Is waydii: Sawirku ma mid loogu talogalay baa war mise barnaamij? Ilaa heerkee ayaa warku miisaan leeyahay?
Ma mid dabacsan baa? Hadii uu ka hadlaya arrin sahlan, waxaa laga yaabaa in aad xulashada sawirkaaga dabciso.
Halkee sawirku ka soo muuqanayaa?
Ma wuxuu ka soo baxayaa bogga hore ee war? Mise war, ayuu ku sii dhex jirayaa? Labada waxay kuu sheegayaan nooca sawirka aad dooranayso. Bogga hore ee war, tusaale ahaan, wuxuu u baahan yahay in sawirka si gaar ah loo jaro. Waxaad u baahan tahay in aad si wanaagsan u adeegsato ballaaraka; waxaad u baahan tahay in aad xaqiijiso in uu horay u soo jiidanayo in ka badan qoraalka, dareenka aqriyaha si ay ku dhalan karto in uu daneeyo in uu sii guda galo warka, oo uu aqristo. Hadii ay tahay gudaha warka, markaas waxaad u baahan tahay in aad muujiso faahfaahinta sheekada. Hubi in uu quseeyo warka, siina wad faahfaahinta adigoo ku tashanaya nasiibka. Hadii kale, waxaa laga yaabaa in loo isticmaalo Bandhig sawirro halkaas oo ay ku soo bixi doonaan sawiradaada, oo aad uga wayn sidii hore ugana ballaaran, iyadoo uu ka mid noqon doono sawirro dhowr ah. Sidaa darteed, waxaad u baahan tahay in aad hubiso in uu waafaqsan yahay goobta loogu talogalay. Hadii la eego bogga hore ee maanta, waxaan arki karnaa dhowr tusaale oo wanaagsan. Hadii la eego sadex war oo ugu horeeya ee bogga maanta, waxaad arki kartaa sawirada kala duwan ee la xushay. Warka sare, waa sawirka qaybta sare ee Obama oo ku guulaystay biladda Nobel Peace Prize. Waa sawir kayd ahaa, jawiga ku haboon oo dhex dhexaad ku ah, waxaana uu waafaqsan yahay xaaladda warka.
Sawirka labaad, wuxuu ku saabsan yahay qarax bomb oo ka dhacay Pakistan,. Way adag tahay in la sharaxo. Waa in aad ka taxadartaa arrimaha la xiriira dhadhanka iyo aadaabta, balse waxaa kaloo lagaa rabaa in aad muujiso wax la xiriira warka.
Kan sadexaad, waa mid ka dabacsan. Wuxuu ku saabsanaa boqoradda, sidaa darteed waxaad heli kartaa sawirkeeda qaybta sare oo kayd ah, u jar si haboon oo aadan luminaynin dheelitirnaanta muuqaalka. Ka dhig mid wanaagsan. Sidoo kale adigoo eegaya qaybta sawirku galayo, waxaad u baahan tahay in aad ka fakarto xaaladda. Si gaar ah, ayay muhiim u tahay marka aad dooranayso sawirada kaydka qof, si aad war ugu sharaxdo in aad is waydiiso, ma yahay warku mid miisaan culus leh mise waa mid miisaan fudud, oo iska dabacsan? Waxaad u baahan tahay in aad xaqiijiso in sawirka uu muujinayo xaaladda warka. Sawir qof dhoola-cadaynaya uma isticmaali kartid marka warku culus yahay iyo wixii la mid ah. Waa arrin aad muhiin u ah. Warka ayay dhadhanka ka dilaysaa, oo waxay gudbinaysaa fariin qaldan oo aan loo baahnayn.
Sidaa darteed, aan eegno bogga hadda. Marka la eego ra’iisul wasaaraha Talyaaniga Berlusconi, goor dhowayd ayaa maxkamad xukunta,y oo macnuhu yahay in uusan wixii ka dambeeya cafis ka ahayn in la xukumo. Berlosconi, aad ayuu uga soo horjeeda arrintan. Sidaa darteed sawirka wuxuu u baahan yahay in uu muujiyo in uusan ku faraxsanayn go’aanka. Waana in sawirku muujiyaa culayska xaaladda.
Hase yeeshee, taariikhdiisa, tusaale ahaan, waxaad u raadin kartaa sawir ka dabacsan oo muujinaya dhaqankiisa iyo sida loo arko.
Sawirada, waxay naga soo gaaraan meelo kala duwan, xaqiiqada dhabta ahna waa in la suggaa aaminaadda sawiradaas, sidaa darteed marka aad daabacayso waa in aad og tahay in ay sax yihiin, ma daabacaysid sawir ay dood ka keeni karto cid kale. Qaar ka mid ah sawirada, waxay ka imanayaan shaqaalaheena. Kuwo kale – oo aad u badan – waxay naga soo gaaraan wakaaladda wararka ee aan xiriirka la leenahay, sida Associated Press iyo the Press Association. Waxaan la galnay heshiis waanan ku kalsoon nahay sawirada ay noo soo diraan. Kuwa kale, waxay naga soo gaaraan dad is xilqaamay, oo aan xiriir la samaysanno kadib muddo waqti ah, si aan howshooda u baranno, waxaanan ognahay howshooda in ay tahay mid daacad ah oo dhab ah.
Qaar kale, waxay naga soo gaaraan dadka caadiga ah, taaso ah qayb kale oo ay cadahay in ay u baahanayso taxadar dheeraad ah, oo in laga wada shaqeeyo. Waxaad dib ugu laabanysaa qofka soo diray sawiradan, waxaana la waydiinayaa su’aalo dhowr ah si loo suggo in ay runta sheegayaan, oo sawirada ay iyaga soo qaadeen, kana soo xadin meel kale. Dadka kale, waxay yeelan karaan ujeeddo gaar ah, oo ay doonayaan in ay dardargaliyaan, sidaa darteed, waa in aad ka taxadartaa taas, iyo sidoo kale waa in aad hubisaa in aadan samaynayn waxa ay kaa doonayaan in aad u samayso. Hubi ilaha kale, il labaad. Meelo kale eeg, hubi sawirada laguu soo diray in ay u muuqdaa in ay ka yimaadeen meesha saxa ah.
Hadii qof uu dhex taagan yahay dhacdo wayn, tusaale ahaan, is waydii ma awoodi karaan in sawiradaas oo dhan uu kaligii soo qaado? Ma wuxuu ka soo qaatay boggag kala duwan, oo uu kuu soo diray? Mar walba ma aha in ay doonayaan in ay na qaldaan. Mararka qaad, waxay u malaynayaan in ay wanaag noo falayaan, oo ay noo soo dirayaan sawiro laga yaabo in ay jeclaan lahaayeen in aan aragno. Balse waa in aad taxadar aad iyo aad ah yeelataa. Meelaha kale, waa sawirada la qaybiyo, ee aasaasiyan shirarka jaraa’id laga qaybiyo ee shirkadaha. Qaar kuwan ka mid ah mararka qaar, waxay ku jiraan wakaaladaha wararka ee aan soo sheegay AP iyo PA IWM. Balse hadana, waxaad u baahan tahay in aad xaqiijiso in aad sawirka u isticmaalayso sida ugu haboon, oo aadan meesha ka saarin xayaysiinta cid kale. Xuquuqda qoraha, waa qayb muhiim ah marka la eego sawirada, waxaana u baahan nahay in aan hubinno in aan xaq u leenahay in sawirada aan daabici karno.
Kuwa aan ka helno wakaaladaha aan xiriirka la leenahay, sida Press Association iyo Associated Press, dhib ma laha, waayo heshiis ayaa naga dhaxeeya. Shaqaalaha aan joogtada ahayn: waxaan u baahan nahay si deg deg in aan ugu sheegno sida aan u isticmaalayno sawirkooda; ilaa intee ayay ku sii jirayaan bogga. Wararku, joogto ayay halkaa ku ahaanayaan, sidaa darteed, waxay u baahan yihiin in xaaladaas ay maanka ku hayaan, waxaana doonaynaa in aan xaqiijinno in heshiisku uu waafaqsan yahay xaaladaas.
Sawirada waxaa dhici karta sidoo kale in loo isticmaalo television, sidaa darteed waxaa dhici karta in aan galno heshiis quseeya qaybaha oo dhan. Dadwaynaha mar kale, marka ay soo gudbinayaan sawiradooda, waxaa loo sheegaa xuquuqda ay saxiixayaan, hadii sawirada ay soo direen loo isticmaalayo boggeenna. Wali waxay xaq u yeelanayaan lahaanshaha, balse waxaan xaq u yeelanaynaa in aan u isticmaalno bogga BBC.
Qaybaha kale: Marka sawirro la raadinayo, mararka qaar ilaha joogtada ah sida wakaaladaha IWM kuma caawin kari doonaan, waxaanan ku qasbanaanaynaa in aan ka raadinno meelo ka baxsan, laga yaabo sawirro cid gaar ah haysato ama shaqsiyaad, waxaanan isku dayaynaa in aan sawiradaas meel saarno. Mar kale, waxaad u baahan tahay in ay kuu caddahay waxa aan dalbanayno iyo sida aad u isticmaali doonno. Ma waxay u baahanayaan xusidda magaca? Ilaa intee sawirada la isticmaali doonaa? Iyo inta ay tahay hadii lacag la bixinayo?
BBC, waxay leedahay sharciyo dhinaca tifaftirka ah, oo aad u adag dhinaca sawirada aan isticmaali karno iyo kuwa aanan isticmaali Karin. Tani, aad ayay muhiim ugu tahay bogga, oo loo arkaa bog uu gali karo qof walba da’ kasta oo uu jiro iyo waqtigii loo baahdoba. Markaad soo gasho bogga hore , ma ogid waxa aad arki doonto. Waxay noqon karaa war dabacsan, oo xagga sare yaalla ama wuxuu noqon karaa arrin si dhab ah u culus. Sidaa darteed waa in aad ka taxadartaa waxa aad muujinayso. Marka aad warka dhexgasho, sida cad waxaad u baahan tahay in aadan sharciga jabin. Waxaan nahay bog war, sidaa darteed waa in aan muujinnaa qaar ka mid ah dhacdooyinka iyo dhab ahaan waxa dhacaya. Balse waa in aan si wayn u taxadarnaa. Waxaa jira nidaam noo degsan, oo ay tahay in lagu dhaqmo, kaasoo na caawiya hadii shaki uu jiro.
Aan tusaale eegno hadda:
Kani waa bomb ku qarxay caasimadda Kabul ee Afghanistan. Mar kale waa sawirro dhab ah, oo arrin culus u taagan, nus darsin sawirro ah, oo muujinaya dhacdo, iyadoo aysan aad u naxdin badanayn. Waxaad u baahan tahay in aad aragto agagaarka goobta wax ka dhaceen iyo waxa ka soconaya. Waxaad u jeeddaa dadka isku dayay in ay badbaadiyaa cid kasta, oo nool ee burburka ku dhexjirta, ama si guud doonaya in ay ogaadaan waxa socda. Muuqaalka ballaaran, wuxuu muujinayaa qaraxa markii uu dhacayba.
Qof u yimid in uu burburka ka raadiyo eheladiisa, sida cad aad ayuu u murugaysan yahay. Halkan sida cad mayd, ayaa la soo saarayaa, sidaa darteed waxaad muujinaysa qasaaraha uu qaraxu gaystay, laakiin ma aha qiime la’aan. Kadibna muuqaal ballaaran, oo muuinaya hareeraha goobta iyo waxa ka dhacaya.
Wixii ka baxsan, waa arrimo quseeya ku xadgudub. Mar walba cad iyo madow arrimuhu ma aha, balse nidaamka BBC u degsan, ayaa caawinaya. Tusaale dhow, ayaa ah sawir askari ka tirsan ciidamada badda Maraykanka, oo dhaawacmay oo kadib u dhintay dhaawaca isla gudaha dalka Afghatnistan. Waalidka ayaa dib u ceshaday ogolaanshaha ay horay u bixiyeen, taasina waxay keentay in BBC aysan isticmaali karin sawirka.
Boggaga qaar ee Maraykanka sawirka ma daabicin, iyagoo dareemay in ay aad muhiim u tahay in ay muujiyaan dhibaatada dagaalku leeyahay. Ma ahayn sawir faahfaahsan, oo laga naxo, balse maadaama uu dhintay, ayaa sawirku wuxuu noqday mid dareen ahaan war gudbinaya. Qayb kale, oo ay tahay in aad eegto, oo aad ka taxadarto waa caruuta. Gudaha UK waxaad u baahan tahay in ay ogolaasho ku siiyaan waalidka ama qofka mas’uulka ka ah hadii la doonayo in la daabaco sawirada caruur yar yar.
Waxaa jira arrimo badan, oo sharci ah oo la fiiriyo marka sawiro laga hadlayo. Mid ka mid ah, waa dacwad wax keeni kara marka qof lagu xadgudbay. Qofka waxaa loogu xadgudbi karaa dhinaca adeegsiga sawirada ama qoraalkaba..
Waxaa si gaar ah muhiim u ah goobta shaqada meelaha aad ka hadlayso shirkado kala duwan iyo dad kala duwan ee la xiriira shirkadahaas, waxaad u baahan tahay in aad xaqiijiso sawirada ay yihiin kuwo sax ah, oo si dhab ah u matalaya warka aad ka sheegayso. Hadii aad ka hadlayso dacwad dambiilenimo, tusaale ahaan, waxaad u baahan tahay in aad xaqiijiso in sawirada ay muujiyaan shirkadda gaar ahaan ugu lug leh dacwadaas, ma aha cid kale in aad ku soo darto. Hadii kale waxaad isticmaali kartaa sawir guud oo muujinaya wax aan meel loo saarin Karin. Dhabta iyo daacadda, waxaa cad in ay aad muhiim u tahay marka laga hadlayo sawirada. In sawir aad jarto oo kaliya waxay badali kartaa macnaha, waxaana ay badali kartaa oo kale jawiga guud ee sheekada. Sawirkan tusaale u qaado. Waa wiil dhulgariirkii Sumatra uu qabsaday. Wuxuu u muuqdaa in meel looga tagay oo la dayacay. Laga yaabee in waalidkii uu ka lumay, laga yaabee in uu raadinayo qaraabadiisa iwm.
Hase yeeshee, dhab ahaan, Hadii aad fiirsio sawirka hareerihiisa, xaaladdu sidaas ma aha. Sawirka oo dhan wuxuu muujinayaa in uu ku jiro gacanta Laan Qayrta Cas. Waxaa muuqda haweenay ka socota Laanqayrta Cas oo caawinaysa, waxaana la joogta hooyadii oo sawirka dhinaca bidixda ka muuqata. Sawirka la jaray kama muuqan faahfaahintan, wuxuuna ahaa mid runta laga leexiyay.
Waxaan samayn karnaa isbadalo farsamo oo fudud, oo sawirka ah si looga dhigo in uu ku soo baxo bogga. Sawirada qaar, waxay u baahan yihiin howl ka badan kuwa kale.
Qayb video ah oo aad soo jartay, tusaale ahaan, waxay u baahan doontaa in aad ka hagaajiso iftiinka ama dheelitirka midabka in ka badan sawirka caadiga ah hadii uu yahay mid ka yimid wakaaladaha ama si toos ah looga soo rogay camera digital-ka ah. Hadii kale, waa in aad sidooda isaga daysaa. Sharaxaada aad ayay muhiim u tahay. Waxaad u baahan tahay in aad xaqiijiso in qofka sawirka arkaa uu ogaado cidda iyo waxa sawirku ku saabsan yahay. Balse, in lagu celceliyo wax aan macno badan samaynaynin oo sawirka ku saabsan ma aha wax wanaagsan. Waxaad u baahan tahay in aad xaqiijiso in sharaxaadda ay qiime ku kordhinayso oo aqriyaha ay warka u sii jeedayso