Wuxuu sharaxaad ka bixinayaa habka loo maro ama loo xusho warka, uu soo diray wariyaha jooga goobta warka laga soo tabinayo. Arrinka ugu horeeya, waa inaad salka u dhigtid, waxa ay warbixintu ku saabsan tahay, isna waydii hadii uu jiro dhinac kale oo laga eegi karo?
Tan xigta, ma isku raaceen wariyaha iyo tafatiraha waxa ay warbixintu ama warku uu ku saabsanaanayo, hadii wariyaha iyo tafatirihiisu ay ku heshiin waayaan ama isku raaci waayaan warkaasi waxa uu noqonayo, waa in la xaliyaa inta aan hawsha la sii guda-galin. Markasta waxaad ogaataa, in tafatiraha ama soo saaraha xarunta jooga uu dusha kala socdo, aysan aheyn hal war waxa uu ka warhayo, balse uu dusha kala socdo warar badan si looga sameeyo barnaamij.
Waxay tani siinaysaa tafatiraha aragti ka duwan tan wariyayaasha bannaanka ka soo waramaya, kuwaas oo ku mashquulsan oo keliya wararka ay soo dirayaan iyo wax yar oo u soo raaca.
Macaamilka
Ku heshiiya wariyaha, oo laga yaabo mararka qaarkood in uu kaa fog yahay kumanaan kiilomitir, sida laga yaalayo warbixinta. Tafatiraha ama soosaaruhu, wuxuu soo jeedinayaan fikirkiisa ku aadan sida loo isticmaalayo warbixinta iyo halka ay barnaamijka ka galeyso. Laba ayay noqon kartaa warbixintu. 1) Mid toos looga jeedinayo idaacadda oo socota (Live) ama 2) waxay noqon kartaa mid laga sii duubay wariyaha ka hor inta aysan soo galin idaacadda.
Sidii la doono ha loo adeegsadee wariyaha waa in uu ogaadaa sababta uu tafatiruhu ugu adkeysanayo habka uu rabo in la maro.
Wariyuhu, wuxuu leeyahay soo jeedinta fikradiisa ku aadan sidii loo wajihi lahaa warka uu soo direy.
Si kastoo wax u dhacaan, guushu waxey ku jirtaa heshiis iyo is afgarad.
Dhererka warbixinta
In intee la’eg ayay soconeysaa warbixinta la soo duubey? Adigoo isla mar ahaantaa niyadda ku haya sheekadu inay noqoto mid ku haboon barnaamijka, waxay u baahan tahay in ay hesho waqti cayiman – sida laba daqiiqo. Waxba sooma kordhinayso in wariyuhu uu soo qabto ama soo duubo sheeko soconeysa toban daqiiqadood. Ka fakar goorta warbixinta ama waraysiga la sii daynayo, ma waxey noqoneysaa todobaadka soo socda? Ama waxaa la baahinayaa todobaad dhamaadkiisa.
Ma waxey noqoneysaa warbixin barnaamijka hordhac u ah? ma mid meel dhexe la galin doonaa? Wariyaha waa in uu ogaadaa halka ay warbixintiisu ka galayso barnaamijka iyo goorta la isticmaali doono, waayo waqtiga ayuu ku tashanayaa. Ma waxay noqoneysaa sheekadu mid keligeed la sii daayo, mise waxay ka mid noqoneysaa barnaamij? Ka soo qaad, sida wariye ka soo waramaya wadan kale, kana qeybgalaya dhacdo cayaareed (sports event)Dhamaan qodobadani waa in go’aan laga gaaraa ayna isku raacaan wariyaha iyo tafatiraha.
Wariyayaasha: Ogaada
Hadii tafatiraha ama soo saaraha ay og yihiin waxa ay rabaan, wariyuhuna waa inuu ogaadaa waxa warbixintiisu ku saabsan tahay. Waa shaqada wariyaha inuu og yahay warbixintiisa bilow ilaa dhamaad, waa inuu faahfaahin karaan, waana inuu awood u leeyahay inuu sharaxaa muhiimadda ay leedahay dhacdadan. Ha ka filan tafatiraha ama soosaaraha in uu og yahay arrinta sida aad adiga (Wariyaha) u og tahay, waxaa laga yaabaa in aad u baahan tahay in aad kula murantid dhinacaaga hadii aysan fahmeyn ama fahamsaneyn khuwadda ay leedahay xaaladaas ama halka ay wax ku haboon yihiin marka la eego sawirka guud ee sida warkaa loo sii jeedinayo. Xulashada sheekada ama warka waa in ay noqotaa mid la wadaago, soo-saarayaasha aan fikradaha kale aan qaadan ama tafaftriayaasha is dhaafiya ama fikradaha wariyayaasha, waxey noqdaan kuwa lumiya muhiimadda iyo xaqiiqada wararka.
Sida loola dhaqmayo ama loo wajahayo warbixinta: Aragtida wariyaha
Soo saaraha ama tafatiraha waxaa laga yaabaa inay fikrad ka haystaan sida ay warbixintu noqon karto . balse wariyuhu wuxuu qaadanayaa kaalin lagama maarmaan ah oo ku saabsan hanka loo abuurayo qaabaynayo warbixinta.
Wariyayaasha ka soo waramaya halka ay sheekadu ka dhacayso, waxay leeyihiin kaalinta fikirka ku saabsan waxa ay ka koobnaan doonto warbixintiisa si ay u noqoto mid xiiso leh.
Caqabadaha
Ha kala cadaato, daacadna ka ahow sida aad u soo gudbineysid warbixinta, imisa ayey qaadaneysaa? iyo hadii loo baahan yahay in la qaato tallaabooyin xagga badbaadada ah.
Sidoo kale waxaad ogataa qalabka teknoolijiyada uu kugu keeni karo dib u dhac sidii aad u soo diro lahayd warbixinta iyo agabka aad soo duubtay, taasoo ay ku mashquulaan sugitaankeeda soosaarayaasha iyo tifaftirayaashu in ay helaan.
- Soosaarayaasha iyo tafatirayaashoow – Dulqaata
- wariyayaashoow – qorshe labaad sameysta
Hadii diishka (Satalite=ka) uu shaqeyn waayo, waa inaad go’aansataa wixii aad sameyn laheyn, waxaa laga yaabaa in uusan codku fiicnaan. Marka, waxaan u maleynayaa in ay lagama maarmaan tahay in la fahmo, halkii laga qaylin lahaayeen qadka isgaarsiinta, oo la is raadin lahaa?
Qorshaha Labaad
Waxaad ogaataan xitaa qorshaha sida ugu fiican loo diyaariyey wuu xumaan karaa, waa markaas marka inta aad dib u laabato aad lasoo baxdo qorshaaga labaad. Kaba soo qaad, hadii wariyayaashu ay awoodi waayaan inay la xiriiraan xarunta warbaahintooda, is waydii ma awoodi karaan in ay isticmaalaan telefoonkooda gacanta oo ay bixiyaan waraysi (two way)? Sidan, ayaa dhaanta wax la’aan. Ugu yaraan waxaan warka ku dari karnaa in buundo ay jabtey oo daadad soo fatahmeen.
Dabcan, markasta waad ka shaqeyn kartaa warkaan isagoo faahfaahsan galinka dambe ee maalintaas, tusaale ahaan adigoo isu keenaya oo ka sameynaya war kuna soo daraya hadalo aad ka soo qabatey dadka wax badbaadiya ee meesha ka shaqeynaya iyo dadka ku baro kacayba iyo sidoo kale mas‘uuliyiinta.
Xafiisyadda BBC
BBC, waxay xafiisyo ku leedahay dacaladda adduunka, xafiis goboleedyadana waxay leeyihiin mabaadii‘da xulashadda wararka, soosaarayaasha ayaa ka xusha wararkan, iyagoo matalaya tafatiryaasha xarunta fadhiya. Xafiis goboleedyada waa inay hubiyaan in wariyaha uu og yahay waxa xaruntu uga fadhido, oo ay ka sugeyso, tafatirahana waa in uu ka mahadceliyaa dulqaadka wariyaha.
Nidaamka Xulashada Warka
Nidaamka xulashada, waa in uu u habeysnaadaan sida soo-saarayaasha fadhiya xarunta oo kale ama si ka sareysa. Marka hadii aad fadhidid Nairobi, Delhi ama Miami waa inaad si fiican xilkaaga ugu wareejisid xarunta London marka uu shiftigaagu dhamaado.
Ha ad-adkaan
Xussuusnow, waxaa lagaa soo kaxeeyey halkii ama goobtii ay dhacadu ka dhacaysay, wariyahana meeshii ayuu joogaa aniga meesha ma joogo. Waxeygu waa uun soo jeedin, wariyaha ayaa warbixinta iska leh. Ugu dambeynta, aniga ayaa mas’uul ka ah barnaamijka, marka waa inaan gaaraa go’aan balse waa inaan tixgaliyaa waxa uu wariyaha sheegayo.
Mararka qaarkood, waxaa dhacda in la isku fahmi waayo hal abuurka, isku dhacna wuu imaan karaa, laakiin ogow wariyaha iyo tafatiruhuba hal meel, ayay wada hiigsanayaan, taasoo ah in ay u gudbiyaan dhegeystayaashooda warka ugu fiican ee macquulka ah.
Wadahadalka, ayaa ah furaha wax lagu saxo.