Guushii ugu dambeysay ee Ankara waxay dhacday dabayaaqadii bishii Nofeembar 2014 shirkii labaad ee Turkiga iyo Afrika. Shirkaas waxaa ka soo muuqday saaxiibada Turkiga ee qaarada oo dhan. Dhinacyadu waxay ansixiyeen Qorshaha Waxqabadka Wadajirka ah ee muddada illaa 2019 waxayna xaqiijiyeen horumarka xiriirkooda oo gaaray heerka iskaashiga istaraatiijiga ah.
Sidee u guulaysan doontaa siyaasadda Turkiga ee ku wajahan Afrika sanadaha soo socda? Jawaabta su’aashan waxay noqon doontaa tilmaamta horumarka Ankara ee ku wajahan hadafkeeda istiraatijiyadeed – noqoshada awood caalami ah. Xaaladdan oo kale, “guuleysiga” qaaradda Afrika, oo Turkigu si firfircoon u raadinayo, oo la mid ah dawladaha sida Shiinaha, Barasiil iyo Hindiya, ayaa sidoo kale qaata door muhiim ah.
Marxaladihii gumaysigii reer galbeedka ee qaaradda Afrika
Kacaankii warshadaha, dawladaha reer galbeedku waxay kasbadeen gees ka gees ah adduunka intiisa kale. Ma aha oo kaliya in ay gacanta sare heleen, ee waxa ay sidoo kale ku duuleen dunida inteeda kale. Markii uu dhamaaday dagaalkii 1aad ee aduunka, waxaa la qabsaday Shiinaha, Hindiya, Aasiya bari fog iyo dhulkii Cusmaaniyiinta.
Sheekada gumaystaha ee dawladaha Afrika waa wax dunidu hore u ogaatay oo laga soo qaatay Documentariyo iyo buuggaag. Wadamada horumaray waxay qorsheeyeen kaliya maaha inay horumariyaan horyaaladooda ee waxay sidoo kale qorsheeyeen sidii wadamada soo koraya ay ugu faa’idaysan lahayeen iyo kuwa la ildaran dowlad xumada iyo daryeel bulsho la’aan. Dhaqanka gumaysigu waa wax ay si fiican u darseen gumaystayaasha.
Maanta, haddii aan il gaar ah ku fiirino wadamada Afrika oo aan ka baaraandegno aragtida kheyraadka dhulka hoostiisa, cimilada iyo dadka tamarta leh, waxaan ogaanay in badankoodu ay yihiin kuwo isku filan. Jirka bini’aadmigu wuxuu u baahan yahay dhiig ku wareegaya xididada dhexdooda. Dawlad kasta oo reer galbeed ah oo gumaysato waxay si joogto ah u nuugtaa dhiigga wadamada Afrika sida vampire-ka iyagoo ilkahooda soo galay halbawlayaasha dalalkan. Marka kheyraadka waddan Afrikaan ah oo loo sii wado waddan Yurub ah, dakhliga qofkasta ee dalkaas wuxuu gaari karaa $60,000 ilaa $70,000. Markasta oo ay sii xumaanayso dhibaatooyinka ka jirta dalalka Afrikaan ah, ayaa waxa sare u kacaya wadammada qaaradda Yurub.
Gumeysiga reer galbeedka wuxuu soo maray marxalado. Gumeysigii jiilka kowaad wuxuu qabsaday dhul, dad laayay, kheyraadkiina si toos ah uga faa’ideysan jiray. Ka dib, markii ay dawladuhu mid mid u xoroobeen dagaalladii gobonimo doonka, waxaa abuurmay dhaqan cusub oo gumaysigu leeyahay. Wakhtigan labaad, waxgaradkii gumaystaha iyo maamulayaashii u ekaa gumaystaha iyo kali-talisyadii oo u badnaa wax bartay dawladaha reer Yurub, waxay saamayntooda ku soo kordhiyeen waddammada oo ay ka faa’iidaysteen dalalkii Afrikaanka ahaa iyaga oo gacan ka helaya keli-talisyo maxalli ah.
Sida uu sheegay aqoonyahanka cilmiga bulshada iyo dhaqaalaha ee Maraykanka Immanuel Wallerstein, dawladaha reer galbeedku waxay wadamadan ku haysteen shan monoboli (awoodda kali): maamulka, macdanta, maaliyadda, tignoolajiyada iyo warbaahinta. Markii ay haysteen keli-talisnimada, reer galbeedku waxay sameeyeen sawirro sida dadka adduunku u garanayaan, u arki lahaayeen una arki lahaayeen Afrika.
Sawirka loo sawiro dunida, Afrika waxa lagu sawiray saxare aan caadi ahayn, aragti aan macno lahayn, halkaas oo dadku ku nool yihiin cunto iyo biyo la’aan, dhulka gurguurta. Si kastaba ha ahaatee, Afrika waa deegaanka ugu barwaaqada badan caalamka, oo leh kheyraadka dhulka hoostiisa ah, qaninimada biyaha iyo kala duwanaanta wax soo saarka.
Maxaa ku cusub Afrika maanta: Iyadoo ay weheliso isbeddelka dheelitirka caalamiga ah, iskahorimaad saameyneed oo u dhexeeya dawladaha ayaa ka bilaabmay Afrika. Dhinaca kale, wadamada sida Faransiiska, Ingiriiska., Beljamka iyo Maraykanka waxay rabaan inay sii waddaan wajigii ugu dambeeyay ee gumeysi dhaqameedkooda. Dhanka kale, Shiinaha, Ruushka, Iiraan iyo Turkiga ayaa si tartiib tartiib ah u bilaabay inay ka shaqeeyaan Afrika. Xiliga baraha bulshada dadku ay ku baraarugsan yihiin awooda iyo hantida ka jirta dalalkooda iyo caalamka intiisa kale.
Hogaamiyayaasha Niger iyo Burkina Faso waxay yiraahdeen, “Maxaynu ugu nool nahay sida addoomo oo kale, annaga oo haysanno dhammaan noocyada kheyraadka iyo hantida?” Su’aashan waxaa hadda ka dib isweydiin doona maamulayaal iyo muwaadiniin badan. Niger waxaa ka faa’iidaysanayay Faransiiska muddo sanado ah. Dadka reer Niger ayaa hadda dagaal xornimo ah kula jira Faransiiska. Waxaase la yaab leh, wadamada Galbeedka Afrika (ECOWAS) waxay isku diyaarinayaan inay ku dhawaaqaan dagaal ka dhan ah deriskooda, asal ahaan si ay u ilaaliyaan danaha Faransiiska.
“Maxaynu ugu nool nahay sida addoomo oo kale, annaga oo haysanno dhammaan noocyada kheyraadka iyo hantida?”
Saamaynta suurtagalka ah ee Turkiga
Dhammaan dawladihii tagay Afrika ilaa hadda waxay u joogeen barwaaqadooda iyo inay ka faa’iidaystaan kheyraadka. Turkiye, sida haraagii boqortooyadii, waxay leedahay dhaqan xukun. Markii Turkiga uu tagay Liibiya, Soomaaliya ama dal kale oo Afrikaan ah, kaliya kuma koobneyn danaha Turkiga ee wuxuu hormuud ka ahaa horumarka dalka uu la tacaalayo, laga soo bilaabo maamulka adeegsiga farsamada iyo dhismaha nidaamka dowliga ah.
Si ka duwan, Turkigu waxay u dhaqmaan dareenka ah inay ka yimaadeen waddan Muslim ah. Turkiga ayaa dadaal u galay sidii loo xasilin lahaa dalalka ay xiriirka la leeyihiin, horumarinta iyo caawinta dadka si ay barwaaqo u gaaraan. Isla markaana, haddana Turkigu waxa uu ka mid yahay waddamada dib u dhaca ku xukumay boqortooyooyinkii gumaysiga.
In kasta oo Turkigu uu noqday quwad ka soo baxaysa Afrika, haddana khubaradu waxa ay ka digayaan in uu jiro farqi u dhexeeya awoodda Turkiga iyo quwadaha waaweyn.
Ulf Engel, oo ah borofisar ku takhasusay siyaasadda Afrika oo wax ka dhiga jaamacadda Leipzig, ayaa sheegay in Turkigu aanu ka mid ahayn ciyaartoyga ugu waaweyn Afrika. “Turkigu waxa uu la mid yahay Imaaraatka Carabta, Qadar, Sacuudi Carabiya, ama Iiraan.”
“Awoodda dhabta ah ee Turkiga lama qiyaasi karo. Inkastoo qaar ka mid ah siyaasad-dejiyeyaasha Turkiga iyo hadalladooda ay rabaan inay Turkiga u soo bandhigaan nooc ka mid ah awoodda tartanka Shiinaha ama Faransiiska ee qaaradda Afrika, uma maleynayo,” ayuu yiri Donelli.
Sida laga soo xigtay Bilgic, Turkigu waa awooda ugu weyn ee gargaarka bini’aadantinimo laakiin maaha meelo kale. “Waa in aan qirno in Turkigu uu halkaas ka yahay jilaa cusub,” ayuu yiri Bilgic. “10 sano waxba ma ahan, dowlado waaweyn ayaa Afrika ku sugnaa in muddo ah.”
Ankara waxa ay isu soo bandhigtay in ay tahay mid wanaaga iyo walaaltinimada ku bedelanaysa quwadihii reer Yurub ee mar gumaystay qaarada. “Turkigu xoogaa faa’iido ah ayuu ka helay taariikhdiisii hore, ma jiro wax gumeysi oo soo maray taariikhda Turkiga,” Donelli ayaa yiri. “Inkasta oo Boqortooyadii Cusmaaniyiintu ay xiriiro badan ku lahaayeen Afrika, hadana uma qaadan karno wakhtigaas mid gumaysi ah, dhanka kale dhamaan wadamada reer galbeedka waxa ay leeyihiin wakhtiyo gumaysi, dhamaantood waxa ay wataan calaamad noocaan ah”.

Elif Comoglu, Safiirka Turkiga ee Koonfur Afrika, ayaa aaminsan in siyaasadda Ankara ee Afrika ay tahay mid wax ku ool ah.
Cali Bilgic, oo cilmi baaris kuwada siyaasadda arrimaha dibadda ee Turkiga ee jaamacadda Loughborough ee Ingiriiska, “Turkigu ma laha taariikhdaas gumaysi ee taban, sida uu isu soo bandhigayna waa wanaag”.
Sidoo kale, Elif Comoglu Ulgen, safiirka Turkiga ee Koonfur Afrika, ayaa tiri. “Aasaaska gumaysigu wali wuu ku sii socdaa dadka Afrikaanka ah.”
Elif Comoglu, Safiirka Turkiga ee Koonfur Afrika, ayaa aaminsan in siyaasadda Ankara ee Afrika ay tahay mid wax ku ool ah.
Istaraatiijiyada xiriirka Afrika ee ‘walaalnimada’ ee Turkiga
Sannadkii 2011-kii, Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan (oo markaas ahaa Ra’iisul Wasaare) ayaa booqday Soomaaliya. “Masiibada halkan ka socota waa imtixaan ilbaxnimada iyo qiyamka casriga ah,” ayuu yirri. Asigoo kala jeedo abbaaraha Soomaaliya ka jiray wakhtigaas oo sida la sheegay 60% caruurta Soomaaliyeed waxay u dhinteen nafaqo-darro.

Madaxweyne Erdogan (oo markaas ahaa ra’iisul wasaare) ayaa ahaa hoggaamiyihii ugu horreeyay ee aan Afrikaan ahayn ee booqda Soomaaliya muddo 20 sano ah.
Isla booqashadaas, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda, haddana ah siyaasi ka soo horjeeda madaxweynaha Turkiga, Axmed Davutoglu, ayaa yiri: “Waxaan Soomaaliya u nimid inaan muujinno garab-istaaga walaalaha Soomaaliya, laakiin tani ma ahan hal maalin oo keliya, waxaan sii wadi doonnaa inaan u shaqeyno, waligayna ka tagi mayno”. Sida laga soo xigtay Bilgic, booqashadaas “dhab ahaantii waxay Soomaaliya dib ugu soo celisay khariidadda adduunka.”
“Masiibada halkan ka socota waa imtixaan ilbaxnimada iyo qiyamka casriga ah,”
Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anadolu ayaa ku warantay in tan iyo sannadkii 2011-kii uu Turkiga ku bixiyey in ka badan 1 Bilyan oo Doollar Gargaarka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Soomaaliya. Turkiga ayaa sidoo kale safaaradiisa ugu weyn ku leh magaalada Muqdisho.
2020, mar uu la kulmay madaxweynaha Senegal Macky Sall, Erdogan wuxuu yiri: “Waxaan u aragnaa dadka Afrika inay yihiin walaalaheen, kuwaas oo aan wadaagno masiir guud. Waxaan u wajahnaa xanuunkooda maaha siyaasad, istiraatijiyad, iyo ujeedooyin ku salaysan dano.” laakiin si buuxda oo bini’aadminimo iyo damiir leh.”
Hawlgalkii ma lagu guulaystay?
Falanqeeyayaasha Bilgic iyo Donelli ayaa ku doodaya in guud ahaan, Turkigu uu ku raaxaysanayo muuqaalka wanaagsan Afrika. “Qaabka uu Turkigu u dhaqmo wuxuu u muuqdaa inuu hadda shaqaynayo,” ayuu Bilgic ku daray.
Iyagoo ujeedka hadalkiisa loo fahmi karo in qaluubta dadyowga Afrikaan ah kasbaday. Soomaalida waxay kaga jirtaa kaalinta koowaad dadka uu Turkiga qaluubtooda si toos ah u kasbaday. Waxay Muqdisho ku leeyihiin Hoteello waa weyn ‘Decale Hotel, Istanbul Hotel, maqaayado, Iskuulo, Isbitaallo, xittaa Soomaaliya waxaa laga furay jaamacadda loo bixiyey magaca madaxweynaha ‘Jaamacadda Erdogan.
“Haddii aad Soomaalida kala hadasho dadka Turkiga ah, waxay kuu sheegayaan inay yihiin dad walaalo ah, inay Soomaaliya u joogaan iyaga dartooda” ayuu yiri wariyaha warbaahinta Jarmalka laga leeyahay DW ee Soomaaliya.
Ma aha oo kaliya aragtida Afrika ee Turkiga waxa ku dhacay isbeddel wanaagsan oo muddo ah, laakiin liddi ku ah, sidoo kale. “Aragtida Afrika, gaar ahaan kuwa ka hooseeya Saxaraha, ayaa bilaabay inay isbedelaan. Bilowgii, gobolka waxaa loo tixgeliyey qayb ka mid ah qaaradda oo dib u dhac badan ka jira, iyada oo aan wax fursad ah la helin”, ayuu yiri Donelli, isaga oo intaas ku daray in hadda xaaladdu aysan ahayn sidii hore.