku heshiiyeen Israa’iil iyo Xamaas?

Siyaasadda Soomaaliya3 weeks ago

Saboolnimo Hoggaamineed

Afrika3 weeks ago

Qaramada Midoobay oo xirtay saldhig kale oo nabad ilaalineed oo ku yaalla Maali

Afrika3 weeks ago

Dimuqraadiyada reer galbeedka waa ay ku fashilantay Afrika – madaxweynihii hore Nayjeeriya

Gumeysi iyo isir sifeyn3 weeks ago

Taliyaha Ciidanka Cirka ee Israa’iil oo ku hanjabay in ay duqayn doonaan dalalka Carabta

Gumeysi iyo isir sifeyn3 weeks ago

Xisbiga haya talada Koonfur Afrika ayaa taageeray in xiriirka loo jaro Israa’iil

Afrika3 weeks ago

Suudaan oo dalbatay in si deg deg ah loo joojiyo howlgalka Qaramada Midoobay – Reuters

Qoyska & Horumarinta Bulshada4 weeks ago

10 Talo oo ku saabsan sida loo helo guusha nolosha

Xul