Connect with us

Akhri

Xamar iyo Xaalka Fillada Cad

Fillo Adduun macaamiishu rag iyo dumarba aad ayay u jecel yihiin, waxaana macamiil ka ah gabdhaha yaryar oo faqrigu iyo daruufaha ka hiiliyay.

Published

on


Waxaa laga yabaa inaad horey u maqashay gabdho badan oo shaqo u raadsaday xafiisyada dowladdaha lagu soo dhiso 4.5 ay la kulmaan xaalado murugo leh, in haddii ay doonayan shaqo ay ku doorsadan jirkooda, xildhibaankaaga waa kee iwm. Waa midka mid ah arrimaha muragada leh ee dalka ka jira, laakiin yaa iswaydiiyey maxaa laga qaban karaa?

Fillada cad macaamiishu rag iyo dumarba aad ayay u jecel yihiin. Waxaana u badan rag ka tirsan xafiiska Villada ee maamulka Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud. Waa guriga mooshinada lala damacsan yahay madaxweyne Xassan iyo ra’isul wasaarada Xamse loogu hortago. Waxay ku dhex taal xaafad u dhow xafiiska loogu arrimiyo dalka, ahna meel deggan kana durugsan indhaha foqorada ee xaasidka ah ee maamulka neceb. Waxay ula baxeen Fillo Adduun. Fureheeda dhawr nin oo isku kalsoon baa haysta. Waa lagu wada danaystaa laguna ka la danaystaa. Kharashka tumashada la isku ma riixriixo ee hadba ninka ay gacantiisu jeebka u horrayso ayaa bixiya. Khamri, qaad, heeso, cunto iyo galmo ayaa lagaga haqab la yahay. Dumarka meesha lagu quutaa waxay u badan yihiin gabdho aad u yaryar oo dhaylo loola baxay oo faqrigu ka hiiliyay. Waxay sheegtaan rag Ilaahay wax siiyay, balaayo ayaa se wax siisay.

Gabdhaha qaarkood ee Fillada cad yimaada waa kuwa jirkooda ku bedeshay shaqo inay xafiisyada dowladda ee maamulka ka helaan daruuftana ay ka hiilisey. Fillo Adduun waxaa ku meegaaran derbi saddex mitir dhulka ka kacsan, waxayna lee dahay beer qurux badan oo dhir, doog iyo ubax ah. Ganjeelo cas oo bir ah ayaa laga soo galaa, dabadeed wadiiqo jay ah la raacaa ilaa albaabka looxa ah ee guriga la gaadho. Wuxuu ka kooban yahay kijo weyn, laba musqulood oo qubays leh, fadhi weyn, qol cunto iyo shan qol oo kale.

Qolalka fadhiga waxaa goglan furshaan iyo barkimooyin debecsan, halkaas ayaana hurdo iyo soojeedba lagu danaystaa. Dhawr nin oo isyaqaan ayaa joogto ku ah, laakiin dumarka maalin maalin ayaa loo beddelaa. Ta keliya ee ku raagtay waa Raxmo-Yarey oo adeegto ku magacaaban si walba se looga muraadsaday.

Filladaas ayaa waxii bad ka soo dega iyo waxii barri ka soo baxaba la isugu keenaa laguna burburiyaa. Qofkii raba in uu waasho qaboojiyaha iyo miisaskaba khamri baa uga buuxa, qofkii raba in uu marqaamo marduufyo dhaylo ah baa mafrishka daadsan, qofkii gaajo yar dareemana kijada ayaa heegan loogu yahay. Maxaa loo lee yahay dalku waa sabool? Waa dad baas oo dhanka xun uun wax ka arka. Inta bakhtiyaysaba la arag ee inta dheregtay maa la arko? ‘Tareenka dhinacaaga ka raac’.

Qaadkii MW Farmaajo xeray ee Kiinya dib ayaa loo furay, waxaa la burburiyey xubnaha Guddiga Ladagaalanka Musuqmaasuqa, kuwaasi oo la dhisay xiligii madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, dalka oo dhan waxaa ka jira macluul baahsan laakiin Fillo Adduun waxba ka ma qaaliyoobaan waxbana mamnuuc ka ma noqdaan. Waxii qaaliyooba qiimo kasta waa lagu gataa, waxii sharcigu diidana shaati garbo cas baa loo xidhaa. Balwad baa shidan beesana waa loo hayaa. Waxaa la fuushan yahay mawjad lacag ah oo si xun lagu helo si xunna ku baxda.

Filladaas ayaa maanta oo jimce ah sidii caadiga ahayd firaashan. Goortu waa fiid galabnimo ayaa se la fadhiistay. Xaafadi waxay xaafad ugu wareegtaa waa xasarade dhawrka qol midba xayn baa fadhida xaalkeedu u gooni yahay. Laba laba ayaa la isugu lammaan yahay.

Waa qolal waasac ah, waxaana dhulka si qurux badan u yaal furshaan iyo barkimooyin. Dhexda waxaa qotoma miis yar ballaadhan laakiin dhulka u dhow. Quraarado khamri ka buuxo, miirow badan oo ay caleen muus ku duuban tahay maro cad oo nadiif ahina ku sii duuban tahay, iyo baakado sigaar ah ayaa miiska dul saaran. Waxaa dhinac yaal rikoodh weyn oo Panasonic ah, kaas oo ay luuqdii jacayl calaacalka ahayd ee Cumar Dhuule ka soo burqanayso. Qaad kale ayaa gogosha lagu fadhiyo ku furan oo ay ilaa galabta afarta qof si habsami leh u laan qaadayeen. Cabbitaanka quraaradaha ku dhaansan lagu degdegi maayo waayo duulka meesha lagu hayaa waa hablo yar yar oo habid u baahan.

Gelinkii hore, intii xanafta la isu qabay, sheekada waa la wadaagayay, laakiin goorahan waa la ka la soocmay. Laba waliba waxa ay isku qabaan waa u gooni oo qolka labadiisa gees ayaa barkimooyin buurbuuran lagu ka la lumay. Wiil iska yar dhalinyaro ah oo da’diisa lagu qiyaasay 40 jir oo Jigjiga ka imaaday dad ahaan ay magaaladda Xamar isugu xiggaan RW Xamse Cabdi Barre oo magaciisa lagu sheegay Qorane iyo gabar yar oo iyaduna sidaas aan ilbaxnimada u gaarin ayaa sida muuqata meel fiican ayay u maraysaa oo qosol ayay firixdu ka dhammaatay. Isaga macawis keliya ayaa korkiisa ku hadhay, laakiin iyada weli hugeedu wuu u dhan yahay. Qubays mooyee weligeed si kale dhar iskagama ay wada bixin, wuxuuba ula mid yahay dubkeeda. Maanta ayaa la barayaa dubkeeda iyo dharkeedu in ay ka la laba yihiin. Sidii loo qaawin lahaa ayaa falkeed la hayaa. Faraha afartan-jirkan jirka ah ee marba meel ka xadantaynayaa waxay marsan yihiin fal iyo maddiido aanay iska caabbiyi karin. Labaduba waa nooca loo la baxay dhaylo, ta saaxiibkiis Cabdulle oo asigana madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud ay dad isugu dhowyihiin, sida la sheego waxay ku saaxibeen danta qaranka la fadhida ayaa se in kasta oo ay gu keliya weyn tahay gaangistarsan. Durba waa taas miirowgii iyo maaxdii isku muudsatay ee jirjircadka u taal. Tan kale bilawgii aad ayay u didsanayd, welina waa ay fiigsan tahay, laakiin xaalkeedu waa “Qofkii qayrkii loo xiirayoow adiguna soo qoyso”.

“Naa taadan yari, jaad uun baad afka ku haysaaye, ma waxaad tahay ri’dii Afmadow? Bal hoo bakeerigan farxadda la dhididaya dhabannada qabso”, waxaa ku yidhi Qorane.

“Adeer iga dhaaf.”

“Adeer? Ma aniga ayaad adeer igu lee dahay?” “Maxaan ku dhahaa hee?” “Gacaliye i dheh.”

“Haye, gacaliye waxaan weligay ma cabbin ee iga dhaaf.”

“Wax walba mar uun baa la bilaabaaye hoo. Saaxiibtaa waxa qosol ka dhacaya sow maqli maysid?”

“Qosol beele iga tag! Qoftaan waalatay ee maryihii xoortay maa qosol wax ka og?”

“Maryaha farxad bay la tuurtaye, nolol aadan waxba ka ogayn waalli ha ku sheegine, bal horta dhadhami.”

“Iga tag, Ilaahow aanan dhadhamine!”

“Ha iska habaarine bal horta tijaabi. Imisa jir baad tahay?” “Toban iyo shan.”

“Ma toban iyo shan ku dhan? Nin la’aan baad la dhali wayday markaasaad sharoobo ka baqaysaa.”

“Sharoobo? Suntan maa sharoobo eh?”

“Yareey, dawada sun ha ku sheegin!”

“Alla beentaa iiga daran aan habartay dhahay saaxiibtay aan la soo seexanaa.”

“Haddaba sow saaxiibtaa la ma joogtid?”

“Haddii la joogo intee la joogaa? Saaxiibna ma aha ee waxan dhan ayadaa ii keentay. Wiilal fiican aan soo booqanaynnaa ku leheed! Saan maa fiicnaan eh?”

“Wiilasha naga fiicani xaggee bay joogaan? Maxay haystaan?” “Waxaan dhan filin aa ka roon. Wallaahi beeso aan bajaaj ku raaco haddii heesan lahaa cawada inta ma idinla joogi leheen.”

Maxaad u baahan tahay hadda aan kuu keenaa?” “Wax kasta oon rabo ma ii keenee?”

“Haa, wax kasta oo suurtogal ah.”

“Aniga iyo saaxiibtay laba buug ma noo gadee?” “Laba buug oo maxay ah?”

“Sheeko cusub oo la dhaho ‘Jeceelkii jin aa galay’?” iyo buugga “Garaadso Inta Aadan Guursanin”

“Wax yar baad sheegatay. Aniga ayaa jacaylkaa jinku galay idiin iibinaya. Waa ballan. Laakiin dhar badnidaa ma salaad baad ku jirtaa? Kulaylkiisa aan kaa bixiyo ee keen.”

“Alla maya adeer, waan ku tuugaa ii dhaaf.”

“Sow ku ma aan odhan gacaliyahaaga adeer ha ku sheegin? Ma waxaad donaysaa in aan ku furo?”

“In aan ku furo? Oo shimeen isguursannay?”

“Markii aad ii timid. Maba ogid miyaa?”

“Aar kanaa! Haye, shimee i furee?”

“Marka aan doono, imikaba ma ku furaa?”

“Maya, saacaddan xaafaddii ma aadi karo.”

“Haddaba aan dharka kulaylkiisa kaa bixiyee keen, adiguna aniga iga bixi.”

“Meeshanaa?”

“Haa, meeshan. Ma cid aan saaxiibtaa iyo saaxiibkay ahayn baa ina arkaysa? Hadhowna qol kale ayaynnu labadeennu u guuraynnaa. Laakiin bal horta dharka iska fududee.” “Bacdeen qaawanaan maan joogaa?”

“Maya, innaga ayaa isgashanayna.”

“Innaga seen isu gashanaynaa dhar maan nahay?” “Aniga ayaa ku tusaya sida la isu gashado.” “I dhaaf! Dhaaf! I dhaaaaf!”

Cabbaar ayuu xaaraamaha sidaas ugu doocdoociyay oo mar kaftan uga dhigay marna dhab. Wuxuu og yahay haddii uu balwad dhadhansiiyo in ay sidii qof maddiiddaysan agtiisa iyo aqalkiisa oggolaan doonto. Dhallinta da’dan ahina balwadda wax uga nugul oo sida ay wax walba ’ka war doon’ isu leh yihiin ayay af yaxaas galaan. Yartu waxan caawa oo dhan la daba wado, ee saaxiibaddeed jirjircadka u legday ee kaga qosliyay, may tijaabiso? Qorane wuu farxay markii ay goor dambe soo debecday.

“Waa kaa yeelaa, laakiin waxii dhaca ad lee waaye.” “Waxba dhici maayaane intaa isdhaafi.”

“Uf, waxa ur badanaa!”

“Xaggee baad sharoobo udgoon ku aragtay?” “Akh, qaraar badanaa!”

“Carrabka ha geline caadi u kabbo. Haa, sidaas. Ha soo tufin ee liq!”

“Akh, akh, akh! Balaayada qaraar badanaa, armaan ku dhintaa!” “Xaggee baad ku aragtay dawo lagu dhinto? Mar kale kabbo. “Qux, qux, qux!”

“Shifo! Qufacu waa caadiye mar kale kabbo.”

“Alla ceeb badanaa! Cawadaan u darnaa aan aalkolo cabay!”

Miiskii ayuu Qorane tiigsaday oo heestii Youtube-ka ka daarneed ee Cumar Dhuule mid Maamed Mooge ah ku beddelay. Iftiinku wuu gamaarsan yahay, wuxuu se dirqi ku arkay Cabdulle iyo yartiisii oo inta ay cidhifka ugu fog ee qolka isku la durkeen laabta isku haya oo isku juuq daayay. Laba xabbadood oo sigaar ah ayuu soo shiday oo mid isagu nuugay midna inantii dibnaha u geliyay.

“Imika sow maad kululaan? Keen haddaba dharka kaa yareeyee”, ayuu ku yidhi.

“Sug nooh adiga, see waaye! Aaa! Adiga jinni maa qabtaa intee noo qaniinee!”

“Ma dhunkashada ayaad qaniinyo u taqaan?” “Ilkaha maa la isku dhunkadaa?”

“Wax walba waa la isku dhunkadaaye aamus oo adiguna i dhunko.”

“Horta carrabkaaga naga dhaaf. Tartiib nooh adiga, waxaaga xoog waayee!”

“Usuus!”

Ilaa muddo dheer ayaa la durduuranayay, cosobkana la mayracanayay. Goor ay saacaddu tahay kowdii habeennimo ayay baroor gabdheed deriska intii seexatay toosisay intii soo jeeddayna dhego barjaysay. Waa labadii gabdhood oo iyaga oo aan cagaha isku taagi karin carrabkana ceshan karin Fillo Adduun horteeda galgalanaya. Labadii nin oo aan iyaga qudhooda hablaha dhaamin ayaa la legdamaya, marbana derbi ku la dhacaya, oo isku dayaya in

ay guriga ku xereeyaan. Gabdhuhu miyir iyo muruq toonna ma hayaan laakiin waxay diidayaan in ay guriga galaan. Mid baa aad u ooyaysa oo cod daallan ku leh:

“Adeeer… adeer… waaa… ku tuuugaaa… tagsi… isaar… imti… imtixaankii… habartay… waan… ballanqaaday… inaan baaso… faraha iga qaaad…”

Nacnac! Faduushii Filla Adduun soo gelisay ha ka saarto! Meesha ma waxay moodayeen malcaamad Qur’aanka lagu barto?

RW Xamse ina adeerkiis Qorane iyo Cabdulle oo asigana Xassan Sh. Maxamuud dad isugu dhowyihiin waa ay feedho qaawan yihiin, qaarka hoosana laba macawisood oo fadhigii badnaa ku jactaday ayaa kaga duuban. Inta ay habluhu ooyayaan iyaguna waa ay duryamayaan oo waxay diiddan yihiin naagahaa yaryar ee kharashka iyo waqtiga badan ka lumiyay in ay habeenkii oo intii badnayd hadhay guryihii hooyooyinkood isaga hurdo doontaan.

“Fillada ma waxay moodayaan mawlac qofka meel kale waayaa u soo nolol doonto marka uu cokanaadana ka carraabo?” ayuu Qorane ku dooday.

“Denbiga oo dhan adiga ayaa leh, naago yar yar oo casarka soo xareediya cawayskana carrabka ceshan kari waaya wax badan baad aragtaye maxaad ugu oggolaatay in ay soo baxaan?” ayuu Cabdulle saaxiibkii ku hiifay.

“Balaayo ku dhacdaygu goor ay soo baxeenba ma anigaa ogaa.” Dad badan oo deriska ah ayaa meeshii ku soo xoomay. Qorane iyo Cabdulle waxay isku dayeen dhawrkii qof ee ugu soo horreeyay in ay ka la diraan.

“Naga taga! Naga ag dareera! Guryihiinna miyaanu idiinku nimid? Naga qaada shoobbaraha.”

Laakiin marka ay dadku soo bataanba xanaaquna wuu sii badanayay. Cabdulle oo ka yar xariifsan Qorane wuxuu isku dayay arrinta in uu qaboojiyo, oo xataa markii dambe wuxuu oggolaaday haddii ay habluhu diideen in ay guriga ku noqdaan in uu tagsi saaro. Laakiin yartii weli waa ay ooyaysaa, taasina dadkii meesha ku soo ururay ayay kaga xanaajisay, gaar ahaan markii la ogaaday gabdhuhu in ay sakhraansan yihiin isla markaasna imtixaan iyo dugsi u barooranayaan.

“Waa kuwaas kuwa dalka qarribay oo waxa ay nidaam ku sheegeen 4.5 lagu soo doortay dadkana fasahaadiyay. Bal inta ay laala’eg yihiin iyo waxa ay carruurta ku dullaynayaan eega! Dulli Alle idin bad!” waxaa ku haaraamay oday codkiisa xabeebtii hurdada uu ka soo kacay laga garanayo oo go hullaaban.

Intii aanay Qorane iyo Cabdulle hadalka odayga ka jawaabin ayay cay iyo canaan kale sida hogosha ugu hooreen. Dadka Filla Adduun ku tunta iyo deriska aqooni ka ma dhexayso, ismana dhex galaan, xataa isma salaamaan. Laakiin intooda waxay u furan tahay ogi nacayb badan ayay u qabaan.

Dhawr eray oo canaan ah markii la isweydaarsaday ayay xiisaddu cirka isku sii shareertay, Qorane iyo Cabdulle ayaa sida Buurta Carrafa dhagax la huwiyay. Iyaga oo nabarro qaba markii ay gudaha u yaaceen filladii oo dhan ayaa isu dayaantay. Quraaradihii daqaadaha oo dhulka u daadanaya ayaa la maqlay, ganjeeladii ayaa la gilgilay kooxdii gudaha ku jirtayna kabash kabashtii ayaa ka dhammaatay oo marba qol ayay isu dabo yaaceen. Dadka meesha ku jira waxaa ka mid ah Qorane iyo sarkaal kale oo bastoolado ku hubaysan.

“Iska fadhiya, iska fadhiya idinku, bani aadan kibiray aniga ayaa shaqadooda aqaane”, ayuu Qorane martidii u sheegay, nabar dhafoorka kaga dhacay inta uu dhiig ka masaxay ayuu bastooladdii la soo baxay oo cabbaystay.

Inta uu mar kale ganjeeladii furay ayuu dadkii oo dhagax la soo tuban laba xabbadood cagaha u geliyay. Kabtaydii meeday ayaa ka dhacday, iyaga oo orodkii isa sii dul fuulaya ayuuna sii daawaday. Labadii gabdhood ee muranku ka bilawdayna dadkii yaacay ayaa hore u sii jiitay. Habeenkaas ayaa dadkaa masaakiinta ah ugu dambaysay in ay filladaa barakaysan ku soo xad gudbaan. Subaxdiiba waxaa xafiiska Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, Boostada iyo War-isgaarsiinta sheegtay in xalay goobtaasi Khawaarijta soo weerartay balse aan la xaqiijin karin heybtooda.

__

Anigoo akhrinaayo buugga Aanadii Nageeye ee uu qoray Ibraahin Yuusuf Axmed Hawd ayaan waxaan arkay sheekadani inay xittaa waaqiga maanta ee dalkeena ay taabanayso, horeyna dhowr gabdhood oo aan aqaano ayaa iigaga sheekeyey waxyaabaha ay kala kulmeen wasaaradaha dowladda iyagoo shaqo raadis ah.

Facebook Comments Box

Xafiiska Arrimaha Bulshada iyo Qoyska waa xafiis shaqadiisu tahay in lagu falanqeeyo, lagu soo gudbiyo arrimaha la xariira bulshada iyo qoyska.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Arrimaha Bulshada iyo Qoyska

4-taan qoddob ku illaali noloshaada haddii ay dhab kaa tahay horumar inaad gaarto

“Kuwa aan bedeli karin maskaxdooda waxba ma bedeli karaan.” – George Bernard Shaw

Published

on


Nolosha siddeeduba kama maaranto wacdi iyo waano si ay isbeddel ugu sameyso waayaha la joogo. Si aad isbeddel iyo horumar kaga sameyso nolosha maxaa ugu horeyn lagaaga baahan yahay? Waxaa inta badan dadka maskaxdooda kusoo dhacdo in horumarka uu yahay waxyaabo badi ay aaminsan yihiin balse fikrad ahaan mid rogan oo u janjeerta dhan kale.

“Ha ku riyoon guusha; kac oo u shaqee”. – Dean Graziosi

Dadka qaar ayaa horumar ka sameeyay nolosha nuucyadeeda kala duwan ayagoo ujeedkooda uu ahaa in lagu amaano wax qabadkii ay soo ayadoo waqtiga la joogay ay ahaayeen waxyaabihii loogu baahida badnaa. Waxaan qayaasaa in maskaxdaada ay kusoo dhaceen dad badan oo taqaano ama aad ku baratay manaahijta waxbarashada, waxaa ka mid ah rag soo kordhiyay/ shaaciyay waxyaabo badan oo maanta si maalinle ah loogu isticmaalo dunnida.

Hindisida farsamooyinka iyo qalabyada isticmaalka maalinlaha ah ayaa keentay qoddobo badan oo ay ka mid tahay xal u helida mushkilada aalada iyo dad diidan in lasoo kordhiyo farsamooyinkan, haddaba taariikhdan in badan oo kamid ah waxaan ku xasuuna ninkii soo kordhiyay allaada korontada.

Haddaba si aad u dhameysato maqaalkan waxaan kuu soo gudbin doonaa dhowr qodob aan isleeyahay way ku haboon tahay in horu’mar laga sameeyo inta la noolyahay.

Cibaado joogto ah

Cibaadada waxay ka mid tahay waxyaabaha nolosha qofka hagaajiya, haddii uusan qofka laheyn cibaado joogta waxaa yaraanaayo horu’marka qofka nolosha uu ka sameyn karo balse haddii aynu nolosheenu leedahay ciibaado joogta waxaa yaraan doono xummaha ay nafta doonto waxaadna horu’mar ka sameyneysaa xagga rabbi.

Cibaadada waxay ka mid tahay waxyaabaha qofka ka reeba xumaanta kasoo suurta gal ay tahay haddii uu qofka cibaadada ka haro in noloshiisa aduunyo ay usii badaneyso dhanka xumaanta. Haddada si aan horu’mar dhab ah u sameyno marka hore waa inaan Alle raali gelinaa kana soo baxnaa waajibaadka naga saaran cibaadada alle.

Cibaada waa mid ma kid ah waxaa keena guusha, waxa guul laga sameeyana waa waxa ugu wanaagsan nolosha aduun iyo aaqiro. Cibaadada iyo faa’iidooyinkeeda ma ahan mid aan halkaan kusoo koobi karo balse arka qof kastoo Muslim dhab ah noloshiisana ka wax badan ka badeshay cibaadada.

Haddaba dhamaanteen waxaa isugu dardaarmeynaa in marka horre guul laga sameeyo cibaadada alle taasoo ah in qofka uu biiriyo cibaaddiisa si alle kuugu toosiyo wadada toosan Allena ha inaga dhigo kuwii cibaadadooda la aqbalo.

Xiriirinta qaraabada

Dadka inbadan oo kamid ah kuma buraarugsana faa’iidada ay leedahay xiiriirinta qaraabada balse xiriirinta qaraabada waxay ka mid tahay wayaabaha horu’marka u keeno nolosha beni’aadamka gaar ahaan xillida loogu baahi badan yahay.

Haddaaba isxiriirintu waa shey inta badan nolosheena caqabad ku ah taasoo u baahan In nafta la barro siddii ay bulshada kulla dhaqmi laheyd xiriir wanaagsan iyo dhaqan ku dhisan is ixtiraam.

Waxaa laga yaabaa inay kugu soo dhaceen waxyaabo badan taasoo aadan ku buraarugsaneyn waxtarkooda, si taasi la mid ah xiriirinta qoyska ama qaraabada waa mid nolosheena muhiim u ah hase yeeshee aanan ficil ahaan sameynin, waxayna faa’iido u leedahay maskaxda qofka si uu horu’mar kaga sameeyo nolosha.

Waxaa laa yaabaa inaad isweydiineyso maxaa isku xiray horu’marka noloshaada iyo xiriirinta qoyska? Dabcan, inbadan nolosheena waxaa bedela sidda loogu dhaqmo meelaha aynu ku nool nahay taasoo asal ahaan ay tahay sidda nolosheena loogu tarbiyeeyay dhaqamada isbed-bedela ee nolosha.

Haddaba si loogu baaqsado isbedeladaan ku socda nolosha waa in nolosheena bilow ilaa iyo dhamaad ku xirnaanaataa qoyska si uusan u dabar go’in dhaqamada nolosheena.

Siddoo kale rabi wuxuu na kor  yeelay in la xiriiriyo qaraabada iyo siddoo kale dadka xanuunsan, si qofka sahay uu ugu qaato noloshiisa.

Markii aan ku jirno da’da caruurnimada ilaa laga soo gaaro da’da dhalanyarada nimada waxaan ku tiirsan nahay qoyskeen si’aan ula tacaalno nolosha heerarkeeda kala duwan, waxaana wajahnaa marxalado kala si aan mar ugu soo muuqano nolosha isbedelna u sameyno heerarkeeda kala duwan balse intaa oo dhan waxaa naga caabiyo waalidkeen haddii uu san alle dhoofsan.

Siddaa darteeda si aan isbedelo dhab ah u sameyno nolosheena waa inaad nafta u horsesdnaa wixii waxtar u leh taasoo ay ka mid tahay inaan xiriirino qaraabada xiriirinta qaraabada.

Nafaqo joogta ah

Nafaqada waa mid ka mid ah waxyaabaha jirka kusoo celiya tamar-ta si jirka awood u yeesho inuu qabto howl ama shaqo taasoo waqtiga la joogo loo baahan yahay.

In jirka uu si toos ah u helo nafaqo joogta waxay ka dhigan tahay in jirka uu qabto shaqadii loo baahnaa taaso lagama maarmaan u ah nolosha qofka iyo jiritaankeeda.

Si kastaba ha’ahaatee nafaqada waxaa kasoo horjeeda nafaqo daro taasoo aan naqaano dhibaatooyinka laga dhaxlo iyo cudurada ay keento. Si aan ula jaanqaadno isbedelada cimilada iyo midda degaan ka waa in jirkeena uu helaa nafaqo joogta ah intii aan ku dadaali karno.

Waxbarasho

Waxbarashada waa mid ka mid ah waxyaabaha nolosha fududeeya kaasoo mararka qaar u jiheeya dhanka hagaagsan. Barashada cilmiga nuucyadiisa ka duwan waa mid ku dhisan jiritaanka aadanaha taaso micno ahaan u taagan waxa bulshada lagu xiriiri karo.

Waxbarashada iyo faa’iidooyinkeeda kagama hadli doono halkaan ayadoo ay jiraan waxyaabo badan ay faa’iido u tahay waxbarashada.

Halkan ka aqriso maqaal aan kaga hadlaayo faa’iidooyinka ay leedahay waxbarashada.Halkan ka aqriso maqaal aan kaga hadlaayo faa’iidooyinka ay leedahay waxbarashada.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda

Sida reer galbeedku u maareeyaan Afrika iyaga oo adeegsanaya warbaahinta dhaqanka gumaysiga ku salaysan

“Afrika waxay soo saartaa wax aysan cunin, waxayna cuntaa wax aysan soo saarin.”- Barafisoor Cali A. Mazrui

Published

on

FILE PHOTO. © ALEXANDER JOE/AFP

Dagaalka madax-bannaanida Afrika laguma guulaysan karo ilaa ay Afrika si dhammaystiran oo aan la dafiri karin u maamusho warbaahinteeda, ayay Rosalynde Ainslie ku qortay buuggeeda ‘The Press in Africa’ laga soo bilaabo 1960-kii, oo ka mid ah buugaagtii ugu horreysay ee ku saabsan warbaahinta Afrika.

Durba waayadaas, waxaa caddaatay in cid kasta oo maamusha warbaahintu ay wax badan ka maamusho qaybinta macluumaadka. Warbaahintu waa hub xoog badan – waxay qaabaysaa ra’yiga dadweynaha, waxay samaysaa aragti adduun oo gaar ah, waxayna ka caawisaa dadka inay aqoonsadaan meesha ay kaga jiraan adduunka. Wadamada Afrikaanka ah ee dhawaan xoroobay, waxaas oo dhami aad bay muhiim ugu ahaayeen.

Awood jilicsan

Qarnigii 20-aad oo dhan, waddamada Afrikaanka ah ma aysan helin fursad ay kula falgalaan adduunka intiisa kale iyagoo ku qotoma hab-dhaqan iyo xog-wareed siman. Waxa loo tixgalin jiray shay waxbarasho ama sida macaamiisha macluumaadka. Ka dib markii ay xornimada heshay, Afrika waxay dhaxashay oo kaliya dhaqaalaha ‘gumeysiga’ (ee halka hal-dhinac ee “neacolonialism”) oo ka yimid gumaystayaashii, laakiin sidoo kale kaabayaasha bulsheed ee ku jihaysan magaalooyinkii hore, taas oo si cad uga muuqata warbaahinteeda guud.

Warbaahinta Afrika ayaa isbeddelay oo horumartay wakhti ka dib, laakiin saamaynta ay sameeyeen quwadihii hore ee gumaystaha iyo Maraykanku ma daciifin ee waa la bedelay. Xaaladaha qaarkood, saameyntani xitaa way korodhay, ka dib burburkii adduunka laba-cirifoodka wuxuu noqday ku dhawaad wadarta.

Erayga “neacolonialism” guud ahaan waxa uu matalaa ficilada iyo saamaynta astaamaha haraagii fikirkii gumaystihii Afrika iyo wakiilada waagii gumeysiga ee bulshada maamulayey.

Erayga Afsoomaali ahaan wuxuu noqon karaa ‘Haraagii fikirka gumaystaha’. Dhab ahaantii, dhinac kasta oo ka mid ah bulshadii hore ee la gumaysan jiray ayaa weli ku dhex jirta saamaynta gumaysiga uu ku reebay. Saamayntan waxaa kamid ah dadkii gumaystaha wakiiladooda ahaa kuwaas oo dhaqan ahaan iyo hab-fikirkooda uu saameeyay noloshii kale ee bulshada.

“Marka laga hadlaayo mawduucyada la xariira dowlad-dhiska, amniga iyo siyaasadda xirriirka caalamiga ah ‘eraygaan waxa uu noqday mawduuc lagama maarmaan u ah Falsafadda Afrika, gaar ahaan falsafada siyaasadeed ee Afrika.” ayuu qoray Cabdijabaar Sh. Axmed oo wax ka dhiga Jaamacadda Ramaas.

Ereyga ‘necolonialism’ wuxuu inta badan tilmaamayaa nooc ka mid ah xakamaynta dhaqaalle ee loogu talagalay ka faa’iidaysiga gumeysi hore ka dib markii ay helaan madaxbannaani siyaasadeed. Laakiin marka laga reebo dhaqaalaha iyo siyaasadda, fikraddani waxay ka jirtaa dhinacyada hab-fikirka bulsheed, dhaqanka, sayniska, waxbarashada, iyo helida macluumaadka. Dhinacyadan, waxay ku gaartaa yoolal isku mid ah, kaliya iyada oo la adeegsanayo hababka kale ee ‘jilicsan’ (fikirka awoodda jilicsan uma muuqan fursad) ama iyada oo la isku darayo cadaadis dhaqaale, iyo milatari.

Hababka dhinaca macluumaadka waxay si dhow u shabahaan kuwii uu Professor Cali A. Mazrui ku tilmaamay buugiisa ‘Africa, the next soththty years’. “Afrika waxay soo saartaa wax aysan cunin, waxayna cuntaa wax aysan soo saarin.”

Madax-bannaani ku salaysan xeerarkii hore ee gumaystaha

Warbaahinta guud ee Afrika waxay ahayd markii hore qalabkii gumeysiga. Waxay ahayd in loo jiheeyo quwadaha reer Yurub si ay u muujiyaan sarrayntii gumaystaha iyo in dunida reer galbeedka loo muujiyo horumar iyo ilbaxnimo. Tan iyo sannadihii ugu horreeyay ee ay xornimada qaateen, waddamada Afrikaanka ah waxa ay dhib ku qabeen helista iyo qaybinta macluumaadka. Tusaale ahaan, xirriirka talefoonada ee u dhexeeya dalalka Afrika waxa lagu qabtay Paris, London, ama Brussels.

Warshadaha daabacaadda waxa u badnaa caasimado shisheeye ama reer Yurub ah, kuwaas oo gacanta ku hayay qoraalada si weyn loo faafiyay. Waxaa jiray madbacayaal Afrikaan ah oo yar, waxayna lahaayeen kaliya wargeysyo yar yar oo xaddidan. Si kastaba ha ahaatee, wargeysyadani waxay ahaayeen kuwo aad u saameeya marka ay timaado kicinta siyaasadeed iyo dacaayaddeed.

Mid ka mid ah wargeysyada ugu caansan Afrika wuxuu ahaa Nigeria’s The West African Pilot, markii ugu horeysay ee la daabacay 1935. Tifaftiraheeda wuxuu ahaa Nnamdi Azikiwe (kaasoo markii dambe noqday guddoomiyaha guud, madax-bannaanida Nayjeeriya 1960).

Ujeeddada ugu weyn ee wargeyskaas waxay ahayd in lala dagaalamo gumeysiga Ingiriiska, halku-dhiggiisuna wuxuu ahaa: “Show the light and the people will find the way.” Azikiwe asal ahaan wuxuu abuuray shirkad u gaar ah, Zik Press Limited, oo ay ku jiraan waraaqo kale oo dhowr ah oo ay mararka qaarkood mamnuuceen maamulka gumeysiga “sababtoo ah si khaldan oo xaqiiqda ah.” Si kastaba ha ahaatee, waraaqahani way sii jireen oo waxay ka caawiyeen dalka inuu dagaalamo ilaa guushii ugu dambaysay ee 1960kii.

Sawirkii la sii daayay Nofeember 16, 1955 madaxweynihii ugu horreeyay ee Nayjeeriya, Nnamdi Azikiwe (1963 ilaa 1966) wuxuu ahaa qofkii aasaasay warbaahinta Zik Press Limited © AFP

Dhibka kale wuxuu ahaa in Afrika ay ku yar yihiin saxafiyiinta xirfadleyda ah. Dhanka kale, koorsooyinka iyo barnaamijyada saxaafadda ee kaliya ee ka jiray Afrika waxay ahaayeen kuwa ay bixiyaan machadyada reer galbeedka.

Markii ay Afrika xornimada qaadatay, dhammaan nidaamyada baahinta wararka waxaa gacanta ku hayay dowlad. Maamuladii gumaysigu waxay abuureen qaababka baahinta oo ahaa fidinta siyaasadaha Imperial-ka ah (ama Imperialist, sida ay dad badani aaminsan yihiin) iyo hab lagu maamulo fikirka ama dacaayad toos ah.

Sannadihii ugu horreeyay ee xornimada Afrika, nidaamyada baahinta dawladeed ee laga dhaxlay maamulladii gumeysiga iyo qaramaynta waxay u adeegayeen dano guud waxayna gacan ka geysteen horumarinta dalalkii xornimada qaatay. Warbaahinta waxay kor u qaaday daryeelka caafimaadka iyadoo dhiirigelisay tallaalka iyo ka caawinta dalka la dagaalanka cudurrada faafa, waxayna taageertay barnaamijyada akhris-qoraalka. Waxaasoo dhan waxay ahaayeen kuwo aad waxtar u leh, laakiin barnaamijyadani waxay u baahnaayeen taageero dhaqaale iyo qaybin ballaaran.

Tusaale ahaan, baahinta raadiyaha, oo Gambia laga aasaasay 1965, waxay doonaysay inay qaadato luqadaha maxalliga ah, muusigga, iyo barnaamijyada dhaqanka. Nayjeeriya, Bahda Warbaahinta waxay ku fidday dalka oo dhan, barnaamijyadeeda waxbarasho iyo wacyigelintuna aad bay caan u ahaayeen.

Waagii xornimada waxaa ka dhashay fikrado badan oo ku saabsan nabadda, xorriyadda, caddaaladda, iyo horumarka bulshada – mabaadi’da sare ee xudunta u ahayd la dagaallanka gumeysiga. Laakin, sidii ay noqotay, aad bay u adkeyd in la dhiso quruumo gumeysi ka dib aasaaskii gumeysiga.

Waxaase la yaab leh, ka dib markii ay xornimada qaateen, inta badan waddamada Afrikaanka ah ma aysan ka tagin shuruucdii gumeysiga ee markii hore lagu ansixiyay dadka u ololeeya gumeystaha, kuwaas oo qaarkood ay markaa noqdeen hoggaamiyeyaasha dalalka cusub ee madaxbannaan.

Ilaa maanta, warbaahinta Afrika waxay inta badan adeegsataa afafka gumaystayaashii hore, iyada oo taas loo marayo, rabitaan ama yuusan ahaynba, waxay taageertaa oo hubisaa xukunka dhaqanka ee reer galbeedka. Xaaladdaha way ku kala duwan yihiin waddan ilaa waddan kale. Laakiin Ingiriisiga, Faransiiska, iyo Boortaqiiska ayaa weli ah luqadaha ugu caansan Afrika.

Tusaalle ahaan, Jabuuti waa waddan ku hadla luqado badan. Labada luuqadood ee ugu horreeya ee haysta maqaam rasmi ah waa Faransiis iyo Carabi, mid kastaa wuxuu leeyahay muhiimad taariikheed iyo dhaqameed laakiin akhristoow waxaad iswaydiinaysaa aaway luuqaddoodii afka soomaaliya?

Sagaashamaadkii iyo maamulkii reer galbeedka

Sagaashamaadkii, burburkii Soofiyeetka ka dib, waxaa la xoreeyey warshadihii warbaahinta, taasina waxay keentay isbeddel weyn oo ku yimid bulshada iyo burburkii warbaahintii guud ee dalal badan.

Caalimaynta xogta way kortay, qaababka cusub ee baahintana waxay tirtireen xudduudaha dalalka. Dhaqan aan toos ahayn ayaa soo baxay oo hal dhinac ah oo u dhexeeya Galbeedka iyo Koonfurta Caalamka taasoo sahashay dalalka reer Galbeedka inay gudbiyaan aragtidooda ah sida ay dunida ka rabbaan inay ahaato iyo fikradahooda ah inay ka taliyaan adduunka intiisa kale.

Muuqaal gaar ah oo 1990-aadkii ayaa ahaa maqnaanshaha mawduucyada Afrika ee warbaahinta Afrika. Wararka Afrika ma helin wax badan oo laga sii daayo raadiyaha iyo talefishinada, dadkuna waxay ku falanqeyn karaan dhacdooyinka dalalkooda oo kaliya muraayadda warbaahinta reer galbeedka. Barnaamijyada TV-ga waxay inta badan ka koobnaayeen maaweelo raqiis ah oo kor u qaadaysa qaab nololeedka iyo qiyamka reer galbeedka.

Soomaaliya marka la jooga dowladdii Kacaanka oo ugu wakhtiga dheereyd waxay warbaahinta u adeegsan jirtay buunbuuninta Kacaanka. Falsafadda lagu shaqaynayay waxay ahayd Hanti-Wadaag kaas oo laga soo minguuriyay falasuufayadii Karl Marks oo Jarmalka u dhashay iyo Vladamir Lenin oo ahaa asaasihii Midoowgii Soviet-ka. Wuxuu fikirkan ku dhisnaa hab dadka ay isku wada dabaqad yihiin, wax kastana ay dowladda leedahay.

Balse ma ahayn fikrado mutaxan kaligood, waxaa hareer socday arrinta loo yaqaano hanti-wadaaggii sancada ama scientific socialism, iyada oo Soomaaliya laga hirgaliyay warshadihii ugu badnaa, lana dhisay ciidankii ugu tayada badnaa. Waxaa sidoo kale la fidiyay adeegyadii ugu balaarnaa ee ay dowladi bixiso, gaar ahaan waxbarashada iyo caafimaadka.

Mashaariicdii ugu waaweyneyd waxaa ka mid ahaa bacaadcelintii Shalanbood iyo ololihii farta Soomaaliga, lagu fuliyay ka qeybgalin dadweyne tii ugu baaxadda weyneyd abid, sida lagu qoray buugaagta taariikhda qaar ka mid ah.

Ka qeybgalintaasi dadweynaha ayay u egtahay in Siyaad Barre uu si gaar ah u fahamsanaa awoodda shacabka, gaar ahaan dumarka oo wixii markaas ka horeeyay guryaha iska joogay iyaga oo gacmaha u shakaalanyihiin.

Maxamed Siyaad Barre.

Siyaad Barre oo qudhiisa oo ka hadlay arrintaas ayaa yiri “Markii hawl iyo hanti wadaag ay dhalatay, waxa yimid fikir ah dadku waa simanyihiin, rag iyo dumar waa simanyihiin, haddii cilmi ahaan loo baaro, qof walba waa intii Alle galshay”.

Dowladdii kacaanka waxay ahayd middii ay si isku mid ah isha ugu hayaan dowladaha adduunka gaar ahaan quwadihii waaweynaa ee Waarso iyo Nato, xiligaas oo uu socday dagaalkii qaboobaa ee adduunka ee dalalka uu midba midka kale uu miji xaabinayay.

Waxaan marnaba muran ku jirin ilaa maanta sidii dowladdii kacaanka ay uga jibo keentay kasbashada Ra’iyul caamka, iyada oo hawlgalisay qalabkii warbaahinta ugu xoogga badnaa ee maqal iyo muuqaal ah. Axmed Siciid Cigge wuxuu ahaa warfidiyeen muddo dheer kasoo hawlgalay qeybihii kala duwanaa ee warbaahinta dowladda sida Raadiyoow Muqdisho.

“Warbaahinta waxa ay ka koobnayd Radio Muqdisho, wakaaladda wararka SONNA, wakaaladdii filimada, madbacadda qaranka, labadii wargeys ee Xidigta Oktoobar iyo Najmatul Oktoobar, iyo tiyaatarkii qaranka”, ayuu yiri Cige.

Wuxuu intaa ku daray: “Idaacadda Raadiyo Muqdisho waxay ahayd idaacad weyn oo illaa Ruushka iyo Bariga Dhexe laga dhagaysan jirey, waxayna ku shaqayn jireen hirgelinta hadafyadii kacaanka, wax mucaarad ahna ma aysan jirin”.

Maanta la jooga waxaa murugo leh Idaacadda Raadiya Muqdisho waxay leedahay qeyb ka kamid ah ku baxda afkii gumaystaha ee Talyaanida.

Muddo ka dib, warbaahinta caadiga ah, sida CNN, DW-Radio, Radio France International, BBC Africa, iyo Voice of America, waxay abuurtay qaybo Afrikaan ah oo gobolka ah (tusaale ahaan, Tansaaniya waxay baahiyeen waxyaabo ku qoran luqadda Sawaaxiliga), waxayna soo gabagabeeyeen qandaraasyo gudaha ah. warbaahinta si ay u qaybiyaan nuxurkooda ama u helaan wakhtiga hawada. Warbaahinada reer galbeedka illaa iyo maanta maamula oo si toos ah ugu hawlgala gudaha Soomaaliya kuna baxa afka Soomaaliga waxaa kamid ah VOA SOMALI iy BBC SOMALI.

“Iyada oo loo sii marayo raadiyaha, telefishinka iyo internetka, macluumaadka kala duwan waxaa farrintaas helaya dadyowga Afrikaanka kuwaas oo beddela hab-dhaqankooda iyo hab-fikirkooda, taas oo saamaynaysa hab-nololeedkooda, waa Haraaga cusub fikirka gumaystaha,” ayuu yirri Samson Peter Malekela, oo ah aqoonyahan ka tirsan Jaamacadda Stella Maris Mtwara ee Tansaaniya.

Haraagii fikirka gumaystaha Afrika ee maanta

Waxaa la waydiiyey qaar ka mid ah cilmi-baarayaasha iyo aqoonyahanada sida ay u maleynayaan in ‘necolonialism’ ay isu muujiso maanta. Aqoonyahan Afrikaan ah oo caan ka ah Hindiya, Professor Ajay Dubei oo ka tirsan Jaamacadda Jawaharlal Nehru ee New Delhi, ayaa aaminsan in faafitaanka kanaalada ee luqadaha dalalka gumeysiga ay tahay calaamadda ugu horreysa ee haraagii fikirka gumaystaha ‘neocolonialism’.

“Waa dhibaatada warbaahinta ajnabiga ah – sida muuqaalada, daabacaadda internetka – oo lagu beegsanayo dalal gaar ah oo leh waxyaabo kala duwan, doodo, iyo muujinta xulashada arrimaha gudaha, laakiin dhammaantood waxaa haga danaha necolonial”, ayuu yirri.

Zelalem Teferra, oo ah ku-xigeenka borofisar cilmiga bulshada ka dhiga jaamacadda Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxa uu aaminsan yahay in “necolonialism-ka oo ah qaab xukuneed oo casri ah uu leeyahay wajiyo badan oo noocyo kala duwan leh.” “Sida oo kale waxaa dhexdhexaadiya goobo warbaahineed oo kala duwan oo ay ku jiraan TV-ga warbaahinta caadiga ah, raadiyaha, daabacaadda, iyo warbaahinta dhijitaalka ah. Maanta, aaladaha aan caadiga ahayn sida warbaahinta bulshada ayaa sidoo kale qaadanaya marxaladda dhexe ee kor u qaadida ajendaha necolonial. Warbaahinta reer galbeedka oo ah qalab loogu talagalay kor u qaadida necolonialism ayaa si weyn ugu hawlan hawlahan,” ayuu yirri.

Cabdulaziz Dino, oo ah madaxa kuliyadda Saxaafadda & Isgaarsiinta ee Jaamacadda Addis Ababa ee Itoobiya, ayaa aaminsan in necolonialism-ka ee macnaha guud ee warbaahinta guud “ay noqon karto mid aad u muuqata iyada oo loo marayo maalgelinta warbaahinta iyo nuxurka”. Waxa uu intaa ku daray: ” Waxaa jira u janjeera in shirkadaha warbaahinta dawladda ama kuwa gaarka loo leeyahay ay aad ugu tiirsan yihiin deymaha shisheeye ama taageero si toos ah ama si dadban. Tani waxay si toos ah ama si dadban u saamaysaa habka ay u sameeyaan ganacsiga warbaahinta, iyo inta badan wax soo saarkooda nuxurka. Markaa, doorbidida ajendaha warbaahinta guud iyo habaynta fariinta Afrika waxa lagu xakamayn karaa ama saamayn ku yeelan kara dookhyada bixiyayaasha amaahda iyo deeq-bixiyayaasha.”

Yalew Kebede oo ka tirsan Global Black Heritage ee Itoobiya, ayaa soo gebagebeeyey in istaraatijiyad necolonial ah “lagu hirgeliyey iyada oo si taxadar leh loo qaabeeyey aaladaha warbaahinta badan.”

Tignoolajiyada dhijitaalka

Waxay u muuqataa in kobaca internetka ee mobilada iyo baraha bulshada, ay tahay in xaalada Afrika ay soo hagaagto. Warbaahinta bulshada ayaa runtii wax ka beddesha habka ay dadku u wada xiriiraan iyo waxyaabaha ay wadaagaan, tanina waxay saameyn ku yeelataa sawirka Afrika iyadoo siinaya fursad – laga yaabee markii ugu horeysay ee taariikhdeeda – si ay ugu hadasho nafteeda heer caalami ah.

Si kastaba ha ahaatee, kor u kaca sumcadda warbaahinta bulshada ee Afrika ayaa sidoo kale soo jiidatay dareenka shirkadaha waaweyn. Tusaale ahaan, sannadkii 2007, madaxwaynaha warbaahinta Reuters Media, Chris Ahearn, waxa uu daah furay bogga wararka Afrika waxana uu bilaabay isticmaalka shabakadaha warbaahinta bulshada ee Afrika. Natiijo ahaan, tirada “saxafiyiinta” Afrikaanka ah iyo ilaha waxay kor u kaceen min 2,500 ilaa 24 milyan.

Si kastaba ha ahaatee, khabiirada warbaahinta Afrika ayaa la yaabay sababta ay warbaahinta reer galbeedka u sameysanayaan mareegaha wararka ee Afrika haddii ay si fudud ugu xiri karaan kuwa jira. Tusaale ahaan, Pambazuka News waxaa la aasaasay 2000 waxayna midaysay bulshada Pan-Afrika ee ka badan 1,200 oo qof oo ay ku jiraan aqoonyahanno, u dhaqdhaqaaqayaasha bulshada, qorayaasha, iyo falanqeeyayaasha. Pambazuka wuxuu si guul leh ugu adkaystay tartanka ka socda shirkadaha waaweyn ee warbaahinta reer galbeedka wuxuuna leeyahay dhagaystayaal ka badan 500,000 oo qof oo ku nool Afrika iyo qurba-joogta Afrika.

Shirkadaha warbaahinta caalamiga ah, adeegsiga agabka qorayaasha Afrikaanka ah, saxafiyiinta, ama bloggers-ka waa nooc cusub oo gumeysi ah – gumeysiga warbaahinta. Isticmaalka waxyaabaha maxalli ah ayaa ah qiyaas lagu qasbay oo ay shirkadaha waaweyn ee warbaahinta, oo ay ku jiraan shirkadaha internetka, ay u adeegsadaan, haddii kale tirada dhagaystayaashooda ayaa yaraan doonta, oo ay luminayaan faa’iidada xayeysiinta. Labada Google iyo Microsoft labaduba waxay kor u qaadaan xeeladahaas.

Tignoolajiyada cusubi ma dhiirigelin in dhaqan iyo xog isdhaafsi cadaalad ah la sameeyo, laakiin waxa ay keeneen noocyo cusub oo ku tiirsanaan iyo sinnaan la’aan. Maanta, fikradaha iyo aqoonta dhamaantood inta badan waxaa lagu wadaagaa internetka. Internetka waxaa loo isticmaalaa in lagu faafiyo fikrado gaar ah ama la sameeyo aragti gaar ah oo caalami ah, iyo in la ilaaliyo qaab-dhismeedka awoodda nidaamka caalamiga ah ee caalamka. Goobaha isgaadhsiinta weligood kama xoroobi karaan saamaynta fikirka.

Paul Gilroy, oo ah aqoonyahan ku taqasusay cilmi-nafsiga oo Ingiriska ah oo u dooda aragtida gumeysiga ka dib, ayaa ku doodaya in saameynta gumeysigu ay ka muuqato warbaahinta bulshada: deegaannadii hore iyo dadka deggan ayaa lagu muujiyay inay yihiin kuwo daciif ah, aan awood lahayn, la takooray, iyo guud ahaan kala duwanaan leh.

Siyaasadda shabakadaha bulshadu waxay inta badan ku xiran tahay milkiilayaashooda, iyo xarunta dhexe ee shabakadaha internetka ee caalamiga ah waxay ku yaalaan Maraykanka. Isku xirka waxaa lagu aasaasay server-yada ku yaal Mareykanka, Yurub, ama Bahrain (sidii aan aragnay xilligii Guga Carabta). Tani waxay ka dhigan tahay in uu jiro farqi yar oo u dhexeeya goobahan cusub iyo warbaahinta ‘da’ hore’ oo sidoo kale saldhig u ahayd magaalooyinkii hore (iyo shirkadooda Maraykanku hadda ku biiray).

Siyaasadda Big Tech ee Afrika waxay dhalinaysaa su’aalo badan. Tusaale ahaan, sida laga soo xigtay dhowr daabacaad, Facebook wuxuu la shaqeeyaa hay’ad cilmi-nafsi oo xiriir la leh NATO si loo xakameeyo macluumaadka loona hubiyo natiijada “saxda ah” ee doorashooyinka.

Meta (Facebook, Instagram, WhatsApp) ayaa lagu eedeeyay inay hurinayaan nacaybka iyo rabshadaha ka socda Kenya iyo Itoobiya. 2021, dacwad u dhiganta ayaa waxaa gudbiyay cilmi-baarayaal Itoobiyaan ah Abraham Meareg iyo Fisseha Tekle, iyo sidoo kale kooxda xuquuqul insaanka Kenya ee Katiba Institute oo taageero ka heleysa ururka aan macaash doonka ahayn ee Foxglove. Dhawaanahan, waxay sheegayaan inay jiraan dhibaatada hadalada nacaybka ee baraha bulshada ayaa mar kale ka soo shaac baxay Itoobiya.

Soomaaliya gudaheeda, shabakadaha dadka tahriibiya iyo kuwa argagixisada ah ayaa si xawli ah ay ugu jiraan marka ay isticmaalaan baraha bulshada si ay u qortaan dhibanayaasha da’da yar iyo kuwa nugul.

“Dhallinyaradeenu waxay dhammaan teleefankooda ku haystaan Facebook-ga, sawirrada ay ku arkaanna waxa lagu tilmaami karaa inay yihiin janno,” ayuu yirri Taliyaha Laanta Socdaalka maamulka Somaliland, Maxamed Cali Yuusuf.

Uganda, shirkada Facebook ayaa si toos ah u farageliyay doorashada dalkaasi. Meta waxay xannibtaa xisaabaadka, sida uu qabo maamulka Facebook, saameyn ku leh doorashooyinka dalalka Afrika.

Faafreebka qaawan ee Facebook ayaa ka careysiisay dadka Afrikaanka ah oo sheegay in hadalka Facebook ee ku saabsan dacaayadaha Ruushka ee lagu eedeeyay ay tahay been laga sheegay qaarada Afrika oo dhan waxayna ku eedeeyeen warbaahinta Faransiiska inay sii wadato siyaasadda gumeysiga. Dadku waxay sidoo kale ka walaacsan yihiin qorshayaasha Meta ee ah in la dhigo xadhigga biyaha hoostooda ee xeebaha Afrika kaas oo ku wareegsan Afrika oo isku xiraya dekedaheeda waaweyn, laakiin maaha qaybaha gudaha. Tani waxay ka dhigan tahay in kaliya dadka caanka ah ee bulshada Afrika, oo horeyba xiriir dhow ula lahaa Galbeedka, la siin lahaa adeegga internetka.

“Si looga gudbo cadaadiska dhaqameed iyo xog-warraneed ee ay dalalka reer galbeedku ku hayaan dadka Afrikaanka ah, qaaraddu waxay u baahan tahay inay horumariso aqoonta warbaahinta, kala duwanaanshaha matalaadda warbaahinta, iyo inay caqabad ku noqoto sheekooyinka ugu waaweyn. Fiiro gaar ah waa in la siiyaa barnaamijyada waxbarashada, iyo xitaa madax banaanida waxbarashada.” ayuu soo jeediyey aqoonyahan Veronica Usacheva oo haysta shahaadada PhD sidoo kale waa cilmi-baare sare oo ka tirsan Machadka Daraasaadka Afrika iyo Akadeemiyada Sayniska ee Ruushka.

Yalew Kebede waxa uu xusay in gumaysiga laga saaro warbaahinta guud ee Afrika ay u baahan tahay in la sameeyo siyaasad waxbarasho oo ku salaysan aqoonta dalka ka soo baxda. Ajay Dubei waxa uu intaa ku daray in luuqada maxaliga ah iyo doodaha khubarada gudaha Afrika lagu tababaray ay tahay in sidoo kale kor loo qaado, lahaanshaha warbaahintuna waa in ay noqoto lahaansho dadka deegaanka. Samson Peter Malekela waxa uu oggolaaday in dhiirigelinta wax-soo-saarka iyo isticmaalka maxalligu ay caawin doonto iyo sidoo kale abuurista olole wacyigelin ah. Guud ahaan, saamaynta aragtida neocolonialism-ka waa ay sii jirri doontaa haddii aan laga bilaabin heerka koowaad ilaa heerarka sare.”

Facebook Comments Box

Continue Reading

Arrimaha Bulshada iyo Qoyska

Waan Waayay Dheh: Cuudintii Caadooyinka Xunxun

Published

on

Carruurtu inta ay ku jiraan fasallada hoose iyo barbaarinta, waxa caadi iska ah in aanay maamuli awoodin qalabkooda. Buugtooda, qalimaantooda, weelkooda, IWM ee ay dugsiga u soo qaataan ayaa iska dayacan; way ka lumaan ama ay waayaan. Ubadku, ma yaqaannaan waad wayday, iyo adaa iska tuuray, qirashaduna waa ay ku yartahay (innagaa barnaye) oo waxa ay eedda saaraan cid kale. Noloshii maamulka iyo macallinimada ee qaybta gelinka danbe ee dugsiga, waxa aan bartay dhaqammo aad u badan, xiise leh oo ay carruurtu leedahay.

Waxa si maalinle ah u dhici jirtay arday ka cabanaysa qalimaantoodii oo ay waayeen, buuggoodii oo ka lumay, lacag yar oo nusasaace ah oo ka siibatay iyo wax la mid ah. Arrinkani wuxu aad u badnaa marka sannad-dugsiyeedku cusub yahay. Waxa annu u aragnay arrinkan mushkilad xallin u baahan. Sida dadka qaar, lama aannu saaxiibin dhibtan, oo iskama aannaan daawan e, waxa aannu go’aan ku gaadhnay in aannu madax ka goyno oo meesha ka saarno, gurboodkana ka cuudinno.

Diyaarin ka dib, daabuurka ayaa aannu saf gelinay ardaydii. Wiig cuudin ah ayaannu bilawnay. Carruurtii waxa aannu u sheegnay in aanu jirin arday, arday kale oo walaalkii ah ka xadaya alaabtiisa. Waxa aannu u sheegnay in aanu ardayna jeclayn in uu arko walaakii ama walaashii oo xanaaqsan, oo laga xaday qalinkeedii, sidaa awgeedna, aanay ardaydu waxba kala xadin. U fiirso, iyada oo ay wax dhaca tahay in ardaydu wax kala xadaan, haddana waxa aannu ka soo qaadnay wax aan dhicin, sidii nebiguba yidhi: ‘Mu’minku been ma sheego’ iyada oo ay dhacdo in uu sheego, bal se uu nebigu SCW uu uga jeedo, ilbidhiqsiga uu qofku beenta sheegayo, mu’min ma aha, oo waxbaa ka khaldan. Tanna waa la mid, oo ardaygu jeerka uu wax siibayo, wuu ka baxay xayndaabkii ardaynimada, oo waa in wax kale loo bixiyaa.

Ardaydii waxa aannu barnay qaacido: ardayow, haddii aad dugsiga dhexdiisa ama fasalka gudihiisa ku aragto alaab luntay, ha qaadan, ee markiiba ku soo hagaaji xafiiska. Dhinaca kale, ardayow haddii aad wax waydo, ardayda ha qaannabin, ee xafiiska kaalay. Arrinkan, waannu ku celcelinay ardayda, waana beriga aan si dhab ah u ogaaday, AWOODDA KU CELCELINTA!

Marka aannu qodobbadan oo kale ardayda u sheegayno, waxa aannu ka qaadi jirnay cod, annaga o oleh: ‘Qodobkaa, ardayey ma isla qaadannay?’ iyaguna waxa ay cod dheer ku odhan jiree: ‘Haa, waannu qaadannay’, dabadeedna sidaa ayaa aannu ku hawlgeli jirnay.

Duhur ka mid ah duhurradii shaqada, ayaa aniga oo fadhiya xafiiska, arday ii soo galay, iyada oo markaas uun ay ardaydu u kala dareereen galaasyada. Wuxu sidaa qalinbeesal cusub oo uu ka dhex helay dugsiga. Wuxu yidhi:

‘macallin hoo qalinkan, halkaas ayaan ka helay’, inta aan ka qabtay ayaa aan aad ugu mahadceliyay. Wax aan laba daqiiqo dhammayn, waxa ii soo galay arday yar oo ordaya, oo kolleyba markii uu galaaskii galay, ee is yidhi wax qor, oo iska waayay qalinkii. Wuxu yidhi: ‘Macallin qalinkaygii ayaan waayay.’ Waxa aan waydiiyay nooca uu yahay, iyo tilmaantiisa. Saa waa ba kii hadda wax yar ka hor ardaygu ii keenay. Waan siiyay, ka dibna isaga oo dhibla’ oo faraxsan ayuu iga baxay!

Bal eeg, ardaygii qalinka ii keenay, wacyigelinta ka hor, waxa macquul ahayd in uu iska qaato, ardayga ii soo galayna, waxa uu sidoo kale ka dhex ooyi lahaa fasalka, isaga o oleh ‘macallin, qalinkii ayay naga xadeen dee’ iyo wax la mid ah.

Barayaasha iyo dadka waxbarashada daneeya, waxa la gudboon in ay dhug u yeeshaan khaladaadka, mushkiladaha iyo dabeecadaha ardayd. Wixii wanaagsan, waa in la dhiirrigeliyo, wixii aan wanaagsanayna, waa in baadhitaanno lagu sameeyo oo la xalliyo; sidaas ayay ku horumari kartaa waxbarashadeennu.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

Waa maxay bulsho?

Qaab dhismeedka bulsheed ee bini’aadmigu waa mid adag oo aad u wada shaqeeya, haddaba waa maxay bulsho?

Published

on

Bulsho Soomaaliyeed oo meel jooga.

Bulshooyinku way kala duwan yihiin iyadoo lagu saleynayo heerka farsamada iyo nooca dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha.

Bulsho waa dad meel kuwada nool oo ay dani ka dhaxayso, sida ay qabaan quburada cilmiga bulshada bani’adanku, waxaa uu kamid yahay xayawaanada loo yaqaano wadar u noolayaasha, taas oo macnaheedu yahay in bani’aadamka noloshiisu tahay mid isku xiran oo aan qofna kali u noolaan karrin.

Waxaa kale oo ay bani’aadanku leeyahay dabeecad loo yaqaano kali lahaansho, taasi oo loola jeedo dareen ku abuuran oo ah inuu wax gaar u kala lahaado sida hantida, xoolaha, guryaha, beeraha iyo wixii lamid ah. Sidoo kale waxaa jira waxyaallo bulshada wada leedahay sida wabiyada, jidadka, guubaha danta guud loogu qabto oo ay ku shaqeyaan  maamulada dowladda.

Arrimaha noocaas ah oo bini’adamka ku abuuran ayaa dhaliya innuu u baahdo mar kasto hoggaan iyo hab maamul si loogu fogaado isku dhacyada bulshada dhaxdeeda ah, ujeedada laga leeyahay waxaa ugu horaysa in la helo yool nabad ku wada noolaasho ah, haddii uusan jirin maamul waxaa badato is-qabqabsiga iyo colaadaha joogtada ah ee bulshada dhexdeda ah madaama uusan jirrin nidaam kala hago.

Marka aad maqasho magac bulsho waxaa maskaxdaada kusoo dhacayso tilmaamaha aad u taqaamo ummadaas, sida Afrikaan, Carab, reer Yurub, indho yar IWM. Midkasto oo ummadaasi kamid ah waxaa gunteeda ku jira kala duwanaasho u gaar ah.

Dhaqanku waa qeyb ay bulshadu u maarayso hab-nololeedkeeda, kaasi oo ay ka dhaxashay jiilalkii ka horeeyey, ugana duwanaato bulshooyinka kalle. Sida aan ognahay ummad waliba waxay leedahay dhaqan u gaar ah, qeyb kasto oo dhaqanka ka mid ah waxay u taagan tahay ama salka ku haysaa baahiyo soo jiray xilliyo hore sidaasi darteed waxaa dhacda in waxyaabo dhaqanka kamid ahi baaba’aan kadib markii meesha ka baxdo baahidii awal keentay. Mar kasta oo ay fududaato noloshu waxaa horumar sameeya dhaqanka, taasi oo loo yaqaano ‘ilbaxnimo’ taasi oo kor u qaado waaqiciga iyo horumarka bulshda.

Bulshooyinku waxay yeelan karaan qaabab dawladeed oo kala duwan, siyaabo kala duwan oo loo fahmo qaraabanimada, iyo doorarka jinsiga oo kala duwan. Dhaqanka aadamuhu aad buu ugu kala duwan yahay bulshooyinka kala duwan; bini’aadamku waxay qaabeeyaan bulshada, laakiin bulshadu markeeda ayay qaabaysaa bini’aadamka.

Muhiimada ay leedahay midnimada Bulshada

Bulsho midaysan, dadku waxay ka wadashaqeeyaan sidii loo gaari lahaa yoolal guud, sida yareenta faqriga, horumarinta waxbarashada, iyo horumarinta daryeelka caafimaadka, horumarinta kaabayaasha dhaqaalle. Midnimadu waxay gacan ka geysataa joojinta colaadaha waxayna kor u qaadaysaa nabad kuwada noolaanshaha bulshooyinka kala duwan. Helitaanka midnimo waxay u baahan tahay in wax laga qabto caqabadaha sida midabtakoorka, sinnaan la’aanta, iyo kalsooni la’aanta ummada dhaxdeeda ah.

Kala duwanaanshaha bulshooyinka

Bulshadu waxaa ay ka koobantaa qofaaf iyo qoysas isku tagay ama laysku geyey, haddaba maadaama aan ognahay inuusan jirin qof la mid ah qof kale, waxaa halkaasi nooga muuqanaysa in ay jirto kala duwanaasho dabiici ah, waana wax markasto bulshadu la noolaato. Dunida lagama helaayo bulsho isku wada mid ah oo aanay jirrin wax kala duwanaasho xagga dhaqanka iyo lahjadaha. waxaa dhici karta inay bulshada ku kulmaan kala duwanaasho mid ama labo iyo in ka badan, bulshada waxkasto oo ay ku kala duwanaataba waxay xaq u leedahay yoolkii aan horre u soo sheegay ee ahaa nabad ku wada noolaasho.

“Shakhsiyaadka, waalidnimadu waa naadir; laakiin koox ahaan, xisbiyo qaran iyo waaya-yaal waa xeer.”

-Friedrich Nietzsche

Umada Soomaaliyeed waxay ka mid tahay ummadaha leh tilmaamaha midnimada. Soomaalida waxaa u dhan tiirarka ummadnimada oo idil. Tiirarka ummad isku keena oo mid ka dhiga waxaa ugu waawayn diinta, luuqada, dhaqanka, iyo wada dhalashada badanaa waa dadka xiddid wada ah. Soomaaliya waa dalka kaliya ee dunida ummadiisu tahay 100% Muslim, sunni, ah.

Dadka Soomaaliyeed meel kastaba ha joogaane way wada wadaagaan dhammaan tiirarkaas aan soo sheegnay ee umadaha mideeya. Meel kasta oo aad tagtid Soomaalida, ma arkaysid wax ay ku kala duwan yihiin dadka Soomaaliyeed; waa isku af, waa isku diin, waa isku hiddiyo iyo dhaqan, waa isku taariikh soo taxnaa kumannaan sano. Nasiib darro Bulshada Soomaaliyeed weli hal wadan mala isugu geynin waxay ku kala noolyihiin Jamhuuriyada Soomaaliya, Jabuuti, NFD, Deegaanka Soomaalida Itoobiya. Intii ku noolleed jamhuuriyada Soomaaliya ayaabo midaysneyneen oo gobolkasto gooni isku maamuula.

Waxaa jirto bulsho isku dhaqan iyo isku luuqad ah oo ku guuldaraystay inay waddan helaan, Tusaalle, Kurdiyiinta waa ummada isku luuqada, isku isir, iyo isku dhaqan ah, midnimo la’aan dhaxdooda ah ayaa keentay in wadamadii deriska la ahaa oo kala ah Suuriya, Ciraaq, Iiraan, iyo Turkiga ay kusoo sameeyaan faragelin toos taasi oo ugu dambeyntii keentay inay kala qeebsadaan dhulkii Kurdiyiinta dhamaantiis, maantana ma jiro waddan ay leeyihiin ummada Kurdiyiinta. Kadib markii ay dhacday xukunkii Saadam Xusseen 2003 Kurdida Ciraaq ayaa ku dhawaaqeen gooni u goosad iyo raadinta dhulka Kurdida ee dalalka kale ku maqan, sidoo kale Kurdida Turkiga ayaa bilaabeen dhaqdhaqaaqkii PKK waxayna dhowr jeer dagaal la galleen dowlada Turkiga. Sidoo kale Kurdida Suuriya ayaa helaan nafis dhaqdhaqaaq kadib markii ay daciiftay awoodii dowladii, Kurdida Iiraan ayaa weli helin nafis dhaqdhaqaaq waxaana lagu hayaa Gacan bir ah, illaa hadda ummada Kurdida waxay raadinayaan ina waddan ay leeyihiin helaan, madaama ay ka cabanayaan caddaalad darro iyo xaquuq la’aan wadamada ay ku hoos noolyihiin.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda

Yurub waxay xaday dhaxalkii Afrika ee Cadaaladu ma guulaysan doontaa?

Aruurinta madxafyada adduunka ugu caansan waxay inta badan ka kooban yihiin alaab Afrikaan ah oo la bililiqaystay xilligii gumeysiga. Ilaa maanta, wax ka yar boqolkiiba hal ayaa lagu celiyay Afrika. Qoraalkaan waxaa luuqada Ingiriiska ku daabacay ©RT / waxaana turjumay Cabdijabaar Sh. Axmed.

Published

on

Boqorka Ingiriiska Charles III (B) waxa uu eegayaa farshaxan ciwaankiisu yahay 'Europe Supported by Africa and America' oo uu sameeyay farshaxaniste asalkiisu Nayjeeriya yahay Sokari Douglas Camp. © ISABEL INFANTES / AFP

Intii ay socdeen dagaalada iyo gumeysiga Afrika, wadamada reer galbeedka waxay ku lug lahaayeen bililiqada boqolaal kun oo walxaha fanka Afrika ah. Matxafyada dawladuhu waxay isticmaali jireen si ay uga qaybqaataan abuurista gumeysiga iyo sharciyeynta gumeysiga.

Soomaaliya iyo dalal badan oo Afrikaan ah waxaa laga qaaday alaabo badan oo tilmamaya taariikhda iyo dhaqanka ummada ay leedahay. Warbixin uu diyaariyay taariikhyahan faneedka Faransiiska Benedicte Savoy iyo dhaqaaleyahan Senegalese Felwine Sarr, oo ay u xilsaartay dowladda Faransiiska 2018, ayaa sheegaysa in inta u dhaxaysa 90% iyo 95% dhaxalka dhaqameed ee agabka Afrika ay ku nool yihiin meel ka baxsan qaaradda Afrika. Dhanka kale, alaabada madxafyada qaranka Afrika ayaa si dirqi ah uga badan 3,000 oo shay dhaqameed.

Ku dhawaad dhammaan wadamada Afrika waxay lumiyeen agabkoodii ugu muhiimsanaa ee dhaqanka intii lagu jiray waagii sahanka reer Yurub iyo gumaysigii xigay. Walxaha ku haray Afrika waxay lahaayeen qiimo taariikhi iyo dhaqameed ka yar kuwii la keeni jiray madxafyada Yurub. Dhowr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay, reer galbeedku waxay si isdaba joog ah u heli jireen sheegashooyin lacag celin ah oo ka yimid wadamada Afrika.

Ajendaha 2063 – Qorshaha horumarinta mustaqbalka fog ee Afrika, kaas oo uu ansixiyay Midowga Afrika 2015-kii – waxa uu tilmaamay in ilaalinta hiddaha dhaqanka ay tahay mid ka mid ah mudnaanta ugu weyn ee qaaradda. Marka loo eego dukumeentiga qaab-dhismeedka, dhammaan hantida dhaqameed ee Afrika waa in lagu soo celiyaa qaaradda marka la gaaro 2025. Laakiin qorshahan hamiga ah ma la xaqiijin karaa?

Safarada ciqaabta ee Britain iyo muhiimada ay u leeyihiin ururinta farshaxanka Ingiriiska

Taariikhyahannada farshaxanku waxay ku qiyaaseen in ku dhawaad 70,000 oo farshaxan Afrikaanku leeyahay lagu xareeyay Matxafka Ingiriiska illaa 2020. Si kastaba ha ahaatee, sharraxaadda bandhigyada ayaan wax badan ka sheegin xaaladihii ay ku danbeeyeen UK.

Qaar badan oo ka mid ah alaabooyinka waxaa laga jabsaday Afrika dhamaadkii qarnigii 19-aad, xilligii Benin Expedition Expedition 1897. Boqortooyada Benin (dal qadiimi ah oo ku taal Galbeedka Afrika) waxay ku taallaa dhulka Nayjeeriyada casriga ah. Safarka ciqaabta ah ayaa loo abaabulay sidii “ciqaab” ka dib markii dadka deegaanka ay weerareen cutub ka mid ah 250 askari oo Ingiriis ah oo loo diray inay maamulaan dhulka.

Ciidanka ciqaabta ayaa aad uga tiro badnaa cutubkii ugu horreeyay oo ka koobnaa 1,500 oo nin oo hubaysan. Ciidamada Ingiriiska ayaa xoog ku galay magaalada caasimadda ah ee Benin, waxayna burburiyeen boqortooyadii, waxayna qabteen taliyihii. Natiijadii ololahan, inta u dhaxaysa 2,500 iyo 4,000 Benin artifacts (waxa loogu yeero “Benin Bronzes”) ayaa laga saaray Afrika. Nayjeeriya ayaa dalbanaysa in Ingiriiska ay soo celiso walxahaas. Dhacdadan ayaa lagu tiriyaa mid ka mid ah kiisaskii ugu weynaa ee bililiqo ee soo mara taariikhda fanka Afrika.

Si loo magdhabo kharashaadka safarka, qaar ka mid ah alaabtii la helay ayaa la xaraashay. Taasi waa sida Benin Bronzes ay u mareen waddamo kala duwan oo Yurub ah, halkaas oo ururinta farshaxanka Afrika ay noqdeen kuwo caan ah.

Xilligii fin de siecle, Yurub waxay muujisay xiisaha fanka Afrika. Tani kama hor istaagin dadka reer Yurub inay ugu yeeraan farshaxanka “primitive” ilaa maantadan la joogo, ereyga “primitivism” ayaa inta badan loo adeegsadaa marka lagu tilmaamayo farshaxanka Afrika. Dhab ahaantii, fikradaha reer Yurub ee ku saabsan dhaqamada kale ayaa ka muuqda doorashada kelmadda loo doortay si loo qeexo qaabkan gaarka ah.

Ingriiska ayaa sidoo kale helay isticmaalka alaabada la xaday oo aysan ku iibin xaraashka, kuwaas oo intooda badan ka tarjumaya ruuxa dadka Benin. Qaar ka mid ah walxahaas ayaa la siiyay saraakiisha ciidamada si loogu abaalmariyo guusha ciidan ee socdaalka (taas oo aan faa’iido lahayn marka laga eego dhinaca dhaqaalaha), qaar kalena waxay ku dhammaadeen Matxafka British-ka.

Sidoo kale Jarmalka wuxuu kamid yahay dalalka soo xaalufiyey Afrika

Boqortooyada Jarmalku waxay sidoo kale ka mid ahayd kuwii ku lug lahaa bililiqada hidaha dhaqanka ee Afrika. Si ka duwan Ingiriiska iyo Faransiiska, xilligii gumeysiga ee Jarmalku wuxuu ahaa mid gaaban. Si kastaba ha ahaatee, Jarmalku waxay isku dayeen inay la socdaan deriskooda oo ay wax u qabtaan ururintooda.

Intii lagu guda jiray safarada Jarmalka, farshaxano badan, iyo noocyo flora iyo fauna deegaanka ah kuwaas oo xiisaynaya cilmi-baarayaasha, matxafyada, ama kuwa gaarka loo leeyahay (sida saraakiisha gumeysiga) ayaa laga saaray Afrika.

Marka laga reebo Benin Bronzes, oo Jarmalku ka iibsaday xaraashka, wuxuu kaloo helay farshaxanka dadka Kameroon iyo Namibiya. Taallooyinka, dahabka, iyo qalabka shaqada – walxaha muhiimka ah ee dhaqanka iyo diinta ee kooxaha qowmiyadaha Afrika – ayaa lagu hayaa Matxafka Ethnological ee Berlin.

Askarta Jarmalku waxay heleen walxo badan oo ay sababeen dembiyo dagaal. Ilaa 2019, Matxafka Stuttgart waxaa ku jiray karbaashkii Hendrik Witbooi, geesiga qaranka Namibiya. Jarmalku waxa uu helay intii lagu jiray xasuuqii Herero iyo Nama ee 1904-1908. Witbooi waxa uu helay darajada geesiga Namibiya ee la dagaalanka gumaystaha iyo hogaaminta kacdoonada.

Dhanka farshaxanka ilaahadda Ngonnso, oo laga keenay Kameroon laguna hayo Matxafka Ethnological Museum ee Berlin ilaa 2022, looma iibin mana deeqin Jarmalka dadka Nso ee ay ka tirsan yihiin. Sannadkii 1903-dii, sarkaal Jarmal ah ayaa si xoog ah u qabsaday farshaxanka wuxuuna u soo bandhigay shaqaalaha madxafka hadiyad shakhsi ah. Sida lagu sheegay daraasad ay samaysay Atlas of Absences, oo ay sameeyeen shaqaale ka tirsan madxafyada Jarmalka, in ka badan 40,000 oo walxood oo farshaxan ah oo laga soo saaray Cameroon ayaa la dhigay Jarmalka.

Mandu Yenu Throne oo leh cag ka timid Kameroon, oo ah kursi loogu talagalay boqorka qabiilka Bamum ee Afrika (qarnigii 19-aad), ayaa lagu sawiray inta lagu guda jiro safar saxaafadeed ee Matxafka Ethnological ee Xarunta cusub ee Berlin Palace Humboldt ee Berlin. © JENS SCHLUETER / AFP

Isha waxyiga ee la xaday

Xilligii aadka u weynaa ee xilligii gumeysiga, Faransiisku wuxuu helay in ka badan 90,000 oo farshaxan Afrikaan ah. Qayb weyn oo ka mid ah ururintan waxa lagu kaydiyaa Musee du quai Branly ee Paris, iyo sidoo kale matxafyada kale ee dawladda iyo meelo gaar loo leeyahay.

Sharaxaadaha bandhigyada waxay soo jeedinayaan in farshaxannada Afrikaanka ah iyo maaskaro ay qiimo leeyihiin ugu horrayn sababtoo ah waxay u adeegeen dhiirigelinta fannaaniinta Faransiiska, kuwaas oo la kulmay qalalaase hal abuur leh. Dareen yar ayaa la siiyaa hal-abuurka ee sayidyada Afrika laftooda.

Markii hore, walxaha farshaxanka ee la bililiqaystay waxaa lagu soo bandhigay madxafyada qawmiyadaha Yurub waxaana loo tixgeliyey “waxyaabo gaar ah” oo inta badan loogu talagalay daraasad cilmiyeed. Kaliya qaar ka mid ah kuwa gaarka loo leeyahay ayaa awooday inay qadariyaan hibada fanaaniinta Afrika.

Xitaa ka dib dhamaadkii xilligii gumeysiga, Faransiisku wuxuu sii waday inuu dhoofiyo alaab qiimo leh oo ka baxsan Afrika. Tusaale ahaan, 2005 iyo 2007, in ka badan 10,000 oo walxood oo ah hidaha dhaqanka Mali ayaa lagu qabtay garoomada diyaaradaha ee Paris. Kuwaas waxaa ka mid ahaa dugaagado, faasas, iyo faraanti. Inta badan alaabooyinka waxay soo jireen ilaa 8,000 oo sano.

Farshaxannada waxaa lagu soo bandhigay qayb ka mid ah bandhigga ‘Fircoon ee Labada Dal. Sheekadii Afrikaanka ee boqorradii Napata’ ee Matxafka Louvre ee Paris. © STEPHANE DE SAKUTIN / AFP

In ka yar boqolkiiba hal

Isagoo ka hadlayay magaalada Ouagadougou, Burkina Faso sanadkii 2017, madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in aan la aqbali karin in hidaha dhaqanka Afrika ay ku sii jiraan madxafyada Faransiiska. Wuxuu ballan qaaday inuu qaadi doono dhammaan tallaabooyinka ku habboon ee lagu soo celinayo walxahaas shan sano gudahood.

Bayaanka ayaa soo jiitay dareen badan, tan iyo sharciga Yurub ma ogola in la fogeeyo dhaxalka qaranka (iyo farshaxanka Afrika waxaa loo tixgeliyaa ‘dhaxalka qaranka’ ee Galbeedka), taas oo laga yaabo in aan si joogto ah uga tagin ururinta matxafyada dawladda.

Lix sano ka dib hadalka Macron, dowladda Faransiiska ayaa ugu dambeyntii bilowday horumarinta tillaabooyinka hirgelinta siyaasadda dib u celinta. Bishii Abriil 2023, madaxwaynihii hore ee Louvre, Jean-Luc Martinez, ayaa daabacay warbixin leh talooyin ku wajahan dawladda, oo ay ku jiraan shuruudo dib-u-celin ah. Faransiisku waa inuu xaqiijiyaa in walxaha farshaxanka lagu helay si sharci darro ah oo aan sharci ahayn, sheegashada soo celinta wadamada Afrika waa in ay baaraan guddi gaar ah. Codsiyada magdhowga maaliyadeed lama tixgelin doono.

Ilaa hadda, Faransiisku wuxuu dib ugu celiyay Benin 26 qalab iyo hal Senegal. Tani waxay ka dhigan tahay in ka yar boqolkiiba hal tirada guud ee walxaha fanka Afrika ee ku jira madxafyada.

Baarlamaanka Faransiiska ayaa la rabay inuu meel mariyo sharci leh shuruudaha cusub ee soo celinta December 2023, laakiin dukumeentiga waxaa xannibay mucaaradka. Samaynta sharci tixgalinaya dhammaan talooyinka iyo dhaqangelintooda wax-ku-oolka ah waxay qaadan kartaa waqti dheer, sidaas awgeed dib u dhigista hannaanka dib-u-celinta sannado badan.

Matxafyada Ingiriiska ayaa ka baqaya bililiqo

Ingiriiska, oo ah boqortooyadii labaad ee ugu weyn adduunka, ayaa ah mid aad u maskax badan marka ay timaado soo celinta. Matxafyada qaranka ee madxafyada iyo goobaha galeeriga ee dalka kuma dhacaan sharciga fasaxaya dib u soo celinta. Waxay sii wadi doonaan inay raacaan sharciga hadda jira, kaas oo aan ogolayn ka fogaanshaha farshaxanka ee ururinta dawladda.

Bishii Janaayo ee sanadkan, Matxafka British-ka iyo Matxafka Victoria iyo Albert ayaa ugu dambeyntii ku heshiiyey inay “soo celiyaan” farshaxanka laga xaday ee dadka Asante ee Ghana. Si kastaba ha ahaatee, “soo-noqoshada” waxay noqotay oo kaliya “kiro waqti dheer ah” oo ilaa lix sano ah.

Dadka degan UK waxay ka baqayaan in dib u celintu ay faaruqin doonta ururinta madxafyada Ingiriiska. Wargeyska The Telegraph ayaa xitaa qoray in madxafyada Ingiriiska ay “khatar ugu jiraan in la dhaco” sababo la xiriira dalabaadka lagu soo celinayo agabka Afrika.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron (B) oo daawanaya taallo boqortooyo qarnigii 19-aad oo ah shimbir nus-nin ah, oo matalaya boqorka Benin Ghezo, oo lagu soo bandhigay matxafka Quai Branly ka hor inta aan loo dhoofin waddanka Galbeedka Afrika dabayaaqada bishii Oktoobar ee Paris 2021. © Michel Euler / BELGA / AFP

Hogaaminta dariiqa soo celinta?

Jarmalku waxa uu fuliyaa siyaasadiisa soo celinta si la mid ah Faransiiska. Labada dal waxay sameeyeen sanduuq wadajir ah, lacagtaas oo lagu samayn doono cilmi-baaris dheeraad ah oo ku saabsan asalka alaabada Afrika ee hadda ku kaydsan madxafyada labada dal. Shaqada diyaarinta ee soo celinta walxaha waxaa lagu qaban doonaa seddex sano gudahood.

Jarmalka ayaa hore ugu celiyay Nayjeeriya 21 Benin Bronzes. Sida ku cad heshiiska ay wada galeen wadamada 2022, madxafyada Jarmalku waxa ay qaadeen in ay soo celiyaan 1,130 walxood.

Jarmalka ayaa la sheegay in uu “hogaamiyo dariiqa soo celinta” Yurub. Wadamada Afrika, si kastaba ha ahaatee, way khilaafsan yihiin. Tusaale ahaan, wargeyska Galbeedka Afrika ee Modern Ghana ayaa ku doodaya in Jarmalku yahay hoggaamiyaha “Saliibiga dib u celinta.” Suxufiyiintu waxay xuseen in dalabka dadka Afrikaanka ah ee alaabtooda faneed in loo soo celiyo “mar walba Jarmalku waa ka caabiyay,” sida wadamada kale ee Yurub, iyo in Berlin ay soo celisay waxyaabo farshaxan ah dhawaan.

In kasta oo ay qireen in Jarmalku uu juhdi badan geliyay soo celinta walxaha la dhacay marka loo eego, tusaale ahaan, Great Britain, Afrikaanku weli kuma heshiin karaan in dalka lagu ammaano in uu soo celiyo qayb yar oo ka mid ah alaabtii uu haystay boqollaal sano. Intaa waxaa dheer, Jarmalku wuxuu ku dadaalayay inuu ballaariyo saameynta uu ku leeyahay qaaradda Afrika, waxaana laga yaabaa in hindisayaasha dhaqanku ay noqdaan wax aan ka badnayn hab lagu hagaajinayo muuqaalkeeda.

Taallo Afrikaan ah oo alwaax ah oo ku yaal Matxafka Afrika / Matxafka Royal ee Bartamaha Afrika, hiddaha iyo matxafka taariikhda dabiiciga ah ee Tervuren, Belgium. © Arterra / Kooxda Sawirada Caalamiga ah ee loo maro Getty Images

Yaa la socda xogta soo celinta?

Tobankii sano ee la soo dhaafay, tiro sii kordheysa oo ururo dadweyne ah iyo shaqsiyaad u ololeeya ayaa sameynayey codsiyo dadweyne oo ku saabsan soo celinta hidaha dhaqanka ee Afrika.

Mid ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee hindisayaashan waa mashruuca dib u celinta furan ee Afrika, oo ay aasaaseen Afrikaaniyiin danaynaya masiirka hidahooda dhaqameed. Qabanqaabiyayaashu waxay ku dadaalayaan inay si furan u helaan macluumaadka ku saabsan heerka hadda ee hababka dib-u-celinta ee Afrika. Xogta mashruuca waxaa ku jira macluumaad ku saabsan in ka badan hal milyan oo xabbo oo farshaxan Afrikaan ah oo lagu hayo meel ka baxsan qaaradda. Hadda, wax ka yar 1,000 walx ayaa la soo celiyay.

2022, ururku waxa uu soo saaray warbixin ku saabsan dhaqdhaqaaqa hawl-wadeennada adduunka oo dhan, cinwaankeeduna yahay Soo celinta Sheegashada ah – Reclaiming Restitution. Tan iyo 2016, tirada daabacaadaha sayniska ee u heellan soo celinta fanka Afrika ayaa kordhay 300%, tirada doodaha mowduucan ee wararka iyo baraha bulshada ayaa kordhay 600%.

Si kastaba ha ahaatee, inta badan waraysiyada ku saabsan soo celinta ma bixiyaan Afrikaaniinta, cilmi-baarayaasha ka socda Dib-u-celinta Furan ee Afrika. Khubarada Afrikaanka ah ee si xirfadaysan u baara dhibaatada dib u soo celinta ayaa inta badan ku jira dhamaadka liiska qorayaasha la soo xigtay.

Ururka aan macaash doonka ahayn ee fadhigiisu yahay Nayroobi ee African Digital Heritage ayaa sidoo kale ku hawlan raadinta xog cusub oo ku saabsan hababka soo celinta. Khubarada Kenya ayaa baaraya hidaha dhaqanka Afrika iyo xogta kaydka iyagoo isticmaalaya tignoolajiyada dhijitaalka ah. Kooxdu waxa ay ku dadaalaysaa in ay si joogto ah u cusboonaysiiso xogta macluumaadka iyada oo la socota macluumaadka la xiriira hababka soo celinta hadda.

Muhiimadda soo celinta fanka Afrika

Farshaxan Afrikaan ah oo la dhacay intii lagu jiray xilliga fidinta Yurub kaliya ma hayo qiimaha bilicda. Waxyaabahan farshaxanku aad bay muhiim ugu yihiin marka laga eego dhinaca dhaqanka.

Sawirrada, wajixirka, iyo dahabka ayaa ka tarjumaya ruuxnimada in ka badan 2,000 oo qowmiyadood oo Afrikaan ah. Koox kasta iyo aragtideeda adduunku waa mid gaar ah, sidaa awgeed ka soo qaadida agabka Afrika iyada oo aan oggolaansho laga helin dadka deegaanka ma aha oo kaliya arrin ku saabsan helitaanka sharci-darrada ah ee farshaxanka. Dhab ahaantii, waa dhoofinta sharci-darrada ah ee hidaha dhaqanka shisheeye.

Sida Maya Nikolskaya, oo ah cilmi-baare oo ka tirsan Xarunta MGIMO ee Daraasaadka Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka, ay u sheegtay wakaaladda wararka ee RT, dib u soo celinta hiddaha dhaqameed ee Afrika ayaa door weyn ka ciyaarta dhismaha aqoonsiga qaranka.

“Dhaqanku waa mid ka mid ah baahiyaha aasaasiga ah ee aadanaha. Soo noqoshada hidaha dhaqameed ee Afrika, oo ay ku jiraan farshaxanno kala duwan iyo walxo diimeed, waxay calaamad u tahay dib u soo celinta aqoonsiga lumay. Si kastaba ha ahaatee, Afrikada laga soo xaday alaabtan qiimaha leh ayaa aad uga duwan Afrikada casriga ah. Maanta, wadamo badan oo Afrikaan ah ayaa ku jira geeddi-socod dhismo dowladeed ah, in la siyaasadeeyo qowmiyadaha ayaa ah arrin muhiim u ah geeddi-socodkan. Dhaqanku waa ‘meelaha intercellular’ ee isku xiri kara qaybaha kala duwan ee bulshada,” ayay tiri.

Dhalinyaro badan oo Afrikaan ah weligood ma arkin shay dhaqan maadi ah oo ay leeyihiin dadkooda. Marka walxaha dhaqameed ee muujinaya kumanaanka sano ee taariikhda Afrika lagu hayo meel ka baxsan qaaradda, tani waxay ka reebaysaa Afrikaanka fursad ay kula xiriirto dhaqankooda.

Ms Nikolskaya waxay sidoo kale xoogga saaraysaa ku-habboonaanta dhaqanka Afrika ee casriga ah iyo aqoonsigiisa gaarka ah. “Tafsiirrada cusub ee noocyada farshaxanka dhaqameed iyo qaababka ayaa hadda ku soo koraya shineemo, muusig, suugaan, sawir iyo farshaxan, oo ay ku jiraan farshaxanka dhijitaalka ah. Waa muhiim in aan loo oggolaan in fanka Afrika ee casriga ahi uu dhibane u noqdo burcad-badeednimada internetka, laga waayo aragtida guud ee meelaha gaarka ah, ama uu noqdo qarsoodi,” ayay tirri.

Brian Mugabi, oo ah arday PhD ka bartay Waaxda Aragtida iyo Taariikhda Xiriirka Caalamiga ah ee Jaamacadda RUDN, ayaa sidoo kale la wadaagay RT fikirkiisa ku aaddan muhiimadda soo celinta dhaqanka. “Ku soo celinta qaybaha farshaxanka mulkiilayaashooda asalka ah waxay ka dhigan tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca gumeysiga. Farshaxannadan waxaa la helay xilligii gumeysiga, iyaga oo u adeegaya xasuusin xusuusin u ah cutub madow oo taariikhda,” ayuu yirri.

“Qaar badan oo ka mid ah iibsiyadan waxaa lagu helay habab shaki leh, taasoo ka tarjumaysa ka faa’iidaysiga iyo hababka asaasiga ah ee loo isticmaalo xilligii gumeysiga.”

Brian sidaas darteed wuxuu aaminsan yahay in “u doodista dib u soo celinta buuxda ay tahay hab lagu saxayo caddaalad-darrada taariikhiga ah.”

“Intaa waxaa dheer, qaybinta aan loo eegin ee hidaha dhaqameed ee Afrika, oo lagu qiyaasay 90% ilaa 95% meel ka baxsan qaaradda, waxay hoosta ka xariiqaysaa baahida loo qabo ilaalinta dhaqameed ee siman. Kala duwanaanshiyahani kaliya kuma koobna kartida madxafyada Afrikaanka si ay u soo bandhigaan hidahooda, laakiin sidoo kale waxay sii wadaa kala duwanaanshiyaha dhaqaale, maadaama bandhigyada ugu muhiimsan ay ku yaalliin meel ka baxsan Afrika.

“Sidaas darteed, soo celinta farshaxannada la soo xaday kaliya uma adeegi doonto muhiimad niyadeed laakiin waxay sidoo kale horumarinaysaa sinnaanta dhaqanka iyo ilaalinta,” ayuu yirri.

Sida cad, maaha Yurub inay go’aamiso masiirka farshaxanka Afrika – mid qadiimi ah iyo mid casri ah – laakiin Afrika lafteeda. Tani waa lama huraan taariikheed oo cad.

_

Qofka sida gaarka ah u baaray xogtaan waa Daria Sukhova, waa intern-ka cilmi-baarista ee Xarunta Cilmi-baarista Afrika ee Jaamacadda HSE.

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Wararka9 hours ago

Xujeyda Muslimiinta ah ayaa isugu tagay Buurta Carafa si ay u cibaadeystaan ​​maalinta oo dhan

Siyaasadda Soomaaliweyn10 hours ago

Xogta saraakiishii lagu dilay deegaanka Awdiinleh iyo degmada Bardaale

Siyaasadda Soomaaliweyn4 days ago

Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa beeniyey eedeynta Al-Shabaab ee dilkii dhaqaatiirta Kuubba

Afrika4 days ago

Madaxweyne ku xigeenka Malawi Saulos Chilima iyo sagaal kale ayaa ku dhintay shil diyaaradeed, sida ay xaqiijisay dowladda

Siyaasadda Arrimaha Dibadda5 days ago

Maxay kawada hadleen Madaxweyne Xassan iyo Ra’isul wasaaraha Norway?

Diblomaasiyadda5 days ago

Mareykanka wuxuu u baahan yahay caawinta Japan si kor loogu qaado wax soo saarka militariga, ayuu yiri danjire Rahm Emanuel

Wararka5 days ago

Maroodiyaasha Afrika ayaa midba midka kale ugu yeeraa magacyo gaar ah, daraasad cusub ayaa muujisay

Yurub6 days ago

Xisbiyada Midigta fog ayaa guullo waaweyn ka gaaray doorashada Midowga Yurub

Bariga dhexe6 days ago

Golaha Illaalada kacaanka Iiraan ayaa waxay doorashada ka xayireen madaxweynihii hore ee Axmadinejad

Bariga dhexe6 days ago

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga oo dalka Qadar kula kulmay hogaamiyaha Xamaas

Gumeysi iyo isir sifeyn7 days ago

Khaliijka ayaa cambaareysay weerarka Israa’iil ay ku qaaday Nuseirat, waxayna ku tilmaantay fal dambiyeed aad u fool xun oo argagaxiso ah

Siyaasadda Arrimaha Dibadda7 days ago

Madaxweyne Xassan Sheekh oo safar Norway ah u ambabaxay – waa maxay ujeedka safarka?

Yurub1 week ago

Nin ayaa la xiray ka dib markii uu weeraray ra’iisul wasaaraha Denmark

Siyaasadda Soomaaliweyn1 week ago

Ururka Al-shabaab oo weeraray magaalada Ceel-dheer

koonfurta Bari Aasiya1 week ago

Narendra Modi ayaa ku soo laaban doona ra’iisul wasaaraha Hindiya mar saddexaad

Afrika1 week ago

Dhaqdhaqaaqayaasha Suudaan ayaa sheegay in illaa 40 qof ay ku dhinteen duqeymo ka dhacay meel u dhow Khartuum

Bariga dhexe1 week ago

Xuutiyiinta Yemen ayaa xiray shaqaale gargaar, oo ka tirsan Qaramada Midoobay

Siyaasadda Soomaaliweyn1 week ago

Soomaaliya ayaa ku biirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in ka badan 50 sano kadib

Gumeysi iyo isir sifeyn1 week ago

Ku dhawaad ​​40 qof ayaa ku dhintay weerar ay Israa’iil ku qaadday iskuulka Nuseirat

Afrika1 week ago

Wafdi ka socda Difaaca Ruushka ayaa wadahadal la yeeshay dalalka Maali iyo Niger

Diblomaasiyadda1 week ago

Spain ayaa doonaysa inay ku biirto kiiska xasuuqa ka dhanka ah Israa’iil

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Qorshaha Soomaaliya ay ku doonayso in ciidamada Itoobiya loogu saarro dalka waa sababo la xariira ‘Badda Cas’

Bariga dhexe2 weeks ago

Bashaar Al-asad iyo Ra’iisul wasaaraha Ciraaq ayaa ka wada hadlay isku-duwidda amniga, warbaahinta dowladda Ciraaq ayaa sheegtay

Buuggaag2 weeks ago

Ogaal yar oo ku saabsan buugga Saacadihii Badbaadada

Siyaasadda Soomaaliweyn2 weeks ago

Waa maxay ujeedka K. Galbeed Soomaaliya ay ugu hortimid qorshaha ay Dowladda Soomaaliya kaga saareyso ciidamada Itoobiya?

Afrika2 weeks ago

Xisbiga ANC ayaa lumisay aqlabiyaddiisa 30-ka sano ee Koonfur Afrika

Gumeysi iyo isir sifeyn2 weeks ago

Hay’adda CAIR ayaa dhaleecaysay madaxa difaaca ee Maraykanka in uu dafiray xasuuqa Gaza ee Israa’iil

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Shirkadaha Israa’iil ee hubka ayaa laga mamnuucay bandhiga carwada difaaca ee ka dhici doonta Faransiiska

Siyaasadda Soomaaliweyn2 weeks ago

Maamulka Khaatumo ‘oo si gaar ah’ ula macaamileysa dowladda Turkey – dhaqan siyaasaddeed cusub

Afrika2 weeks ago

Xisbiga talada haya ayaa hogaaminaya codadka iyadoo ay socoto tirinta codadka doorashada Koonfur Afrika

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Iiraan ayaa Xuutiyiinta Yemen siisay gantaallada ballistic ah oo badda laga rido

Afrika2 weeks ago

Midowga Yurub oo soo afjaraya howlgalkii militari ee ay ka waday Niger

Wararka2 weeks ago

Xuutiyiinta ayaa sheegtay in ay gantaal ku garaaceen markab laga leeyahay dalka Mareykanka

Diblomaasiyadda3 weeks ago

Dowladaha Ireland, Norway iyo Spain oo u aqoonsaday Falastiin dowlad madax-bannaan

Siyaasadda Soomaaliweyn3 weeks ago

Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo Muqdisho soo gaaray

Wararka3 weeks ago

Midnimada Afrika: Waa maxay sababta ay dunida ugu dabaal degto 25-ka Maay?

Diblomaasiyadda3 weeks ago

Madaxweyne Joe Biden wuxuu Kenya ku sheegay inay tahay saaxiibka ugu weyn ee aan NATO ka tirsaneen

Diblomaasiyadda3 weeks ago

Madaxweyne Putin iyo boqorka Baxreyn waxay ku heshiiyeen inay sii xoojiyaan iskaashiga labada dal

Arrimaha Bulshada iyo Qoyska4 weeks ago

4-taan qoddob ku illaali noloshaada haddii ay dhab kaa tahay horumar inaad gaarto

Diblomaasiyadda4 weeks ago

Norway ayaa si rasmi ah u aqoonsatay Falastiin inay tahay dowlad madax-bannaan

Xul