Connect with us

Siyaasadda Arrimaha Dibadda

Xiriirka Masar iyo Soomaaliya

Masar iyo Soomaaliya ayaa horay u lahaa xiriir qoto-dheer balse wakhtiyadii dambe xariirka ma wanaagsaneyn. Xiriirka labadan dowladdood waxaa horey u xumeeyey, marwalbana xumeyn kara jahwareerka Diblomaasiyaddeed iyo siyaasaddeed ee Gobolka Geeska Afrika.

Published

on


Soomaaliya waxay waligeed ahayd goob siyaasad-juqraafiyeedka ugu muhiimsan guud ahaan qaaradda Afrika. Marka loo fiiriyo isku dhafka kheyraadka istaraatijiyadeed ee Soomaaliya, tirakoobyada kobaca dhalmada oo wanaagsan iyo rajada ah in Soomaaliya ay ka dhalato dowlad xalaal ah oo nidaam caddaalad iyo kala dambeyn ku dhisan lagana gudbo 4.5.

Xiriirka Masar iyo Soomaaliya waa xiriir laba geesood ah oo u dhaxeeya Masar iyo Soomaaliya. Labada waddan waxay xubno ka yihiin Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika, waxayna leeyihiin iskaashi soo jireen ah oo aad u qoto-dheer. Soomaaliya waxay safaraad ku leedahay magaalada Qaahira

Xiriirka Masar iyo Soomaaliya, ilaa 1960-meeyadii, waxa uu ku dhisnaa siyaasad isku tiirsanaan ah. Soomaaliya inta badan waxay Masar kula jirtay fagaarayaasha caalamiga ah iyo kuwa Carabta. Tusaale ahaan, Soomaaliya waxa ay Masar ku garab istaagtay heshiiskii nabadeed ee Camp David ay la gashay Israa’iil sannadkii 1978-kii, waxaana ka horreeyay guutadii madaafiicda Soomaalida ee ka barbar dagaalamaysay ciidamadii Masar dagaalkii 1973-kii. Tani waxay iftiimisay xoojinta xiriirka labada dal. Runtii, Diblomaasigii Masar ee Kamaal El-Din Saalax oo ahaa ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa Geeska Afrika looga mahad-naqayaa sida uu u taageersan yahay midnimada Soomaaliyeed; waxaana dilay gumaystihii Talyaaniga 1957kii.

Wakhtiyadii dambe, xiriirka Masar iyo Soomaaliya waxaa ku jiray madmadow

Madmadow, xiisad iyo sii kicinta suurtagalka ah ayaa ku xeeran mustaqbalka xiriirka Masar iyo Soomaaliya, taas oo ay ugu wacan tahay mawqifka aan caddayn ee biyo xireenka weyn ee Renaissance Dam ee Itoobiya iyo colaadda u dhaxaysa Itoobiya, Masar iyo Suudaan ee uu ka dhashay webiga Niil.

Soomaaliya ayaa horrey walaac ka muujisay laba go’aan oo ay Jaamacadda Carabta ka soo saartay arrintan, kuwaas oo dhaliyay duufaanno warbaahineed oo gudaha iyo dunida Carabta ah, gaar ahaan warbaahinta Masar. Baraha bulshada ayaa lagu arkayay qoraalo badan oo aflagaado ah oo ka dhan ah Soomaaliya. Waxaa soo baxay baaqyo lagu xumeynayo Soomaalida, laguna dalbanayo in laga soo tarxiilo dalalka Khaliijka, iyadoo ay ugu wacan tahay mowqifka dhex-dhexaadnimada ah ee Soomaaliya iyo mowqifka dowladda Soomaaliya ay ka taagan tahay arrintaas biyo-xireenka ay damacsan tahay Itoobiya.

“Xiriirka labadan dowladdood waxaa horey u xumeeyey, marwalbana xumeyn kara jahwareerka Diblomaasiyaddeed iyo siyaasaddeed ee Gobolka Geeska Afrika.”

Mawqifka dhexdhexaadnimo ee ay Soomaaliya qaadatay ayaa waxaa loo arkayaa in Soomaaliya ay ku xiran tahay siyaasadda gobolka ee Itoobiya hoggaanka u haysay, Itoobiya waxay kamid tahay ciidamada AMISOM (ATMIS) ee ku sugan gudaha Soomaaliya; sidoo kale labada dal waxaa ka dhaxeeya heshiisyo dhaqaale iyo amni. Sidaa darteed, Soomaaliya waxay u janjeertay inay u janjeerto dhanka Itoobiya waxayna ahayd siyaasaddii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo lagu soo doortay 4.5, taasoo ka dhigaysa doorka Masar ee Geeska Afrika mid kaabaya quwadaha kale ee gobolka, Carabta iyo kuwa caalamiga ah, inkasta oo ay hore ugu xoog badnaayeen oo ay xulafo ku ahaayeen gobolka oo leh tixgalin dhinaca biyaha iyo amniga ah ee dawladda Qaahira.

IS-XASUUSIN: Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha Soomaaliya baryo kuma aysan imaanin. Duullaankii Itoobiya ee Soomaaliya waxa uu ahaa dagaal hubaysan oo ay ku lug lahaayeen inta badan ciidamada Itoobiya iyo kuwa dawladda ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (DKMG) iyo ciidamo Soomaali ah oo ka yimid Puntland oo ka soo horjeeda dallada Islaamiyiinta Soomaaliya, Midowga Maxkamadaha Islaamka oo hoggaanka u haayay Sheekh Shariif Sh. Axmed madaxweynihii hore ee Soomaaliya, iyo maleeshiyaad kale oo gacan saar la leh maamulka Soomaaliya. Tallaabooyinka Itoobiya waxaa sabab u ah maxaakiimta oo qabsaday inta badan koonfurta Soomaaliya dabayaaqadii 2006dii.

Itoobiya ayaa si rasmi ah ula dagaalantay xoogaga Islaamiyiinta Soomaaliya, iyadoo duqeymo ka geysatay gudaha Soomaaliya, isla markaana ay ciidamo dhulka ka hawlgala kasoo buuxisay Soomaalida, taasoo noqotay dhibaato halis ah oo ka socday gudaha Soomaaliya oo rabshado isu beddelay, waxaana kasii dhashay ururka dhalinyarada ah ee Al-shabaab.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Meles Zenawi, ayaa telefishinka ka sheegay in uu amray tallaabadaas, sababtoo ah ma uusan haysan wax doorasho ah. “Ciidamada difaaca Itoobiya waxaa lagu qasbay inay galaan dagaal si ay u difaacaan madax-bannaanida qaranka,” ayuu yirri. “Ma isku dayeyno inaan dowlad u soo dhisno Soomaaliya, mana nihin ujeedo aan ku faragelineyno arrimaha gudaha ee Soomaaliya. Duruufaha jira uun baa nagu qasbay.”

Tan iyo wakhtigii uu qabsaday Cabdifataax Al-siisi xukunka Masar diblomaasiyadda Masar ee caalamka ayaa sii xumaaday; Masar xeeladdeeda iyo siyaasaddeeda ayaa jiho cusub qaaday. Marka la eego xulafadeeda gobolka Geeska Afrika. Masar ma aysan xoojinin xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya, iyadoo og in Soomaaliya ay la dhiban tahay kasoo kabashadeeda tan iyo burburkii dowladda dhexe.

Garab-istaagga Masar: Khilaafka u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya

Kadib, markii Itoobiya ay soo hunguriyeysay dekkada Soomaaliya horeyna dekkada Berbera ay ugu lahayd boqolkiiba 19%, ayaa haddana waxay heshiis kale la gashay Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo dekkadiisa loogu beddelanayo aqoonsi inay Itoobiya siiso, ayaa u gogol xaaraya in Itoobiya ay sameysato howl-gal ganacsi oo dhanka badda ah, si ay u hesho saldhig millatari oo ay ka maamusho Badda Cas, Redwaan Xusseen, ayaa yirri oo ah la taliyaha amniga ee RW Abiy Axmed.

Waxa kale oo heshiiskaas ka mid ahaa in Somaliland loo aqoonsado qaran ka madax-bannaan Soomaaliya. Somaliland waxa kale oo ay heli doontaa saami qaybsiga diyaaradda Itoobiya Airlines ee dawladdu leedahay, sida uu sheegay Redwaan Xusseen.

Soomaaliya waxay ugu baaqday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka, iyo urur gobolaadyada inay taageeraan xaqa ay Soomaaliya u leedahay difaacista dhulkeeda, ayaa lagu yirri war-saxaafadeedka dawladda Soomaaliya oo uu akhriyey af-hayeenka xafiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Farxaan Jimcaale.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in is-afgaradka looga dhowaaqay Addis Ababa uusan “sina dhaqangal u noqon doonin.” Waxa uu sheegay in tallaabada uu qaaday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ay fursad u siinayso al-Shabaab inay qorato dad cusub, xilli dawladda Soomaaliya ay dagaal kula jirto dagaalka Al-Shabaab, guulana ka gaartay.

Dowladdo iyo ururo caalami ah ayaa Soomaaliya ku taageeray. Madaxweynaha Masar, Cabdulfataax Al-siisi, ayaa muujiyay sida uu u taageersan yahay Soomaaliya khilaaf ka dhashay dalab ka yimid maamulka Waqooyiga ee Somaliland, kaasoo ahaa in Itoobiya oo aan bad lahayn la siiyo xeebaheeda si ay u aqoonsato madaxbannaanideeda oo ay muddo raadinaysay.

Dhinaca middig Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sh. Maxamuud iyo dhinaca biddax Madaxweynaha Masar Cabdilfataax Al-Siisi

Hadalkii ugu adkaa ee uu ka jeediyay shir jaraa’id oo uu Qaahira ku qabtay isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, Cabdulfataax Al-siisi waxa uu yiri: “Farriinta aan u dirayo Itoobiya waa in ay isku daydo in ay qabsato dhul ay iyada lahayn oo aan cidna ku heshiin doonin.”

Waxa uu intaa ku daray in dalkiisu uu diyaar u yahay in uu taageero “haddii lagu soo xadgudbo mid ka mid ah dalalka Carabta, gaar ahaan marka dalalka walaalaha ah ay naga codsadaan in aan garab istaagno”

“Masar dowlad iyo shacab, waxaan nahay xulufo iyo walaalo soo jireen ah oo markasta ka wada shaqeeya sidii ay u abuuri lahaayeen mustaqbal ifiya iyo horumar waara. Wadahadallada miro-dhalka ah ee aan maanta yeelannay waxay muujinayaan sida aan u doonayno in aan xoojinno xiriirka diblomaasiyadeed, amni iyo siyaasadeed.”

“Masar ma ogolaan doonto cid kasta oo khatar ku ah Soomaaliya ama ay saameyn ku yeelato amnigeeda” ayuu kusii daray madaxweyne Cabdulfataax Al-siisi oo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu la qaatay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku joogay dalka Masar bishii janaayo 2024.

Jahwareerka Diblomaasiyaddeed iyo siyaasaddeed ee Gobolka Geeska Afrika

Jahwareerka siyaasadeed iyo midda diblomaasiyadeed ee labada dal ayaa waxaa sii xumeeyay go’aanka Soomaaliya ee ah in aan la taageerin mowqifka Jaamacadda Carabta ee Masar iyo in Itoobiya laga soo horjeesto biyo-xireenkeeda webiga Niil. Wakhtigii dowladda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxay xiriir adag la lahayd Addis Ababa, waxayna labaduba ku taamayaan inay meesha ka saaraan masiibooyinka dagaalka iyo muuqaallada waxyeellada leh ee ku haray maskaxda dad badan oo gobolka ah. Waxaana ka mid ah in Itoobiya joojiso faragelinta ay ku hayso Soomaaliya tan iyo 1990-meeyadii.

Siyaasadda qaldan ee Abiy Axmed waxay Itoobiya u horseedi doontaa inay markale ka dhacdo bohol dheer sida Soomaaliya ay illaa iyo hadda ugu soo kabsan la’dahay kadib burburkii dowladda dhexe: Sababtana waan kuu sheegayaa Itoobiya gudaheeda waxaa ka socda dagaal jabhado oo la dagaalsan dowladda dhexe iyagoo raadinaayo madax-banaani – Warar hoose oo laga helayo gobolka Axmaarada waxay sheegayaan in ciidamada dawladu ay dileen ugu yaraan 200 oo qof oo rayid ah dagaaladii ugu dambeeyay. Dhinaca kale, guddiga xuquuqul insaanka Itoobiya, ayaa ku andacoonaya in dowladdu ay dishay 45 qof oo rayid ah. Eedeymahan ayaa imaanaya xilli Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu isku diyaarinayo in uu magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ku martigeliyo madaxda Afrika shirka Midowga Afrika oo dhacayay 17-ka ilaa 18-ka bishan Febraayo.

Dhinaca kale, Itoobiya waxay madaxa iskula jiraan Masar iyo Suudaan oo sababtay biyo-xireenka webiga Niil, khilaafka heshiiska badda ee Soomaaliya taas oo keeni karto xaalad ay Masar iyo Soomaaliya ka heli karaan mawqif midaysan oo ay kaga soo horjeedaan siyaasadda Itoobiya. Isbahaysiga caynkaas ah waxa uu sii kordhin karaa culayska saaran Addis Ababa, taas oo xaaladda gobolka ka dhigaysa mid khatar ah. Suurtagalnimada in Masar iyo Soomaaliya ay yeeshaan isbahaysi milatari oo ka dhan ah ficilada Itoobiya waxay yeelan kartaa cawaaqib juqraafiyeed weyn.

Arrimaha la isku hayo waa mid la wada ogsoon yahay—Walaaca Masar ka qabto biyo xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) iyo saluuga Soomaaliya ee heshiiska badda ee Itoobiya la gashay Somaliland. Si kastaba ha ahaatee, u dhaqaaqista dhinaca wada shaqaynta milatari ee dhexmaro Soomaaliya iyo Masar waxay si weyn u kordhinaysaa xiisadda gobolka.

Ficiladan qalafsan ee isu dheelli-tir la’aanta diblomaasiyadeed, Abiy Axmed waxa uu daaha ka rogay is-dhexgalka kakan ee hamiga maxalliga ah, dhaqdhaqaaqyada gobolka, iyo danaha caalamiga ah ee Geeska Afrika. Iyadoo Ra’iisul Wasaaruhu uu doonayo inuu Soomaaliya iyo Masar u xaqiijiyo damaca Itoobiya, arrimaha hoose ayaa ah kuwo aan xal laga gaarin.

Nuxur ahaan, talaabooyinkii ugu dambeeyay ee Itoobiya, sida uu hadalka u dhigay Abiy Axmed, waxay ka tarjumaysaa istiraatijiyad ballaaran oo lagu hagayo biyo-xireenka Itoobiya ee siyaasadda gobolka iyadoo ilaalinaysa danaheeda qaranka. Waxtarka istaraatiijiyadani, si kastaba ha ahaatee, waxay ku xirnaan doontaa awoodda Itoobiya si ay u gasho wadahadal dhab ah iyo in xal loo helo khilaafaadka khatarta ku ah dheelitirnaanta jilicsan ee nabadda iyo iskaashiga gobolka. Si kastaba ha ahaato, xiriirka labadan dowladdood waxaa horey u xumeeyey, marwalbana xumeyn kara jahwareerka Diblomaasiyaddeed iyo siyaasaddeed ee Gobolka Geeska Afrika.

Facebook Comments Box

Waa bare, qoraa, cilmi-baare, iyo hogaamiye fikir iyo aragti xambaarsan oo wax ka dhiga kuliyada dowladnimada iyo difaaca ee Jaamacadda Ramaas 'Ramaas University'. Waa falanqeeye ka tirsan Diblomaasi.com. Qoraaga waa qoraa dhawaanahan qoray buuggaag iyo qoraallo kala duwan oo aan dhanka wax tarka kala dhicin.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Siyaasadda Arrimaha Dibadda

Kenya ayaa soo jeedisay in xal laga gaaro xiisada ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Itoobiya ee ku saabsan heshiiska dekedda

Kenya ayaa madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud usoo jeedisay in xal laga gaaro xiisada ka dhex aloosan asiga iyo Itoobiya taasoo ku saabsan heshiiska dekedda, si ay Itoobiyadana u heli karto dekad. Laakiin, yaa iswaydiiyey maxay helayaan Soomaalida?

Published

on


Kenya ayaa madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud usoo jeedisay in xal laga gaaro xiisada ka dhex aloosan asiga iyo Itoobiya taasoo ku saabsan heshiiska dekedda. Talaabadan ay Kenya ku dhiiratay inay kala hadasho Madaxweynaha aan doorasho shacab ku imaanin ee Xassan Sh. Maxamuud (4.5) ayaa lagu soo waramayaa in ay u ogolaan doonto Itoobiya aan bad lahayn in ay hesho dhul baddeed aan la carqaladayn iyada oo la ixtiraamayo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Mas’uul sarre oo ka tirsan dowladda Kenya ayaa khamiistii sheegay in Kenya ay soo jeedisay in heshiis dhinaca badda ah ay galaan dalalka IGAD, si loo qaboojiyo xiisadda u dhaxeysa Itoobiya iyo Soomaaliya ee ka dhalatay heshiis u ogolaanaya Itoobiya inay saldhig ciidan ka sameysato badda, isla markaana ay hesho deked ku taalla xeebaha Somaliland ee Soomaaliya.

Kenya ayaa u soo jeedisay madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud in la heshiisiiyo asiga iyo Abiy Axmed ee kala dhaxeeyo muranka madax bannaanida dal oo lagu xallinaayo arrimaha gobolka oo sii xoogaysanaya muddooyinkan dambe, kaasoo u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya. Murankaan ayaa bilawmay kadib markii Itoobiya ay soo hunguriyeysay badda Soomaaliya.

Kadib, markii Itoobiya ay soo hunguriyeysay dekkada Soomaaliya horeyna dekkada Berbera ay ugu lahayd boqolkiiba 19%, ayaa haddana waxay heshiis kale la gashay Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo dekkadiisa loogu beddelanayo aqoonsi inay Itoobiya siiso, ayaa u gogol xaaraya in Itoobiya ay sameysato howlgal ganacsi oo dhanka badda ah, si ay u hesho saldhig millatari oo ay ka maamusho Badda Cas, Redwaan Xusseen, ayaa yirri oo ah la taliyaha amniga ee RW Abiy Axmed.

Waxa kale oo heshiiskaas ka mid ahaa in Somaliland loo aqoonsado qaran ka madax-bannaan Soomaaliya. Somaliland waxa kale oo ay heli doontaa saami qaybsiga diyaaradda Itoobiya Airlines ee dawladdu leedahay, sida uu sheegay Redwaan Xusseen. Soomaaliya waxay ugu baaqday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka, iyo urur gobolaadyada inay taageeraan xaqa ay Soomaaliya u leedahay difaacista dhulkeeda, ayaa lagu yirri war-saxaafadeedka dawladda Soomaaliya oo uu akhriyey af-hayeenka xafiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Farxaan Jimcaale.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in is-afgaradka looga dhowaaqay Addis Ababa uusan “sina dhaqangal u noqon doonin.” Waxa uu sheegay in tallaabada uu qaaday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ay fursad u siinayso al-Shabaab inay qorato dad cusub, xilli dawladda Soomaaliya ay dagaal kula jirto dagaalka Al-Shabaab, guulana ka gaartay.

Dowladdo iyo ururo caalami ah ayaa Soomaaliya ku taageeray. Madaxweynaha Masar, Cabdulfataax Al-siisi, ayaa muujiyay sida uu u taageersan yahay Soomaaliya khilaaf ka dhashay dalab ka yimid maamulka Waqooyiga ee Somaliland, kaasoo ahaa in Itoobiya oo aan bad lahayn la siiyo xeebaheeda si ay u aqoonsato madaxbannaanideeda oo ay muddo raadinaysay.

Kulanka dhex maray labada madaxweyne: William Ruto iyo Xassan Sh. Maxamuud

Wakaaladda wararka oo soo xiganaysa Korir Sing’oei, oo ah xoghayaha arrimaha dibadda ee Kenya ayaa sheegay in qorshahan oo lagala tashanayo Jabuuti iyo urur goboleedka IGAD ee bariga Afrika, lagu maamuli doono sida dalalka gobolka ee aan badda lahayni ay awood ugu yeelan lahaayeen ganacsi u helida dekedaha.

Kenya William Ruto (M) iyo Xassan Sh. Maxamuud (B). Taariikhda waxay ahay 12.04.2024

“IGAD waxay awood u yeelan kartaa inay dejiso heshiis lagu wadaagayo kheyraadka badda,” Sing’oei ayaa yiri.

Soomaaliya oo wali u aragta in Somaliland ay ka tirsan tahay dhulkeeda inkasta oo gobolkaasi uu xornimadiisa qaatay 1991-kii, waxa ay cambaaraysay heshiiskaas oo ay ku tilmaantay dhul-qabsi iyo meel-ka-dhac ku ah midnimada dhuleed. Todobaadkii hore ayay ahayd markii dowladda Soomaaliya ay Muqdisho ka eriday safiirka Itoobiya Muqtaar Maxamed Waare, iyadoo sabab looga dhigay tallaabooyin ay Addis Ababa ku sheegtay inay ku xad-gudbi doonto arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo dalkiisa uu ku tiirsanaa dekadda Jabuuti inta badan ganacsiga badda in ka badan sodon sano, ayaa ku tilmaamay heshiiska mid muhiim u ah baahida dhaqaale ee Itoobiya. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu beeniyay hadal ka soo yeeray Muqdisho oo ay taageertay Masar, kaasi oo ahaa in dowladiisa ay isku dayeyso inay qabsato dhulka Soomaalida.

Khamiistii, xoghayaha arrimaha dibadda ee Kenya ayaa lagu soo waramayaa in uu sheegay in heshiiska Nayroobi ee la soo jeediyay uu siin doono Itoobiya “helitaanka kheyraadka badda xasilloon oo la saadaalin karo” haddii la ansixiyo. Tani waxay u ogolaanaysaa dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika inuu si xor ah u sameeyo ganacsi isagoo sidoo kale ixtiraamaya midnimada dhuleed ee Soomaaliya, ayuu yirri Sing’oei.

“Waxaan sii wadeynaa inaan la shaqeyno dhammaan dhinacyada anaga oo ujeedadeenu tahay inaan hubinno in gobolku uu ugu dambeyntii si buuxda u helo xasilloon,” ayuu yiri Singwe.

Hadalka Sing’oei ayaa imaanaya kadib markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu magaalada Nayroobi kula kulmay dhiggiisa Kenya William Ruto oo ay ka wadahadleen sidii xal diblomaasiyadeed loogu heli lahaa khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Si kastaba ha ahaatee, wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Cumar ayaa Jimcihii sheegay in wararka sheegaya “heshiiska badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya uu yahay mid aan waxba ka jirin.”

“Soomaaliya waxay ku adkaysanaysaa midnimada dhulkeeda. Waxaan ku baaqaynaa in diiradda la saaro nabadda iyo xasilloonida gobolka,” ayuu ku soo qoray X (hore Twitter-ka).

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Arrimaha Dibadda

Maxay ka dhigan tahay in Soomaaliya ay cayrisay safiirka Itoobiya, islamarkaana xirto qunsuliyado?

Dowladda Itoobiya ayaan weli ka hadal go’aanka dowladda Soomaaliya.

Published

on


Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay xirtay qunsuliyadaha ay dowladda Itoobiya ku leedahay magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa, ayada oo Addis-Ababa ku eedeysay inay faro-gelin ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Qaraar kasoo baxay Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa lagu yiri “Laga billaabo maanta oo taariikhdu ay tahay 04 Abriil 2024, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay xirtey islamarkaana oggolaanshihii hawlgalka oo ay dalka uga furnaayeen kala noqotay qunsuliyadaha ay Dowladda Itoobiya ku lahayd magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa, waana in ay muddo todobaad gudahiis ah ku xirtaa labadaasi qunsuliyadood.”

Dowladda ayaa sidoo kale amartay inay toddobaad gudihiis dalka uga baxaan diblomaasiyiinta Itoobiya. “Diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha Dowladda Itoobiya uga howlgala labada qunsuliyadood ee ka furnaa magaalooyinka kor ku xusan waa in ay dalka uga baxaan muddo todobaad gudahiis ah.”

Qaraarka ayaa sidoo kale lagu sheegay in diblomaasiyiinta Dowladda Itoobiya ee u hoggaansami waaya qaraarkan “ay galayaan xadgudub ka dhan ah Qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” lagana qaadi tallaabooyin dheeri ah oo waafaqsan xeerarka diblomaasiyadda caalamka, sida lagu yiri qoraalka.

Dhinaca kale, qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu amray safiirka Itoobiya Mukhtaar Maxamed Waare inuu dalka uga baxo 72 saac gudahood.

Dowladda Itoobiya ayaan weli ka hadal go’aanka dowladda Soomaaliya.

Qaraarkan ayaa imanaya ayada oo shalay bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya lagu sheegay, in wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Danjire Mesganu Arga uu xafiiskiisa si diirran ugu soo dhaweeyay, wafdi uu hogaaminayo wasiirka maaliyadda ee Puntland Maxamed Farax Maxamed oo booqday Addis-Ababa.

Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa waxaa horey uga dhaxeeyey xiisad ka dhalatay is-afgaradkii Somaliland iyo Itoobiya ee dhigayey in Somaliland ay Itoobiya ka kireyso dhul badeed ay ka sameysato saldhig ciidamada badda ah iyo dekad, halka Itoobiya ay aqoonsaneyso Maamulka Somaliland.

Faragelinta Itoobiya ee Soomaaliya

Faragelinta aan kala joogsi lahayn ee taariikhda Itoobiya ay ku leedahay Soomaaliya ayaa ah arrin laga argagaxo heer mid kamid ah dalalka deriska ah ee geeska Afrika, Eriteriya ay ahayd sababta ay ugu baxday ururka IGAD. Yemane Gebreab, oo sidoo kale ah madaxa arrimaha siyaasadda ee Jabhadda People’s Front for Democracy and Justice (PFDJ), ayaa sheegay in Eriteriya ay joojisay xubinimadeedii ururkaas, kaddib markii lagu xad-gudbay madax-bannaanida dal xubin ka ah, oo ay ula jeedo Soomaaliya.

Xaaladda gobolka Geeska Afrika oo sii xumaatay kadib markii ay Itoobiya heshiis ay ku tilmaamtay is-afgarad dhexmaray iyada iyo Somaliland. Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay heshiiska dekedda ay Itoobiya la gashay Somaliland. Kadib shir deg deg ah oo ay yeesheen, golaha wasiirada Soomaaliya ee ku yimid nidaamka 4.5 ayaa sheegay in heshiiska u ogolaanaya Itoobiya in ay isticmaasho dekedda Berbera ee Badda Cas uu yahay mid aan waxba ka jirin. Kulanka uu yeeshay Golaha Wasiirrada ee Soomaaliya, ayaa dawladda Soomaaliya ay sheegtay in is-afgaradkaasi uu yahay “waxba kama jiraan.” Waxay sheegtay dawladda Soomaaliya in tallaabada Itoobiya ay qaadday ay gardarro iyo xadgudub ku tahay madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Arrimaha Dibadda

MD Xassan Sh. Maxamuud oo booqasho ku jooga Sacuudi Carabiya – Maxaa loogu yeeray?

Waa maxay ujeedka loogu yeeray Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud? ma waxay u dhawdahay in tallo bixin laga siiyo xaaladda dalka?

Published

on


Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka degay magaalada Riyaadh ee caasimadda dalka Sacuudi Carabiya kadib markii uu martiqaad ka helay boqorka dalkaasi, Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis.

Qaybta warbaahinta ee madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in booqashadaas ay tahay mid shaqo, mana sheegin muddada uu halkaasi joogi doona. Labada hoggaamiye ayaa la sheegay inay ka wada hadli doonaan xoojinta iskaashiga, istaraatijiyadeed iyo xiriirka labada waddan.

Booqashadan ayaa imanaysa saacado uun kadib markii madaxqeynuhu uu kasoo laabtay safar uu ku tagay magaalooyinka Xarardeere iyo Ceeldheer oo uu kula kulmay ciidamada difaacaya labadaas magaalo. Ujeedka uu u aaday magaalooyinka Xarardeere iyo Ceeldheer waa mid kamid ah qorshahiisa la dagaalanka Al-shabaab.

6-da Agoosto 2023, hal sano kadib markii Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah al-Shabaab, ciidamada Soomaaliya waxa ay ku dhawaaqeen in la bilaabay wejigii labaad ee ololahan oo diiradda lagu saarayo sidii maleeshiyada looga saari lahaa meelaha ay Soomaaliya kaga sugan yihiin. Tani waxay timid wax yar uun ka dib markii qof naftii hure ah uu dilay in ka badan labaatan askari oo Soomaali ah, lixdan kalena ay ku dhaawacmeen weerar lagu qaaday dugsiga tababarka ciidamada ee Muqdisho 25-kii Luulyo.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, daraawiishta Galmudug iyo xoogaggii dib u xoreynta shacabka ayaa isaga baxay dhulkii ragga badan ay ku dhinteen ee laga xoreeyey Al-shabaab ee koonfurta gobolka Mudug, gaar ahaan degmooyinka Camaara iyo Bacaadweyne.

Xaaladdaan ayaa gilgishay halgankii dalka looga xoreynayey Khawaarijta oo ah ‘magaca ay dowladda federaalka Soomaaliya u taqaano’ Al-shabaab ee labada sano soo socday, waxayna dad badan ka niyad jabeen sida ay wax u socdaan, eedda ugu badan waxay dul hoganeysaa taliska ciidanka xoogga dalka.

Furinta ugu dambeysa ee askari Soomaaliyeed uu difaac uga jiro waa degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud iyo degmada Wisil ee gobolka Mudug, ciidan u badan kuwii lagu soo tababaray dalka Eriteriya oo dhawaan la geeyey halkaas iyo guutada Abuu-dujaana ayaa baneeyey deegaanadaas.

Waa maxay ujeedka loogu yeeray Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud?

Sida ay sheegtay qaybta warbaahinta ee madaxtooyada Soomaaliya, Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud iyo Boqor Salmaan Binu Cabdicasiis ayaa ka wadahadli doona xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dowladood, amniga, ganacsiga iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee ay labada dal wadaagaan.

Iyadoo dalka uu ku jiray xaalad qatar ah oo amni xumo ah ayaa haddana waxaa soo kordhay deganaansho la’aan siyaasaddeed oo ka timid xagga wax ka beddelka dastuurka dalka oo ay ansixiyeen baarlamaanka Soomaaliya.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay soo jeedinta dib u habeynta hanaanka doorasho ee dalka si dib dalka loogu soo celiyo doorashada guud ee dalka lahaan jiray burburkii kahor, qorshahaas oo ay dhaliileen qaar ka mid ah siyaasiyiinta waaweyn ee Soomaaliya.

Bishii Maarso ee la soo dhaafay, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ah madaxweyne ku yimid nidaamka 4.5 waxa uu ballanqaaday in la soo afjari doono nidaamka qalafsan ee ku dhisan hab-beeleed doorasho dadban oo muddo ka badan nus qarni ka socday dalka qalalaasaha ku haya Geeska Afrika.

Dowladda dhexe iyo afar gobol oo federaal ah ayaa markii dambe ku dhawaaqay heshiis ah in nidaamka hal qof iyo hal cod lagu soo bandhigo doorashada deegaanka ee loo qorsheeyay Juun 2023, laakiin soo jeedinta ayaa ahayd inay ansixiyaan baarlamaanka.

Sabtidii lasoo dhaafay ayay xildhibaanadu ansixiyeen afar ka mid ah 12-ka cutub ee dastuuriga ah ee wax ka bedelka lagu sameyn doono taasoo qeyb ka ah dib u habeynta dastuurka.

Xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay wax ka beddelka dastuurka ee 1aad-4aad, arrintaas oo mugdi sii gelisay xaaladda siyaasaddeed ee Soomaaliya.

“Xildhibaannada labada aqal waxay si wadajir ah u ansixiyeen cutubyada dastuurka ee wax laga bedelay,” ayuu yiri Sheekh Aadan Maxamed Nuur, guddoomiyaha golaha shacabka.

11-ka cutub ee haray ayaa dib loogu codeyn doonaa, sida uu sheegay Mahad Waasuge oo ah madaxa hay’adda Ajendaha guud ee Soomaaliya.

“Marka 11-ka cutub ee haray uu baarlamaanka wax ka beddelo, dastuurka waxaa u codeyn doona dadweynaha,” ayuu yirri.

Markii dowladda dhexe ay ku dhawaaqday qorshaha dib u habeynta doorashada sanadkii hore, madaxweyne hore iyo afar ra’iisul wasaare hore ayaa ka mid ahaa siyaasiyiintii caanka ahaa ee ka soo horjeestay, sababtoo ah waxaa ka mid ah, in dhammaan dowlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka aysan ka qeybgalin wada-hadallada.

Ka hor codeynta Sabtidii dhacday, madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhaleeceeyay. “Dastuurkan, oo lagu fulinayo hannaan sharci-darro ah oo aysan bulshadu aqbali doonin, marnaba looma aqoonsan doono inuu yahay Dastuur sharci ah,” ayuu ku yirri hadal uu soo saaray Jimcihii.

“Ma matalo xaaladda siyaasadeed ee uu dalku marayo iyo tiirarkii udub dhexaad u ahaa dib u heshiisiinta siyaasadda Soomaaliya iyo awood qeybsiga,” ayuu yiri.

Cumar Mahmood, oo ah falanqeeye sare oo bariga Afrika u qaabilsan kooxda xasaradaha caalamiga ah, ayaa sheegay in wax ka bedelka ay “u badan tahay in ay sare u qaaddo xiisadaha siyaasadeed” iyo “in ay sii kala qaybiso siyaasadda Soomaaliya marka ay kooxaha mucaaradka ahi isu soo baxaan” iyaga oo ka soo horjeeda.

Dhanka kale, maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa Axaddii sheegtay inaysan aqoonsan doonin hay’adaha federaalka kaddib markii baarlamaanka uu taageeray qorshahaas.

Waxay ahayd tillaabadii ugu dambeysay ee sheekooyinka soo jireen ku ah siyaasadda Soomaaliya, mararka qaarna xamaasad leh, iyadoo Puntland ay dhowr jeer soo saartay bayaan kan la mid ah sannadihii u dambeeyay oo ay ku muujinayso khilaafka dowladda dhexe ee Muqdisho.

Puntland, oo ku taal waqooyi-bari Soomaaliya, ayaa sheegtay maamul-goboleedka 1998-kii, taas oo leh kheyraadka dabiiciga ah oo ay ku jiraan shidaalka iyo dekedda Boosaaso.

“Maamulka Puntland wuxuu kala noqday aqoonsiga iyo kalsoonida hay’adaha dowladda federaalka ah ilaa laga helayo hannaan dastuuri ah oo toos ah oo la isku raacsan yahay,” ayaa lagu yirri war kasoo baxay Puntland.

Sidaas darteed, “Puntland waxay yeelanaysaa awood dawladeed oo dhamaystiran inta laga helayo nidaam dawladeed oo federaal ah, iyadoo la helayo dastuur Soomaaliyeed oo la wada ogol yahay, kaas oo loo qaadi karo afti dadweyne”.

Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud inuu ku tuntay dastuurka dalka, islamarkaana uu waayay sharcinimadiisa madaxweynimo.

Ujeedka Sacuudiga

Dowladda Sacuudiga oo muddooyinkan dambe saluugsaneed heshiiska shidaalka ee ay Soomaaliya la gashay dowladda Turkiga haddana waxay heshay fursad kale oo ay ugu yeeri karto madaxweynaha Soomaaliya madamaa xaaladda dalka maanta cakiran yahay. Waxayna u dhawdahay tallo bixin in la siiyo madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Arrimaha Dibadda

Heshiiska difaaca ka dib, Turkiga iyo Soomaaliya waxay qalinka ku duugeen heshiis shidaal

Turkiga ayaa aad u amaanaya heshiiska cusub ee ay la gashay Soomaaliya, arrintaan ayaa loo arkaa inuu Turkiga ka shaqaynaya kor u qaadista joogitaankeeda Geeska Afrika.

Published

on

Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud (4.5) iyo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan

Heshiis dhanka difaaca ah oo ay dhawaan wada gaareen Soomaaliya iyo Turkiga ayaa muhiimad weyn u leh Soomaaliya iyo amniga gobolka. Heshiiskan oo ah mid dhulka iyo badda ah ayaa ujeedkiisu yahay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhanka difaaca ee Turkiga iyo Soomaaliya. Waxaa ka mid ah suurtagalnimada in Turkigu uu tababar iyo qalabba u fidiyo ciidamada badda Soomaaliya muddo 10 sano ah.

Turkiga iyo Soomaaliya ayaa 7-da bisha Maarso kala saxiixday heshiis iskaashi dhanka tamarta ah, kaasoo gogol xaar u ah sii xoojinta joogitaanka Turkiga ee Geeska Afrika, iyadoo ay weli taagan tahay xiisadda ka taagan Somaliland.

Heshiiska waxaa Istanbul ku kala saxiixday Wasiirka Tamarta ee Turkiga Alparslan Bayaktar iyo dhiggiisa Soomaaliya, C/risaaq Maxamed, kuwaas oo heshiiska ku qeexay “waqti aad u xiiso badan oo labada dal ah”.

Wasiirka Tamarta ee Turkiga Alparslan Bayaktar waxa uu sheegay in labada dal ay si wadajir ah u fulin doonaan dhaq-dhaqaaqyo ay ka sameynayaan biyaha gudaha iyo kuwa xeebaha ah si dadka Soomaaliyeed ay u gaaraan kheyraadka kaarboonka ‘carbon.

“Waxaan hiigsaneynaa inaan xoojino joogitaanka Turkiga ee Geeska Afrika anagoo xoojinayna iskaashigayada dhanka tamarta,” ayuu raaciyay.

Wasiirada ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin ka bixiyaan heshiiskan oo laga yaabo in uu ku lug yeesho sahaminta iyo qodista shidaalka.

“Labada dhinac waxay ku heshiiyeen inay ka wada shaqeeyaan horumarinta qaybta shidaalka iyo gaasta Soomaaliya,” C/risaaq Maxamed ayaa ku soo qoray baraha bulshada ee X.

Qodobbada heshiiskan ayaa daba socday wadahadal dhexmaray labada wasiir iyo mas’uuliyiin kale maalintii Talaadada. Wasiirka Soomaaliya iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa horaantii todobaadkan u safray dalka Turkiga.

Heshiisku wuxuu muujinayaa tallaabo cusub oo lagu xoojinayo xiriirka Ankara iyo Muqdisho. Bishii hore ayay ahayd markii labada dal ay sidoo kale kala saxiixdeen heshiis kor loogu qaadayo iskaashiga dhanka difaaca oo ay ku jirto amniga badda Soomaaliya.

Madaxda Soomaaliya waxay u badan tahay inay rajeynayaan in Turkigu awood u yeesho inuu tababaro oo uu qalabeeyo askarta iyo badmaaxiinta Soomaaliyeed. Tani waxay Muqdisho siinaysaa awood ay ku hirgeliso ciidan kooban oo ay si fiican u ilaaliso dhulkeeda, bad iyo berriba. Si taas loo sameeyo, waxa ay rajaynaysaa in ay ugu dambaynta ku kasbato in awood loo adeegsado gudaha xudduudaha, oo ay ku jiraan maamul-goboleedka sida Jubaland iyo maamulka rasmiga ah ee Somaliland.

Heshiiska Badda Cas ee Somaliland iyo Itoobiya ayaa cabsi badan abuuray

Sida ku cad heshiiskan Somaliland iyo Itoobiya, Itoobiya waxay heli doontaa heshiis 50 sano ah oo ku saabsan dhul ku yaal xeebta Badda Cas ee Somaliland si ay u isticmaalaan badda iyo ganacsiga badda, iyo gelitaanka dekedda Berbera. Taas beddelkeeda, Addis Ababa waxay aqoonsan doontaa madax-bannaanida Somaliland ee Soomaaliya inay ka go’day ah.

Heshiiskani waxa uu gobolka ku dhaliyay duufaan diblomaasiyadeed. Waxaa ka soo horjeestay Soomaaliya iyo Turkiga, sidoo kale Mareykanka, Shiinaha, Masar iyo ururada caalamiga ah.

Turkigu wuxuu u noqon doonaa saaxiibka ugu wanaagsan ee Soomaaliya iyo caksigeeda, maxaa yeelay waxay kaloo heshiis amni la gashay Itoobiya. Maalmahan diyaaradaha drones-ka ah ee lagu duqeynaayo gobolka Amxaarada waxaa iska leh Turkiga wuxuuna siiyey Itoobiya.

Heshiiskii qaab-dhismeedka difaaca iyo iskaashiga dhaqaalaha ee 8-dii Febraayo waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay weli taagan tahay xiisadda u dhaxaysa Itoobiya iyo Soomaaliya ee ka dhalatay heshiiskii Addis Ababa ay kula saxeexdeen maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland. Soomaaliya ayaa si adag u diiday heshiiskaas, kaasoo sida la sheegay Itoobiya oo aan bad lahayn ay ku ballan-qaaday inay aqoonsato madax-bannaanida Somaliland, si ay badda cas uga gasho dekedda gobolka gooni-u-goosadka ah. Heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland waxa uu keenay in dawladda Muqdisho ee uu hoggaamiyo madaxweynaha aan shacabkiisa soo dooranin Xassan Sh. Maxamuud (4.5) ku dhawaaqdo in Itoobiya tahay “cadow,” taas oo kicisay cabsi laga qabo dagaal hubaysan oo dhex mara labada dal ee gobolka.

Ankara iyo Muqdisho waxay bixiyeen fasiraado kala duwan oo ku saabsan heshiiskii iskaashiga difaaca bishii Febraayo. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Turkiga uu heshiiskan ku difaaci doono badda dalkiisa muddo 10 sano ah, halka mas’uuliyiinta Turkiga ay carabka ku dhufteen in heshiiskan uusan ahayn mid lala damacsan yahay dalal seddexaad, taasoo u muuqata inay Itoobiya ula jeedo.

Iyadoo ay ka gaabsadeen inay si buuxda u shaaciyaan heshiiskaas oo weli laga sugayo ansixinta Turkiga, waxay mas’uuliyiinta Turkigu sheegeen inay uga golleeyihiin horumarinta “awoodda Soomaaliya ee lagula dagaallamayo dhaqdhaqaaqyada sharci-darrada ah iyo kuwa aan caadiga ahayn ee ka socda baddeeda.”

Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa ku nuux-nuuxsaday in heshiiska difaacu uu ahaa “heshiis qaab-dhismeed” iyo in wafdi ka socda Turkiga ay dhawaan booqasho ku yimaadeen Soomaaliya si ay uga wadahadlaan “tallaabooyinka ugu habboon ee loo baahan yahay in lagu taageero Soomaaliya”.

Soomaaliya waxa ay sidoo kale udub dhexaad u tahay dadaalka Turkiga uu ugu jiro in uu sii qoto dheereeyo raadka uu ku leeyahay Geeska Afrika iyo meelo ka baxsan iyadoo Ankara ay raadineysay inay kordhiso saamaynta ay ku leedahay qaaradda oo qayb ka ah waxa loogu yeero furitaanka Afrika oo la hirgeliyay horraantii 2010-kii. Tan iyo sannadkii 2017-kii, Soomaaliya waxay hoy u ahayd mid ka mid ah saldhigyada ugu weyn ee ay Turkiga ku leeyihiin dibadda, waxaana Turkiga uu Soomaaliya ka taageeraa tababarro iyo taageero milateri oo ay dagaal kula jiraan Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee hubeysan.

Labada heshiis iskaashi ee Turkiga iyo Soomaaliya ayaa muddo bil gudaheed ah waxa ay ku soo beegmayaan iyadoo ay sii kordheyso cabsida laga qabo in colaada ka dhex aloosanta Addis Ababa iyo Muqdisho ayna sii kordhiso xasiloonida gobolka. Geeska Afrika waxaa horey ugu dhacay kacdoono ka dhan ah kooxaha islaamiyiinta, waxaana soo baxaya xiisad militari oo ka dhalatay weerarada ciidamada Xuutiyiinta Yemen ay ku qaadeen maraakiib ganacsi oo marayey badda cas. Arbacadii xiisadda ayaa cirka isku shareertay markii gantaalka Xuutiyiinta ay ku dileen saddex badmaax oo la socday markab ganacsi oo marayey gacanka Cadmeed.

“Go’itaanka xiriirka Addis Ababa iyo Muqdisho wuxuu halis gelin karaa iskaashigooda dhow ee la dagaalanka kooxaha nabad-diidka,” ayay tiri kooxda xasaradaha caalamiga ah.

Iyadoo Riyaadh, Qaahira iyo Dooxa iyo sidoo kale Ankara ay si weyn u hadal hayeen sida ay u garab taagan yihiin xukuumadda Muqdisho oo ka jawaabaysa heshiiska Itoobiya iyo Somaliland, Abu Dhabi oo xiriir dhow la leh Somaliland iyo Itoobiya ayaa si weyn uga aamustay.

“Walaaca kale ee ugu weyn ayaa ah in khilaafku uu noqon karo horudhacii ugu dambeeyay ee loo yaqaano ‘proxy shadowboxing’ ee Geeska Afrika, taas oo soo celinaysa tartankii hore ee quwadaha khaliijka ee gobolka,” ayay kormeeruhu ku dartay warbixinteeda oo la sii daayay horaantii todobaadkan. “Heshiisku wuxuu keeni karaa in ay kala fogaadaan laba kooxood oo soo baxaya – dhinac, Sacuudi Carabiya, Masar iyo xulafadooda, oo ay ku jiraan Eriteriya iyo Jabuuti, oo dhammaantood ku yaal badda cas; iyo Imaaraadka, Itoobiya iyo xulafadooda oo dhanka kale ah.”

Soomaaliya waxay sidoo kale soo jiidanaysay quwadaha caalamka. Kadib markii dowladda Ingiriiska ay dib u furtay safaaradeeda Muqdisho bishii Abriil ee sanadkii 2013-kii, kadib muddo 22 sano ah oo ay hakad ku jirtay, ayaa dowladda Mareykanka waxa ay bishii hore saxiixday heshiis ay ku dooneyso in ay ka dhisto ilaa shan saldhig oo ciidan. Heshiiskan ayaa looga gol leeyahay in lagu xoojiyo ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira Islaamiyiinta xagjirka ah ee hubaysan ee al-Shabaab, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Arrimaha Dibadda

Xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya

Maxaad kala socotaa xiriirka qotoda dheer ee u dhexeeya labada dowladdood ee Soomaaliya iyo Turkiga kaasoo bilowday qarniyadii dhexe?

Published

on


Xiriirka siyaasadeed, kan dhaqaale iyo militari ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga, oo si xowli ah u horumarayay tan iyo sanadkii 2011, ayaa galaya marxalad cusub kaddib “Heshiiskii Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha” ee la kala saxiixday Febraayo 8. Sida ku xusan heshiiska, Turkiga, oo saldhig militari ku leh Muqdisho, ayaa muddo 10 sano ah difaaci doona biyaha Soomaaliya wuxuuna gacan ka geysan doonaa horumarinta kheyraadka badda.

Soomaaliya waxay sidoo kale ka mid tahay dalalka uu Tukrigu maalgashtay siyaasad ahaan, dhaqaale iyo militari ahaan tan iyo sanadkii 2011. Gudaha Soomaaliya waxaad ku arkaysaa ganacsiyo badan uu Turkiga leeyahay sida maqaayadaha, Hotelada iyo ganacsiga dhisida guryaha.

Turkiga oo xubin ka ah NATO ayaa xiriir dhow la leh Soomaaliya, waana saaxiibka ugu horreeya ee dhaqaalaha, gaar ahaan dhinacyada dhismaha, waxbarashada, caafimaadka, iyo sidoo kale iskaashiga milatari wuxuuna magaaladda Muqdisho ku leeyahay safaaradiisa ugu weyn ee caalamka oo dhan. Sidoo kale, wuxuu leeyahay saldhiga ugu weyn ee Turkiga iyo xarun tababar oo lagu tabbabaro ciidamada Soomaaliya oo wali ku jira dib-u-dhis qaatay sanado badan, kaasoo horay loogu tababaray in ka badan 5,000 oo ka tirsan ciidamada ammaanka Soomaaliya, sida ay sheegtay warbaahinta Turkiga.

Iyadoo ujeedka tabbabarka ciidamada Soomaaliya ay tahay sidii ay ula wareegi lahayeen howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee loo yaqaano ATMIS, kuwaas oo ciidamadooda lagu wado in ay baxaan gudaha Soomaaliya. Soomaaliya ayaa waxaa ku habsaday dagaallo sokeeye oo qabiil salka ku haayey kaasoo socday tobanaan sano iyo dagaallo dhiig badan ku daatay oo ay wadaan kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

Heshiiska taariikhiga ah ee Turkiga iyo Soomaaliya (Heshiiskii 10-ka sanadood)

Heshiiskan oo ay ku jiraan iskaashiga ka dhanka ah argagixisada, ayaa ku soo beegmaya iyadoo Geeska Afrika ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay heshiiskii Itoobiya iyo maamulka goonida isu taagay ee Somaliland ay weli cirka isku sii shareerayso.

Heshiiskan wuxuu imaanayaa kaddib markii Itoobiya ay 1-dii Janaayo heshiis is-afgarad la saxiixatay maamulka Somaliland, oo kamid ah maamulada Soomaaliya ee federaalka sida ay qabto dowladda dhexe, madamaa ay qaadato lacagaha deeqaha ah ee ay qaataan maamulada kale ee dalka ka jira, laakiin maamulka ayaa sheegatay inay ka go’day Soomaaliya in ka badan 30 sano kahor. Heshiiskaas ayaa Itoobiya u oggolaanaya inay isticmaasho Badda Cas, iyadoo aqoonsi ugu beddeleysa Somaliland.

Turkiga ayaa ka mid ah dadkii ka dhawaajiyay inay taageerayaan madax-banaanida Soomaaliya ka dib heshiiskii is-afgaradka ee 1-dii Janaayo ee Itoobiya iyo Somaliland.

Sida ku cad heshiiska, Somaliland waxay ogolaatay inay 20 KM oo ka mid ah xeebaheeda muddo 50 sano ah ka kirayso Itoobiya oo doonaysa inay ka samaysato saldhig ciidan iyo deked ganacsi oo ku taal xeebta. Taa baddalkeeda, Somaliland – oo keligeed ku dhawaaqday madaxbannaanida 1991 – ayaa sheegtay in Itoobiya ay siinayso aqoonsi rasmi ah, inkasta oo aanay caddayntaasi Addis Ababa xaqiijin. Dalka Itoobiya oo ah dalka labaad ee ugu dadka badan qaaradda Afrika, isla markaana ka mid ah dalalka ugu waaweyn caalamka ee aan badda lahayn, ayaa tan iyo markii ay Eriteriya ku dhawaaqday madax-bannaanideeda sannadkii 1993-kii waxa ay baadi-goob ugu jirtay sidii ay bad ay ku heli lahayd.

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sh. Maxamuud ayaa sheegay in is-afgaradka looga dhowaaqay Addis Ababa uusan “sina dhaqangal u noqon doonin.” Waxa uu sheegay in tallaabada uu qaaday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ay fursad u siinayso al-Shabaab inay qorato dad cusub, xilli dawladda Soomaaliya ay dagaal kula jirto dagaalka Al-Shabaab, guulana ka gaartay.

“Soomaaliya, waa saaxib muhiim u ah Turkiga, gaar ahaan danahiisa Afrika, Waxaan yeelanay kullamo wax tar leh oo ku dhacay jawi wanaagsan. Waxay ahaayeen wadahadallo sii xoojinaya xiriirka labada waddan. Waxaan xoogga saarnay ahmiyadda ay leedahay ilaalinta midnimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya,” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray Yasar Guler, wasiirka Gaashandhigga ee Turkiga.

“Heshiiskan, Turkiga waxa uu xeebaha Soomaaliya ka ilaalin doonaa burcad-badeedda, argagixisada… cid kasta oo ku soo xad-gudbo xuduud-badeedkeenna sida Itoobiya,” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka gaashaandhigga Soomaaliya.

Xiriirka qotoda dheer ee Soomaaliya iyo Turkiga

Xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga wuxuu soo bilowday qarniyadii dhexe. Boqortooyadii Ajuuraan iyo Suldanadii Cadal waxa ay xiriir fiican la lahaayeen Boqortooyadii Cusmaaniyiinta. Boqortooyadii Ajuuraan waxay kaalmo ka heshay Cusmaaniyiintii. Cusmaaniyiinta waxay Boqortooyadii Ajuuraan siin jireen hub oo laga soo dejin jiray dekedda Muzzaffar ee Muqdisho. Cusmaaniyiinta iyo Boqortooyadii Ajuuraan waxay laheyeen xariir wanaagsan oo xulafo ah sababtoo ah Boqortooyadii Ajuuraan waxay dagaal kula jirtay Boortaqiiskii damcay inuu gumaysto Soomaaliya.

Intii lagu jiray qarnigii 16-aad, xiisadaha Soomaalida iyo Boortaqiiska ayaa ahaa mid aad u sarreeya, xiriirka sii kordhaayey ee u dhexeeya badmaaxiinta Soomaaliyeed iyo saraakiishii Cusmaaniyiinta ayaa walaac ka muujiyay damacii Boortaqiiska, kaasoo 1542-kii soo diray duullaan ciqaab ah oo ka dhan ah Soomaaliya oo uu hoggaaminayay João de Sepúvelda. Kooxdii Boortaqiiska waxay muddo kooban weerar ku qaadeen magaaladda Muqdisho, iyagoo qabsaday markab Cusmaaniyiinta leeyihiin, madfacna ku riday magaalada Muqdisho, taasoo ku khasabtay suldaankii Muqdisho inuu heshiis nabadeed la saxiixdo Boortaqiiska.

Iskaashiga Soomaaliya iyo Cusmaaniyiinta ee ka dhanka ahaa Boortaqiiska ee badweynta Hindiya ayaa gaaray heerkii ugu sarreeyay sannadihii 1580-aadkii markii boqortooyadii Ajuuraan macaamiishii magaalooyinka xeebaha Soomaaliya ay bilaabeen inay u naxaan Carabta iyo Sawaaxiliga ee ku hoos jiray gumeysiga Boortaqiiska, waxayna ergey u soo direen boqortooyadii Turkiga Mir Cali Beg. duullaan wadajir ah oo ka dhan ah Boortaqiiska. Wuu oggolaaday oo waxaana ku biiray koox Soomaali ah oo aad u tiro badan, kuwaas oo bilaabay inay weeraraan gumaystaha Boortaqiiska.

Weerarkii la magac baxay Soomaali-Cusmaaniyiinta (Somali-Ottoman) waxay ku guuleysteen inay Boortaqiisku ka saaraan dhowr magaalo oo muhiim ah sida Pate, Mombasa iyo Kilwa waxayna meesha ka saareen saameyntii Boortaqiisku ku lahaa badweynta Hindiya. Ciidamadii Soomaaliyeed ee Ajuuraan waxay ugu dambayntii si millatari uga adkaadeen Boortaqiiska. Boqortooyadii Cusmaaniyiinta waxay sidoo kale noqotay saaxiibka dhaqaalaha ee Soomaalida.

Suldanadii Cadal ee c. 1540. Waxay ahayd Boqortooyadii Muslimka Sunniga ah ee ka talin jirtay Geeska Afrika.

Intii lagu jiray qarniyadii 16aad iyo 17aad, Boqortooyadii Ajuuraan ee is xigxigtay waxay ka soo horjeedsatay kali-taliska dhaqaalaha Boortaqiiska ee Badweynta Hindiya iyada oo adeegsanaysa qadaadiic cusub taas oo raacday hannaankii Cusmaaniyiinta, sidaas darteed waxay ku dhawaaqday habdhaqan madax-bannaani dhaqaale oo ku saabsan Boortaqiiska.

Boqortooyadii Cusmaaniyiinta waxay kaloo xiriir weyn la lahayd Boqortooyadii Suldanadii Cadal. Labada dawladood waxay ahaayeen xulafo markii ay isku dhaceen Xabashida iyo Cadal, halkaas oo Cusmaaniyiintu ay la safteen Cadaliyiinta, Boortaqiiskuna ay la safteen Xabashida. Marka aad u fiirsato Turkiga iyo Soomaaliya waxay lahayeen taariikh qotodheer ee ka dhanka ah Xabashida.

1969-kii, Soomaaliya iyo Turkiga waxay ka mid ahaayeen xubnihii aasaasay Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Turkiga ayaa markii hore safaarad ku lahaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ilaa ay ka bilaabmeen dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya 1991-kii. Kadibna waxa ay joojiyeen howlihiisii diblomaasiyaddeed sababo amni awgeed. Muddadii ku-meel-gaarka ahayd ee xigtay, mas’uuliyiinta Turkiga waxay sii wadeen xiriirka ay la leeyihiin Dowladda Ku-meel-gaarka iyo hadda oo ay Soomaaliya ka baxday kumeel gaarnimada balse aysan wali gaarin heer codeyn dadweyne.

Ka dib markii ay si weyn u soo hagaagtay xaaladda ammaan ee Muqdisho bartamihii 2011, iyo booqashadii Ra’iisul Wasaaraha Turkiga ee xilligaas Recep Tayyip Erdoğan (waa booqashadii ugu horreysay ee hoggaamiye aan Afrikaan ahayn tan iyo booqashadii George H. W. Bush ee sanadkii 1993 ku tago Soomaaliya), waxayna dib u furtay safaaradeedii Muqdihso iyadoo ujeedadu tahay in si wax ku ool ah looga caawiyo Soomaaliya geedi socodka horumarinta nidaamka dowladdeed. Turkiga waxay ka mid ahayd maamulladii ugu horreeyay ee shisheeye ee dib u soo ceshaday xiriirkii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ka dib dagaalkii sokeeye.

Agoosto 20, 2012, oo markii ugu horreysay Soomaaliya yeelatay dowladd dhexe tan iyo burburkii dowladda dhexe ee Maxamed Siyaad Barre. Bishii xigtay, madaxweynaha aan shacabka soo dooranin ee mudane Xasan Sheekh Maxamuud (4.5) ayuu baarlamaanka u doortay inuu noqdo Madaxweynihii ugu horreeyay ee dowladda cusub. Doorashadan ayaa waxaa soo dhoweeyay mas’uuliyiinta Turkiga, kuwaasoo dib u xaqiijiyay in Turkiga uu sii wadayo taageerada uu siiyo dowladda Soomaaliya, madax-banaanideeda dhuleed.

Bishii Janaayo 2015, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamuud iyo Madaxweynaha Turkiga Erdoğan ayaa sidoo kale daah furay mashaariic horumarineed oo ay Turkigu ka hirgeliyeen magaalada Muqdisho.

Iskaashiga horumarineed ee Turkiga iyo Soomaaliya

Iskaashiga horumarinta ee Soomaaliya iyo Turkiga waa mid dhinacyo badan leh, waxaana ka mid ah iskaashiga milatari, bulsho, dhaqaale iyo kaabayaal kale.

Intii lagu jiray abaartii 2011, Turkigu waxa uu ku deeqay in ka badan 201 milyan oo doolar dadaallada gargaarka bini’aadantinimo ee qaybaha ay saameeyeen Soomaaliya. Iyaga oo kaashanaya dowladda Soomaaliya, mas’uuliyiinta Turkiga ayaa sidoo kale Soomaaliya ka bilaabay mashaariic kala duwan oo dhanka horumarinta iyo kaabayaasha dhaqaalaha ah. Waxay gacan ka geysteen dhismaha dhowr isbitaal, waxayna gacan ka geysteen dib-u-habaynta iyo dayactirka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde iyo xarunta golaha shacabka.

Diyaaradda Turkish Airlines ayaa noqotay diyaaraddii ugu horreysay ee duulimaad caalami ah muddo labaatan sano ah ka dib duulimaadyadii ay ku tagi jirtay kana soo degi lahayd garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho. Bishii Sebteembar 2013, shirkadda Turkiga ah ee Favori LLC ayaa sidoo kale ka shaqo bilowday garoonka. Shirkaddu waxay ku dhawaaqday inay qorshaynayso dib u cusboonaysiinta dhismaha duulista oo ay ku dhisayso mid cusub, iyo sidoo kale hagaajinta qaab-dhismeedka adeegyada kale ee casriga ah. Mashruucaan ku kacaya 10 milyan oo dollar, waxa uu kordhin doonaa awoodda garoonka Aadan Cadde.

Bishii Maay 2013, waxaa magaalada Istanbul ka furmay shirkii 1-aad ee ganacsiga Turkiga iyo Soomaaliya kaasoo lagu muujinayo fursadaha ganacsi ee ka jira Soomaaliya iyo Turkiga. Munaasabadan oo ay soo qaban qaabiyeen golaha shacabka Soomaaliyeed oo ay weheliyaan wasaaradaha dowladda Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa lagu falanqeeyay doodo ku saabsan ganacsiyada ka jira labada dal iyo sidoo kale shirar ganacsi oo dhex maray shirkadaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Bishii Janaayo 2015, madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud iyo Erdoğan waxay si isku mid ah u daah-fureen dhowr mashruuc oo horumarineed oo Turkigu ka dhisay Soomaaliya, oo uu ku jiro Isbitaalka Digfeer ee caasimadda waxaana loo beddelay cisbitaalka Erdoğan iyadoo lagu sharfay Erdoğan. Isbitaalka Digfeer waxaa la dhisay 1960-meeyadii, iyadoo ay dhismihiisa dhiseen injineero Talyaani ah, laguna dhisay mashruuca loogu magac daray (Cooperativa Architetti e Ingegneri, Reggio Emilia). Magaca wuxuu ka yimid shirkadda dhismaha ee Talyaaniga ee DigFer (Degola iyo Ferretti) waqtigaasi ay magaca ka bedelayeen waxay ahayd xarun taariikhi ah oo muhiim u ah caasimadda Soomaaliya. Ka dib bilawgii dagaalka sokeeye horraantii 1990-meeyadii, cisbitaalka ayaa dhowrmar la xiray qarashaadka awgeed.

Cisbitaalka cusub ee Soomaaliya iyo Turkiga oo ka kooban 200 oo sariirood ayaa waxaa dhistay hay’adda horumarinta caalamiga ah ee Turkiga ee TIKA, iyadoo la raacayo heshiis laba geesood ah oo ay horey u wada gaareen Soomaaliya iyo Turkiga. Waxa ay haysataa $135.7 milyan oo miisaaniyad hawleed ah, $85.6 milyan oo ka mid ah waxa loo qorsheeyay in ay daboolaan masuuliyiinta Turkiga shanta sano ee soo socota. 13,500 mitir oo laba jibbaaran oo gudaha ah waxaa ka mid ah 20 incubators-ka ah, 14 dhallaanka sariiraha daryeelka degdega ah, 12 sariirood oo daryeelka degdega ah, 4 qolal qalliin, qolka dhalmada, iyo qaybaha shaybaadhka iyo raajooyinka, oo leh qalliin guud, qalliin neerfayaasha, qalliin caag ah, carruur, umusha, kaadi mareenka , daawooyinka gudaha, suuxinta, ilkaha iyo qaybaha indhaha. Sida la balan qaaday waxaa ka hawlgeli doona 91 Soomaali ah iyo 52 Turki ah oo isugu jira maamulka isbitaalka, dhaqaatiirta madaxa, agaasimeyaal maamul ama agaasime maaliyadeed, iyo 40 askari oo Soomaali ah iyo 5 Turki ah. Ilaa 36 kaaliye oo Soomaali ah ayaa sidoo kale loo qorsheeyay inay ka qaybgalaan barnaamijka tababarka sanadlaha ah ee xarunta.

Intaa waxaa dheer, Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud iyo Erdogaan waxay xariga ka jareen Terminal cusub oo laga hirgeliyay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde. Xarunta waxaa dhisay Kozuva, oo ah shirkad dhisme oo Turki ah oo gaar loo leeyahay. Labada dhinac ayaa sidoo kale ku heshiiyay in la dejiyo qorshaha magaalada Muqdisho, iyadoo la qorsheynayo in la dhiso guryo cusub. Wajiga hore ee dhismaha waxa uu beegsan doonaa 10,000 oo guri, kuwaas oo Erdoğan uu soo jeediyay in lagu dhameeyo 12 ilaa 24 bilood gudahood.

Bishii Janaayo 2020, dowladda Turkiga ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ku casuuntay Turkiga si ay shidaal uga baaraan baddeeda.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Xul