Connect with us

Siyaasadda Soomaaliya

“Xildhibaanadu ha diidaan ansixinta Roobow”- Xisbiga Qaransoor

“Marnaba ma oggollaan karno in jiilka soo kacaayo ay u arkaan ku biirista ururka aragagixisada meel laga soo koorseeyo oo siyaasadd laga soo galo”- Xisbiga Qaransoor ayaa sidaas ku yiri war saxadafeedka ay soo saareen.

Published

on


Xisbiga waddaniga ah ee Qaransoor ayaa dhawaan warsaxaafadeed uu ka soo saaray golaha wasiirada cusub ee la magacaabay isagoo bogaadiyay masuuliyiinta la magacaabay ayaa sheegay in RW Xamze Barre uu la noqdo magaacabista Mukhtaar Roobow oo ay ku tilmaameen inuusan u qalmin madaama uu horseed u ahaa kooxda argagaixsada dhibaateeysay dadka iyo dalka.

“Intaasi waxaa dheer oo uu xisbigu walaac farabadan ka muujinaya xubin ka tirsanaa kuwii aasaasay ururka aragagixisada oo dhibaato ba’an u geeystay dadka iyo dalka ee loo magacaabay inuu noqdo wasiirka arrimaha diinta iyo la dagaallanka aragagixisada. Xisbigu wuxuu RW Xamze Barre usoo jeedinaya in xubintaasi uu ka saaro liiska xukuumaddiisa.” Sida ku xusan warsaxaafadeedka.

Xisbigu wuxu kaloo arrintaasi ku tilmaamay mid u noqonaysa jiilka soo kacaya dhiirigelin inay kamid noqdaan kooxda argagaxisada una arkaan ku biirista kooxahasi meel laga soo galo siyaasadda.

“Marnaba ma oggollaan karno in jiilka soo kacaayo ay u arkaan ku biirista ururka aragagixisada meel laga soo koorseeyo oo siyaasadd laga soo galo”- Sida ku xusan warsaxaafadeedka.

Ilaa hadda majiro xisbi kale oo si rasmi uga hadlay magacaabista wasiiradda cusub iyado xisbiga Qaransoor doodiisu u muuqato mid suurtagal ah.

Xisbiga ayaa wuxu kaloo wadaa dadaallo uu kula xidhiidhayo xildhibaanada golaha si ay diidan ansixinta hogaamiyihii hore ee argagixisada.

Wasiirka arrimaha diinta iyo awqaafta, ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa maanta loo magacaabay Sheekh Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii dib loo doortay wuxuu sheegay in ahmiyad gaar ah uu siinayo amniga, iyo la dagaalanka Alshabaab.

“Waxaan dalka u dajinaynaa siyaasad cusub, taasoo ah in Alshabaab in la tirtiro. Siyaasadihii hore waxey ku saleysnaayeen ciidan duullaan oo dagaal la galaya Alshabaab, haatan waxaan keenay siyaasad cusub, oo ah dhanka fikirka ah,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, mar uu la hadlayey ciidanka Soomaaliya ee tababarka u joogga dalka Turkiga.

Waxay u muuqataa in xukkumadda xamsa ay u aragtay in Robow uu arrintaasi door weyn ka qaadan kara.

Waa kuma Roobow?

Sheekh Mukhtaar Rooboow, ayaa wuxuu kamid ahaa aasaasayaashii ururka Al-Shabaab, oo in ka badan 16 sano ka dagaalamayay gudaha dalka Soomaaliya. Wuxuu ahaa taliye ku xigeenkii Midowgii Maxaakiimta, oo sanadkii 2006-dii ka adkaaday isbaheysigii La Dagaalanka Argagixisada, oo ay ku mideysnaayeen dagaal oogayashii magaalada Muqdisho, iyo Koonfurta Soomaaliya.

Abuu Mansur Roobow wuxuu kamid noqday hoggaamiyayaashii Al-Shabaab ee soo caanbaxay, kadib markii Maxaakiimtii Islaamiga ee laga saaray magaalada Muqdisho, dhammaadkii sanadkii 2006-dii. Wuxuu noqday afhayeenka iyo ku xigeenka Al-Shabaab, sannadkii 2007-dii, isagoo ka hadli jirey fagaarayaasha dadka la isugu keeno iyo waliba saxaafadda.

Waxaa kaloo la sheegey in Roobow uu ka qeybgalay shirkii magaalada Asmara ee dalka Eritrea, ee la isugu geeyey siyaasiyiin ay kamid ahaayeen Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo markii dambe dalka madax ka noqday.

Xiritaanka Mukhtaar Roobow

Mukhtaar Roobow, ayaa xabsiga loo taxaabay bishii Disembar ee sanadkii 2018-kii, xilli uu waqti kooban ka harsanayd doorashadii madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, isagoo ka mid ahaa murashaxiinta ugu cadcad. Xarigiisa ayaa sababey in qalalaase uu ka dhaco magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, iyadoo lasoo tabiyay in qulqulatooyinkaas ay waxyeello isugu jirta dhimasho iyo dhaawac kasoo gaartay dad rayid ah, iyo dibadbaxayaal taageersanaa Mukhtaar Rooboow.

Horraantii sannadkii 2019-kii, siyaasiyiin kasoo jeeda Gobolka Koonfur Galbeed ee dalka Soomaaliya, ayaa BBC-da u sheegay i uu dib u dhac ku yimid rajo laga qabay dhaqdhaqaaqyada ku aaddan sii deynta Mukhtaar Roobow.

Sababta loo xiray

Markii la xiray Muktaar Roobow, Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in sababta loo xiray ay tahay inuu kasoo bixi waayay shuruudihii lala galay markii uu isa soo dhiibay, sidaas awgeedna aan la aamini karin.

Roobow ayaa eedeyntaasi beeniyay sheegayna in loo xiray sababa siyaasadeed. Roobow oo horay u ahaan jiray hoggaamiyaha labaad ee ugu sarreeya ururka Al Shabaab, ayey mas’uuliyiinta xukuumadda Soomaaliya ku eedeeyeen in hub iyo ciidan isaga u gaar ah la tagay magaalada Baydhabo. Balse kooxda Abuu Mansuur ayaa beeniyay eedeyntaas.

Wuxuu Baydhabo u tagay inuu uga qeyb galo doorashada madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed oo xilligaas uu socday ololaheeda.

Xiritaanka Roobow waxay galaafatay wakiilkii gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya xiligaasi, Nicholas Haysom, oo dowladdii Madaweyne Farmaajo ay ku eedeysay inuu faraha la galay arrimaha gudaha, xilli uu ka hadlayay rabshadihii ka dhacay Baydhabo kadib xiritaankiisa. Dowladda Soomaaliya ayaa waxay xilliggaas ku amartay Heysom in dalka u si degdeg ah uga baxo.

Kahor intii aan dalka laga ceyrinin, Nicholas Haysom wuxuu soo saaray warqad uu uga hadlayay saameynta ka dhalan karta in ciidamada Nabad Ilaalinta ee Qaradamada Midoobeey ay taageerto ay lug yeeshaan xariggii Roobow.

Eryiddii ergeyga Qaramada Midoobey ee Haysom iyo amniga Dowladda Soomaaliya ayaa waxay Mukhtar Roobow ku eedeysay inuu dhaqdhaqaaq amni darro ka abuuray gudaha magaalada Baydhabo, taasoo ah eedeyn ay beeniyeen kooxdiisii ololaha doorashada. Abuu Mansuur ayaa waxaa magaalada Baydhabo laga qabtay bartamihii bishii December ee sanadkii 2018-kii, waxaana xigay rabshado la sheegay inay ku dhinteen 15 qof oo rayid ah.

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, ayaa xilliggaas ku wargelisay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, in Nicholas Haysom aanan laga rabin isla markaana aanu ka shaqeyn karin Soomaaliya. Sidaa awgeedna loo baahan yahay inuu dalka uga baxo sida ugu dhaqsaha badan.

Facebook Comments Box

Diblomaasi waa deggel hormuud u ah falanqeynta Siyaasadda Arrimaha Dibadda, wararka madaxa bannaan iyo ajendaha-dejinta wararka, falanqaynta siyaasadeed iyo faallooyinka fikirka-gaarka ah ee sida gaar ah loogu qoray/diyaariyey jiilka cusub.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Siyaasadda Soomaaliya

Maxay ka dhigan tahay shardiyada ay Somaliland ku xirtay wadahadallada dowladda federaalka?

Wada hadalkan labada dhinac ah ayaa waxaa ka soo shaqeeyey hay’adaha caalamka si xal loogu gaara isfahan waaga u dhaxeeya dowladda dhexe iyo Somaliland. 

Published

on


Sanadkii 2020, waxaa magaalada Jabuuti lagu soo gaba-gabeeyay shir dhex maray madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland. Shirkan oo ay marti gelinaysay dowladda Jabuuti waxaa ergada labada dhinac kala hoggaaminayay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo dhinaca Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Bayaanka ka soo baxay kulanka Jabuuti ayaa lagu qiray in shirarkii sannadihii hore aan horumar badan laga sameynin. Xitaa iyadoo aan wali la isla gaarin arrimaha masiiriga ah ee ku saabsan xiriirka mustaqbalka ayay labada dhinac isku mari waayeen qodobo aasaasi ah.

Dowladda Federaalka ayaa u aqoonsan Somaliland inay tahay gobol ka mid ah Soomaaliya.

Somaliland ayaa shuruudo illaa toddoba ah ku xirtay wada-hadal ay la gasho dowladda federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya ee ay baarlamaanka Soomaaliya kusoo doorteen nidaamka 4.5 ee mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan u sheegay qaar ka mid ah wakiilada beesha caalamka ee Muqdisho ku sugan inay ka go’an tahay in dib loo billaabo wada-hadallada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Madaxtooyada Somaliland, oo soo saartay qoraal jawaab ah, ayaa sheegtay in wada-hadallada ay galeyso haddii la fuliyo toddoba shardi, waxaana ay kala yihiin:

1. Somaliland waxa ay ku adkaysanaysaa hanaan iyo laba dawladood ah. Sababtoo ah waxaan ahayn laba dawladood oo xor ah oo si iskood u midoobay 1-dii Luulyo, 1960-kii. Waxaa intaas dheer, Somaliland waxay 31-kii sannadood ee u dambeeyay ahayd dawlad madaxbannaan oo ku naaloonaysa nabad iyo xasillooni. Muddadaas, Somaliland waxay hirgelisay dhowr doorasho oo xor iyo xalaal ah. Somaliland waxaa ka dhacay shan xil wareejin madaxweyne oo nabad ah. Waxaa saddex ka mid ah loo maray doorashooyin toos ah.

2. Dhammaan heshiisyadii hore waa in la ixtiraamaa oo loo fuliyaa si deg deg ah. Tani waa habka kaliya ee lagu dhisi karo kalsooni.

3. Waa in uu jiraa hannaan dhexdhexaadin caalami ah oo dhexdhexaad ah, kaas oo sidoo kale dammaanad qaadaya natiijada wada-hadalka.

4. Waa inay jirtaa xoghayn maamusha kaydinta xogta. Xoghayntu waa inay noqotaa mid karti leh, xirfad leh, dhexdhexaad ah oo aan eex lahayn oo si adag sir u ah.

5. Waa inay jiraan mabaadi’ muhiim ah iyo xeer hab-dhaqan oo wada-hadalka saldhig looga dhigayo.

6. Waa inuu jiraa ajende muhiim ah oo wax ka qabanaya arrimaha udub-dhexaadka u ah khilaafka u dhexeeya dhinacyada.

7. Waa in wada-hadalku uu lahaadaa waqti xaddidan.

Fikrika ah in ay wada hadlaan Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland wuxuu markii ugu horeysey ka soo billowday shirkii caalamiga ah ee Soomaaliya loogu qabtay magaalada London, sannadkii 2012-kii. Mid ka mid ah qodobadii shirkaasi ka soo baxay waxa uu dhigayay in “beesha caalamka ay taageerto ahmiyadda ay leedahay in wadahadalo ay dhexmaraan” Somaliland iyo Dowladd Federaalka ee Soomaaliya.

Dhawr bilood ka dib shirkaasi waxaa isla magaalada London ka qabsoomey shirkii ugu horeeyey ee fool ka fool ay isu soo horfadhiistaan labada dhinac, wuxuuna shirkaasi dhacay 20-kii bishii June, 2012-kii.

Si loo dardargeliyo dadaallada wadahadallada. Somaliland waxay meelmarisay qaraar u oggolaanayay inay wadahadal toos ah la gasho dowladda Soomaaliya. Waxaana tan iyo xilligaas dhacay ilaa lix shir oo looga arrisanayay arrimahan.

Shirkii London ee 2012 ayaa lagu go’aamiyay in la billaabo wadahallada Dowladda Somaaliya iyo Somaliland

Dhowr bilood uun ka dib shirkii Soomaalida ee London, waxaa bilowday wadahadallo la xiriira – midnimo ama madaxbannaani. Waxaana ka mid ahaa midkii dhacay Bishii Juun, 2012-kii. Ujeedada shirkaas, oo ay martigelisay dowladda UK, wuxuu ahaa in waddada loogu xaaro waxa xaajoodka la xiriiray qodabadii ay labada dhinac ka wada hadli lahaayeen.

Wakiiladii ka socday Somaliland ayaa markaasi ka carooday in shirka lagu soo daray masuuliyiin ka socday dowladda Puntland.

Bayaan ka soo baxay kulankaasi ayaa lagu heshiiyay in la sii wado wahadallada, madaxda labada dhinacna ay yeeshaan kulan. Waxay sidoo kale ku heshiiyeen ka wada shaqeynta la dagaalanka argagixisada iyo burcad-badeeda.

Labada dhinac ayaa u muuqda inuu midba kan kale ku riixayo mas’uuliyadda caqabadaha hortaagan sidii miiska wadahalka loogu noqon lahaa, lamana saadaalin karo sida ay isugu tanaasuli karaan. Somaliland ayaa arrimo ka tabaneysa in Dowladdii Farmaajo, waxayna ku eedeysay inay meesha ka saartay arrimihii horay looga heshiiyay.

Guddiga Somaliland u qaabilsan wadahadallada Soomaaliya ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin wada xaajoodka laakiin ay marka hore dowladda federaalka ka doonayaan inay meelmariso heshiisyadii horay loogu gaaray kulamadii ay labada dhinac yeesheen.

Edna Aadan Ismaaciil oo ka mid ah guddiga Somaliland u qaabilsan wadahadallada ayaa tiri: “In la wadahadlo waan soo dhaweyneynaa. Wadahadalladu halkii ay marayeen laga soo billaabo kii koowaad ilaa kii lixaad, waxaa dhacayay isu soo dhawaansho.

“Umaddu way isu soo dhawaaneysay, waxaase nasiib darro noqotay in madaxweynaha dalka aannu jaarka nahay ee Soomaaliya Farmaajo uu wada buriyo qodobbadii horay loogu heshiiyay oo dhan, oo intuu maalin soo toosay ayuu yiri saxiixyadii madaxweyneyaashii hore waxba kama jiraan, oo uu yiri diyaaradaha hallaga maamulo xamar”.

Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay eedeymahaas waxa ayna sheegtay inay ka go’antahay sii wadidda wadahadallada. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa raaligelin ka bixiyay “tacaddiyadii ay dowladdii Maxamed Siyaad barre ka geystay gobollada Waqooyi ee Soomaaliya”.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Soomaaliya

Xaalada amni darro awgeed, waxaa Guddoonka Baarlamaanka loo gudbiyey Mooshun degdeg ah

Xildhibaanada ayaa cod gacan taag ah ku ogolaaday in ajendaha kulanka lagu soo daro ka doodista Mooshinkan oo ay soo gudbiyeen qaar ka mid ah xubnaha Golaha.

Published

on

Baarlamaanka Soomaaliya (2022)

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ku guuleystay inay gudbiyaan Mooshin culus oo ku aadan xaaladda dalka, gaar ahaan in laga doodo amniga guud ee dalka oo haatan maraya meeshii ugu xumeyd, waxaana arrintaas xaqiijiyey wariye Jamaal Maxamed.

Illaa 22 xildhibaan ayaa saxiixay Mooshinkan, kuwaas oo ku dooday inay muhiim tahay in laga hadlo, maadaama xaaladda waddanka ay mareyso meel halis ah. Ajendaha kulanka aya markii hore ahaa Akhrinta 1aad ee Hindisa Sharciyeedka Korantada iyo Warbixin laga dhageysan doono Xildhibaanada Baarlamaanka ka soo laabtay deegaan doorashooyinkooda.

Ugu horreyn Xildhibaanada ayaa cod gacan taag ku ogolaaday in ajendaha kulanka lagu soo daro ka doodista Mooshinkan oo ay soo gudbiyeen qaar ka mid ah xubnaha Golaha.

Illaa 44 xildhibaan ayaa ogolaatay Mooshinkan, kuwaas oo u codeeyey in laga doodo, waxaan diiday hal mudane, mana jiro wax ka aamusay, sida uu ku dhawaaqay guddoonka. Mooshinka Xildhibaanada ayaa imanaya xili maalmihii u dambeeyey ay magaalada Muqdisho ka dhacayeen weeraro qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

Dhinaca kalena dalka ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo a iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Xaalad amni iyo abbaaraha ayaa faro adag ku haayo gudaha dalka. Nasiib darro, inta badan madaxda waxay ku mashquulsan yihiin kala boobista xilalka iyo mashaariicda. Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, oo in ka yar 7 bilood haya hoggaanka xukuumadda Soomaaliya, ayaa dhaqso billaabay inuu mashaariicda dowladda u xiro qaar ka mid ah saaxibadiisa gaarka ah, Halkaan ka akhriso.

Maxaa hortaagan nabadda, amniga iyo dowladnimada Soomaaliya?

Dalka Soomaaliya wuxuu soo maray marxalado iyo duruufo siyaasadeed, dhaqan-dhaqaale iyo Amni oo kala duwan. Tan iyo xiligii ay burburtay dowladdii dhexe ee uu hogaamin jiray AUN Maxamed Siyaad Barre, dalka waxaa hareeyey dhibaatooyin aad u faran oo dhaawac weyn u geysay magaca, sharafka iyo qiyamka dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeed, kuwaas oo burburayey xasiloonidii, nabaddii, adeegyadii bulshada iyo kaabakaayshii dhaqaalaha. Halkaan ka akhriso qoraalkaan oo dhammeystiran.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Soomaaliya

RW Xamza Cabdi oo mashaariic dowladeed u muhiim ah u xiray xildhibaano asiga ku dhow

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, oo in ka yar 7 bilood haya hoggaanka xukuumadda Soomaaliya, ayaa billaabay inuu mashaariicda dowladda u xiro qaar ka mid ah saaxibadiisa gaarka ah, sida ah ogaadeen warbaahinta gudaha.

Published

on

RW Xamza Cabdi Barre (Sawirka Xafiiska Ra'isal Wasaaaraha)

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, oo in ka yar 7 bilood haya hoggaanka xukuumadda Soomaaliya, ayaa billaabay inuu mashaariicda dowladda u xiro qaar ka mid ah saaxibadiisa gaarka ah, sida ah ogaadeen warbaahinta. 

Xamza Cabdi ayaa ugu horreyn hoggaanka xafiiskiisa u dhiibay xubno ay isku beel yihiin, ayada oo xoghayaha joogtada ah ee sida dadban u maamula xafiiska uu yahay Axmednuur Ulaax, oo ahaa xoghayihii joogtada ee ra’iisul wasaare Kheyre, inkasta oo xilkaas uu hadda ku magacaaban yahay Maxamed Zubeyr.

Axmadnur oo la-taliye ahaan u jooga xafiiska, ayaa haddana haysta awoodda ugu ballaaran, isaga oo ceyrin karo ama shaqaalayn karo ciddii uu doono, halka Maxamed Zubeyr uusan haysan awood dhaafsiisan inuu xilka ku magacaaban yahay. Waxaa sidoo kale xafiiska ra’iisul wasaaraha awood ballaaran ku leh laba xildhibaan oo kala ah Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Firimbi) iyo Xildhibaan Maxamed Jamaac Mursal (Geelle) oo labaduba ka soo jeeda beesha ra’iisul wasaaraha.

Labada xildhibaan ayaa saameyn weyn ku leh go’aanada uu Ra’iisal Wasaare Xamza qaato, waxaana ay yihiin la-taliyalaal uu ku kalsoon yahay oo uu talooyinka ka qaato, ayaga oo xafiiska ka qaata dhaqaale lagu sheegay “taabagalinta go’aanada Ra’iisal Wasaaraha.”

Sida ay soo xaqiijisay warbaahinta Caasimada Online oo ay u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay, saddex asbuuc kahor, waxa uu Ra’iisal Wasaare Xamsa xafiiskiisa isugu keenay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale, iyo Geele iyo Xasan Firinbi, ayada oo kulankaas lagu go’aamiyay in labada xildhibaan lagu wareejiyo qandaraaska maamulka iyo uruurinta dhaqaalaha kasoo xarooda bixinta ruqsadaha wadidda gawaarida iyo canshuur qaadka mootooyinka Bajaajta ee ka shaqeeya magaalada Muqdisho.

Mashruucaan ayaa waxaa hadda kadib maamuli doono shirkad ay labada xildhibaan gadaal ka joogaan, waxaana la rumeysan yahay inay lacago badan kasoo gali doonto labada xildhibaan. Guddoomiye Yuusuf Xuseen ayaa sidoo kale waxaa lagu amray in mashaariic kale dib loo furo sida kuwa qashin qaadka iyo kan shidaalka, kuwaasi oo ay qayb weyn ku yeelan doonaan labada xildhibaan oo wakiil ka ah Ra’iisal Wasaare Xamza.

Qaar ka mid ah agaasimaye waxeedyada gobolka Banaadir ee dhawaan uu magacaabay Gudoomiye Yuusuf Madaale ayaa sidoo lagu amray inay si toos ah ula shaqeeyaan labada xildhibaan.

Waxaa muuqata in Ra’iisal Wasaare Xamza uu doonayo in saaxiibadiisa gaarka ah ay dhaqaale ka sameeyaan mashaariicda gobolka Banaadir, qayb ka mid ah dhqaaalahaas ayaa isaga si toos ah ugu dhaceysa koontooyinkiisa iyada oo la soo marsiinayo ilo kala duwan oo qarsoodi ah.

Sida la ogyahya, Ra’iisal Wasaare Xamza Cabdi ayaa kaalin weyn ku lahaa magacaabista Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen, waxaana hadda muuqata in Madaale uu abaalgudayo.

Xafiiska Ra’isul wasaare ayaa Xamza Cabdi Barre waxaa loo magacaabay 15 Juun 2022, asigoo ku yimid nidaamka qabiilaysiga ee 4.5 waxaana u magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ansixiyay baarlamaanka Juun 25, 2022 (229 ayaa oggolaaday, 7 ayaa diiday, 1 waa ka aamusay).

Xamza Cabdi ayaa sidoo kale ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya asigoo xilkaas helay 28-ka Diseember 2021, isagoo matalaya degmada Afmadow ee Jubbada Dhexe.

Magacaabistaan xilka ra’isal wasaarre ee Xamza, dadka u dhuun duleelo siyaasada Soomaaliya waxay sheegaan in lagu raaligelinaayo Axmed Madoow oo inta badan lagu sheego inuu laf dhuun gashay ku yahay siyaasadda horre-u-socodka Soomaaliya, kasoo aan xilka ka degin wakhtigii uu maamulkaas qabsaday illaa iyo hadda.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Soomaaliya

ATMIS (AMISOM) oo war ka soo saartay dhacdadii ay wiilka dhalinyarada ah ay gaariga ku marsiiyeen Ceelasha Biyaha

Ciidamada ATMIS oo magacoodii hore loo yaqaano AMISOM ayaa gaari ku marsiiyay wiil dhalinyaro ah gudaha deegaanada Ceelasha Biyaha. Dowladda Soomaaliya ayaanba ka hadlin ficilada gurracan ee ay ka gaystaan gudaha dalka.

Published

on


Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), ayaa qirtay dilkii ay u gaysteen wiilka dhalinyarada ahaa oo ay gaarigooda ku marsiiyeen gudaha Ceelasha Biyaha. Dowladda Soomaaliya oo aan wax war ah kasoo saarin kadib dhacdadaas. Marxuumka la marsiiyey gaariga oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Faarax Fiidow ayaa u geeriyooaday sida naxariis darada ah ee loo marsiiyay gaariga. 

Qoraal kasoo baxay ATMIS ayaa waxa ay ku xaqiijisay jiritaanka dhacdadan waxayna sheegtay in wiilka dhalinyarada ah ee geeriyooday uu dhex maray labo gaari oo nuuca gaashaaman ah kadibna ay jiireen, xilli ay ku socdeen si xowli ah. ATMIS ayaa intaasi ku dartay in dadka deegaanka ay sameeyeen kacdoon, islamarkaana ay hor istaageen kolonyada, balse ma dambe lagu guuleystay in la qaboojiyo xiisadda, kadib wadahal dhex maray ATMIS iyo maamulka gobolka Shabeelaha Hoose.

“Qofka rayidka ah ee markii hore shilka ku dhaawacmay ayaa loola cararay isbitaalka, waxaana markii uu geeriyoonayay uu ku jiray daryeel caafimaad oo deg deg ah,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay taliska ATMIS.

Sidoo kale waxa ay ATMIS tacsi u dirtay ehellada marxuumka, iyada oo sheegtay in haatan ay waddo baaritaano dheeraad ah oo ku aadan falkaasi.

“Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska marxuumka, waxaana tan iyo xilligaas ay sameeyeen koox baaritaanno horudhac ah oo si dhow ula shaqeeya markhaatiyaasha, dowladda iyo maamullada maxalliga ah si ay u baaraan shilkan sida weyn looga xumaado,” ayaa marlale lagu yiri qoraalka.

Inta badan ciidamada ka socdo Ururka Midowga Afrika ee nabad ilaalinta u jooga gudaha dalka Soomaaliya ayaa dhibaatooyin kala duwan u geysta dadka shacabka ah.

Warqada kasoo baxday Taliska ATMIS.

Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), waa howlgal dhinacyo badan leh (militari, boolis iyo rayid), waxaana oggolaaday Midowga Afrika, waxaana u xilsaaran Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay – War-murtiyeedka Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ee kulankii 1068-aad iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Qaraarka 2628 (2022).

Ma ahan markii ugu horreysay ee ay ciidamadan gaysanayaan ficilada noocaan oo kale. Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaanba ka hadlin ficilada ay gaystaan ciidamada shisheeye ee ATMIS. Baarlamaanka Soomaaliya ayaanba wax war ah oo arrintaan ku saabsan soo qaadin. Dhacdadaan ugu dambeysay waxaa ka hadlay oo kali Xisbiga Qaransoor oo ay ugu tacsiiyeen eheladii uu ka geeriyooday wiilkaan dhalinyarada ah.

Dhacdadaan ma ahan mid ugub ah, horey ayay dhowr mar ciidamadan gaari Ku marsiiyeen dad shacab ah, kufsiga gabdhaha Soomaaliyeedna ay u dheertahay. Sida warbixino kala duwan ay sheegayaan Ciimada AMISOM waa kuwa kufsi badan ka gaysta gudaha Soomaaliya. AMISOM (ATMIS) waxay ka hawlgashaa qaybo caafimaad oo kala duwan oo ay ku bixiso gudaha xeryahooda milateriga. Haweenka danleyda ah ee u raadsada daawooyinka ama adeegyada bani’aadamnimada ee gudaha saldhigyada waxay ciidamadan u gaystaan xadgudubyo iyo kufsi.

Hay’adda Xaquuqul Insaanka ee Human Rights Watch (HRW) ayaa waxay ficiladaan ka diyaarisay warbixin ka kooban 71 bog, HRW waxay soo bandhigtay cadeymo muujinaya ku takrifal dumar ah oo ay geysteen askarta Midowga Afrika waxayna diiwaan galisay heerar sare oo ah kufsi, galmo iyo ku takrifal, iyadoo sheegtay in askarta AMISOM “ay ku xad gudbeen meelaha ay awooda ku leeyihiin si ay u ugaarsadaan haweenka iyo gabdhaha ugu nugul magaalada. ” Sida lagu sheegay warbixinta, askarta AMISOM waxay ka ganacsan jireen cunnooyinka, galmada iyo haweenka iyo gabdhaha inay kufsadeen.

Gabdhaha la kufsaday waxaa ku jira 12 jir sida ay warbixinta sheegtay. Waxay sidoo kale kufsadeen ama si kale ula dhaqmeen faraxumeyn, haween u raadsanaayey kaalmo caafimaad ama biyo xarumaha Amisom, ayaa lagu yiri warbixinta.

Dowladdana kama hadasho dhammaan dhibaatooyinka ay gaysanayaan ciidamada shisheeye oo aan illaa hadda la aqoonin hawlaha ay u joogaan dalka, iyagoo naftooda ka illaaliya qatarta si’un ay mishaarkooda u illaalsadaan.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Soomaaliya

4 qof oo isku qoys ah oo aano loo dilay gudaha magaalada Warsheekh

Afarta qof ee la dilay waxaa ka mid ah Safiyo Sheekh Abuukar iyo Abuukar Iidow oo walaalo ah iyo ayeeydood Sangaabo Maxamuud Xuseen, qoyskaas oo ka mid ahaa jamaacada Sheekh Cabdiraxmaan Celi.

Published

on


Warsheekh oo ah magaalo ku wanaagsan dalxiiska ayaa waxaa laga soo sheegayaa in Afar qof oo isku qoys ah ayaa aano qabiil xalay loogu dilay tuulada Xaluula oo ka tirsan degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Afarta qof ee la dilay waxaa ka mid ah Safiyo Sheekh Abuukar iyo Abuukar Iidow oo walaalo ah iyo ayeeydood Sangaabo Maxamuud Xuseen, qoyskaas oo ka mid ahaa jamaacada Sheekh Cabdiraxmaan Celi.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii la soo afjaray dagaal beeleed khasaare xooggan sababay oo todobaadyadii la soo dhaafay ka socday degaanno hoos taga degmada Cadale, kaasoo ugu danbeyn laga soo saaray baaq nabadeed oo uu taageeray Madaxweynaha Soomaaliya ee lagu soo doortay nidaamka 4.5 ee mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Baaqa nabadeed oo loogu yeeray Baaqa Cadale ayay soo saareen odayaasha dhaqanka, culumada iyo qeybaha bulshada kaas oo adkeynaya heshiisiinta bulashada, ciribtirka jidgooyooyinka sharci darrada ah iyo dardargelinta dagaalka ka dhanka Al-Shabaab.

Warsheekh Ama Warshiikh waxey ku taalaa Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Soomaaliya waana xeebley kuna aadan xaga xeebta magaaladda Muqdisho. Dhaqaalaheeduna wuxuu ku tiirsan yahay Kaluumeysida iyo Xoolaha Nool. Waxeyna kamid tahay meelihii ugu horeeyay ee diinta Islaamka ka soo gashay Soomaaliya iyadoo ay rug u aheyd waligeed Barashada Cilmiga Islaamka waxaana usoo xeraysan jiray arday ka imaanayay Gabi ahaan Soomaaliya iyo Geeska Afrika.

Warsheekh waa Meel ku wanaagsan dalxiiska waxeyna leedahay xeeb ka mid ah kuwa ugu nadiifsan dalka taasoo ay ka heli jireen dalxiisayaashii dalka soo booqan jiray.

Waxaa ay Warsheekh baal kaga qoran tahay Taariikhda Gumeysi la dirirka iyadoo lagu dilay Xeebta Warsheekh Gumeystihii ugu horeeyay ee Cagta soo Dhigay Geyiga Soomaaliya , kadib markii uu nin Reer Warsheekh ahaa Mindi caloosha ka geliyay mid ka mid ahaa Ciidamadii Talyaaniga oo dooni ku yimid halkaasi.

 

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Soomaaliya

Madaxweyne Xassan oo shir uga qeyb galay Muqdisho, xilli aagga Madaxtooyada Al-Shabaab laga saari la’yahay

Ayada oo weli uu socdo howl-galka lagu soo afjarayo weerarka tooska ee ay Al-Shabaab ku qaadeen Hoteelka Villa Rays oo ku yaalla agagaarka madaxtooyada ayaa waxa goordhoweyd war cusub soo saaray kooxda Al-Shabaab.

Published

on


Shirweynaha Caalamiga ee Malgashiga Soomaaliya oo ay ka soo qeybgaleen Madaxda Dowladda Federaalka, Hey’adaha ka shaqeeya Mashaariicda, Ganacsatada, Maalgashadayaal caalami ah iyo Martisharaf kale ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha lagu soo doortay nidaamka 4.5 Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan hoolka uu ka dhacaayo shirka ayaa ka jeediyey khudbad uu ku dhiirrigelinaayo Maalgashadayaasha iyo Ganacsatada Soomaaliyeed iyadoo dalka uu dagaal ku jiro, xilli aagga Madaxtooyada Al-Shabaab laga saari la’yahay illaa xalay.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene) ayaa faa-faahin doona doorka Wasaaradda iyo sida ay uga go’antahay maalgelinta iyo dhiirrigelinta maalgashiga hal-buurka leh ee doonya in ay kor u qaadaan wax soosaarka gudaha dalkeena.

Ayada oo weli uu socdo howl-galka lagu soo afjarayo weerarka tooska ee ay Al-Shabaab ku qaadeen Hoteelka Villa Rays oo ku yaalla agagaarka madaxtooyada ayaa waxa goordhoweyd war cusub soo saaray kooxda Al-Shabaab.

War-saxaafadeed kasoo baxay Al-Shabaab oo lagu baahiyay warbaahinta kooxda ayaa waxaa lagu sheegay in weerarka oo saacado badan qaatay uu sababay in uu khasaaro soo gaaro wasiirro iyo saraakiil ka tirsan dowladda, sida ay sheegteen.

Sidoo kale waxay sheegteen in dagaal-yahaanada ka tirsan xarakada ee weerarka ku qaaday Villa Rays ay gacanta ku dhigeen hub iyo saanado millateri, islamarkaana ay weli gacanta ku hayaan dhismayaal ku teedsan Madaxtooyada.

“Ciidamada Mujaahidiinta ah ee fuliyay weerarada ayaa si xirfadaysan oo khibrad iyo xeelad ku dheehan tahay uga gudbay dhamaan jid-gooyooyinka faraha badan ee uu cadawgu dhigay wadooyinka Muqdisho, waxay gaareen goobihii yoolkoodu ahaa,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Mudane Xassan oo shirka ka hadlay ayaa bogaadiyey dhabar adaygga iyo kartida dadka Soomaaliyeed iyo sida aysan u niyad jabinayn ficillada gurracan ee ay soo maleegaan argagixisadu, waxa uuna xaqiijiyey in dalka laga cirib tiri doono arxan-laaweyaashaas, si sharaf iyo barwaaqo ay ugu noolaadaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“In kastoo aan halkan u imid si aan u dhiirri-geliyo maalgashiga dalkayga, haddana waa garowsanahay caqabadaha nagu xeeran oo ay ugu horreyso argagixisada, abaaraha, hannaanka dhaqaalaha oo dib u habayn u baahan iyo shaqo la’aanta dhallinyarada, haddana dhammaan arrimahaas waxaa barbar socda dadaallo aan ku xallinayno iyo fursado ballaaran oo ka jira dalka.”

Sidoo kale Madaxweynahan ayaa dul istaagay kobaca gancsiga iyo mashaariicda guuleystay ee ay fuliyeen dhallinyarada iyo maalgashadeyaasha Soomaaliyeed, isagoo ku bogaadiyey ganacsatada iyo qurba-joogta Soomaaliyeed sida ay hantidooda ugu soo celiyeen dalkooda, door muuqdana uga qaadanayaan horumarka.

Sidee loolla dagaalami karaa ururada argagixisada iyo Warbaahinta bulshada?

Facebook Comments Box

Continue Reading

Xul