Connect with us

Arrimaha Bulshada iyo Qoyska

Xeeldheerayaasha Caafimaadka Ayaa Ka Hadlaya Saamaynta Da’da ee Dadka

Published

on

 


Inta badan dadku waxay dareemaan da’ ka yar ama ka badan tooda saxda ah – da’daan ay niyadda ku heystaanna waxay saameyn weyn ku leedahay caafimaadkooda jir ahaan iyo maskax ahaanba. Bal ku fikir, muddo kooban, in aadan lahayn warqad dhalasho oo lagu fahmi karo da’daada balse da’daada ay ku saleysantahay hadba sida aad adiga ka dareemeysid niyadda. Imisa sano ayaad sheegan lahayd? Isla sida aysan isku baddalin dhirirkaaga iyo cabirka kabahaaga oo kale, tirada sannadaha lasoo dhaafay tan iyo markii aad dunida timid iyana waa xaqiiq aan is baddalin. Laakiin maalin walba khibraddu waxay muujisaa in aynaan badanaa isku si u arkin da’da, iyadoo dad fara badanna ay dareemaan in ay ka weynyihiin ama ka yaryihiin da’dooda rasmiga ah.

Waxaa soo badanaya seynisyahannada daneynaya arrintaan. Waxay ogaanayaan in ‘da’da aad iska aaminsantahay’ ay muhiim u noqon karto sidii aad ku fahmi lahayd sababta ay dadka qaar ugu muuqdaan in ay ka duqsanyihiin da’da ay jiraan – kuwo kalena ugu muuqdaan in ay sii yaraanayaan. “Arrinta ku saabsan in dad ay da’dooda weyntahay ay dareemaan dhallinyaro-nimo waxaa sabab u noqon kara tallaabooyinka muhiimka ah ama go’aannada nolosha ee ay qaataan maalin walba,” sidaas waxaa yiri Brian Nosek oo ka tirsan jaamacadda Virginia.

Muhiimaddeeda halkaas kuma eka. Daraasado fara badan oo la sameeyay ayaa xitaa muujiyay in da’da aad iska aaminsantahay ay xitaa saadaal ka bixin karto xaalado caafimaad oo muhiim ah oo aad mari doontid, taasoo ay ku jirto halista ku aaddan dhimashadaada. Marki siyaabo badan oo sax ah loo eegana, runti da’daadu ‘waa kaliya midda aad dareemeysid inaad jirtid’.

Marba haddii la hayo natiijooyinkaan macquulka ah, dad badan oo cilmi baareyaal ah waxay hadda isku dayayaan in ay soo saaraan habab badan oo culuumta caafimaadka iyo seyniska ah oo lagu ogaan karo qaabka qofeed iyo khibradda shaqsiyadeed ee kororka da’da, iyo sida uu cilmigaan nooga caawin karo inaan wakhti dheer farxad ku waarno, caafimaad dheeri ahna helno.

Fahamkaan cusub ee ku aaddan habka koroka da’da waxa uu soo socday muddo tobannaan sano ah. Qaar ka mid ah daraasadihii lagu sameeyay farqiga u dhexeeya da’da la dareemo iyo da’da rasmiga ahna waxay soo baxeen sannadihii 1970-meeyadii iyo 1980-meeyadii. Haddase waxaa batay dhinacyada daneynaya arrimahaan.

Waxaa 10-kii sano ee ugu dambeeyay si is daba joog ah usoo baxayay daraasado cusub oo lagu odorosay arrimahaas iyadoo la adeegsanayay xirfadaha cilmi nafsiga iyo iyo indho-indheynta muuqaallada dadka ay quseyso cilmi baaristu. Mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee cilmi baaristaan waxay faah-faahisay sida ay isku waafaqsanyihiin shakhsiyadeenna iyo da’da aan iska aaminsannahay.

Hadda waxaa la isku wada raacsanyahay in dadku ay jeclaan lahaayeen muuqaal dhallinyaro-nimo ah inta ay sii weynaanayaanba.

Hase ahaatee, tan kale ee muhiimka ah waa in dadka aaminsan da’da ka yar da’dooda rasmiga ah ay sidoo kale noqdeen kuwo jecel in ay howlaha ku caawiyaan dadka kale isla markaana aysan la fajicin isbaddalka dabiiciga ah ee ay dareemaan marka ay sii kororto da’dooda. Sidaas awgeed waxa ay wali u muuqdaan kuwo hela xigmaddooda iyo waayo aragnimadooda nolosha.

Balse tamartooda dhanka awoodda marnaba si toos ah ulama mid noqoto midda ay leeyihiin dadka dhallinyarada saxda ah. Inaad dareento da’ ka yar da’aada caadiga ah waxay sidoo kale u muuqataa mid kaa yareyneysa halista ku aaddan isku buuqitaanka iyo dhibaatooyinka dhanka maskaxda inta aad sii weynaaneysaba. Waxay sidoo kale ka dhigantahay caafimaad qab fiican oo xagga jirka iyo maskaxdaba ah.

Yannick Stephan oo ka tirsan jaamacadda Montpellier ayaa daraasaddaan sameeyay isagoo macluumaad ka qaatay dad kor u dhaafaya 17,000 oo ruux oo isugu jira dad da’ dhexaad ah iyo kuwo gaboobay. Inta badan dadku waxay dareemayeen da’ ilaa siddeed sano ka yar da’dooda rasmiga ah. Laakiin qaar waxay dareemeen in ay da’ noqdeen. Xaddi dhan 18-25% ayay daraasaddu ku qeexday in ay dareemeen da’ ka badan da’dooda caadiga ah taasoo ah inta u dhaxeysa 8 ilaa 13 sano, waxayna sheegtay in ay kuwaasi halis ugu jiraan xaalado caafimaad darro iyo xitaa dhimasho. In niyadda lagu heysto da’ yar waxa ay qofka ka caawineysaa in ay farxaddiisa siyaaddo sida uu qabo Stephan.

Hase ahaatee arrinta kusaabsan in qofka xaaladdiisa fiican ee jir ahaan iyo maskax ahaan ay ku xirantahay in uu dareemo da’da uu iska aaminsanyahay waxa ay sidoo kale quseysaa dhanka kale oo ah in haddii uu qofku dareemo culeys nafsadeed iyo hilmaam badan uu markaas u baahanyahay in uu aamino da’ ka weyn da’diisa rasmiga ah. Daraasadda Stephan oo hadda ku daabacan wargeyska Psychosomatic Medicine waxay noqotay daraasaddii ugu weyneyd uguna saameynta badneyd ee laga sameeyo arrimahaas. “Cilmi baaristaan waxaa lala barbar dhigi karaa ama ay kasii xoog badantahay kuwa horay looga sameeyay dhanka da’da,” ayuu yiri Stephan.

U dhig si kale: Da’da aad iska aaminsantahay waxay saadaal uga bixin kartaa xaaladdaada caafimaad si ka fiican sida ay uga bixin karto warqaddaada dhalashada ee ay ku xusantahay da’daada rasmiga ah.

Iyadoo tan maskaxda lagu heysto, ayay seynisyahanno fara badan isku dayayaan in ay macluumaad dheeraad ah kasii ogaadaan arrimahaan si ay u suurta gasho in lala qabsado. Goormaan billaabeynaa inaan dareenno sida ay u shaqeeyaan maskaxdeenna iyo jirkeenna? Sideyse ku dhacaan waxyaabahaas?

Isagoo kaashanaya Nicole Lindner(oo qudhiisa ka tirsan jaamacadda Virginia), ayuu Nosek baaritaan ku sameeyay siyaabaha ay xiriirka u leeyihiin da’da la iska dhaadhiciyo iyo midda saxda ah. Sida aad filan kartid, inta badan carruurta iyo da’ yarta waxay dareemaan da’ ka weyn da’dooda saxda ah. Laakiin arrintaan waxay isku badashaa dhanka kale marka ay gaaraan qiyaastii 25 sano, markaasoo da’dii ay dareemaayeen lasoo dhaafay.

Marki ay soo gaaraan 30 sano, ku dhawaad 70% dadku waxay dareemaan da’ ka yar da’dooda rasmiga ah. Arrintaanna way sii socotaa inta uu qofka noolyahay. Sida ay Nosek iyo Lidner qalinka ku duugeen, “Da’da la aamino waxay u muuqataa mid lagu xisaabo waqtiga jawi ee meeraha Mars, halkaasoo tobankii sano ee meeraha dhulka ah ay la mid tahay 5.3 sano”.

“Arrintani waa mid nala koreysa, waxayna xoogaa yar ka ka hooseysaa sida aan hadda dareemeyno” ayuu yiri Nosek.

Daraasadahaasi waxa ay fikrad naga siinayaan inaan eegno sida jirkeenna iyo maskaxdeenna ula shaqeeyaan xilliga kusii kordhaya da’deenna. Da’ kasta oo aad tahay waxay ku xirantahay sida ay kuu quseyso daraasadda iyo dhanka aad uga qumantahay adiga.

Facebook Comments Box

Xafiiska Falanqeynta ee Diblomaasi.com waa xafiiska u qaabilsan dabagalka wararka, baarista qotoda dheer, xaqiiqo raadin, iyo ka warbixinta arrimaha danta guud, soo bandhigida xogta qarsoon ama daahsoon sida musuq maasuqa ama arrimo laga yaabo in aan si kale loo ogaan. Xafiiska Falanqeynta ee Diblomaasi.com wuxuu door muhiim ah ka ciyaaraa la xisaabtanka dawladda, ganacsatada iyo shakhsiyaadka iyaga oo xafiiskan soo bandhigaya sheekooyin muhiim ah oo saamayn ku yeelan kara bulshada. Ujeedada waa abuurista xaddaarad cusub.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Arrimaha Bulshada iyo Qoyska

Muhiimada ay inoo leedahay aqoonta ama waxbarashada

Waxbarashadu waa sheyga ugu muhiimsan nolosha, si aan guul u gaarno waxaan u baahanahay in aan wax badan barano si nolosheenu ay u noqoto mid ku dhisan aqoon iyo cilmi.

Published

on


Sidda nolosheena ay ugu baahan tahay inaan helno cunno iyo cabitaan ayaa sidoo kale maskaxdeenana waxay u baahan tahay inaan helno aqoon ama waxbarasho si ay u kobacdo maskaxdeena.

Dadka ayaa si kala duwan u gaarto aqoonta ayadoo waqtiga hadda la joogo ay tahay heerkii ugu sareysay aqoonta iyo sidda ugu fudud ee loo raadiyo balse dad badan ayaan helin ama aysan gaarin sidda ay ku heli karaan aqoontii ka maqneyd.

Bulshada aan ku dhex nool-nahay iyo qaar kale oo la mid ah ah ayaan helin aqoontii loo baahnaa ayadoo bulshada dhexdeeda ka jiro waxyaabo ay ka mid yihiin tayo yarida aqoonta iyo baahida ay bulshada u qabto inay helaan aqoon tayo leh.

Soomaalida iyo qaar kale oo badan ayaa jecel inay helaan aqoon tayo leh,  ayadoo nolosha dadkan  noloshooda ay ku tiirsan tahay waxbarshada ayaa haddana jirin aqoontii loo baahnaa. Dalal badan oo ka mid ah qaarada Africa ayaan ka jirin nidaam waxbarasho oo sal adag leh taas oo meesha ka saartay inay in bulshada kunool qaarada Africa ay helaan waxbarasho tayo leh.

Soomaaliya, tan iyo markii ay burburtay dowlladii dhexe ee Soomaaliya waxaa meesha ka baxay nidaamkii waxbarshada oo aas aas u ahaa bulshada Soomaaliyeed taasoo ka dhigtay in waxbarashada dalka ay gacanta ku hayaan shaqsiyaad ama ganacsato kuwaa soo alifay nidaamka waxbarashao ee hadda jira – qaab isxilqaan ah. Nasiib darro, waxaa jira waxyaabo badan oo ka dhashay nidaamkan waxbarasho ee ka jira Soomaaliya taasoo meesha ka saartay tayadii loo baahnaa inay yeelato waxbarashadeena kana dhigtay mid u furan qof weliba.

Faa’iida ay leedahay waxbarashada

Waxbarashadu waa sheyga ugu muhiimsan nolosha, si aan u guul gaarno waxaan u baahanahay in aan wax badan ka barano si nolosheenu ay u noqoto mid ku dhisan aqoon iyo cilmi.

Waxbarashadu waa mid ka mid ah waxyaalaha fursadaha u beddela guulo waaweyn. Sidoo kale, waxaa jira dad badan oo ay dhibaato kala kulmaan  faa’idada ay leedahay barashada sida loo aqoonsado waxyaabaha qaarkood. Aqoontu waxa ay ka mid tahay waxyaabaha ay ummaddu ku faanto oo ay tixgalin gaar ah siiyaan, waayo waxa aynu aaminsanahay in wax-barashadu tahay waxa nafaqeeya garaadkeena nololeed.

Siddeed ku bilaabi kartaa waxbarasho

Dad badan ayaa jecel inay waxbartaan ayadoo u jeedadooda tahay inay heelaan aqoon ay ku maamulaan noloshooda balse aan helin sabab kasto ha ahaatee. Haddaba si aad wax u barato marka hore ka tanaasul caadooyinkaagii hore ama sidda aad maleyneyso waxyaabaha qaar.

In badan oo ka mid ah noolaha waa uu isku raacay in qof weliba uu yahay wixii uu maanka ku heysto ama uu u maleynaayo inay noloshiisa tahay. Haddaba tani waxay ka mid tahay caadooyinii kuu keenay inaad ka harto waxbarashada kana dhigtay mid ku guul dareystay noloshiisa oo dhan.

Si aad u hesho aqoon ama waxbarasho waxaad u baahan tahay inaad qaado talaabooyinkan soo socda

Inaad yeelato manhaj wax-barasho: waxaa laga yaabaa inay wax badan kusoo dhacaan niyadaada balse aadan maamuli Karin xiligan la joogo, waayo waxaa horey u araktay manhajyo badan oo lagu dhigo iskuulada iyo meelo kale balse manhajka aad wax ku baraneyso hakuu noqdo mid aad adigu dooratay kaasoo kaa dhigi kara qofka aad rabto inaad noqo.

Yeelo waqti kuu xadidan: waxaa wanaagsan waxweliba oo aad qabaneyso inay kuu yeeshaan waqti xadidan sababtoo ah haddii waqtigaada uusan xadidneyn ma go’aamin kartid howsha aad qabaneyso, waxaana kugu dhamaan doono waqtiga adigoo aadan meel gaarin.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Arrimaha Bulshada iyo Qoyska

Raxmo-yarey yaa uureeyay?

“Gabarnimadeeydii adaa ku dheeshay, nin kale oo sidan igu rabana ma leh, ee waa ku aamminaa, yaa?”

Published

on


Qolalka fadhiga waxaa goglan furshaan iyo barkimooyin debecsan, halkaas ayaana hurdo iyo soojeedba lagu danaystaa. Dhawr nin oo isyaqaan ayaa joogto ku ah, laakiin dumarka maalin maalin ayaa loo beddelaa. Ta keliya ee ku raagtay waa Raxmo-Yarey oo adeegto ku magacaaban si walba se looga muraadsaday.

Fillada cad macaamiishu rag iyo dumarba aad ayay u jecel yihiin. Waxaana u badan rag ka tirsan xafiiska Villada ee maamulka Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud. Waa guriga mooshinada lala damacsan yahay madaxweyne Xassan iyo ra’isul wasaarada Xamse loogu hortago. Waxay ku dhex taal xaafad u dhow xafiiska loogu arrimiyo dalka, ahna meel deggan kana durugsan indhaha foqorada ee xaasidka ah ee maamulka neceb. Waxay ula baxeen Fillo Adduun. Fureheeda dhawr nin oo isku kalsoon baa haysta. Waa lagu wada danaystaa laguna ka la danaystaa. Kharashka tumashada la isku ma riixriixo ee hadba ninka ay gacantiisu jeebka u horrayso ayaa bixiya. Khamri, qaad, heeso, cunto iyo galmo ayaa lagaga haqab la yahay. Dumarka meesha lagu quutaa waxay u badan yihiin gabdho aad u yaryar oo dhaylo loola baxay oo faqrigu ka hiiliyay. Waxay sheegtaan rag Ilaahay wax siiyay, balaayo ayaa se wax siisay.

Gabdhaha qaarkood ee Fillada cad yimaada waa kuwa jirkooda ku bedeshay shaqo inay xafiisyada dowladda ee maamulka ka helaan daruuftana ay ka hiilisey. Fillo Adduun waxaa ku meegaaran derbi saddex mitir dhulka ka kacsan, waxayna lee dahay beer qurux badan oo dhir, doog iyo ubax ah. Ganjeelo cas oo bir ah ayaa laga soo galaa, dabadeed wadiiqo jay ah la raacaa ilaa albaabka looxa ah ee guriga la gaadho. Wuxuu ka kooban yahay kijo weyn, laba musqulood oo qubays leh, fadhi weyn, qol cunto iyo shan qol oo kale.

Raxmo waxay ugu dambaysay gabdho badan oo adeegto ka soo noqday Filla Adduun, kuwaas oo ay mid waliba maalmo yar gudahood shaqada ka cararaan. Dhammaan waxay ka argaggaxeen xayodarrada meesha ka socota, iyo isla markaas ragga aan xishoodka aqoon ee Cabdulle iyo Qorane ugu horreeyo, kuwaas oo inta ay kijada ugu galaan kor iyo hoos meesha ay gacantoodu gaadhi kartaba gaadhsiiya, wax aanay u soo shaqo teginna ka qalqaashada. La ma tirin karo inta gabdhood ee sababtaas shaqada kaga tagtay. Laakiin Raxmo waa ay ugu miskiinsanayd ama ugu dulqaad badnayd.

Da’deedu waxay ahayd toddoba iyo toban jir, laakiin ka ma ay dheerayn mitir iyo afartan, culayskeeduna afartan wuu ka hooseeyay. Waxay ku dhalatay Afgooye, waxayna kasoo jeedaa qabiilada lagu sheego .5 (4.5 qabiilada laga tirada badan yahay oo dowladnimada soomaaliya xaqirtay) waxay kas iyada oo sagaal jir ah markii ay hooyadeed dhimatay ayuu aabbaheed Xamar ku guursaday naag kale oo Raxmo aad ugu darrayd. Nolol silic leh oo guriga aabbaheed ee aan laga jeclayn iyo ka habaryarteed ee faqiirka ah u dhaxaysa ayay ku soo kortay. Weligeed dugsi ma ay dhigan, iyada oo kow iyo toban jir ah ayayna markii ugu horreysay adeegto noqotay taas oo ay habaryarteed u soo heshay. Markaa ka dib dad ka la duwan ayay xirfaddaa ugu soo adeegtay, kuwaas oo ay qaarkood ka soo martay waayo’aragnimo xun.

Qurux lagu ammaano ma leh, laakiin dadkeeda waa ay iskaga dhex jirtaa. Gaabnaanta iyo lafo yaraanta dartood jeer wejigeeda la arko waxay u eg tahay ilmo yar. Waxay nolosha kaga riyootaa oo keliya nin jeclaada oo guursada kana saara adeegtonimada. Laakiin nin gol qabateeya mooyee mid guur ka la hadla waxaa ka jiray oday lixdan jir ah, kaas oo ay qoyskiisa beri adeegto u ahayd. Isagana shaqadiiba waa ay uga carartay iyada oo leh: “Duqaan quxuubka ah fiiri! Aniga qof oo isnacday maas ii malaynaa?”

Guriga waxa ka dhaca iyo dadka isku roorsada iyadu ma jecla laakiin dan ka ma gasho. Iyada oo heeso hindi ah iyo kuwo banaadiri ah marba mid qaadaysa ayay shaqadeeda si daacad ah u gudataa, taas oo ka kooban cunto kariska, nadaafadda iyo u adeegga dadka halkaa ku laacdama. Habeenka ay shaqada ku daahdo ama aad u daallan tahay waxay isaga hoyataa qolkaa kijada ku xiga oo ay kuwii iyada ka horreeyayna seexan jireen. Hawsha gurigu ha iska dhib badnaato, jawigana ha ku diiqadooto, laakiin dhaqaale ahaan raalli ayay ka tahay oo mushaharkeedu adeegto ku ma xuma, dadka guriga ku tuntana dhacdhac ayay ka heshaa. Iyaguna Raxmo-Yarey ayay u la baxeen oo waxay ku jecel yihiin daacadnimada iyo dhego nugaylka.

Maanta martidu waa ay badnayd, hawshuna waa ay cuslayd. Saqdhexe ayay Raxmo iyada oo aan daal isqaadi karin furaashkii qolkeeda dhulka yaallay isku tuurtay. Iyada oo aan dhinaceedu gogosha gaadhin ayay gama’day. Laakiin dadkii iyagu weli waa ay bulaamayaan oo cawayskooda fari ka ma qodna. Goor dambe iyada oo hurdo mayd uga dhow, ilayskuna u dansan yahay, ayay ku toostay gacmo waaweyn oo jidhkeedii yaraa dhan walba u xulaya, timo qodxo la moodo oo dhabanka ka mudmudaya iyo neef ay sigaar iyo khamri ka buuxaan.

“Yaa waaye?… Yaa waaye?…” ayay ku qaylisay iyada oo argaggaxsan.
“Usuus! Raxmo, waa Qorane ee aamus!”

“Adiga ma waalatay, Qorane? I dhaaf, i dhaaf, iga kac aniga gurigaaga haddaan kaaga baxaaye…”

“Ramxo, miskiinnimada iska daa, kaniba waa gurigaagii ee xaggee baad ka aadaysaa”, ayuu ku yidhi, isaga oo isla markaa yartii sidii libaax sagaaro qabtay laabta gashaday dharkii yaraana midba dhan uga tuuray.

“I dhaaf aniga, i sii daa aan ku dhahay. Iga kac! Waa i xoogee miyaa? Alla aaboow!…”

Iyada oo sidaas u cataabaysa ayuu ka dan dhammaystay. Kuwii kale markaas waa ay wada hurdeen, haddii se ay qaylada iyo baroorta Raxmo ku toosi lahaayeen sakhrad iyo qaaddiro ayay la daateen oo dadka xabaalaha ku jira ka ma duwana.
Markaa ka dib wuxuu bilaabay in uu maslaxo oo ku yidhaahdo: “Raxmo, maxaad la ooyaysaa, wax naag lagu sameeyo wax ka badan miyaan kugu sameeyay? Waan ku jecel ahay, haddii aad rabtidna waan ku aroosaa, gurigan aad ka shaqaysana adiga ayaa yeelanaya.”

“Arooskaagana ma rabee i dhaaf aniga”, ayay tidhi oo sii ooyday. Raxmo-Yarey caawa ayaandarro u dhimani ma jirto. Nolosheeda wax qiimo u leh oo ay ilaashato waxaa ka jiray gabadhnimadeeda oo ay aad ugu soo faro adaygtay, cadaw badanna ka soo badbaadisay, tiina waa taa caawa balaayo hurdada ku miratay. Habaryarteed iyo aabbaheed haddii ay u dacwooto maxay u qaban karaan? Muraayada yar ee ka burburtay miyaa ay u soo kabkabi karaan? Dawlad loo dacwoodaa ma jirtaa? Oo dawlad aan Negeeye ahaynba ma iyadaa taqaan. Ilaahayoow aniga sidee yeelaa? ayay ku calaacalaysaa. In ay mustaqbal la’aan tahay, cid wax dambe ku falaysaana jirin, ayay hubtaa. Qalanjadii hindiga ahayd ee webiga isku ridday ayay soo xasuusatay. Anigana in webi isku rida waaye, nolol maa ii hartay? ayay ku fekeraysaa.

Aroortii xigtay dadkii qolka cuntada u soo quraac doontay waa ay ku hungoobeen. Raxmo-Yarey sidii xalay ayay sariirta uga ooyaysaa. Qorane ayaa iyada oo halkii duuban u soo galay, oo inta uu sariirta dacal kaga fadhiistay mar kale sabaalin u galay.

“Raxmo, sidaas ayaad ii neceb tahay miyaa? Qoftaadii jacaylkeedu iga batay, ee aan rabay in aan arooso, ee aan iyada darteed naagihii kale oo dhan u la hadli waayay, miyaa sidaas ii neceb?”

“Jeceelkaagana ma aqaane ammaan lee aan kaa helo. Jeceel ku lahaa! Xoog maa jeceel eh?”

“Raalli ahow, Raxmo. Ii sheeg abbaayo wax aan kuu qabto. Maxaan kuu soo gadaa? Waxaad rabto maanta afkaaga ka sheego.”

“Waxaan kaa rabo ma leh ee mar leh ammaan i sii.”

“Bes waaye, anigaa haddaba wax fiican kuu soo gadaya oo kaaga farxinaya, naag aan adiga ahayna ma guursanayo. Okeey?”

Maalintaas gelinkii dambe markii uu Qorane guriga ku soo noqday Raxmo-Yarey geed beerta ku yaal ayay hooskiisa fadhiday oo dhabanka iyo gacanta isku haysay. Taa wuu ku farxay, waayo awal wuxuu ka baqayay in ay aabbaheed iyo habaryarteed u cararto oo fadeexadayso. Maxay carartaa in ay nooshahayba ma iyadaa isu haysata. Wuxuu mar kale bilaabay in uu maslaxo, wuxuuna siiyay

iskujoog uu u soo iibiyay oo ka kooban garbosaar, guntiino iyo kabo.

Cabbaar kale ayuuna sii maslaxay.

“Wax ma ku warsan karaa?” ayay goor dambe u tidhi si lamafilaan ah.
“Haa, waad i warsan kartaa.”
“Waa ku aroosaa ma dhihinoo?”
“Haa, i ma rumaysnid miyaa?”
“Shimee hee?”

“Marka aan hawlo iga ka la daadsan isku hagaajisto.” “Habaryartay Iisho ma u sheegi karaa?”

“Raxmo, adiga maxaad dabbaal isaga dhegee? Dadka aan gabadhooda guursanayo in aan anigu u tago oo lacag u geeyo oo wayddiisto ma ahoo? Marka aan diyaar noqdo aniga ayaa si sharaf leh ugu tegaya ee adigu cidna ha la soo qaadin, yaa?”

“Gabarnimadeeydii adaa ku dheeshay, nin kale oo sidan igu rabana ma leh, ee waa ku aamminaa, yaa?”
“Bes waaye, i aammin, boqolkiiba boqol.”

Weli beerta ayay joogeene inta uu laabta ku qaatay ayuu sariirta qolkiisa la tegay, oo isaga oo in uu ninkeedii yahay ku sasabaya ka haqab beelay.

Maalintaas ka dib sidii ay xaas u tahay ayuu marka uu doono ku jimicsan jiray. Iyaduna far ma dhaqaajiso oo haddii ay diidi lahayd waxay ka baqday guurkii uu u ballan qaaday in uu kaga baxo. Ma ku rabee bax haddii i dhaho intee aadaa? Qof oon gabar eheen yaa rabo? Maya, ma ku dhahaayo. Ilaahoow ha i ceebeen! ayay mar kasta ku fekertaa. Sidaas ayay rajo ku nool u ahayd, markaa ka dibna shaqada guriga adeegto ahaan u ma gudato ee gurigeedii ayay ka dhigtay.

Qaybta ay jimanku ku xeroodaan in ay shaqo u tagto mooyee wax kale ku ma darsato, marka ay wax geynaysana albaabka ayay garaacdaa oo ka dhiibtaa. Wax walba se waa ay la socotaa oo marar badan ayay indhaheedu la kulmeen rag iyo dumar candhooyin qaawan isla dhex fadhiya oo Negeeye ka mid yahay, dabadeed yaxyax dib u la carartay.

Waa ay ka masayrtaa naagaha uu Negeeye wadwado, marka ay isaga ka la hadashana sidii qof dhaandhaamad ah ayuu ugu sheegaa in ay wada qayilaan keliya ee aan wax kale ka dhexayn. Iyadu runta waa ay og tahay ee in ay ku qayliso ama canaanato ayaanay ku dhicin. In uu ku xanaaqo dabadeed guriga ka eryo guurkana kaga baxo ayaa wax walba kaga daran.

Waa ay la yaabban tahay dadkan aan isqabin ee habeen iyo maalin sidaas isu dhex fadhiya. Dadkaan yaab waaye! Noloshooda dhan saan miyaa? Dad oo waaweyn waayee ma isku sheexaanoo? Jaad leh cunoowyiin, beesadooda wax kale ma ku gataanoo? Heesahooda dhanna af baadiye waaye oo wax ma laga fahmooyo. Kan oo Cabdulle la dhahaayo aaba iigu daran. Faras aa tahay ku ma lahoo! Faras Alle kaa dhig, ree baadiye waaxid! Qof dhan oo bani’aadan eh aas faras ku sheegaa! Waxay ujeeddaa Cabdulle oo isaga oo doonaya in uu ammaano maalin ku yidhi: “Waxaad tahay faras.”

Qorane marmar ayuu Raxmo isku maaweeliyaa ama marka aanu wax dhaamo haysan ayuu naf ka dhigtaa ee macne kale uguma fadhido. Laakiin iyadu waa ay isu dhiibtay oo marka uu waqtigu sii durkaba rajada guurka ayaa u soo durkaysa. Maalin iyada oo qado karinaysa ayay madax wareer iska dareentay, haddana yalaalugo, ka dib hunqaaco ka wareegtay. Waxay yeelatay uur. Iyada oo welwel iyo baqdin la kurbanaysa, dhanka kalena rajaynaysa xaaladda cusubi in ay guurka u soo dedejiso, ayay arrinta Negeeye u sheegtay. Isaguna shiddaba isma uu gelin ee wuxuu bishaaro uga dhigay:

“Waxba ma aha, berri ayaan dhakhtar kuu geynayaa oo lagaa soo tuurayaa.”

“Lagaa soo tuuraa? Maxaa jira, ilmaheennii maa hinoo maxaan isaga tuureeynaa? Hore lee maan iska aroosno?”

“Maya, Raxmo, hadhow labaatan ilmood haddii aad rabtid dhal, laakiin hadda inaga dhaaf. In aan diyaar garoobo oo aroos fiican oo la isu sheego inoo dhigo ayaan rabaa.” “Bes waaye, waa ku aamminaa.”

Subax subaxyaasha kamid ah ayay Raxmo-yarey soo gashay shaqadeedii Fillo Adduun oo ay ku horreysay markii ay ganjeelada garaacday waxaa ka furay laba nin oo aanay weligeed hore u arag. Waxay malaysay in ay yihiin madaxdii uu Qorane xalay sheegayay ama waardiyahoodii.

“Haye, yaad rabtay?” ayay wayddiiyeen.

“Guriganaan degganahee, Qorane weli madaxdii maas la joogto?”

“Madax maxay ah?”

“Qorane ma joogoo?”

“Qorane ma joogo, gurigana waa laga gataye, adigu tumaad tahay?”
“Waa laga gatay? Yaa ka gatayna? Isagii aaway?”

“Annaga ayaa ka gadannay, isaguna meel uu jiro ma naqaane, adigu tumaad tahay?”

Raxmo in kasta oo xaaladda loo sharxay haddana waa ay fahmi wayday. Habeenkii ay gabadhnimadeeda wayday si aan ka yarayn ayay u naxday. Markaas ayay isku soo daysay gurigan Cabdulle oo ay taqaannay. Isaga oo sidii sariirta u daadsan ayay wayddiisay:

“Cabdulle, abboo Qorane ma aragtay?” “Qorane ma arage, waan jirranahaye iga bax.” “Gurigii waas gadaa la dhehee run miyaa?” “War u ma hayo.”

“Afkana maxaa kaaga dhacay? As maa isdagaasheen?”
“Isaga ayaanu isdagaallay, haddii aad aragtidna xabbad baan ku dhufanayaa ee u sheeg.”

Hadalkaas wuxuu uga dan lahaa in aanay Raxmo mar dambe ku soo noqon oo Qorane wayddiin, iyadu se waa ay rumaysatay oo iskaga tagtay. Dhawr cisho ayay ku qaadatay in ay fahamto xiriirkii iyada iyo Qorane in uu ahaa ruwaayad ay iyada qudheedu qalanjo ayaandaran ka ahayd. Waxay ka fekertay in ay Afgooye aaddo oo Webi Shabeelle isku riddo, sidii ay hindiyaddii filinka ka aragtay.

____

Sheekadan waxaa laga soo dhan-balay buugga Aanadii Nageeye ee uu qoray Ibraahin Yuusuf Axmed Hawd sheekadani inay xittaa waaqiga maanta ee dalkeena ay taabanayso, horeyna dhowr gabdhood oo aan aqaano ayaa iigaga sheekeyey waxyaabaha ay kala kulmeen wasaaradaha dowladda iyagoo shaqo raadis ah.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Arrimaha Bulshada iyo Qoyska

10 Talo oo ku saabsan sida loo helo guusha nolosha

Waa qodobo kuu sheegaayo sida guusha loo qeexay iyo sida aad ku gaari karto. “Sida aad u aragto guusha iyo sida lagaa rabo inaad u aragto, waa mid kamid ah halxiraalayaasha ugu adag ee ku horyaallo inta aad dunida joogto.”

Published

on


Guusha waxaa inta badan lagu qeexaa kartida aad ku gaari karto yoolalkaaga nolosha, wax kasta oo hadafyadaasi ay noqon karaan. Siyaabaha qaarkood, kelmadda ugu wanaagsan ee guusha waxay noqon kartaa guul, ama horumar aad gaartay. Waa safar aad u baahan tahay inaad hesho waxyaabo kaa caawin karro horumarinta xirfadaha iyo agabka aad u baahan tahay si aad u horumarto.

Sababtoo ah yoolalka waa kuwo si gaar ah loo abuuro, dadku sida ay u arkaan guusha way kala duwanaan karaan iyadoo ay ku xiran tahay baahidooda, hadafkooda, iyo xaaladahooda nololleed.

Waxaa jira habab badan oo kala duwan oo loo maro sida aad nolosha ugu guulaysan lahayd, laakiin qaabka ugu fiican ee u shaqaynaysa guushaada waxa ay ku xiran tahay waxa ay guushu adiga kuu tahay iyo aragtida aad ka qabto. Haddii aad u malaynayso in guushaada tahay inaad shaqadaada ku wanaagsanaato ama aad kasbato mushahar sare, waxaad mudnaanta koowaad siin doontaa kor u qaadista yoolalkaaga xirfadeed.

Waxay kala yihiin labo shey oo kala duwan, sida aad u aragto guusha iyo sida lagaa rabo inaad u aragto, waa mid kamid ah halxiraalayaasha ugu adag ee ku horyaallo inta aad dunida joogto.

Waxay kala yihiin labo shey oo kala duwan, sida aad u aragto guusha iyo sida lagaa rabo inaad u aragto, waa mid kamid ah halxiraalayaasha ugu adag ee ku horyaallo inta aad dunida joogto. (Qoys, xiriir jaceyl, tacliin, iyo iwm ayaa ah kamid ah guulaha qaar ee ku horyaallo).

Nooc kastaba ha noqoto guusha aad raadinayso, maxaa kor u qaadi kara fursadaha gaarista guushaada? Waa maxay qaar ka mid ah caadooyinka dadka guuleysta? Ma jirtaa waddo keliya oo sax ah oo lagu guuleysto?

Marwalbo shuruudaha guushu waxay ku xiran tahay macnaha guud ee aad ku qeexi karto. Hal qof ayaa laga yaabaa inuu u tixgeliyo guul waxa uu qof kale u arko inay tahay guuldarro.

Waxaa laga yaabaa inaysan jirin su’aalo isku-dhafan oo dammaanad qaadi kara guushaada. Weli, waxaa jira tallaabooyin aasaasi ah oo aad raaci karto kuwaas oo hagaajin kara fursadahaaga inaad ku guulaysato noloshaada iyo shaqada.

1. Ku dedaal korriimaha maskaxdaada

Cilmi-baaris ay sameysay aqoonyahanka cilmi-nafsiga Carol Dweck ayaa soo jeedinaysa in ay jiraan laba maskaxood oo aasaasi ah oo saameeya sida ay dadku uga fikiraan naftooda iyo kartidooda: maskaxda go’an iyo maskaxda koritaanka. Waxay muujisay in saadaalinta guusha aysan dhib lahayn haddii qof hibo leeyahay iyo in kale. Waxa muhiimka ahi waa in qofku aaminsan yahay in uu guulaysan karo.

Dadka leh maskax go’an waxay aaminsan yihiin in waxyaabaha ay ka mid yihiin naftooda aysan isbeddelayn. Dadka leh maskax go’an waxay aaminsan yihiin in guushu aysan ahayn natiijo shaqo adag lagu gaaro – ee ay tahay in si fudud iyo nasiib lagu gaari karo.

Sababtoo ah waxay aaminsan yihiin in hibada noocaas ahi ay tahay wax ay dadku ku dhasheen, waa dad si fudud uga tanaasula caqabaddaha horyaalla. Waxay joojiyaan hawlaha horyaallo marka arrimuhu si sahal ah ku imaan waayaan sababtoo ah waxay aaminsan yihiin inay ka maqan yihiin xirfadda dhalanteedka ah ee looga baahan yahay inay sare u qaadaan.

Kuwa leh maskax korriin leh, dhanka kale waxay dareemayaan inay bedeli karaan, kori karaan, waxna ku baran karaan dadaal joogta ah. Dadka aaminsan inay awoodaan inay kori karaan waxay u badan tahay inay gaaraan guul. Marka arrimuhu adkaadaan, waxay raadiyaan habab ay ku horumariyaan xirfadahooda oo ay u sii wadaan ka shaqaynta guusha.

2. Rumayso naftaada
Talaabada koowaad ee guushu waa in aad rumaysato naftaada iyo kartidaada aad ku gaari karto hadafyadaada. Haddii aadan adigu aaminsanayn, cid kale ma rumaysna.

3. Deji yoolal aad gaari karto

Dadka guulaysta waxay ogyihiin inay u baahan yihiin inay ku bilaabaan hadafyo la gaaRi karo si ay u gaaRaan hadafka nolosha. Hadafyadani maaha kuwo fudud in la gaaro, laakiin markaad haysato wax aad hiigsanayso, waxaad si fiican u awoodi doontaa inaad hore u socoto oo aad ka gudubto caqabadaha.

4. Bilow ficil

Ha fadhiisan oo kaliya ha sugin inay wax walbo kuu qabsoomaan. Maalin kasta ka shaqeey yoolalkaaga hadaf ee aad leedahay.

5. Xoogga saar tamartaada

Ha isku dayin inaad wax badan samayso hal mar. U fiirso tamartaada waxyaabaha ugu muhiimsan ee kaa caawin doona inaad gaarto yoolalkaaga.

6. Samee xiriir wanaagsan

Xidhiidhku waa lama huraan guusha. La dhis xiriir adag dad ku taageeri kara oo kaa caawin kara inaad gaarto hadafyadaada.

7. Wax ka baro khaladaadkaaga
Qof kastaa wuu qaldamaa. Muhiimadu waa inaad wax ka barato khaladaadkaaga oo aad horay u sii wado halgankaaga.

8. U dabaaldeg guulahaaga

Waqti u qaado si aad ugu dabaaldegto guulahaaga inta aad safarka ku jirto. Tani waxay kaa caawin doontaa inaad isdhiirigeliso oo aad horay u socoto.

9. Ku adkaysta dib u dhaca

Qof kasta waxa uu la kulmaa dib u dhac wakhti ka waqti. Ha ka niyad jabin yoolalkaaga marka arrimuhu adkaadaan. Ku adkayso dib u dhaca oo hore u soco.

10. Naftaada dhiirageli marwalbo

Inaad marwalbo firfircooni lahaato way adag tahay sababtoo ah waxaa kugu heeraarsan bulsho iyo asxaab kala duwan oo adiga ku niyad jebin kara. Qof walba waxa dhexdiisa ku loollama dabeecado badan oo iska soo horjeeda, iskuna liqdaaran oo ay kala doorashadoodu adag tahay haddii aanay ruuxdu noolayn.

Waxaana xaqiiq ah in qofwalbaa inta uu ku nool yahay koonkaan wuxuu ku hammiyaa shey, sheygaas ha yaraado ama ha weynaado. Tusaalle ahaan dad ayaa waxay ku hamminayaan inay helaan guryo qurux badan, lacag badan, iyo shirkado waaweyn. Dadka qaar waxay ku fikirayaan inay helaan qofka ay nolosha ugu jecel yihiin. Shaqsiyaadka qaarkiis waxay ku fikiraan inay noqdaan madaxweyne ama jecel inay qof walba caawiyaan. Dadka qaarkiis ayaa maskaxdooda waxaa ka guuxa kaliya sidii uu u guursani lahaa. Nin baa wuxuu ka fikiraa sidii 5 cunug uu dhalay iyo hooyadooda wax ugu keeni lahaa.

Dhiirogelinta naftaada, sida ugu wanaagsan ee aad ku heli karto dhiirogelin dhammeystiran waa inaad doorato hadaf aad adiga jeceshahay sida inaad wariye noqoto, siyaasi ana barafasoor, dhaqtar iwm. Marka aad u xiisayso waxa aad samaynayso, waxa aad u badantahay in aad guulaysato. Soo hel shay aad xiisaynayso oo qalbigaaga oo dhan ku daba gal.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Arrimaha Bulshada iyo Qoyska

Maxaan sameyn karaa si aan ugu guuleysto nolosha?

Qoraalkan gaaban waxaan kusoo gudbin doonnaa sameynta waxyaabaha kuu jiheenaaya inaad gaarto horumar iyo guul la taaban karo waa haddii aad joogteeso wax qabadaka noloshaada

Published

on


Ugu horeyn guushu ku timaado cayaar iyo hurdo ee guushu waxay dadaal iyo waqti dheer oo aad geliso hadafkaaga iyo himilooyinkaaga.

Haddaba si aad u guuleysato waa inaad yeelaa hadaf aad ku socdaashu si uu kuugu hago wadada guushaada, nolosha waxna fudeed laguma helo ee waxay u baahan yihiin inaad juhdi geliso si aad ugu danbeyn ugu guuleysato.

Markasta oo aad gurigaaga kasoo baxdo meel ayaad u socdaaleysaa si aad u gaarto amuurahaaga gaarka ah. Bal ka waran haddii aad gurigaaga kasoo baxdo adiga oo aadan aqoonin halka aad u socdaaleyso.

Inaad hadaf yeelato waa waxa kuu sahli kara inaad guuleysato adigoon ku wareerin, haddii aadan hadaf laheyn codowgaa hortii ayaad jabeysaa.

Nuxurka aan ula jeedo ayaa ah subbax weliba oo kuu dhasho inay tahay qeyb ka mid ah cimrigaaga kaasoo lagaaga baahan yahay inaad aqbasho qeyr iyo shar.

Maskaxdu waa mashiin ay maalinttiiba kasoo baxaan fikrado badan oo aan tiro laheyn. Fikradahan ayaa isugu jira kuwa qeyr sheeg ah iyo kuwa shar sheeg ah, haddii aad maskaxdaada usoo bandhigto fikir waxaa is hardin doonno labadan ficil kusiin doono jawaaba kala duwan.

Tusaale ahaan, waxaa tahay qof muddo shaqeynaayay oo uruur saday lacag tiro badan waxaad go’aan satay inaad yeelato ganacsi wax ka badala noloshaada, haddaba inta aadan ku dhaqaaqin go’aankan ayaa maskaxdaada laga yaabaa inay kuu sawirto adigoo ganacsi sameystay sidoo kalena guul aad ka gaarto noloshaada.

Si taa la mid ah maskaxdaada ayaa laga yaabaa inay kuu sawirto adiga oo khasaaray siddaa darteedna ay kugu gaba gabeyso inaad ganacsi aqoon u laheyn aadna iska dhaafto.

Waad aragtaa hardanka ka jira maskaxdeena haddii aad aaminto in aadan guuleysan Karin waa sax oo ma guuleysan kartid, laakiin haddii aad aminto inaad guuleysan karto waa sax oo waa guuleysan kartaa kalliya aqbal inaad uso jeedo dhibaatooyinka ku horyaala.

Qoraalkan gaaban waxaan kusoo gudbin doonnaa sameynta waxyaabaha kuu jiheenaaya inaad gaarto horumar iyo guul la taaban karo waa haddii aad joogteeso wax qabadaka noloshaada.

Dhiiri geli naftaada

Waa inaad ku kalsoonaataa naftaada oo aad wax weliba hagaagjin karto maalinba maalinta ka danbysa. Waa in aadadan isyareysan, iskana dhaafto ereyada naftaada duminaayo.

Waa inaad ogaataa inaad tahay qof bani’aadam ah, wax soo kordhin kara oo aan ciyaar loo abuurin. Waan inaad noqoto qof saamaxaad badan oo haddii gef laguu geysta cafin kara, hana noqon ruux uruuriya xumaha.

Waa inaad aqbali karto haddii adhaliil aguu jeediyo, hana u qaadan qof kasta oo ku dhaliilaayo inuu yahay cadowgaaga, waxaanad aamintaa haddii uu jiro qof ku dhaliilaya siddoo kale inuu jiro qof ku aaminsan.

Waa inaad noqotaa qof u fikira si qoto dheer. Qo kasta wuu u fikiri karaa si qoto sheer waa haddii auynu ilowno wax-yaabaha yar-yar ee aan ku mashquulineyno nolosheena.

Ciladaha ugu waaweyn aan guusha ka gaari weynay ayaa ka mid ah adigoo aqoon saneyn halkii uu hadaf kaaga yahay, haddii aad aqoonsato hankaaga cillada kale waa adiga oo aadan sameyn. Haddii aadan aqoonsaneyn hadafkaaga meel weliba aad tagtay kuuma lahaaneyso muhiimad gaar ah.

Haddaba si guul la taaban karo u gaarto waxaad u baahan tahay inaad iska ilaaliso cabdisa badan, waayo cabsida badan waa sheyga ugu badan ee inaga hortaagan inaan guuleysano.

Cabsida faraha badan daciifnimo, marka noqo qof xoogan oo ku qanacasan nolosha. Sidda caadiga ah cabsida waxaa ka dhasha dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihin xasilooni daro, nabad la’aan iyo kalsooni darro

Weli waxayna ku dhex jirnaa buugga 5-tiir guusha, oo uu qoray qoaraa Cabdi Jabaar Sheekh Axmed.

La soco qeybaha labaad ee buuga.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Arrimaha Bulshada iyo Qoyska

Dhowr qodob oo kuu horseedi kara inaad horumar ka sameyso noloshaada

Dadka intooda badan isma oga’ waana sababta keentay inuu dhowr jeer qofka fashilmo, fashilka ma ahan wax xun balse waxaa haboon inaad ogaato meesha aad ku fiican tahay ee aad isleedahay guul waad ka keeni doontaa.

Published

on


Horumar ka qofka mar weliba wuxuu ku xeran yahay qofka waxa uu diirada saaraayo, haddaba si aan horumar u gaarno waxaan baahanahay inaan raacno sidda ay ku haboon tahay nolosheena.

Horumar inaad nolosha ka sameyso waxay kaaga baahan tahay dadaal iyo inaad u heelan tahay inaad ka dhabeyso hadafkaaga.

Si kastaba hanoqotee waxaa jira waxyaabo badan oo nolosheena badala annaga oo rabno inaan horumar wanaagsan sameyno, si aan u qaadno talaabooyin wanaagsan ugu horeyn waa inaan aaminaa inaan gaari karno horumar wanaagsan.

Shaqo weliba aad qabaneyso waxay kaaga baahan tahay waqti iyo daal tiro badan, balse muddo ka dib waxaad noqon doontaa qof ku faana noloshiisa.

Qalad weliba oo naga dhaca waa muraayad aan ka dhex arki karno wixii nasoo maray, balse waxaa haboon inaan fikir wanaagsan ka qaadano sababtoo ah haddii aadan waxba isku dayin ma’ aadan guul dareysteen.

Haddaba guusha iyo guul darada waa wax sokeeye oo kaaga baahan maalmo cayiman, laakiin xaqiiji wadada horumarkaaga si aadan marar badan ugu shalaaynin.

Muhiim kuuma ahan inaad baar baarto ciladahaaga waayo waxay ka mid yihiin waxyaabaha dib kuu celin kara, iskana ilaali inaad u shalaaydo noloshaada.

Qof weliba wuxuu jecel yahay inuu helo nolol wanaagsan balse marka aynu isweydiino maxaa inaga hortaagan inaan horumar sameyno?! Dadka intooda badan kuma baraarugsana inay nolosha tahay wareegto oo waxaa laga yaabaa inuu ku dhegan yahay waxyaabo horey usoo maray guul iyo guul daraba mida uu doonto ha noqotee.

Waxaan jeclaan lahaa inaan halkaan kusoo koobo dhowr qodob oo naga caawin kara inaan horumar wanaagsan sameyno, balse ugu horeyn waa inaan isla garano waxa ka qaldan nolosheena.

Intaa aanan guda galin maqaalka waxaa jirto sheeko yar oo aan jecleystay inaan idin la wadaago, waxaan waqti la qaadan jiray adeerkeey oo ku nool qurbaha wuxuu igaga sheekeen jiray nolosha dadka horumar ka sameeyay.

“Waxaa jirtay nin aad u xikmad badan ayaa u yimid wiil yar oo raba inuu wax ka barto noloshiisa, haddaba wuxuu yiri ina keen oo waxaan galeynaa safar. Muddo ka dib markii ay socdeen ayay la kulmeen qoys ka koobad dhowr qofood waxaa guri ay ku xanaaneeyaan hal sac oo mid kastaa wuxuu ka qabtaa shaqo si loo ilaaliyo ama loo xanaaneeyo.”

“Intaa ka dib waa berigii ayaa ninkii xikmada badnaa ayaa u booday xeradii ay ku xerneed saca wuuna ka gowracay wiilkii yaraa ayaa la booday qeylo oo yiri maxaad ugu gowracday oo ma heystaan wax kale ay noloshooda ku maareeyaan.”

“Wiilkii iyo ninkii xigmada badnaa ayaa isaga tagay tuuladii, ka dib markii ay muddo maqnaayeen ayaa ay kusoo laabteen tuuladii waxay arkeen guri ka duban gurigii hore oo waxay dhisteen guri ka sameysan dhagax halka markii hore ay daganaayeen guri ka sameysan cowshad.”

“Wilkii yaraa ayaa la yaabay sidda ay noloshoodu isku badashay, ka dib ninkii xigmada badnaa ayaa u sheegay sababta ka danbeysa noloshooda.”

Haddaba xigmada ku jirta sheekada waxaan filaa inaad ila fahamteen, xigmada ku waxay tahay in qof weliba horumar kiisa uu ka hor taagan yahay saca, si uu horumar u gaarana waa in uu gowracaa saca u diidan noloshiisa.

Sheekadan waxaa igaga sheekaayay adeerkee oo ku nool qurbaha, waxaana la heli karaa ayadoo qoraal ah buugga 5-ta Tiir ee guusha.

Halkaan ka aqriso qodobada soo socda.

Dooro Hadaf: hadafka waa salaanka sare ee guusha halka yoolkuna uu yahay dhamaad guushasha, -xigasho 5-Ta tiir ee guusha.

Hadaf ka wuxuu kaa caaabinaa inaad guul la taaban karo gaartno adigoo aana ka wel welin, haddaba haddii aad rabto inaad guul gaarto waa inaad raacdo hadafkaaga si aad u xajiiso horumarkaaga.

Haddii aadan laheyn Hadaf kuu gaar ah, ma xaqiijin kartid yoolkaaga waadna ku daali doontaa ilaa aad garato halka uu ku dhamaanaayo yoolkaaga.

Qiimeey noloshaada: qof weliba noloshiisa si ayuu u arkaa, dadkana si ayay u arkaan noloshaada. Haddaba isweydii adiga siddeet u araktaa noloshaada, waa innaad ogaato sidda aad naftaada u arakto.

Waxbadan ayay kaaga baahan tahay inaad ogaato sidda aad naftaada u arakto iyo qofka aad tahay, balse mar weliba iswedii sababta aad u nooshahay iyo waxa laguu keenay aduunyada.

Dadka intooda badan isma oga’ waana sababta keentay inuu dhowr jeer qofka fashilmo, fashilka ma ahan wax xun balse waxaa haboon inaad ogaato meesha aad ku fiican tahay ee aad isleedahay guul waad ka keeni doontaa.

Haddaba baar oo raadi meesha aad ku fiican tahay iyo meesha aad ku liidato, ka dib isku day inaad dhaqaajin karto shaqo weliba oo khabasho kaaga baahan waxaadna gaari doontaa guul insha allah.

Dhiiragali naftaada: Haddii aad isticmaalayso ereyo naftaada duminaya ama dib u dhigaayo lagama yaabo inaad gaarto guusha aad fileyso.

Tussaale ahaan; haddii aad aaminsan tahay inaad ku guul dareysan doonto fikirkaaga ama aad isleedahay ma qaban kartid shaqadaan si kasto oo aad u daasho lagama yaabo inaad guul weyn ka keento.

Inaad naftaada dhiira geliso ma ahan inaad waxyaabo badan aad isku dul furto muddo ka dibna aad faraha ka qaado. Haddaba si taasi ay u dhicin waa inaad doorato shaqada aad naftaada ku dhiira gelineyso, adigoo u jeedadaadu tahay inaad horumar ka sameyso shaqadaada.

Haddii aad ku dhiiran tahay naftadaa waxaad ka hortagi kartaa wax kasta oo kuu diidaayo inaad iska nacdo shaqadaada, ogsoonow Haddii aad guul dareysato ma ahan inaad meel fariisato oo isku day weli waxaad haysaa talaabo kale aad isku muujin karto.

Ha aqbalin in lagu niyad jebiyo sababtoo dad badan ayaan jecleyn horumarkaaga, balse maalin ayay ku weyn doonaan sirta guushaada.

 

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Wararka13 hours ago

Meet suitable mature singles & enjoy fun & flirty conversation

Ameerika1 day ago

Gabadha Ilhaan Cumar ayaa ‘laga joojiyay jaamacada’ sababo la xiriira mudaaharaadka Falastiiniyiinta ee wajahaya xasuuqa

Diblomaasiyadda1 day ago

Diidmada qayaxan ee Maraykanku waxa uu si weyn u taageeray dalabka Falastiiniyiinta ee xubinnimada Qaramada Midoobay

Geeska Afrika1 day ago

Taliyihii ciidamada Kenya ayaa ku dhintay shil diyaaradeed

Geeska Afrika2 days ago

Deeq bixiyayaasha aduunka ayaa balaayiin gargaar ah u balan qaaday dalka Suudaan oo ay dagaaladu halakeeyeen

Afrika2 days ago

Dalka Burkina Faso oo eryay diblomaasiyiin Faransiis ah – sababta waa maxay?

Yurub6 days ago

Norway ‘waxay diyaar u tahay’ inay aqoonsato madax-bannaanida Falastiin: Ra’isul Wasaaraha Norway

Bariga dhexe6 days ago

Waa maxay sababta ay Israa’iil halis usii gelinayso xiisadda Bariga Dhexe?

Bariga dhexe6 days ago

Maxaa kasoo cusboonaday weerarkii ugu dambeeyey ay Iiraan ku qaadday Israa’iil?

Ameerika1 week ago

Victor Manuel Rocha, safiir hore oo Mareykanka ah – Safiirkii u basaasayay Cuba tobanaan sano, waxaa lagu xukumay 15 sano

Bariga dhexe1 week ago

Iiraan iyo Israa’iil oo lagu booriyay in ay xiisadda u dhexeeya qaboojiyaan

Siyaasadda Arrimaha Dibadda1 week ago

Kenya ayaa soo jeedisay in xal laga gaaro xiisada ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Itoobiya ee ku saabsan heshiiska dekedda

Sirdoonka & Militariga1 week ago

Jabhada Xoraynta Oromada – afka Oromada: Waraanna Bilisummaa Oromo

Geeska Afrika1 week ago

Mid ka mid ah mucaaradka Itoobiya oo toogasho lagu dilay

Gumeysi iyo isir sifeyn1 week ago

Kumanaan shaqaale Hindi ah oo imanaya Israa’iil – mas’uuliyiin dowladda

Afrika2 weeks ago

Dunidu waxay ku fashilantay Ruwaanda 1994-tii – madaxweyne Paul Kagame

Geeska Afrika2 weeks ago

Kenya: Isbitaalka Qaranka ee Kenyatta ayaa ku dhawaaqay in la tuuri doono haraaga 541 qof, oo ay ku jiraan 475 carruur ah

Dhaqaalaha2 weeks ago

Zimbabwe waxay soo saartay lacag ‘dahab’ ah oo ay ku beddeshay dollarka

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Maraykanka oo isu diyaarinaya weerar ‘aan laga fursan karin’ oo kaga imaan kara Iiraan – warbaahinta

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Sida ay Iiraan u samaysatay giraangirta cadawga ee ku xeeran Israa’iil

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 weeks ago

Yurub waxay xaday dhaxalkii Afrika ee Cadaaladu ma guulaysan doontaa?

Diblomaasiyadda2 weeks ago

Yukreyn ‘waxay noqon doontaa xubin ka tirsan NATO’ – Xoghayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka Antony Blinken

Siyaasadda Arrimaha Dibadda2 weeks ago

Maxay ka dhigan tahay in Soomaaliya ay cayrisay safiirka Itoobiya, islamarkaana xirto qunsuliyado?

Diblomaasiyadda2 weeks ago

Ergeyga Mareykanka ee QM ayaa uga digay Iiraan inaysan weerar ku qaadin dadka Mareykanka ah ee weerarka qunsuliyada Suuriya

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Waa kuma taliyihii ciidamada Iiraan ee lagu dilay duqeynta Dimishiq?

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada2 weeks ago

Nibirowga Dhititaalka: Qalaalasaha digitaalka iyo loollanka caqlaaniga ah

Siyaasadda Arrimaha Dibadda3 weeks ago

MD Xassan Sh. Maxamuud oo booqasho ku jooga Sacuudi Carabiya – Maxaa loogu yeeray?

Wararka3 weeks ago

Waa maxay sababta doorashada Istanbul ay u tahay doorasho aad indhaha loogu hayo ee Turkiga?

Gumeysi iyo isir sifeyn3 weeks ago

Ciidamada Israa’iil ayaa isbitaalka Qaza ee Al-Shifa ku dilay 400 oo Falastiini ah

Gumeysi iyo isir sifeyn3 weeks ago

Qaza waxaa ka socda weerarro, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in wadahadallada xabbad joojinta ay dib u bilaabmeen

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada3 weeks ago

Waa Maxay Nidaamka Boqortooyo?

Siyaasadda Soomaaliweyn3 weeks ago

Cutubyada 1aad illaa 4aad ee dastuurka Soomaaliya oo la ansixiyay – sidee loogu falceliyey?

Wararka3 weeks ago

QM: Burcad Haiti ah waxay dileen 1,500 qof saddex bilood gudahood

Aasiya4 weeks ago

Iscasilaadii Madaxweynihii Vietnam waxay muujinaysaa khilaaf ka dhex jira xisbiga – Falanqeeyayaasha

Gumeysi iyo isir sifeyn4 weeks ago

Madaxa Qaramada Midoobay ayaa ku booriyay Qaza in la gaarsiiyo gargaar bini’aadantinimo oo ballaaran

Siyaasadda Soomaaliweyn4 weeks ago

Banaanbax uu soo abaabulay guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale oo lagu taageerayo wax ka beddelka dastuurka

Siyaasadda Soomaaliweyn4 weeks ago

Haddii ‘Soomaali oo heshiis ah la rabo dastuurka yaanan la siyaasadeynin’ – Xisbiga Qaransoor

Sirdoonka & Militariga4 weeks ago

Mareykanka ayaa burburiyay iskaashigii la dagaalanka argagixisanimada – Safiirka Ruushka Anatoly Antonov

Sirdoonka & Militariga4 weeks ago

Doorka ciidanka iyo daryeel la’aantooda

Afrika4 weeks ago

Kacaankii Liibiya: Sida NATO ay u burburisay dowlad tobanaan sano la soo dhisaayey

Xul