Qoyska & Horumarinta Bulshada
Xiriirka Ka Dheexeeya Aabaha Iyo Ubadka

Guud ahaan markii aynu ka hadleyno arrimaha qoyska, qoysku waxa uu ka kooban yahay Aabe, hooyo iyo carruurtooda waa halka ugu yar aan kasoo qabannay tirrada uu ka kooban yahay qoys. Waa uu kasii badan karaa hadba inta uu la egyahay.
Maqaalkaan waxaan diiradda ku saari doonnaa ‘’ xiriirka ka dhexeeya aabaha iyo ubadka’’.
Aabuhu waa lafdhabarka reerka, masuulka reerka iyo hogaanka qoyska waxaana uu qayb laxaadleh ka qaataa barbaarinta ubadkiisa iyo daryeelka xaaskiisa, Waxa looga baahan yahay Aabaha in uu caruurtiisa saxiib la noqdo markasta oo uu ka war hayo xaaladkasta oo la soo darista maxaa yeelay waxaa jira dhibaatooyin baddan oo la soo darsi kara awlaadda ha ahaato xagga tacliinta ama la dhaqanka bulshadda sababtoo ah waalidka xiriirka ubadkiisa dayaca waxaa uu la kulmi karaa isfahamwaa kaga imaanaya caruurtiisa taasina waxay keeni kartaa dhib ku yimaadda qoyska.
Xubinkasta oo qoyska ka mid ah waxaa saaran masuuliyad. Tusaale ahaan aabuhu wuxuu madax ka yahay dhammaan qoyska sida; inuu daryeelo xaaskiisa, inuu ogaado xaaladkastoo soo wajahdo ubadka xagga tarbiyeynta, tacliinta, dhaqanka, aqlaaqda, dadka uu saaxiib ka dhiganaayo, meelaha uu aadaayo iwm.
Hooyaduna waxay masuul ka tahay howlaha guriga sida; daryeelka iyo tarbiyeynta caruurta,sidoo kale daryeelka seygeeda Iwm.
Caruurtana waxaa saaran waajibaad ah in ay adeecaan waalidkooda oo ay noqdaan kuwo qaato amarka waalidka oo ay baari noqdaan. Allaha inooga dhigo awlaadeenna kuwo baariya. Haddii aan mowduuceena usoo gudubno xiriirka ka dheexeyo aabaha iyo ubadka waxaa isweydiin mudan aabuhu kaliya ma wuxuu masuul ka yahay inuu ubadka u iibiyo waxkasto uu u baahan yahay si uu farxad u helo. Waxaa jirta in hooyadu ay marwaliba uga dhawdahay ubadka aabaha sababo rabbaani ah waayo xiriirka hooyadda iyo ubadka wuxuu bilawday markii caloosheeda lagu beeray waana sababta uu canuga 100% kalsooni ugu qabo hooyadda xataa hadeysan waxba u qaban. Marka aabaha waxaa laga rabaa in uu waqti la qaato ubadkiisa, la saaxiibo wax walba uu la wadaago mararka qaar la kaftamo su’aalo weydiiyo wixii kusoo kordhay uu ogaado waa inuusan aabuhu kala jeclaan ubadkiisa wiil iyo gabar. Waxaan aragnaa in aabe uusan caruurtiisa uusan arag in muddo ah haddana ay hal hoy kuwada hoydaan.
Waxa uu subaxdi baxayaa ayagoo jiifa waxa uuna iimaanayaa ayagoo jiifa ama inuusan dan ka leheyn oo baxa asagoo subaxdi xaal wareysan ama uu soo hoydo habeenki deetana qolkiisa iska gala asagoo caruurta waqti siinin. Balse waxaa xaqiiq ah in hooyaddu wanaajin karto xiriirka aabaha iyo ubadka. sidee? hooyaddu waa udub dhexaadka qoyska haddii ay ubadka ku barbaariso tarbiyadda wanaagsan oo ay ka mid tahay xaqa aabaha uu leeyahay iyo mudnaantiisa ubadku waa uu ku dhaqmayaa. Subaxdi markii laga soo tooso hurdada hooyaddu waa in ay u sheegtaa ubadka in aabe ay soo salaamaan meeshaasna waxaa ka dhalanaya in aabaha iyo ubadka ay subaxdi sheekeystaan sidoo kale habeenki markuu yimaado ay sidoo kale salaamaan inta uu nasiinada qaadanayo ay u riix riixaan, waxaa halkaa ka dhalanaayo maxabbo ubadkii iyo aabihii.
Siduu canuga uga didaa aabaha? Waa nasiib xummo ah adigoo in muddo ka maqnaa qoyskaaga halka uu ubadkaaga kuusoo carari lahaa uu kaa ordo asagoo illoobay in aad in muddo ka maqneyd. Aabaha wanaagsan waa kan ay usoo carraraan ubadka, waa kan la ciyaara caruurtiisa, waa kan markastoo aragto asagoo guriga joogo ay hareer fadhiyaan ubadkiisa yar iyo weynba. Balse maxaa sababay in canuggu uu ka cararo aabaha?
Cannuga waxaa la saarayaa cadaadis fara badan taas oo keeni karto in uu marwaliba iska qariyo aabaha waxaa ka mid ah ” waryaa aabahaa ayaa laguu sheegayaa maxaa sidaa u yeeshay?, hayey qeyladda daa aabaha ayaa jiifee yuusan ku diline, halkaas ku ciyaara aabihiin ha nastee ka fogaada, iyo aabaha oo marwaliba indhaha u guduudiya run ahaantii canugga waxa uu ka qaadayaa baqdin mar walbuu arko aabihii. Waana wax uu aabaha dhaliye in ubadkiisa uu ka cabsado misna uusan ku dhiirran in uu la wadaago arrimaha qaar. Hooyooyinka qaar ayaa sabab u noqda in uu canugga ka dido aabihii waayo mar waliba ayey ku cabsiineysaa ayadoo ula jeeddo in uu ka daayo dhibka uu ku haayo balse ma dareensanna in ubadka iyo aabaha xiriirkoodu ku yaraanayo.
Waxaa jiray aabe mar waliba ku mashquulsan howlo shaqo marnaba waqti uma haayo in uu reerkiisa waqti la qaato qaasatan caruurtiisa, waqtigiisa oo idil waxa ay eheyd mar uu maqan yahay, mar uu wax diyaarinayo iyo mar uu jiifo. Waxa uu iloobay inuu farxad siiyo reerkiisa, la qoslo oo uu la cayaaro.
Waxaa dhacday in wiilkiisa uu u dulqaadan waaye fursad la’aanta aabihii kedibna waxa uu u yimid asagoo howlihiisa ku mashquulsan waxa uuna ku yiri:
Wiilkii: Aabe sidee tahay?
Aabihii: nabad wiilkeyga
Wiilkii: aabe waxaan ku weydinayaa, immisa lacag ayaa kusoo gasha saacadii shaqadaada ganacsiga?
Aabihii: taasi shaqadaada maahan.
Wiilkii: fadlan aabe ii sheeg?
Aabihii: $20 saacaddii
Wiilkii: fadlan aabe ma I amaahin kartaa $10?
Aabihii: asagoo careysan ayuu ku qeyliyey wiilka kuna yiri orod seexo
Wiilkii: waa uu ka tagay albaabkana wuu usoo xeray
Aabihii in cabbaar kedib waa uu degay, waxa uuna soo aaday qolkii wiilka waxa uu arkay wiilkii oo soo jeeda wuxuu ku yiri ‘’ waan ka xumahay in aan sidaan kuula hadlo, waa tanaa $10 aad i weydiisatay ee hoo’’.
Wiilkii intuu dhoolla cadeeyey ayuu ku yiri ‘’ mahadsanid aabo’’. Waxa uu toos u aaday meel uu ku aruurinaye lacag waxa uuna bilaabay inuu isku aruuriyo lacagaha uu heystay iyo tan uu ka qaatay aabihii. waxa uu yiri aabe hadda waxaan heystaa $20 ee ma iibsan karaa saacad ka mid ah saacadahaaga? Waxaan rabaa in aad habeen dambe aad dhaqsa timaado si aan iskula casheyno.
Aabihii indhihiisa ilmo ayaa soo buuxiyey waxa uuna gartay ujeedka wiilkiisa.
Sheekaddan waxaan kasoo qaatay oo aan kasoo tarjumay ‘’moral stories’’. Waxaadna ka fahmi kartaan in ubadku mar waliba uu baahi u qabo in uu aabihii waqti la qaato.
Xaqiiqdii qiimo weyn ayuu ku fadhiyaa aabaha waxa uu kaa dhigayaa qof karti iyo dadnimo ku jirto hadduu aabe gacanta kugu qabto oo uu kugu toosiyo wadadaada guusha waad ka hor mareysaa mar waliba dhiggaaga waayo waxaad ku deysaneysaa aabahaaga oo kale. Aabaha wanaagsan waa kan ay ku deydaan ubadkiisa ubadkuna waxa uu kugu deysanayaa markii uu kaa arko.
Maxaa lagu gartaa aabaha wanaagsan:
- Waa mid ku dhaqma diinta islaamka, dhowrana xuquuqda reerkiisa ay ku leeyihiin.
- Waa kan dhisa culuumta iyo caqliga reerkiisa, isla markaasna saxa caadooyinkooda.
- Waa kan farxadda reerkiisa ka shaqeeya marwaliba asagoo haddiyaddo u keena xaaskiisa si uu u xoojiyo jaceylkoodda sidoo kale u keena carruurtiisa marka ay guulleystaan asagoo ku dhiira galinaayo in ay horey usii socdaan.
- Wuxuu baraa carruurtiisa xaqa hooyadood iyo in ay u shaqeeyaan waayoo xaqa hooyadda lama guddi karo.
- Wuxuu carruurta ku tartansiiyaa barashadda diinta asagoo ku dhiira gelinaayo marwaliba.
- Ficil xun iyo hadal xun kuma horsameeyo reerkiisa qaasan carruurta, waayoo carruurtu waa ay qalbi jilicsan yihiin umana dulqaadan karaan waxyaabaha qaar.
- Ciyaalkiisu lama aha saaxiibbo kuwa dhaqanka iyo diinta gurracan.
Lama soo koobi karo astaamaha lagu garto aabaha wanaagsan balse aabe kasto waa inuu la yimaaddaa wanaag iyo waxkastuu Allah raali ka yahay.
Caruurtu inta badan waxey ka dhaqan qaataan aabaha iyo hooyada. Marka aabaha iyo hooyada waxa ay yihiin ayey caruurtu noqonayaan. Sidaa daraadeed Nebigeena SCW wuxuu yiri: Ilmo walba oo dhasha waxaa lagu dhalaa caqiido wanaagsan iyo fidro wanaagsan, markaa ka dib ayuu wuxuu qaadanayaa falka waalidkiis. Haddey waalidkiis yuhuud yihiin markuu dhasho ka dib ayuu yahuudi noqonayaa, hadduu majuusi yahayna {majuusi waa kuwa dabka caabuda} kuwa dabka caabuda ayuu noqonayaa, haddey muslimiin yihiina muslim ayuu la noqon.?
Wax alle waxey aabaha iyo hooyada laga arkaa unbey caruurtu sameynayaan. Sidaa daraadeed baad arkeysaa hooyo iyo aabe aan diinta Islaamka ku dhaqmeynin (yacni, magac kaliya Islaamka ka haysta) sidaa hadda dadku u badan yihiin, laakiin qaabkii iyo nadaamkii Islaamka uusan ka muuqanin, ilmahaasi noloshiisa waxaa laga garanayaa guriga ay ku soo barbaareen. Haddii ay hooyo af xumo badan oo ninkeeda la dagaalanta, oo qaxar ah..ogaada ilmo qaxar ah unbey dhali. Aabe isagana af xun, oo sigaarka caba, qaadka cuna, guriga xumaanta la yimaada, ilmihii wuxuu aabihiis ku arkay unbuu sameyn.
Ugu dambeyn ‘’aabe iyo hooyo’’ u noqda ilmihiinna hoggaan wanaagsan si ay idinkugu deydaan cidna gaar uma lahan tarbiyeynta iyo xaqa tusidda ubadka balse hooyadda iyo aabaha waa ku waajib in caruurta ay tarbiyeeyaan oo ay ku barbaariyaan diinta islaamka iyo wadada toosan.
Haddii aad beerto geed oo aad ku dadaasho xanaaneyntiisa, daaweyntiisa, waraabintiisa, difaaciisa, nadiifintiisa iwm, geedkaas hadduu weynaado oo uu miro dhallo waxaad ka heleysaa faa’iidooyin badan sida; in aad harsato oo aad ku nasato, in aad cunto miraha uu dhalay, in aad ka hesho hawo nadiif ah, in aad indhaha ku doogsato.
Sidaas oo kale ubadku waa ubax korayo haddii aad ku dadaasho korintiisa, tarbiyeyntiisa, caafimaadkiisa, maxabeyntiisa, haddii uu weynaado waa mid kuu daryeelaya sida aad usoo daryeeshay. Ubadka lagu soo barbaariyey diinta ma ahan mid ilooba xaqa uu ku leeyahay waalidkiisa sidaas darteed aan marwaliba ku barbaarino ubadkeena diinta Islaamka ee xaqqa ah.
Qoyska & Horumarinta Bulshada
10 Talo oo ku saabsan sida loo helo guusha nolosha
Waa qodobo kuu sheegaayo sida guusha loo qeexay iyo sida aad ku gaari karto. “Sida aad u aragto guusha iyo sida lagaa rabo inaad u aragto, waa mid kamid ah halxiraalayaasha ugu adag ee ku horyaallo inta aad dunida joogto.”

Guusha waxaa inta badan lagu qeexaa kartida aad ku gaari karto yoolalkaaga nolosha, wax kasta oo hadafyadaasi ay noqon karaan. Siyaabaha qaarkood, kelmadda ugu wanaagsan ee guusha waxay noqon kartaa guul, ama horumar aad gaartay. Waa safar aad u baahan tahay inaad hesho waxyaabo kaa caawin karro horumarinta xirfadaha iyo agabka aad u baahan tahay si aad u horumarto.
Sababtoo ah yoolalka waa kuwo si gaar ah loo abuuro, dadku sida ay u arkaan guusha way kala duwanaan karaan iyadoo ay ku xiran tahay baahidooda, hadafkooda, iyo xaaladahooda nololleed.
Waxaa jira habab badan oo kala duwan oo loo maro sida aad nolosha ugu guulaysan lahayd, laakiin qaabka ugu fiican ee u shaqaynaysa guushaada waxa ay ku xiran tahay waxa ay guushu adiga kuu tahay iyo aragtida aad ka qabto. Haddii aad u malaynayso in guushaada tahay inaad shaqadaada ku wanaagsanaato ama aad kasbato mushahar sare, waxaad mudnaanta koowaad siin doontaa kor u qaadista yoolalkaaga xirfadeed.
Waxay kala yihiin labo shey oo kala duwan, sida aad u aragto guusha iyo sida lagaa rabo inaad u aragto, waa mid kamid ah halxiraalayaasha ugu adag ee ku horyaallo inta aad dunida joogto.
Waxay kala yihiin labo shey oo kala duwan, sida aad u aragto guusha iyo sida lagaa rabo inaad u aragto, waa mid kamid ah halxiraalayaasha ugu adag ee ku horyaallo inta aad dunida joogto. (Qoys, xiriir jaceyl, tacliin, iyo iwm ayaa ah kamid ah guulaha qaar ee ku horyaallo).
Nooc kastaba ha noqoto guusha aad raadinayso, maxaa kor u qaadi kara fursadaha gaarista guushaada? Waa maxay qaar ka mid ah caadooyinka dadka guuleysta? Ma jirtaa waddo keliya oo sax ah oo lagu guuleysto?
Marwalbo shuruudaha guushu waxay ku xiran tahay macnaha guud ee aad ku qeexi karto. Hal qof ayaa laga yaabaa inuu u tixgeliyo guul waxa uu qof kale u arko inay tahay guuldarro.
Waxaa laga yaabaa inaysan jirin su’aalo isku-dhafan oo dammaanad qaadi kara guushaada. Weli, waxaa jira tallaabooyin aasaasi ah oo aad raaci karto kuwaas oo hagaajin kara fursadahaaga inaad ku guulaysato noloshaada iyo shaqada.
1. Ku dedaal korriimaha maskaxdaada
Cilmi-baaris ay sameysay aqoonyahanka cilmi-nafsiga Carol Dweck ayaa soo jeedinaysa in ay jiraan laba maskaxood oo aasaasi ah oo saameeya sida ay dadku uga fikiraan naftooda iyo kartidooda: maskaxda go’an iyo maskaxda koritaanka. Waxay muujisay in saadaalinta guusha aysan dhib lahayn haddii qof hibo leeyahay iyo in kale. Waxa muhiimka ahi waa in qofku aaminsan yahay in uu guulaysan karo.
Dadka leh maskax go’an waxay aaminsan yihiin in waxyaabaha ay ka mid yihiin naftooda aysan isbeddelayn. Dadka leh maskax go’an waxay aaminsan yihiin in guushu aysan ahayn natiijo shaqo adag lagu gaaro – ee ay tahay in si fudud iyo nasiib lagu gaari karo.
Sababtoo ah waxay aaminsan yihiin in hibada noocaas ahi ay tahay wax ay dadku ku dhasheen, waa dad si fudud uga tanaasula caqabaddaha horyaalla. Waxay joojiyaan hawlaha horyaallo marka arrimuhu si sahal ah ku imaan waayaan sababtoo ah waxay aaminsan yihiin inay ka maqan yihiin xirfadda dhalanteedka ah ee looga baahan yahay inay sare u qaadaan.
Kuwa leh maskax korriin leh, dhanka kale waxay dareemayaan inay bedeli karaan, kori karaan, waxna ku baran karaan dadaal joogta ah. Dadka aaminsan inay awoodaan inay kori karaan waxay u badan tahay inay gaaraan guul. Marka arrimuhu adkaadaan, waxay raadiyaan habab ay ku horumariyaan xirfadahooda oo ay u sii wadaan ka shaqaynta guusha.
2. Rumayso naftaada
Talaabada koowaad ee guushu waa in aad rumaysato naftaada iyo kartidaada aad ku gaari karto hadafyadaada. Haddii aadan adigu aaminsanayn, cid kale ma rumaysna.
3. Deji yoolal aad gaari karto
Dadka guulaysta waxay ogyihiin inay u baahan yihiin inay ku bilaabaan hadafyo la gaaRi karo si ay u gaaRaan hadafka nolosha. Hadafyadani maaha kuwo fudud in la gaaro, laakiin markaad haysato wax aad hiigsanayso, waxaad si fiican u awoodi doontaa inaad hore u socoto oo aad ka gudubto caqabadaha.
4. Bilow ficil
Ha fadhiisan oo kaliya ha sugin inay wax walbo kuu qabsoomaan. Maalin kasta ka shaqeey yoolalkaaga hadaf ee aad leedahay.
5. Xoogga saar tamartaada
Ha isku dayin inaad wax badan samayso hal mar. U fiirso tamartaada waxyaabaha ugu muhiimsan ee kaa caawin doona inaad gaarto yoolalkaaga.
6. Samee xiriir wanaagsan
Xidhiidhku waa lama huraan guusha. La dhis xiriir adag dad ku taageeri kara oo kaa caawin kara inaad gaarto hadafyadaada.
7. Wax ka baro khaladaadkaaga
Qof kastaa wuu qaldamaa. Muhiimadu waa inaad wax ka barato khaladaadkaaga oo aad horay u sii wado halgankaaga.
8. U dabaaldeg guulahaaga
Waqti u qaado si aad ugu dabaaldegto guulahaaga inta aad safarka ku jirto. Tani waxay kaa caawin doontaa inaad isdhiirigeliso oo aad horay u socoto.
9. Ku adkaysta dib u dhaca
Qof kasta waxa uu la kulmaa dib u dhac wakhti ka waqti. Ha ka niyad jabin yoolalkaaga marka arrimuhu adkaadaan. Ku adkayso dib u dhaca oo hore u soco.
10. Naftaada dhiirageli marwalbo
Inaad marwalbo firfircooni lahaato way adag tahay sababtoo ah waxaa kugu heeraarsan bulsho iyo asxaab kala duwan oo adiga ku niyad jebin kara. Qof walba waxa dhexdiisa ku loollama dabeecado badan oo iska soo horjeeda, iskuna liqdaaran oo ay kala doorashadoodu adag tahay haddii aanay ruuxdu noolayn.
Waxaana xaqiiq ah in qofwalbaa inta uu ku nool yahay koonkaan wuxuu ku hammiyaa shey, sheygaas ha yaraado ama ha weynaado. Tusaalle ahaan dad ayaa waxay ku hamminayaan inay helaan guryo qurux badan, lacag badan, iyo shirkado waaweyn. Dadka qaar waxay ku fikirayaan inay helaan qofka ay nolosha ugu jecel yihiin. Shaqsiyaadka qaarkiis waxay ku fikiraan inay noqdaan madaxweyne ama jecel inay qof walba caawiyaan. Dadka qaarkiis ayaa maskaxdooda waxaa ka guuxa kaliya sidii uu u guursani lahaa. Nin baa wuxuu ka fikiraa sidii 5 cunug uu dhalay iyo hooyadooda wax ugu keeni lahaa.
Dhiirogelinta naftaada, sida ugu wanaagsan ee aad ku heli karto dhiirogelin dhammeystiran waa inaad doorato hadaf aad adiga jeceshahay sida inaad wariye noqoto, siyaasi ana barafasoor, dhaqtar iwm. Marka aad u xiisayso waxa aad samaynayso, waxa aad u badantahay in aad guulaysato. Soo hel shay aad xiisaynayso oo qalbigaaga oo dhan ku daba gal.
Qoyska & Horumarinta Bulshada
Maxaan sameyn karaa si aan ugu guuleysto nolosha?
Qoraalkan gaaban waxaan kusoo gudbin doonnaa sameynta waxyaabaha kuu jiheenaaya inaad gaarto horumar iyo guul la taaban karo waa haddii aad joogteeso wax qabadaka noloshaada

Ugu horeyn guushu ku timaado cayaar iyo hurdo ee guushu waxay dadaal iyo waqti dheer oo aad geliso hadafkaaga iyo himilooyinkaaga.
Haddaba si aad u guuleysato waa inaad yeelaa hadaf aad ku socdaashu si uu kuugu hago wadada guushaada, nolosha waxna fudeed laguma helo ee waxay u baahan yihiin inaad juhdi geliso si aad ugu danbeyn ugu guuleysato.
Markasta oo aad gurigaaga kasoo baxdo meel ayaad u socdaaleysaa si aad u gaarto amuurahaaga gaarka ah. Bal ka waran haddii aad gurigaaga kasoo baxdo adiga oo aadan aqoonin halka aad u socdaaleyso.
Inaad hadaf yeelato waa waxa kuu sahli kara inaad guuleysato adigoon ku wareerin, haddii aadan hadaf laheyn codowgaa hortii ayaad jabeysaa.
Nuxurka aan ula jeedo ayaa ah subbax weliba oo kuu dhasho inay tahay qeyb ka mid ah cimrigaaga kaasoo lagaaga baahan yahay inaad aqbasho qeyr iyo shar.
Maskaxdu waa mashiin ay maalinttiiba kasoo baxaan fikrado badan oo aan tiro laheyn. Fikradahan ayaa isugu jira kuwa qeyr sheeg ah iyo kuwa shar sheeg ah, haddii aad maskaxdaada usoo bandhigto fikir waxaa is hardin doonno labadan ficil kusiin doono jawaaba kala duwan.
Tusaale ahaan, waxaa tahay qof muddo shaqeynaayay oo uruur saday lacag tiro badan waxaad go’aan satay inaad yeelato ganacsi wax ka badala noloshaada, haddaba inta aadan ku dhaqaaqin go’aankan ayaa maskaxdaada laga yaabaa inay kuu sawirto adigoo ganacsi sameystay sidoo kalena guul aad ka gaarto noloshaada.
Si taa la mid ah maskaxdaada ayaa laga yaabaa inay kuu sawirto adiga oo khasaaray siddaa darteedna ay kugu gaba gabeyso inaad ganacsi aqoon u laheyn aadna iska dhaafto.
Waad aragtaa hardanka ka jira maskaxdeena haddii aad aaminto in aadan guuleysan Karin waa sax oo ma guuleysan kartid, laakiin haddii aad aminto inaad guuleysan karto waa sax oo waa guuleysan kartaa kalliya aqbal inaad uso jeedo dhibaatooyinka ku horyaala.
Qoraalkan gaaban waxaan kusoo gudbin doonnaa sameynta waxyaabaha kuu jiheenaaya inaad gaarto horumar iyo guul la taaban karo waa haddii aad joogteeso wax qabadaka noloshaada.
Dhiiri geli naftaada
Waa inaad ku kalsoonaataa naftaada oo aad wax weliba hagaagjin karto maalinba maalinta ka danbysa. Waa in aadadan isyareysan, iskana dhaafto ereyada naftaada duminaayo.
Waa inaad ogaataa inaad tahay qof bani’aadam ah, wax soo kordhin kara oo aan ciyaar loo abuurin. Waan inaad noqoto qof saamaxaad badan oo haddii gef laguu geysta cafin kara, hana noqon ruux uruuriya xumaha.
Waa inaad aqbali karto haddii adhaliil aguu jeediyo, hana u qaadan qof kasta oo ku dhaliilaayo inuu yahay cadowgaaga, waxaanad aamintaa haddii uu jiro qof ku dhaliilaya siddoo kale inuu jiro qof ku aaminsan.
Waa inaad noqotaa qof u fikira si qoto dheer. Qo kasta wuu u fikiri karaa si qoto sheer waa haddii auynu ilowno wax-yaabaha yar-yar ee aan ku mashquulineyno nolosheena.
Ciladaha ugu waaweyn aan guusha ka gaari weynay ayaa ka mid ah adigoo aqoon saneyn halkii uu hadaf kaaga yahay, haddii aad aqoonsato hankaaga cillada kale waa adiga oo aadan sameyn. Haddii aadan aqoonsaneyn hadafkaaga meel weliba aad tagtay kuuma lahaaneyso muhiimad gaar ah.
Haddaba si guul la taaban karo u gaarto waxaad u baahan tahay inaad iska ilaaliso cabdisa badan, waayo cabsida badan waa sheyga ugu badan ee inaga hortaagan inaan guuleysano.
Cabsida faraha badan daciifnimo, marka noqo qof xoogan oo ku qanacasan nolosha. Sidda caadiga ah cabsida waxaa ka dhasha dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihin xasilooni daro, nabad la’aan iyo kalsooni darro
Weli waxayna ku dhex jirnaa buugga 5-tiir guusha, oo uu qoray qoaraa Cabdi Jabaar Sheekh Axmed.
La soco qeybaha labaad ee buuga.
Qoyska & Horumarinta Bulshada
Dhowr qodob oo kuu horseedi kara inaad horumar ka sameyso noloshaada
Dadka intooda badan isma oga’ waana sababta keentay inuu dhowr jeer qofka fashilmo, fashilka ma ahan wax xun balse waxaa haboon inaad ogaato meesha aad ku fiican tahay ee aad isleedahay guul waad ka keeni doontaa.

Horumar ka qofka mar weliba wuxuu ku xeran yahay qofka waxa uu diirada saaraayo, haddaba si aan horumar u gaarno waxaan baahanahay inaan raacno sidda ay ku haboon tahay nolosheena.
Horumar inaad nolosha ka sameyso waxay kaaga baahan tahay dadaal iyo inaad u heelan tahay inaad ka dhabeyso hadafkaaga.
Si kastaba hanoqotee waxaa jira waxyaabo badan oo nolosheena badala annaga oo rabno inaan horumar wanaagsan sameyno, si aan u qaadno talaabooyin wanaagsan ugu horeyn waa inaan aaminaa inaan gaari karno horumar wanaagsan.
Shaqo weliba aad qabaneyso waxay kaaga baahan tahay waqti iyo daal tiro badan, balse muddo ka dib waxaad noqon doontaa qof ku faana noloshiisa.
Qalad weliba oo naga dhaca waa muraayad aan ka dhex arki karno wixii nasoo maray, balse waxaa haboon inaan fikir wanaagsan ka qaadano sababtoo ah haddii aadan waxba isku dayin ma’ aadan guul dareysteen.
Haddaba guusha iyo guul darada waa wax sokeeye oo kaaga baahan maalmo cayiman, laakiin xaqiiji wadada horumarkaaga si aadan marar badan ugu shalaaynin.
Muhiim kuuma ahan inaad baar baarto ciladahaaga waayo waxay ka mid yihiin waxyaabaha dib kuu celin kara, iskana ilaali inaad u shalaaydo noloshaada.
Qof weliba wuxuu jecel yahay inuu helo nolol wanaagsan balse marka aynu isweydiino maxaa inaga hortaagan inaan horumar sameyno?! Dadka intooda badan kuma baraarugsana inay nolosha tahay wareegto oo waxaa laga yaabaa inuu ku dhegan yahay waxyaabo horey usoo maray guul iyo guul daraba mida uu doonto ha noqotee.
Waxaan jeclaan lahaa inaan halkaan kusoo koobo dhowr qodob oo naga caawin kara inaan horumar wanaagsan sameyno, balse ugu horeyn waa inaan isla garano waxa ka qaldan nolosheena.
Intaa aanan guda galin maqaalka waxaa jirto sheeko yar oo aan jecleystay inaan idin la wadaago, waxaan waqti la qaadan jiray adeerkeey oo ku nool qurbaha wuxuu igaga sheekeen jiray nolosha dadka horumar ka sameeyay.
“Waxaa jirtay nin aad u xikmad badan ayaa u yimid wiil yar oo raba inuu wax ka barto noloshiisa, haddaba wuxuu yiri ina keen oo waxaan galeynaa safar. Muddo ka dib markii ay socdeen ayay la kulmeen qoys ka koobad dhowr qofood waxaa guri ay ku xanaaneeyaan hal sac oo mid kastaa wuxuu ka qabtaa shaqo si loo ilaaliyo ama loo xanaaneeyo.”
“Intaa ka dib waa berigii ayaa ninkii xikmada badnaa ayaa u booday xeradii ay ku xerneed saca wuuna ka gowracay wiilkii yaraa ayaa la booday qeylo oo yiri maxaad ugu gowracday oo ma heystaan wax kale ay noloshooda ku maareeyaan.”
“Wiilkii iyo ninkii xigmada badnaa ayaa isaga tagay tuuladii, ka dib markii ay muddo maqnaayeen ayaa ay kusoo laabteen tuuladii waxay arkeen guri ka duban gurigii hore oo waxay dhisteen guri ka sameysan dhagax halka markii hore ay daganaayeen guri ka sameysan cowshad.”
“Wilkii yaraa ayaa la yaabay sidda ay noloshoodu isku badashay, ka dib ninkii xigmada badnaa ayaa u sheegay sababta ka danbeysa noloshooda.”
Haddaba xigmada ku jirta sheekada waxaan filaa inaad ila fahamteen, xigmada ku waxay tahay in qof weliba horumar kiisa uu ka hor taagan yahay saca, si uu horumar u gaarana waa in uu gowracaa saca u diidan noloshiisa.
Sheekadan waxaa igaga sheekaayay adeerkee oo ku nool qurbaha, waxaana la heli karaa ayadoo qoraal ah buugga 5-ta Tiir ee guusha.
Halkaan ka aqriso qodobada soo socda.
Dooro Hadaf: hadafka waa salaanka sare ee guusha halka yoolkuna uu yahay dhamaad guushasha, -xigasho 5-Ta tiir ee guusha.
Hadaf ka wuxuu kaa caaabinaa inaad guul la taaban karo gaartno adigoo aana ka wel welin, haddaba haddii aad rabto inaad guul gaarto waa inaad raacdo hadafkaaga si aad u xajiiso horumarkaaga.
Haddii aadan laheyn Hadaf kuu gaar ah, ma xaqiijin kartid yoolkaaga waadna ku daali doontaa ilaa aad garato halka uu ku dhamaanaayo yoolkaaga.
Qiimeey noloshaada: qof weliba noloshiisa si ayuu u arkaa, dadkana si ayay u arkaan noloshaada. Haddaba isweydii adiga siddeet u araktaa noloshaada, waa innaad ogaato sidda aad naftaada u arakto.
Waxbadan ayay kaaga baahan tahay inaad ogaato sidda aad naftaada u arakto iyo qofka aad tahay, balse mar weliba iswedii sababta aad u nooshahay iyo waxa laguu keenay aduunyada.
Dadka intooda badan isma oga’ waana sababta keentay inuu dhowr jeer qofka fashilmo, fashilka ma ahan wax xun balse waxaa haboon inaad ogaato meesha aad ku fiican tahay ee aad isleedahay guul waad ka keeni doontaa.
Haddaba baar oo raadi meesha aad ku fiican tahay iyo meesha aad ku liidato, ka dib isku day inaad dhaqaajin karto shaqo weliba oo khabasho kaaga baahan waxaadna gaari doontaa guul insha allah.
Dhiiragali naftaada: Haddii aad isticmaalayso ereyo naftaada duminaya ama dib u dhigaayo lagama yaabo inaad gaarto guusha aad fileyso.
Tussaale ahaan; haddii aad aaminsan tahay inaad ku guul dareysan doonto fikirkaaga ama aad isleedahay ma qaban kartid shaqadaan si kasto oo aad u daasho lagama yaabo inaad guul weyn ka keento.
Inaad naftaada dhiira geliso ma ahan inaad waxyaabo badan aad isku dul furto muddo ka dibna aad faraha ka qaado. Haddaba si taasi ay u dhicin waa inaad doorato shaqada aad naftaada ku dhiira gelineyso, adigoo u jeedadaadu tahay inaad horumar ka sameyso shaqadaada.
Haddii aad ku dhiiran tahay naftadaa waxaad ka hortagi kartaa wax kasta oo kuu diidaayo inaad iska nacdo shaqadaada, ogsoonow Haddii aad guul dareysato ma ahan inaad meel fariisato oo isku day weli waxaad haysaa talaabo kale aad isku muujin karto.
Ha aqbalin in lagu niyad jebiyo sababtoo dad badan ayaan jecleyn horumarkaaga, balse maalin ayay ku weyn doonaan sirta guushaada.
Qoyska & Horumarinta Bulshada
Wax ka beddel tallaabooyin kaagii hore
Si aad u doorato nolol xun ama nolol wanaagsan waxay kaaga baahan tahay inaad sameyso waxa ay ku habboon tahay noloshaada.

Alle nama uusan siinin nolol xun iyo nolol wanaagsan toona ee wuxuu nasiisay nolol si aan u noolano. Haddaba nolosha kuguma aaminto fadhi iyo cayaar ee waa inaad isweydiiso sababta halkaan aad u joogto?
Dabcan waa laga yaabaa inaad isku aragto inaad tahay qof fashilmay, balse waa muhiim inaad garato hadafka aad u nooshahay.
Qof weliba wuxuu ku noolaanaa nolosha uu doorto mid xun iyo mida wanaagsanba aad adiga ayaa dooran karo. Haddaba waxaa laga yaabaa inaad isweydiineyso siddee ayaad ku dooran kartaa nolol wanaagsan iyo nolol xun?! Cabqarinimada iyo nasiib ka nolosha waxaa la tilmaamaa inay tahay hal jaanis oo dhaliyay fikir wanaagsan, hal ka horumar ka guushana ay tahay hadafka oo diiradda la saaro.
Si’aad u doorato nolol xun ama nolol wanaagsan waxay kaaga baahan tahay inaad sameyso waxa ay ku hahboon tahay noloshaada.
Mid weliba oo innaga mid ah waxaa dhibaato ku ah inuu uu fakaro si wanaagsan illaa inta caqliga saaxiibka la ah mooyee. Halkaan waxaan kusoo gudbin doonnaa dhowr siyaadoob oo kaa cawin kara inaad badasho talaabooyin kaagii hore.
U nooloow maanta: waxaan jeclaan lahaa in si gaar ah aan kaga waramo cinwaan kale balse waan sameyn doonnaa haddii uu rabi ogalaado, nolosha maanta waa waxa ugu badan ee horumariya nolosheena waayo haddii aanan laheyn nolol maalinle ah ma jirto hadaf aynu xaqiijin karno.
Maalin weliba aad soo toosto waxay kuu tahay fursad kale aad kaga jawaab celin karto wixii shalay ku dhaafay, haddaba fursadan kama faa’ideysan kartid haddii aadan u diyaarsaneyn.
Nolosha waxna kuma laha jiifka iyo waqti lumiska, marka soo jeed ilaa aad ka xaqiijiso hadaf kaaga, si kasto ay ahaatba u nooloow inaad xaqiijiso hadafkaaga.
Markaad seexaneyso ku seexo inay beri kaaga baahan tahay inaad wajaho sharkeeda iyo qeyr keeda, si maalin kuu bilaabanaayo aad kaga war qabto noloshaada.
Waxaa jirtay beri aan la sheekeysan jiray adeerkeey oo jooga qurbaha inta badan wuxuu igaga sheekeen jiray nolsoha qurbaha iyo sidda ay ula fal gashay noloshooda, wuxuu kale uu ibari jiray xirfada qaab qoraalka hagaagsan.
Haddaba si aad u wajahdo nolosha maanta waa inaad u diraay garowddo ka hor inta aadan seexan si aad ugu faa’ideysato maalin kaaga.
Iska iloow wixii hore: mararka qaar waxaad milicsataa waxyaabo hore kuu maray noloshaada waxay doonnaan ha noqdeen, balse ma haboono inaad waqti siiso sababtoo ah way ku dhaafeen.
Shalay waxay ahayd maalin tagtay, marna lagama yaabo inay soo laabato. Shalay waxay riyadaada ahayd inaad suurta geliso waxyaabo badan balse maanta kuuma aysan hagaagin, ha shalaaynin waayo maanta ayaad kaga jawaabi kartaa natiijada ka wanaagsan shalay.
Mararka qaar nolosha kuuma hiilin karto ee adiga ayaa lagaa rabaa inaad ku hiilato hadafkaaga haddaba maah-maah Soomaaliyeed ayaa dhaheysa “Ninkii seexdaa sacii dibi dhal” haddaba haddii aad seexato adiga ayaa noloshaada u diiday horumar waayo horumarka wuxuu ku saleysan yahay waxa aynu maanta qabaneyno ma ahan shalay wixii naga dhacay.
Qof weliba wuxuu gaf wuu ka dhacaa mana ahan inaan dib u eegno, waayo maanta ayaa kaga jawaabi kartaa fikrad kale oo wanaagsan. Way haboon tahay inaad eegto qaladaadkii kaa dhacay si aad ugu raali galiso haddii aad qof ka gashay, balse ma ahan inaad raac raacdo sababtoo ah waxba kuuma soo kordhinaayo.
Joogteey howlahaaga: si aad u xaqiijiso hadafkaaga waa inaad joogteyso shaqada maalinlaha si aad ugu danbeyn ugu gun gaarto hadafkaaga. Shaqo walbo aad heyso haddii aysan laheyn joogteen ma noqon karto mid guuleysata sabatoo inta badan guushu waxay ku timaadaa adkeysi iyo dedaal.
Dadaal oo sameey wax badan samir u yeelo shaqadaada ugu danbeyn waxaad sameyn doontaa guul layaab leh, sameey hanna yareysan waayo wax weliba aad maanta eber ka tahay maalin ayaa laguugu yeeri doonnaa inaad tahay macalinkii xirfadiisa loogu magac daray.
Wax badan waxaa laga yaabaa inaad aamintay inay noloshaada guul daraystay, balse maanta waxay kuu tahay maalin kale aad xaqiijin karto middaas.
Waxaa laga yaabaa inaad wax badan ka faa’iiday maqaalkan waxaan kaa dalbanaa inaa la wadaagto bulshada inteeda kale mahadsanidiin.
Qoyska & Horumarinta Bulshada
U dhabar adayg maalmaaha adag ee kusoo mara, waa haddii aad rabto isbeddel dhab ah
Waxaad isbeddel ku sameyn kartaa muddo yar oo kooban, laakiin ogaaw hadafka aad maanta go’aansato hubbaal dhowr sanno ka dib waxaad ka sameyn doontaa horumar la taaban karo.

Nolosha kaliya kuma siin doonto maalmo qurux badan, ee waxay kaloo wadataa maalmo kalle dhibaato iyo fikir aad la jiifsan doonto.
Marar badan ayaad ka qoomameyn doontaa sidda aad maanta u nooshahay waana sababta keento inaadan u dhabar adeygin maalmihii kusoo maray. Waxaa laga yaabaa inaad isweydiineyso maxay waxaan oo dhan ay kuugu dhacayaan waxaana kaga hadli doonaa maqaal kale.
Uma baahnid in wax laguu yeeriyo si aad u noqoto qofka aad dooneyso, ee waa inaad adiga go’aansataa cida aad noqon doonto. Waxaa laga yaabaa inay kusoo mareen xilli aad heysato dad badan oo wax kuu sheegaya wax kusiinaya, siddoo kalena ku jecel balse maalmaha kamid ah dadkaasi oo dhan way kaa tagi doonaan ee maxay noloshaada kaga tageen?!
Maanta waxaa laga yaabaa inaynu aad u jecel nahay in badan oo dadka ka mid ah inay na taageeraan ayagoo wax badan diyaar nala ah, haddana sidda ay tahay kagama faa’iidaysano, tani waa sababta keenta inaynu weli u bislaanin rabitaanka guusha aynu u baahanahay inaan xaqiijino.
Dadka waxaa la sheegaa inay isbedel ku sameeyaan muddo 60 sanno, balse hadafka aad maanta go’aan sato hubaal dhowr sanno ka dib waxaad ka sameyn doontaa horumar la taaban karo. Halkan waxaan kusoo gudbin doonaa dhowr arimood aad kaga faa’ideysan karto maalmahaaga quruxda badan ee nolosha kusoo mara. Fadlan haddii aad wax badan ka faa’iido la wadaag bulshada inteeda kale, ka bogoasho wacan.
Saxiibka wanaagsan: Nolosha safar iyo daal dheer kasoo bilowday kumanaan qarni ka hor, haddaba si aan ugu socdaalno safarkaan waa inaan heysano sahay aan kusii socon karno inta uu ka dhamaado safar gaaban. Saaxiibka waa macalinka ugu wanaagsan nolosha wuxuuna ku baraa waxyaabo badan oo aadan war u heyn, haddaba si macalinkeenu uu u ahaado mid daacad ah kaasoo si qurux badan wax noo bari kara waa inaan ka fiirsanaa.
Haddaba haddii aad leedahay saaxiib wanaagsan waxaad leedahay macalin wanaagsan oo wax kaa bari kara safarka noloshaada. Ma noqon karno mid guuleysta illaa aan ka wanaajino nolosheena, ma wanaagin karno nolosheena ilaa aad ka wanaajino shaqsiyaadka aan nolosha kula saaxiibnay. Saaxiibka wuxuu sidaa dhambaal ama risaalad wuxuuna rabaa inuu ku gaarsiyo si aad ula dhaqan noqoto xumo iyo same, balse mar weliba aynu la saaxibno saaxiib noo jiheyn kara guusheena.
Wax qor: In badan oo bulshada ka mid ah waxba kama qoraan xaaladahooda nololeed waxaa laga yaabaa inay sameeyaan wixii maan-kooda kusoo dhaca balse waa laga wanaagsan yahay.
Qoraal kooban ka sameey shaqada aad qabaneyso adigoo isticmaalaayo (stick note) ama xusuus qor si aad ugu buraagsanaato howsha aad qabaneyso.
Ha ilaabin inaad sameyso waqti xadidan oo aad dhameyso howsha si aysan waqti badan kaaga bixin inta aad ku guda jirto.
Qaado waqti dheeraad ah: shaqada waxay leedahay waqti ay dhamaaneydo si kasto kasto ay ahaataba, isku day inaad hesho waqti aad nasato aanan aheyn middka aad jiifsaneyso.
La sheekeyso naftaada si aad u ogaato waxa ka dhex guuxaaya gudahaaga, haddaba si kastaba noqotee isbar inaad si gaar ah naftaada ula sheekeysato si aad uga gun gaarto lag danka ka dhex socda maskaxdaada.
Seexo waqti kugu filan: hurdada waxay ka mid tahay waxyaabaha nolosha faa’iidada u ah, balse waxaan kaga hadli doonnaa maqeelkeena xigga haddii uu rabi ogalaado.
Inaad hesho hurdo kugu filan waxay kuu horseedi kartaa inaad shaqo badan qaban karto adigoo aadan ka caajisin. Inta badan waxaa dhacdo ina lagu dhafro waxyaabo badan oo sameyn ku leh nolosheena sidda, caajis, daal tiro badan iyo wahsiga oo kugu tiro bata.
Waqti walba aad dareento wahsi iyo caajis waxaad jeclaan laheyd inaad jiifsato, balse ka digtoonoow hurdada tirada badan.
Qoyska & Horumarinta Bulshada
Bedel fikirkaaga si’uu isku beddelo ficil kaaga – haa waad sameyn kartaa isbeddel
Waxaan umalaynayaa in la gaaray wakhtigii aad noloshaada beddeli lahayd ee diyaar ma u tahay inaad noloshaada beddesho?

Waxaa lagaa yaabaa inaad ku fikireyso waxyaabo badan inay kuu hirgalaan, balse waxaa laga yaabaa in fikradahan iyo kuwa kalaba aad ku fukireesay mudo dheer laakiinse illaa iyo hadda uusan mid kuu suurta galin.
Marka dadka intooda badan ay damcaan inay beddelaan noloshooda, waxay inta badan diiradda saaraan dhammaan walxaha dibadda, sida shaqo cusub ama meel cusub ama saaxiibo cusub ama rajo cusub iyo wixii ka dambeeya.
Xaqiiqdu waxay tahay in noloshaada baddalkeedu ay ka bilaabato beddelka sida aad u aragto wax kasta oo noloshaada ah. Haddaba ila dhammeyso qoraalkaan oo aan kusoo koobay qodobada lagaa rabo inaad la timaado.
Waxaa jira dodyow badan oo dunnida horumar ka sameeyay kuwaasoo aan halkaan lagu soo koobi karin, balse maxaa inoo diiday inaan annagana is-weydiino siddee ayaan nafteena horumar iyo fikir wanaagsan ugu dabaqi karnaa si aan u gaarno dadyowga horumar.
Marka lasoo hadal qaado horumar dad badan ayaa mooda in waxyaabo badan yihiin horumar, balse waxyaabaha qaar waa waxyaabo lagu badalaayo naftaada ay ugu horeyso diintaada iyo dhaqan kaaga.
Bulsho horumartay waxaad ka qaadan kartaa wixii quseeya arimaha aqoonta iyo waxa ku saabsan dhaxalka beni’aadamka, si taa aad ugu dayato waxaad u baahan tahay inaad ka fakarto siddee ayay dadkani ku gaareen.
Adigoo aaminsan fikirkii aad shalay ku guul daraystay inaad maantana aad ku howl gasho waa kuu nasiib daro, waxaadna u baahan tahay inaad isticmaasho fikir ka duwan fikirkii shalay.
Haddaba waxaa laga yaabaa in nolosha aad u arakto inay tahay guul darro balse waa sidda aad adiga u fahamtay, haddaba si aad u guuleysato waxaad xooga saarta arimahan soo socda.
Halkaan waxaan kusoo gudbin doonaa dhowr arimood oo kaa caawin kara safarkaaga cusub, fadlan haddii aad wax ka faa’iiday maqaalkan la wadaag bulshada inteeda kale.
Akhriska buuggaagta; waxaa laga yaabaa inaad ku fakareyso maxaa isku xiray fikirka aan aaminsan nahay iyo akhriska. si taasi aa usii fududeeyo maxaa isku xiray akhriska iyo fikirka.
Tanni waxaa laga yaabaa inaad dhowr jeer araktay haddana isma weydiino sababta ay muhiim u tahay.
Akhriska waxa aad akhrinayso waxay ka dhigan tahay adigoo akhrinaayo fikirkii bani’aadamkii kaa horeeyay iyo sidda ay nolosha u arkaayeen. Haddaba haddii ay kugu adag tahay aqrinta buuggaagta waa inaad isbartaa sidda aad ku akhrin laheyd buuggaag kala duwan.
Ku dabaq wax akhriska naftaada si aad ugu wax badan u ogaato, waxayna kaa caabineysaa inaad yeelato fikir wanaagsan. Inaad buuggaag badan aqrido waxaa ka wanaagsan inaad hal buug oo fiican aad aqrido si uu wax kaga badalo fikirkaaga.
Akhriska buuggaagta kuwooda fiican waxay ku dhaxal siineysaa inaad ka fakarto guusha aad u baahan tahay inaad gaarto iyo sidda ay kugu fududaan karto. Haddaba si aad taasi u dooran karto waa inaad wax badan akhrisaa noloshaadana aad bartaa akriska.
Samir yeelo; wax weliba oo isbedel ah waxay kaa qaadan karaan waqti badan, balse ugu danbeyn tilaabada aad qaaday waxay kuu noqon doontaa mid noloshaada ay ku faa’iido.
Ku samir xaalad weliba oo kaaga baahan inaad usoo jeedo, waayo haddii aadan maanta usoo jeedin waxay kugu qaadan kartaa waqti ka badan inta ay hadda kugu qaadan laheyd.
Dadka nolosha horumar ka sameeyay waa dad ku samray shaqada ay naftooda u hayaan, siddoo kalena waa dad ku qancay inay yihiin kuwa sameyn kara horumar iyo guulo waaweyn. Haddaba inaad guul gaarto waxay kaaga baahan tahay inaad ku samirto shaqadaada si noloshaada ugu faa’iido. Si kastaba hanoqotee waxaa laga maarmaan ah inaad yeelato fikir ka duwan fikirkii hore si wax-qabad-kaaga isku badalo.
In badan oo kamid ah bulshada aan la noolahay oo aan jecleyn akhriska qoralaada iyo buuggaagta waxaan ugula dar daarmaa inay muhiim tahay inaan yeelano fikir wanaagsan si wax-qabad-keenu isu badalo.
Intaa ka dib waxaa jirtay, xilli qeybo badan oo Yurub ka mid ah ay ka dhacday xaalado qasan taasoo keentay inuu hoos u dhaco dhaqaalahii ay sameyn jireen. Waxaa su’aashaas la weydiiyay Philosophy-yada jiray xilligaa uu ka mid ahaa Albert Einstein wuxuuna ku jawaabay sidda tan ” Haddii aynu u baahanahay inaan horumar sameyno, waa inaan bedelnaa fikirkeena si uu isku badalo ficilkeen.”
Sheekadan gaaban waxaa kasoo xigtay buugga 5-Ta tiir ee guusha. Waxaan ka cudur daaranaa in buugga oo pdf ah aan hadda haynin balse aan idin soo diyaarin doono haddii uu rabo, intaa ka dib fikirka wuxuu ka mid yahay waxyaabaha dadka hodan ka dhiga siddoo kale sare u qaada sirta nolosha.
- Aragtida Indheergaradka2 months ago
‘Adigaba daraad ayaad Dowlad calan leh haystay, maantana halka aan joogo dalxiis kuma keenin’
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Caawiyaha Ardayga – Faallo kooban
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Haddimada Qabyaaladda – Faallo kooban
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Maxaa Keenay Kadeedka Soomaaliya – Faallo Kooban
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta buugga Dabar iyo Hoggaan – Ka Adkaanshaha Nafta
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Naftii Hure – Faallo Kooban
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Ummadaha Jirraban – Faallo kooban
- Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 months ago
Aabihii ruuxaaniga ahaa ee dagaalkii shahiidiyiinta xornimada Aljeeriya
- Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 months ago
Maxaad ka naqanaa taariikhda boqortooyada faca weyn ee Ajuuraan?
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Murtida Dardaaran Haween – Faallo kooba
- Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 months ago
Gabaygii badda – Qeybtii 2aad
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Aafooyinka Baraha Bulshada – Faallo kooban
- Siyaasadda Soomaaliya1 month ago
IMF oo Soomaaliya u oggolaatay $100 milyan, laakiin waa sidee tayada la dagaalanka masuqmaasuq ee hoggaanka Xassan Sh. Maxamuud (4.5)?
- Siyaasadda Soomaaliya2 months ago
Soomaaliya oo dhisanayso Hannaanka Dowladnimada Casriga ah
- Afrika2 months ago
Safiirka Faransiiska oo ka tagaayo Niger – Reuters
- Akhri2 months ago
Waa maxay aqoon?