Siyaasadda Soomaaliya
Xisbiga Qaransoor ayaa war saxafadeed kasoo saaray dagaalka Baydhabo
War saxafadeed ay uu soo saartay Xisbiga Qaransoor ayaa lagu sheegay in waxwalbo wadahadal lagu dhammeeyo si shacabka loo badbaadiyo.

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in dagaal xooggan uu shalay ka bilowday gudaha magaalada, dagaalkan ayaa u dhaxeeyo ciidan ka amar qaata Maamulka Koofur Galbeed iyo maleeshiyo beeleed ka amar qaata qaar kamid ah musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha maamulkaas.
War saxafadeed ay soo saartay Xisbiga Qaransoor ayaa lagu sheegay in waxwalbo wadahadal lagu dhammeeyo.
Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa jiray khilaaf xoogan oo u dhaxeeyay Maamulka Koofur Galbeed iyo mucaaradka kasoo horjeeda, wuxuuna salka ku hayaa muddo kordhin muransanayaasha Baarlamaanka Koofur Galbeed ay saddex sano kahor madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ugu kordhiyey hal sano muddo xileedkiisa, kaas oo dhammaanaya 19 Diseember, 2023.
Laakiin mucaaradka ayaa ku gacan-seyray kordhinta muddoo xileedka madaxweynaya.
War saxafadeedka uu soo saaray xisbiga ayaa lagu yiri ‘Xisbiga Qaransoor wuxuu si dhaw ula socdaa khilaafka doorashada ee u dhexeeya Maamulka KG Soomaaliya iyo mucaaradka xildoonka ah. Xisbiga wuxuu dhinacyada isku haaya magaaladda Baydhabo ugu baaqayaa in Nabad iyo wadahadal lagu dhammeeyo xaaladda amni darrada ah ee magaalada kusoo cusboonaatay. Xisbiga Qaransoor wuxuu dhinacyada ugu baaqaya in laga fogaado ficil kastoo dhaawici kara Nabadda iyo Xasilloonnida shacabka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Xisbiga Qaransoor Golahiisa Fulinta isagoo tixgelinaya muddo xilleedka dhammaaday, wuxu soo jeedinaya:
1. In guddida doorashada wada hadal la yeeshaan xisbiyada mucaaradka oo ay ka heshiiyaan wakhtiga ugu macquulsan ee doorashada lagu qaban karo.
2. In madaxweynaha talada haayo uu ka fogaado waxkasta oo doorashada la xiriira, go’aankana ha u daayo guddiyada masuulka ka ah arrimaha doorashada ee maamulka.
3. In mucaaradka xilaldoonka ah sidoo kale ka fogadaan tallaabo kastoo shacab-kicin ah taaso carqaladayn karta Nabadda iyo Xasilloonnida shacabka.
4. In shacbku u hogaansamaan tallooyinka laamaha amniga iyo guud ahaan ficilkasta oo gacan ka hadalka garabsiin kara.
Ugu danbeyn, Xisbiga Qaransoor wuxu xusuusinaya dhinacyada in wadahadal kaliya xal ku imaan karo. Dhinac kasta, wakhtigan la joogo Nabad iyo Horumar ayaa loogu baahi badanyahay oo kaliya, isu-tanaasulkuna waa laf-dhabarka xasilloonida shacabka.
Siyaasadda Soomaaliya
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo bisha soo socota ka qaadi doona cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya
Cunaqabataynta hubka Soomaaliya ayaa saarnayd tan iyo 1992 kadib markii Soomaaliya ay gashay fowdo iyo dagaallo sokeeye.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay in golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay laga qaadi doono cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya bisha soo socota.
Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud ayaa u sheegay xildhibaanada in dowladiisa ay ka go’an tahay inay ku guulaysato shan hadaf oo qaran oo kamid ahayd olallalihiisa doorashada dalka.
“Waxaan sanadkan yeelanay shan bartilmaameed oo qaran oo ay ku jiraan inaan dalka ka xoreyno al-Shabaab, qaadista cunaqabateynta hubka, gelitaanka bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo deyn cafinta iyo cunaqabateynta hubka ayaa la qaadi doonaa horaanta bisha soo socota,” ayuu Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud u sheegay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.
Axdiga Qarammada Midoobay waxa uu u ballan qaadayaa waddamada inay ilaaliyaan nabadda iyo ammaanka caalamiga ah, isla markaana si wada jir ah looga hortago loogana saaro khataraha nabadda. Si loo xaddido fiditaanka hubka sharci darrada ah, ku dhawaad 200 oo dal ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa isku raacay in la fuliyo tallaabooyin kala duwan, in laga ‘hortago, lala dagaalamo oo la ciribtiro’ waxyeelada hubka fudud ee aduunka oo dhan.
Khubarada ayaa sheegay in qaadista cunaqabateynta hubka iyo saameynteeda ay u badan tahay inay ka sumcad badnaan doonto wax kasta.
Cumar Maxamuud, oo ah falanqeeye sare oo kooxda xasaradaha caalamiga ah u qaabilsan bariga Afrika, ayaa wakaaladda Anadolu u sheegay in hadalka madaxweynaha ee ku saabsan cunaqabateynta hubka uu muujinayo kalsoonida beesha caalamka ee Soomaaliya.
“Waxay muujinaysaa kalsoonida caalamiga ah ee ku aaddan horumarka dowladda Soomaaliya ee dhanka maamulka hubka iyo rasaasta ee heer farsamo, laakiin isla markaana dagaalka lagula jiro Al-Shabaab ayaa calaamadeeyay sababo dhowr ah oo aan la xiriirin hubka,” ayuu yiri.
Golaha Ammaanku waxay kordhiyeen cunaqabataynta ilaa 15-ka Nofeembar, 2023, iyagoo sabab uga dhigaya khatarta joogtada ah ee kooxda argagixisada ah ee al-Shabaab ee nabadda iyo xasiloonida gobolka.
Xayiraadda hubka ayaa soo jirtay tan iyo 1992-kii si loo gooyo qulqulka hubka ee dalkaasi ka dib markii uu galay dagaal sokeeye.
“Qaramada Midoobay cunaqabataynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya waxa ay keenaysaa faa’iidooyin la taaban karo, oo ay ka mid yihiin xasilloonida soo hagaagtay, awoodaha la dagaallanka argagixisada, iyo Soomaaliya oo xasiloon, nabad ah taas oo noqon doonta jawi wanaagsan oo dib u dhiska iyo hawlaha bani’aadanimo ee dalka,” Maxamed Xuseen Gaas, agaasimaha Machadka Cilmi-baarista Raad Peace ee Muqdisho, ayuu u sheegay Anadolu.
Waxa uu sheegay in ay noqon doonto tallaabo muhiim ah oo Soomaaliya ay dib ugu soo ceshaneyso madax banaanideeda iyo “kor u qaadida xiriir diblomaasiyadeed oo wanaagsan oo adag.
“Intaa waxaa dheer, Soomaaliya oo ammaan ah waxay noqon doontaa meel soo jiidasho leh oo laga helo maalgashi shisheeye, horumarinta dhaqaalaha iyo dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha. Tallaabooyinka amniga ee dowladdu ay xoojisay kuma koobna oo kaliya inay sare u qaaddo sharcinimada balse waxay sidoo kale gacan ka geysaneysaa hagaajinta maamulka iyo sareynta sharciga,” ayuu raaciyay.
“In Soomaaliya cunaqabeynta hubka laga qaado waa GUUL WEYN, dhinaca kale dhibkeeda ayay leedahay haddii aan hubka loo maamulin si masuuliyadnimo ku jirto” – ayuu yiri Cabdijabaar Sh. Axmed oo wax ka dhiga Jaamacadda Ramaas.
Wuxuu raaciyey “Inkastoo Soomaaliya laga qaaday cunaqabateynta hubka haddana dalkeena wuxuu u baahan yahay nidaam iyo sharciyo lagu kala yareynaayo hub-qaadashada, iyadoo taariikhda dalka uu soo maray dib loo daraasaynaayo. Si dambiyada bulshada dhexdeeda u yaradaan. Dalkeena wuxuu u baahan yahay dad masuuliyiin ah oo lagu aamino hubka iyo lana yareeyo ama la joojiyo hub-qaadashada shacabka.”
Akhri
Raxmo-yarey yaa uureeyay?
“Gabarnimadeeydii adaa ku dheeshay, nin kale oo sidan igu rabana ma leh, ee waa ku aamminaa, yaa?”

Qolalka fadhiga waxaa goglan furshaan iyo barkimooyin debecsan, halkaas ayaana hurdo iyo soojeedba lagu danaystaa. Dhawr nin oo isyaqaan ayaa joogto ku ah, laakiin dumarka maalin maalin ayaa loo beddelaa. Ta keliya ee ku raagtay waa Raxmo-Yarey oo adeegto ku magacaaban si walba se looga muraadsaday.
Fillada cad macaamiishu rag iyo dumarba aad ayay u jecel yihiin. Waxaana u badan rag ka tirsan xafiiska Villada ee maamulka Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud. Waa guriga mooshinada lala damacsan yahay madaxweyne Xassan iyo ra’isul wasaarada Xamse loogu hortago. Waxay ku dhex taal xaafad u dhow xafiiska loogu arrimiyo dalka, ahna meel deggan kana durugsan indhaha foqorada ee xaasidka ah ee maamulka neceb. Waxay ula baxeen Fillo Adduun. Fureheeda dhawr nin oo isku kalsoon baa haysta. Waa lagu wada danaystaa laguna ka la danaystaa. Kharashka tumashada la isku ma riixriixo ee hadba ninka ay gacantiisu jeebka u horrayso ayaa bixiya. Khamri, qaad, heeso, cunto iyo galmo ayaa lagaga haqab la yahay. Dumarka meesha lagu quutaa waxay u badan yihiin gabdho aad u yaryar oo dhaylo loola baxay oo faqrigu ka hiiliyay. Waxay sheegtaan rag Ilaahay wax siiyay, balaayo ayaa se wax siisay.
Gabdhaha qaarkood ee Fillada cad yimaada waa kuwa jirkooda ku bedeshay shaqo inay xafiisyada dowladda ee maamulka ka helaan daruuftana ay ka hiilisey. Fillo Adduun waxaa ku meegaaran derbi saddex mitir dhulka ka kacsan, waxayna lee dahay beer qurux badan oo dhir, doog iyo ubax ah. Ganjeelo cas oo bir ah ayaa laga soo galaa, dabadeed wadiiqo jay ah la raacaa ilaa albaabka looxa ah ee guriga la gaadho. Wuxuu ka kooban yahay kijo weyn, laba musqulood oo qubays leh, fadhi weyn, qol cunto iyo shan qol oo kale.
Raxmo waxay ugu dambaysay gabdho badan oo adeegto ka soo noqday Filla Adduun, kuwaas oo ay mid waliba maalmo yar gudahood shaqada ka cararaan. Dhammaan waxay ka argaggaxeen xayodarrada meesha ka socota, iyo isla markaas ragga aan xishoodka aqoon ee Cabdulle iyo Qorane ugu horreeyo, kuwaas oo inta ay kijada ugu galaan kor iyo hoos meesha ay gacantoodu gaadhi kartaba gaadhsiiya, wax aanay u soo shaqo teginna ka qalqaashada. La ma tirin karo inta gabdhood ee sababtaas shaqada kaga tagtay. Laakiin Raxmo waa ay ugu miskiinsanayd ama ugu dulqaad badnayd.
Da’deedu waxay ahayd toddoba iyo toban jir, laakiin ka ma ay dheerayn mitir iyo afartan, culayskeeduna afartan wuu ka hooseeyay. Waxay ku dhalatay Afgooye, waxayna kasoo jeedaa qabiilada lagu sheego .5 (4.5 qabiilada laga tirada badan yahay oo dowladnimada soomaaliya xaqirtay) waxay kas iyada oo sagaal jir ah markii ay hooyadeed dhimatay ayuu aabbaheed Xamar ku guursaday naag kale oo Raxmo aad ugu darrayd. Nolol silic leh oo guriga aabbaheed ee aan laga jeclayn iyo ka habaryarteed ee faqiirka ah u dhaxaysa ayay ku soo kortay. Weligeed dugsi ma ay dhigan, iyada oo kow iyo toban jir ah ayayna markii ugu horreysay adeegto noqotay taas oo ay habaryarteed u soo heshay. Markaa ka dib dad ka la duwan ayay xirfaddaa ugu soo adeegtay, kuwaas oo ay qaarkood ka soo martay waayo’aragnimo xun.
Qurux lagu ammaano ma leh, laakiin dadkeeda waa ay iskaga dhex jirtaa. Gaabnaanta iyo lafo yaraanta dartood jeer wejigeeda la arko waxay u eg tahay ilmo yar. Waxay nolosha kaga riyootaa oo keliya nin jeclaada oo guursada kana saara adeegtonimada. Laakiin nin gol qabateeya mooyee mid guur ka la hadla waxaa ka jiray oday lixdan jir ah, kaas oo ay qoyskiisa beri adeegto u ahayd. Isagana shaqadiiba waa ay uga carartay iyada oo leh: “Duqaan quxuubka ah fiiri! Aniga qof oo isnacday maas ii malaynaa?”
Guriga waxa ka dhaca iyo dadka isku roorsada iyadu ma jecla laakiin dan ka ma gasho. Iyada oo heeso hindi ah iyo kuwo banaadiri ah marba mid qaadaysa ayay shaqadeeda si daacad ah u gudataa, taas oo ka kooban cunto kariska, nadaafadda iyo u adeegga dadka halkaa ku laacdama. Habeenka ay shaqada ku daahdo ama aad u daallan tahay waxay isaga hoyataa qolkaa kijada ku xiga oo ay kuwii iyada ka horreeyayna seexan jireen. Hawsha gurigu ha iska dhib badnaato, jawigana ha ku diiqadooto, laakiin dhaqaale ahaan raalli ayay ka tahay oo mushaharkeedu adeegto ku ma xuma, dadka guriga ku tuntana dhacdhac ayay ka heshaa. Iyaguna Raxmo-Yarey ayay u la baxeen oo waxay ku jecel yihiin daacadnimada iyo dhego nugaylka.
Maanta martidu waa ay badnayd, hawshuna waa ay cuslayd. Saqdhexe ayay Raxmo iyada oo aan daal isqaadi karin furaashkii qolkeeda dhulka yaallay isku tuurtay. Iyada oo aan dhinaceedu gogosha gaadhin ayay gama’day. Laakiin dadkii iyagu weli waa ay bulaamayaan oo cawayskooda fari ka ma qodna. Goor dambe iyada oo hurdo mayd uga dhow, ilayskuna u dansan yahay, ayay ku toostay gacmo waaweyn oo jidhkeedii yaraa dhan walba u xulaya, timo qodxo la moodo oo dhabanka ka mudmudaya iyo neef ay sigaar iyo khamri ka buuxaan.
“Yaa waaye?… Yaa waaye?…” ayay ku qaylisay iyada oo argaggaxsan.
“Usuus! Raxmo, waa Qorane ee aamus!”
“Adiga ma waalatay, Qorane? I dhaaf, i dhaaf, iga kac aniga gurigaaga haddaan kaaga baxaaye…”
“Ramxo, miskiinnimada iska daa, kaniba waa gurigaagii ee xaggee baad ka aadaysaa”, ayuu ku yidhi, isaga oo isla markaa yartii sidii libaax sagaaro qabtay laabta gashaday dharkii yaraana midba dhan uga tuuray.
“I dhaaf aniga, i sii daa aan ku dhahay. Iga kac! Waa i xoogee miyaa? Alla aaboow!…”
Iyada oo sidaas u cataabaysa ayuu ka dan dhammaystay. Kuwii kale markaas waa ay wada hurdeen, haddii se ay qaylada iyo baroorta Raxmo ku toosi lahaayeen sakhrad iyo qaaddiro ayay la daateen oo dadka xabaalaha ku jira ka ma duwana.
Markaa ka dib wuxuu bilaabay in uu maslaxo oo ku yidhaahdo: “Raxmo, maxaad la ooyaysaa, wax naag lagu sameeyo wax ka badan miyaan kugu sameeyay? Waan ku jecel ahay, haddii aad rabtidna waan ku aroosaa, gurigan aad ka shaqaysana adiga ayaa yeelanaya.”
“Arooskaagana ma rabee i dhaaf aniga”, ayay tidhi oo sii ooyday. Raxmo-Yarey caawa ayaandarro u dhimani ma jirto. Nolosheeda wax qiimo u leh oo ay ilaashato waxaa ka jiray gabadhnimadeeda oo ay aad ugu soo faro adaygtay, cadaw badanna ka soo badbaadisay, tiina waa taa caawa balaayo hurdada ku miratay. Habaryarteed iyo aabbaheed haddii ay u dacwooto maxay u qaban karaan? Muraayada yar ee ka burburtay miyaa ay u soo kabkabi karaan? Dawlad loo dacwoodaa ma jirtaa? Oo dawlad aan Negeeye ahaynba ma iyadaa taqaan. Ilaahayoow aniga sidee yeelaa? ayay ku calaacalaysaa. In ay mustaqbal la’aan tahay, cid wax dambe ku falaysaana jirin, ayay hubtaa. Qalanjadii hindiga ahayd ee webiga isku ridday ayay soo xasuusatay. Anigana in webi isku rida waaye, nolol maa ii hartay? ayay ku fekeraysaa.
Aroortii xigtay dadkii qolka cuntada u soo quraac doontay waa ay ku hungoobeen. Raxmo-Yarey sidii xalay ayay sariirta uga ooyaysaa. Qorane ayaa iyada oo halkii duuban u soo galay, oo inta uu sariirta dacal kaga fadhiistay mar kale sabaalin u galay.
“Raxmo, sidaas ayaad ii neceb tahay miyaa? Qoftaadii jacaylkeedu iga batay, ee aan rabay in aan arooso, ee aan iyada darteed naagihii kale oo dhan u la hadli waayay, miyaa sidaas ii neceb?”
“Jeceelkaagana ma aqaane ammaan lee aan kaa helo. Jeceel ku lahaa! Xoog maa jeceel eh?”
“Raalli ahow, Raxmo. Ii sheeg abbaayo wax aan kuu qabto. Maxaan kuu soo gadaa? Waxaad rabto maanta afkaaga ka sheego.”
“Waxaan kaa rabo ma leh ee mar leh ammaan i sii.”
“Bes waaye, anigaa haddaba wax fiican kuu soo gadaya oo kaaga farxinaya, naag aan adiga ahayna ma guursanayo. Okeey?”
Maalintaas gelinkii dambe markii uu Qorane guriga ku soo noqday Raxmo-Yarey geed beerta ku yaal ayay hooskiisa fadhiday oo dhabanka iyo gacanta isku haysay. Taa wuu ku farxay, waayo awal wuxuu ka baqayay in ay aabbaheed iyo habaryarteed u cararto oo fadeexadayso. Maxay carartaa in ay nooshahayba ma iyadaa isu haysata. Wuxuu mar kale bilaabay in uu maslaxo, wuxuuna siiyay
iskujoog uu u soo iibiyay oo ka kooban garbosaar, guntiino iyo kabo.
Cabbaar kale ayuuna sii maslaxay.
“Wax ma ku warsan karaa?” ayay goor dambe u tidhi si lamafilaan ah.
“Haa, waad i warsan kartaa.”
“Waa ku aroosaa ma dhihinoo?”
“Haa, i ma rumaysnid miyaa?”
“Shimee hee?”
“Marka aan hawlo iga ka la daadsan isku hagaajisto.” “Habaryartay Iisho ma u sheegi karaa?”
“Raxmo, adiga maxaad dabbaal isaga dhegee? Dadka aan gabadhooda guursanayo in aan anigu u tago oo lacag u geeyo oo wayddiisto ma ahoo? Marka aan diyaar noqdo aniga ayaa si sharaf leh ugu tegaya ee adigu cidna ha la soo qaadin, yaa?”
“Gabarnimadeeydii adaa ku dheeshay, nin kale oo sidan igu rabana ma leh, ee waa ku aamminaa, yaa?”
“Bes waaye, i aammin, boqolkiiba boqol.”
Weli beerta ayay joogeene inta uu laabta ku qaatay ayuu sariirta qolkiisa la tegay, oo isaga oo in uu ninkeedii yahay ku sasabaya ka haqab beelay.
Maalintaas ka dib sidii ay xaas u tahay ayuu marka uu doono ku jimicsan jiray. Iyaduna far ma dhaqaajiso oo haddii ay diidi lahayd waxay ka baqday guurkii uu u ballan qaaday in uu kaga baxo. Ma ku rabee bax haddii i dhaho intee aadaa? Qof oon gabar eheen yaa rabo? Maya, ma ku dhahaayo. Ilaahoow ha i ceebeen! ayay mar kasta ku fekertaa. Sidaas ayay rajo ku nool u ahayd, markaa ka dibna shaqada guriga adeegto ahaan u ma gudato ee gurigeedii ayay ka dhigtay.
Qaybta ay jimanku ku xeroodaan in ay shaqo u tagto mooyee wax kale ku ma darsato, marka ay wax geynaysana albaabka ayay garaacdaa oo ka dhiibtaa. Wax walba se waa ay la socotaa oo marar badan ayay indhaheedu la kulmeen rag iyo dumar candhooyin qaawan isla dhex fadhiya oo Negeeye ka mid yahay, dabadeed yaxyax dib u la carartay.
Waa ay ka masayrtaa naagaha uu Negeeye wadwado, marka ay isaga ka la hadashana sidii qof dhaandhaamad ah ayuu ugu sheegaa in ay wada qayilaan keliya ee aan wax kale ka dhexayn. Iyadu runta waa ay og tahay ee in ay ku qayliso ama canaanato ayaanay ku dhicin. In uu ku xanaaqo dabadeed guriga ka eryo guurkana kaga baxo ayaa wax walba kaga daran.
Waa ay la yaabban tahay dadkan aan isqabin ee habeen iyo maalin sidaas isu dhex fadhiya. Dadkaan yaab waaye! Noloshooda dhan saan miyaa? Dad oo waaweyn waayee ma isku sheexaanoo? Jaad leh cunoowyiin, beesadooda wax kale ma ku gataanoo? Heesahooda dhanna af baadiye waaye oo wax ma laga fahmooyo. Kan oo Cabdulle la dhahaayo aaba iigu daran. Faras aa tahay ku ma lahoo! Faras Alle kaa dhig, ree baadiye waaxid! Qof dhan oo bani’aadan eh aas faras ku sheegaa! Waxay ujeeddaa Cabdulle oo isaga oo doonaya in uu ammaano maalin ku yidhi: “Waxaad tahay faras.”
Qorane marmar ayuu Raxmo isku maaweeliyaa ama marka aanu wax dhaamo haysan ayuu naf ka dhigtaa ee macne kale uguma fadhido. Laakiin iyadu waa ay isu dhiibtay oo marka uu waqtigu sii durkaba rajada guurka ayaa u soo durkaysa. Maalin iyada oo qado karinaysa ayay madax wareer iska dareentay, haddana yalaalugo, ka dib hunqaaco ka wareegtay. Waxay yeelatay uur. Iyada oo welwel iyo baqdin la kurbanaysa, dhanka kalena rajaynaysa xaaladda cusubi in ay guurka u soo dedejiso, ayay arrinta Negeeye u sheegtay. Isaguna shiddaba isma uu gelin ee wuxuu bishaaro uga dhigay:
“Waxba ma aha, berri ayaan dhakhtar kuu geynayaa oo lagaa soo tuurayaa.”
“Lagaa soo tuuraa? Maxaa jira, ilmaheennii maa hinoo maxaan isaga tuureeynaa? Hore lee maan iska aroosno?”
“Maya, Raxmo, hadhow labaatan ilmood haddii aad rabtid dhal, laakiin hadda inaga dhaaf. In aan diyaar garoobo oo aroos fiican oo la isu sheego inoo dhigo ayaan rabaa.” “Bes waaye, waa ku aamminaa.”
Subax subaxyaasha kamid ah ayay Raxmo-yarey soo gashay shaqadeedii Fillo Adduun oo ay ku horreysay markii ay ganjeelada garaacday waxaa ka furay laba nin oo aanay weligeed hore u arag. Waxay malaysay in ay yihiin madaxdii uu Qorane xalay sheegayay ama waardiyahoodii.
“Haye, yaad rabtay?” ayay wayddiiyeen.
“Guriganaan degganahee, Qorane weli madaxdii maas la joogto?”
“Madax maxay ah?”
“Qorane ma joogoo?”
“Qorane ma joogo, gurigana waa laga gataye, adigu tumaad tahay?”
“Waa laga gatay? Yaa ka gatayna? Isagii aaway?”
“Annaga ayaa ka gadannay, isaguna meel uu jiro ma naqaane, adigu tumaad tahay?”
Raxmo in kasta oo xaaladda loo sharxay haddana waa ay fahmi wayday. Habeenkii ay gabadhnimadeeda wayday si aan ka yarayn ayay u naxday. Markaas ayay isku soo daysay gurigan Cabdulle oo ay taqaannay. Isaga oo sidii sariirta u daadsan ayay wayddiisay:
“Cabdulle, abboo Qorane ma aragtay?” “Qorane ma arage, waan jirranahaye iga bax.” “Gurigii waas gadaa la dhehee run miyaa?” “War u ma hayo.”
“Afkana maxaa kaaga dhacay? As maa isdagaasheen?”
“Isaga ayaanu isdagaallay, haddii aad aragtidna xabbad baan ku dhufanayaa ee u sheeg.”
Hadalkaas wuxuu uga dan lahaa in aanay Raxmo mar dambe ku soo noqon oo Qorane wayddiin, iyadu se waa ay rumaysatay oo iskaga tagtay. Dhawr cisho ayay ku qaadatay in ay fahamto xiriirkii iyada iyo Qorane in uu ahaa ruwaayad ay iyada qudheedu qalanjo ayaandaran ka ahayd. Waxay ka fekertay in ay Afgooye aaddo oo Webi Shabeelle isku riddo, sidii ay hindiyaddii filinka ka aragtay.
____
Sheekadan waxaa laga soo dhan-balay buugga Aanadii Nageeye ee uu qoray Ibraahin Yuusuf Axmed Hawd sheekadani inay xittaa waaqiga maanta ee dalkeena ay taabanayso, horeyna dhowr gabdhood oo aan aqaano ayaa iigaga sheekeyey waxyaabaha ay kala kulmeen wasaaradaha dowladda iyagoo shaqo raadis ah.
Siyaasadda Soomaaliya
Saboolnimo Hoggaamineed
Saboolnimada mar la ammaanay lama sheegin. Daawo waa loo helaa markay gasho dakhliga iyo faa’iidada la filayo.

Hodantinnimo waa fiinta ugu saraysa ee hanaqaadka qofeed iyo kan qaran labadaba. Bulshaduna waxay baraare ku naalootaa kolkuu bislaado garaad wadareedkeeda. Haddiise uu kala dhantaalmo hanka ummadda iyo hab fakarka hogaankooda, waxaa dhexdooda fariista qabjab, waxayna qarka u fuulaan iney wax kasta iska mala awaalaan, waxayna la guurguuraan dareenka ay ka helaan wareerka sida qorshaysan amaba fawdada ah loogu soo dhex tuuro marba marka ka dabeysa.
Saboolnimada mar la ammaanay lama sheegin. Daawo waa loo helaa markay gasho dakhliga iyo faa’iidada la filayo. Ummadaha haysta nolol maalmeedkooda waxay dajistaan sidii ay xitaa uga saari lahaayeen waxyaaba la fisho inuu kamid noqdo faqrigu. Waa tan dowladaha qaarkood haddeer meel usii dhigaan jiilal iman doona saddex boqol oo sano keddib dhaqaalihii ay ku deeqtoomi lahaayeen.
Farqi aad u weyn baa u dhaxeeya baahiyaha ay bulshooyinku qabaan. Qaar quutul yoonka bey xal u raadiyaan, qaarna horumar sidii lagu gaari lahaa bey ka fekiraan. Soomaalidu tan hore bey la tacaalayaan, waxaase kasii xanuun badan haddii ay saboolnimada gasho maankii la rabay inuu dajiyo siyaasaddii dalka iyo dadka ay hodantinnimo ku gaari lahaayeen.
Hogaamiyuhu waa inuu lahaadaa fogaan arag xadkeedu yahay inta hankiisu le’eg yahay, waana iney jiraan qorshe hawleed la fulinayo, dadkuna wada arkayaan, kana rajo qabaan in la gaari doono hankaas.
AABBE KAALAY ARAG WAXAY IGU HAYSAY BEY ISKU HAYSAAYE
Dad badan oo Soomaaliyeed baa rumaystay in dowladdii hore ee Madaxweyne Farmaajo ay masuul ka ahayd dib u dhicii doorashada dalka oo si xad dhaaf ah u jiitantay. Dad badan wey xusuustaan in Madaxweynaha khudbad dheer ka jeediyey xaaladdaas, oo si qayaxan farta ugu fiiqay in Madaxweynaha Puntland isagoo fulinayo ajande shisheeye uu mar walba dib u dhigayey doorashada. Ilaahay mahaddiis bacda tacab washidda wey hirgashay doorashadii.
Xaaladda ka taagan Puntland cid walba wey aragtaa, hal qof oo kamid ah hoggaanka siyaasadda ama dhaqanka oo garan kara mustaqbalka soo muuqda ee maamulkaas majiro, waxay maraysaa mugdi iyo mala awaal, waana mid aysan mudneyn shacabka reer Puntland.
Waxaan ogahay qorshaha Madaxweyne Saciid Deni inuu yahay mid loo soo dhiibay oo uusan isagaba xitaa lahayn, waana isla qorshihii kaga fashilmay dhanka Dowladda Federaalka.
Qorshahaasi wuxuu yahay, in awoodda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya mar walba hoos loo dhigo, dalkana lagu baahiyo degenaasho la’aan joogta ah. Taasna waa istaraatiijiyad u muuqata dal Carbeed oo aaminay in horumarka iyo degenaashaha Soomaaliya khatar ku yahay jiritaankooda fog ee dhaqan dhaqaale.
Madaxweyne Deni, wuxuu doonayey in Muqdisho dunto, oo dowlad taag daran noqoto ugu yaraan, shir kastana caqabad hor leh ayuu keenayey. Waxaase nasiib darro ah maanta isagoo xilkii ugu sarreeyey Puntland wali ku fadhiyo, oo uusan haysanin cid kale oo eedda kula shirkowda, uuna fulinayo wax kasta oo uu maamulkii Madaxweyne Farmaajo ku eedeyn jiray. Halka su’aal ee ay tahay qof walba inuu is weydiiyo, haddii Madaweyne Deni shalay uu sharxay sababihii ay isku khilaafeen Madaxweyne Farmaajo, bal hanoo sharxo waxay maantana isugu dhaceen Madaxweyne Xasan Sheekh. Sow kuulama eka sheekadii ahayd ‘Aabe kaalay arag, waxay igu haysay bey isku haysaaye. Sow saboolnimo siyaasadeed maahan?’
Isimada iyo wax garadka Puntland haddaysan tallaabo degdeg ah oo wada jir ah qaadin, waxay soo baraarugi doonaan mar uu xalkii sii fogaaday. Haddaad moodaysaan dooddu iney tahay muran doorasho, ama muran siyaasadeed, xog badan baa idin ka maqan ee qorshuhu wuxuu yahay, Puntland iney daciifto ilaa ay dunto, si xeebeeheeda iyo khayraadkeeda looga saxiixdo guddoomiye degmo, oo aanan lahayn cid la xisaabtami karta. Waa sida haddeer Yaman ka socota. Gobol gobol iyo degmo degmo ayaa loo kala jaray oo mid walba maamul iyo ciidan u gaar ah baa loo sameeyey.
XABBADII XASAN SHEEKH IYO XALKII FARMAAJO
Taariikhda dhaw ee dunida casriga ah kuma xusna in Madaxweyne xilka ka dagay, oo waliba si dimuqraadi ah ku wareejiyey, inuu isku baddalo dagaal ooge qori sita oo jabhad furtay, oo ciidankii qaranka kala qaybiyey. Waa dhacdo ugub ah oo taariikhda dunida meel weyn uga qormi doonta.
Madaxweyne Xasan baa subax lagu baraarugay isagoo hub iyo ciidan uu hormuud u yahay oo guri Mirinaayo ku yaalla dagay oo leh, haddaysan doorasho waqtigeeda ku qabsoomin, waxaan ka door bidayaa in dalku dumo oo dowladdu burburto. Haddii hal maalin uu Farmaajo Villada kusii jiro, dadka ayaan qixinayaa, xabbaduna wey soconeysaa. Waliba, waa ficil uu ilaa haddeer ku faano Madaxweyne Xasan Sheekh. Sow lama wada xusuusto hadalkii ahaa Maxamedoow soobax!
Madaxweyne Sheekh Shariif wuxuu maalintaa go’aansaday inuusan sabab u noqon burbur dalka soo gaara, taladiisa ayuu dhiibtay, qorise xal kama raadinin, waayo aqoon buu u leeyahay dagaalka natiijadiisa.
Shacabka Soomaaliyeed waxaan hortooda dhigayaa hal su’aal. Haddii Madaxweyne Farmaajo isagana xukunka isku sii dhajin lahaa oo uu diidi lahaa inuu ka laabto go’aankii Baarlamaanka, ilaahay baan idin ku dhaarshayee maanta xaalka Soomaaliya sow kama sii liidateen siday tahay maanta xaaladda Suudaan? Waad xusuusataano, wuxuu yiri Farmaajo: Xamar barakac uma ogoli, qaxna uma ogoli, waa magaaladii aan ku dhashay. Muranka ka dhasha arrimaha doorashada in qori lala aado waa sunnada uu jideeyey Madaxweynaha haddeer talada haya, dalkana wey ku sii faaftay oo waaba looga wada daydaa.
Laba walba isa saarayoo, laba tagoog marna isma saarin. Maankayga waxaa gali la’ ‘ABKEY DOORASHO DAGAAL U RIDOOW DASTUUR MAW BADDALI RABAA?’ Sow saboolnimo siyaasadeed maahan?
CIMRI TAGAY CEEB HAKU SAGOOTIN
Mudane Cabdi Xaashi, Guddoomiyaha Aqalka Sare. Waxaa tahay hoggaamiyaha kaliya ee laba jeer oo isku xigta la doortay taariikhdeenna siyaasiga ah, mana filayo inaad mar saddexaad rabto amaba aadba heleyso. Haddaad shalay soo saartay warqad aad leedahay dalka lagama hirgalin karo doorasho aanan loo dhammayn. Haddaad shalay tiri, doorashada halagala soo heshiiyo Maamul Goboleedyada oo hay’adaha Federaalka halaga wareejiyo. Haddaad shalay kuraasta Somaliland buuq siyaasadeed jiitamay aad hormuud ka ahayd. Haddaad taariikhda kursi doonka ee dunida oo idil u tahay, qofkii koowaad ee awooddiisa inta isticmaalay isku saxiixay warqad aad kursi doorasho kaligaa isugu xirtay. Haddaad tahay Odayga ugu da’da weyn inta maanta talada qaranka haysa.
Farriintayda hal kalmad unbaan kuugu soo koobayaa. Dastuurka baddelkiisa oo ay Somaliland iyo Puntland aysan kamid ahayn, cimrigaaga siyaasadeed ceeb haku sagootin. Saboolnimo siyaasadeed yeysan kugu dhicin.
ASALBA XAAN KU HAYSTAY XILKA RA’IISUL WASAARENIMADA
Taariikh mucjiso ah baa waayadaan maqalnaa. Ra’iisal Wasaare Xamse baa saxiixay soo jeedintii uu xilkiisa ku waayi lahaa. Wallee tani deeqsinimo ka badan. Marnaba kuma ceebeynayo taas, waayo danta Madaxweynihiisa ayuu ka hormariyey dantiisa shakhsiga ah. Tan kale. Mudane Xamse, kolleyba xantiisa ma moogee, malaha markuu is qiimeeyey, waxaa usoo baxday (ASALBA XAAN KU HAYSTAY XILKA RA’IISUL WASAARENIMADA).
Tan saboonimo siyaasadeed kuma jirto, ee waxaa la dhahaa. SADAQO SIYAASADEED. Mudane Xamse ajar iyo xasanaad Allaha ka siiyo.
BAARLAMAANKII UGU DANBEEYEY SOOMAALIYA
Labada aqal ee Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare, waxaa horyaalla soo jeedinta wax ka baddalka dastuurka. Hadduu sida uu yahay ku meel maro, waxaa tirtirmaya shaqadii labada aqal ay lahaayeen 80% (boqolkiiba sideetan). Nin baa laga sheegay ‘biyo kulul iyo aniga sokor baa isku kaaya keentay.’ Haddii Golaha Shacabka uu ansixiyo wax ka baddalka dastuurka, wuxuu lumin doonaa sababta jiritaankiisa oo idil. Hadduusan xukuumad ansixineynin, hadduusan la xisaabtamaynin Raisal Wasaare iyo qorshe hawleedkiisa, awoodihii dalkana hal qof loo gacan galiyey saboolnimo sagxada ku dillaacday sow maahan?
MAXAA KU XIGA DASTUUR BADDALKA?
Qorsha dhigaalka Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuu yahay;
Koow: In la meel mariyo wax ka baddalka Dastuurka.
Labo: Inuu isagu magacowdo Madaxweyne ku-xigeenkiisa. Qof kaga habboon Xamse yaa meel ku og?
Saddex: In muddo xilikeedka uu shan sano yahay, haddeerna dhaqan gal noqonayo.
Afar: In dalka xaalad deg deg ah la galiyo.
Shan: In la xiro Baarlamaanka gabi ahaantiisa.
Lix: In Xeer Madaxweyne lagu soo saaro dib u dhigista dooradashooyinka dalka oo idil, ilaa iyo inta laga adkaanayo Al-Shabaab.
Qorshayaashaas, sidaas bey ugu diyaarsanyihiin, sidaas bayna isugu xigaan.
NACAB BAAD U GACAN GASHAY
Madaxweyne Xasan Sheekh aqoon durugsan baan u leeyahay. Wuu jeclaan lahaa, dalkoo dhisan oo horumarsan, oo uu isagu madax ka yahay.
Fariin qoraalkayga wuxuu yahay Madaxweynoow, ma ogtahay muddo-xileedkaagii labaad ee xukunka: Inaad kaligaa tahay? Inaad kaligii duul tahay? Inaad kaligii tashade tahay?
Labo kamid ah saddexdaas sifo, go’aan iyo garasho bey kaa tahay. Xikmad baa tiraahdaa ‘ninku markuu kaligii yahay, waa tol laawe’, ama waa tu kaloo aan si kas ah isku ilaawsiinayo haddeer. Ninku hadduu kaligii duul noqdo waa tabar laawe, ama waa tala laawe. Ninku markuu kaligii tashade gaaro kaa maarmay, kuumana baahni baa la yiraahdaa.
Saddexdaas waxaa ka dhalatay in Madaxweyne Xasan dunida hal dal saaxiib kala yahay. Dad iyo duunyana kala dhaqmo labadiisa moobil ee uu gacanta ku sito.
Tan sow saboolnimo siyaasadeed oo taam ah maahan?
DALKAAN CARBEED MUXUU SOOMAALIYA KA RABAA?
Waxaa jira dal Carbeed oo dowladii Madaxweyne Farmaajo col iyo cadaawo la ahayd, oo harsad iyo hoyaad nooga dhaartay. Saboolnimadayda siyaasadeed baa igu dhalisay inaan u maleeyo in qoladaasi ay dalka dano ka leeyihiin, laakiin aysan dowladda Farmaajo ka heleynin oo ay ka quusteen. Haddeer qofkii sidaydoo kale saboolnimu ka haysato qoladaas, hal su’aal ha is weydiiyo. Laga soo bilaabo Muuse Biixi ilaa Axmed Madoobe iyagay la jaal yihiin, bal sidaanna ila arag; Muuse iyo Deni waa col, Deni iyo Madoobe waa col, Xasan iyo Deni waa col, Muuse iyo Xasanna waa kala dan. Intoodaasna hal meel bey u arooraan. Bal adigu ii macnee. Wali maanan arag, dowladdaas oo xitaa halmar isku dayday iney laba kamid ah heshiiyaan. Hal tafsiir bey ii yeelatay. Waa casharadii laga dhaxlay xukunkii Tigreega ee ahaa, Soomaalida wada hayso, haddana kala hayso, iyagana kala haay.
MAJIRO NIN KU TAGAY TALO ISAGA KA TIMID
Xilligii Madaxweyne Xasan Sheekh uu macaaradka afmaalka ahaa, waxaa laga hayaa inuu yiri: Jeclaan lahaayaa inaa iska joogo. Madaxweynoow, dal mideysan oo doorasho midaysan qabtay baad ku guuleysatay inaad xilka kusoo laabato marka kale. Adigoon laba sano dhammaysan baad rabtaa inaad dalka jihadiisa baddasho, iyadoo aadan wada haynin intii Madaxweyne Farmaajo kaaga tagay.
Dadka waxbaad dheertahay, dalkana geeddi caano leh baad u waddaa. Haddaad inta baddasho Dastuurka aad ka dhaxasho dal iyo dad wada jira, waxaan kuu ballan qaadayaa inaan isku qiro damiinnimo siyaasadeed haddaan arko adigoo qibladii siyaasadda inta baddalay, Maandeeq lawada leeyahayna nabad lagu maalayo.
Jikaar kama wado, ee waxaan goobjoog u ahaa dhammaan shirarkii dowlad dhiska loo qabtay, marka laga reebo kii Carta. Sidoo kale, garaadkayga, baa wuxuu itusay, doorasho aan heshiis lagu ahayn ayaa la dhaqaajin waayey, dastuur baan rabaa inaan baddalo anoo kaligay ah, weyna ii hirgalaysaa, taasi intaan naqaanay wey dhaaftay, waana sababta aan isku dhiibayo hadday kuu fusho sidaas. Waxaanse isku hallaynayaa sooyaalka taariikhda ku xardhan, inaanan wali la arag, nin kursi ku fadhiya oo talo tiisa ah xukunka uga dagay. Marka tu kale unbaa iman doontee oo taada joojin doontee, armay ku habboontahay inaad tagtadii wax ka barto?
SIRTAAN FURAN KALIGAA HAYSO
Dowladdii Madaaxweyne Farmaajo ayaa Xukuumaddii Xasan Cali Khayre u gudbisay Golaha Shacabka sharcigii doorashada dalka. Jiitan dheer keddib, Guddoonkii Golaha Shacabka ayaa magacaabay guddi kasoo tala bixiyo sharcigaan. Jabuuti ayay u safreen, maalmo ayeyna u fadhiyeen.
Xildhibaan Nuux oo Habdhawraha Baarlamaanka ahaa baan wacay, oo aan ku iri xagay shaqadii idiin maraysaa? Wuxuu iigu jawaabay hadal aanan ilaawin, uuna diiday inuu ii fasiro, laakiin aan sifiican u fahmay. “Fahadoow, hal kalmad unbaan kuu sheegayaa. Sharcigaan siduu uga yimid Golaha Wasiirada in loo meel mariyo dalka oo dhan hal qof baa daacad ka ah oo raba, waana Madaxweyne Farmaajo.”
Haddeer, Madaxweyne Xasanoow wax ka baddalka Dastuurka kaligaa baa daacad ka ah oo daneynaya. Xildhibaan Nuux ha iga raali noqdo, haddaan xeerkii Saciid Deni kula dhaqmay.
ADIGOO WACAN IYO DALKOO WANAAGSAN
Mudane Madaxweyne, dardaarankaygu wuxuu yahay, geesinnimadaada iyo isku kalsoonidaada waxaad galisaa;
Kow: Sidaad dalka isugu hayn lahayd. Puntland iyo Somaliland oo maqan, Dastuur ah u dhawaan.
Labo: Dadka la tasho, oo ka bilow saaxiibadaadii kusoo dhistay ee dartaa dowladdii kaa horreysay eedo badan uga galay.
Sadex: Guushaada waa guul qaran oo waxaan diyaar u wada nahay inaan ku caawinno oo ku garab is taagno.
Afar: Waxaad ka heli lahayd Madaxweyne Ku Xigeen, haddaadba haysataa, oo waad ka nasiib badan tahay Madaxweynayaashii kaa horreeyey ee hor ilaahay u iimaanso Xamse oo Ra’iisul Wasaare kuu ah.
NABAD IYO NOLOL
Siyaasadda Soomaaliya
IMF oo Soomaaliya u oggolaatay $100 milyan, laakiin waa sidee tayada la dagaalanka masuqmaasuq ee hoggaanka Xassan Sh. Maxamuud (4.5)?
Hay’adda lacagta adduunka oo Soomaaliya u oggolaatay $100 milyan, sheegtayna in dowladdu waddo fulinta isbeddellada dhaqaale. Laakiin waa sidee tayada la dagaalanka masuqmaasuq ee hoggaanka Xassan Sh. Maxamuud?

Hay’adda Lacagta Adduunka ayaa sheegtay inay heshiis la gaartay dawladda Soomaaliya, kaas oo ah in dalka la siiyo gargaar lacageed, iyadoo la raacayo barnaamijka waddamada dakhligooda gudaha hooseeyo ee taageerada u baahan. War saxaafadeed ay shalay oo Arbaca ah soo saartay hay’adda ayey ku sheegtay in Soomaaliya ay sii waddo fulinta isbeddellada dhaqaalle ee xoojinaya hay’adaha dhaqaalaha iyo kuwa maaliyadda oo u gogol xaaraya in Soomaaliya ugu dambayn hanato in daynta laga cafiyo bisha Diisambar ee sannadkan 2023.
Hay’adda IMF iyo dawladda Soomaaliya ayaa ku heshiiyey in dalka lagu gargaaro muddo saddex sano ah kaalmo dhan 100 milyan oo doollar, iyadoo loo cuskanayo qorshaha waddamada dakhligoodu hooseeyo.
Hay’adda IMF waxay sheegtay in koox ka socota hay’adda oo ay hoggaaminayso Laura Jaramillo oo ka tirsan hay’adda, ay wadahadallo kula galeen mas’uuliyiinta Soomaaliya magaalada Nayroobi bishii Sebteember ee sanadkaan, halkaasna ay ku gaareen heshiiskan Soomaaliya u fasaxaya gargaarka dhan 100-ka milyan ee doollar. Waxay sheegtay in go’aankan ay tahay inay ansixiyaan guddiga maamulka hay’adda Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF.
“Soomaaliya waxay samaysay horumar la taaban karo sidii ay dib ugu dhisi lahayd hay’adaha dhaqaalaha iyo kuwa lacagta,” ayey tiri Jaramillo oo hoggaaminaysay kooxda IMF ee wadahadalka la gashay Soomaaliya.
“Iyadoo la raacayo barnaamijkan gargaarka ECF (dawladaha dakhligoodu hooseeyo) oo soo socday tan iyo sannadkii 2020-kii Soomaaliya waxay sii wadday fulinta isbeddellada xooggan ee gacanta ka gaysanaya xoojinta hay’adaha dhaqaale iyo maaliyadeed ee muhiimka ah,” ayey intaas ku dartay. Mas’uuliyiinta dawladda Soomaaliya ayaa sheegay inay ka rajo qabaan in Soomaaliya ay ku guulaysato in laga cafiyo qaanta lagu leeyahay oo dhan balaayiin doollar dhammaadka sannadkan.
Maamulada soomaaliya soo mara ayaa ah kuwa masuqmaasuqa uu u yahay dhaqan iska caadi ah oo ay la qabsadeen heer goobaha xafiiska dowladda ee dadweynaha ay iska noqdeen wax iska caadi ah shacabkuna uu la qabsaday. Warqad yar haddii aad xafiis dowladdeed aad ugu baahato waa inaad qidmad laaluush bixisaa shacabkuna waxay u arkaan wax iska caadi ah. Waxayse dad badan iswaydiinayaan dowladda Soomaaliya maxay dowlad u tahay haddii shacabkii ay dowladda u ahayd sidaas loolla dhaqmo?
Sanadkii 2024, hay’adda Transparency International waxay daabacday warbixin naxdin leh oo ku saabsan masuqmaasuqa baahsan ee ka dhex jiray dowladdii Xassan Sh. Maxamuud kaasoo ku yimid nidaamka 4.5, Soomaaliya waxa ka dhacay sumcad xumo weyn ayay ka dhigan tahay. Sababtoo ah dawladdan uu hoggaaminayay MD Xassan Sh. Maxamuud ayaa lagu sheegaa inay ahayd mid aad u masuqmaasuq badneyd. Dib u dhaca ku yimid kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarka dalka waxaa sabab u ah musuqmaasuqa dalka ka jira. Hadda markii uu soo noqday mudane Xassan Sh. Maxamuud oo noqday qofkii labo mar madaxweyne ka noqday Soomaaliya wuxuu baabi’iyey laba guddi oo muhiim u ahaa dowladnimada Soomaaliya, wuxuuna ku tilmaamay sharci darro. Labadaas guddi waxaa soo dhisay madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuuna ku tilmaamay mid sharci darro ah.
Qiimaynta musuq-maasuqa ee hay’adda Transparency International daabacday 2014-kii, tobanka waddan ee ugu musuq-maasuqa badan waxay kala ahaayeen Soomaaliya, Kuuriyada Waqooyi, Suudaan, Afghanistaan, Koonfurta Suudasn, Iraaq, Turkmenistaan, Uzbekistaan, Eriteriya, iyo Liibiya. Tani waxay ka dhigan tahay in Soomaaliya ay tahay dalka ugu musuq-maasuqa badan 2014-kii oo ay ku xigto Kuuriyada Woqooyi iyadoo qiimeyntu ay sidaas ku socotay. Sannadkaas, warbixintu waxay muujisay in Afrika ay weli taagan tahay heerka ugu sarreeya ee musuqmaasuqa.
Tobanka dal ee ugu horreeya musaqmaasuaqa adduunka shanta waddan ee ugu horreeya waa Afrikaan, Soomaaliya, Koonfurta Suudaan, Suudaan, Eriteriya, iyo Liibiya, waa dalal Afrikaan ah. Afrika waxay qabsatay 50% tobanka waddan ee ugu musuqmaasuqa badan sanadkaas.
Musuqmaasuqu waa arin qalafsan oo leh tiro badan oo go’aamiyeyaal iyo saamayn kuwaas oo inta badan ah macnaha guud iyo dalka gaarka ah (Claire 2010). Saamaynta musuqmaasuqa ee Afrika iyo qaybaha kale ee adduunka ayaa ah mid wax u dhimaya oo hub u ah horumarka qaranka.
Sannadkii 2013, natiijadii ay daabacday Transparency International waxay muujisay in Afrika ay weli la ildaran tahay khatarta dilaaga ah ee musuqmaasuqa. Sahankan ayaa leh tobanka dhul ee ugu musuqmaasuqa badan aduunka sida Soomaaliya, Kooriyada Waqooyi, Afganistaan, Suudaan, Koonfurta Suudaan, Liibiya, Iraaq, Turkmenistaan, Suuriya, iyo Uzbekistaan. Dhammaan dalalkaas, midkoodna ma helin wax ka sarreeya CPI (Index ka mid ah musuqmaasuqa) oo ah 17%.
Marka si dhab ah loo baaro natiijada 2013, waxay muujinaysaa in Afrika sanadkaas ku jirto heerka ugu sarreeya ee musuqmaasuqa. Soomaaliya, Suudaan, Koonfurta Suudaan, iyo Liibiya waa wadamo Afrikaan ah oo sannadkii 2013 ka galay tobanka waddan ee ugu musuq-maasuqa badan. Xisaab ahaan, natiijada waxay muujinaysaa in Afrika ay qabsatay 40% tobanka waddan ee ugu musuq-maasuqa badan sannadkii 2013.
Tusaale ahaan, Soomaaliya waxa ka dhacay sumcad xumo weyn ayay ka dhigan tahay, waa wakhtigii madaxweynaha 4.5 lagusoo doortay ee mudane Xassan Sheekh Maxamuud hoggaanka haayay, sababtoo ah dawladdan ayaa lagu sheegaa inay ahayd mid aad u masuqmaasuq badneyd. Xassan Sh. Maxamuud (4.5) inuu burburiyo Xubnaha Guddiga La-dagaalanka musuqmaasuqa, kuwaasi oo la dhisay xiligii madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo (4.5) waxay ina tusinaysaa in dowladnimada soomaaliya ay marwalbo hoos kasoo bilaabanayso oo aan meesheedii laga sii wadi karin. In la helo guddi la dagaalamo musuq-maasuqa waxay horseedi kartaa in lala dagaalamo musuq-maasuqa ka dhex jira dowladda Soomaaliya.
Sababaha keena musuqmaasuqa Soomaaliya
Musuqmaasuqa ka jira gudaha dowladnimada Soomaaliya waxay marka hore kasoo bilaabataa qaab-dhismeedka dowladda. Sida kale haddii aan u tilmaamo nidaamka uu ku imanaayo madaxweynaha iyo golahiisa wasiirada iyo xildhibaanada ayaa horseedaayo masuqmaasuq toos ah, wuxuuna leeyahay sababo badan oo horseedi kara masuqmaasuqa. Waxaa muhiim ah in maskaxda lagu hayo in qorayaasha kala duwani ay ku kala aragti duwan yihiin sababaha musuqmaasuqa. Laakiin dhamaadka, dhammaan qodobadani waxay leeyihiin isku mid. Haddaba, sababaha musuqmaasuqa Soomaaliya kuma koobna qodobadan hoose oo kali waa ay kasii badnaan karaan laakiin waa inta laf-dhabarka u ah uu baahan in wax laga qabto waliba si degdeg:
– Nidaamka 4.5 waa asalka masuqmaasuqa
– Maamul xumo;
– Hunguri iyo nin jeclaysi;
– Isla xisaabtanka la’aan;
– Madaxdii oo u kala tartamayso yeelashada hanti badan; iyo
– Shaqo la’aanta jirta.
Musuqmaasuqu waa dhibaato guud ee caalamka qabo balse Soomaaliya ayay dhibaatada ugu badan haysataa. Qaarada Afrika waxaa ka jira musuq-maasuq aad u sarreeya, waxaana taasi ay saameyn xun ku yeelatay qaaradda. Waxaa la rumeysan yahay in heerka musuq-maasuqa Afrika uu hoos u dhici doono haddii fikradaha la qoray ee lagula dagaalamayo masuqmaasuqa lagu dhaqmo.
Su’aasha waxay tahay madamaa MD Xassan Sh. Maxamuud (4.5) maamulkiisa horre loogu bartay masuqmaasuq mala imaan doonaa qorshe-istiraajiyaddeed oo caddeynaayo la dagaalanka masuqmaasuqa ee maamulkiisa hadda, madamaa horey loogu bartay dhaqan masuqmaasuq oo aad u baahansan.?
Siyaasadda Soomaaliya
Hannaanka dowladnimo ee Madaxweyne Xassan Sheekh wato waxay abuuri kartaa kalsooni darro bulsho iyo jahwareer siyaasadeed
Madaxweynihii horre Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo si adag ugu hadlay Hannaanka Dowladnimada Casriga ah ee Xassan Sheekh garwadeen ka yahay ayaa sheegay in ay abuuri karto xasilooni darro iyo hubanti la’aan.

Madaxweynihii horre ee Soomaaliya ee lagu soo doortay hannaanka qabaliga ah ee 4.5, mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo si adag ugu hadlay Hannaanka Dowladnimada Casriga ah ee Xassan Sheekh garwadeen ka yahay ayaa sheegay in ay abuuri karto xasilooni darro iyo hubanti la’aan.
Madaxweynaha lagu soo doortay nidaamka 4.5 ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dhinacyo badan taabaneyso ka jeediyey shirka khibrad & aqoon Is-weydaarsiga Istaraatijiyadeed ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya si looga heshiiyo arrimaha aas aasiga u ah dowlad dhiskeenna.
Qoraalka madaxweynihii hore ayaa imanaayo iyadoo Madaxweyne Xasan oo Jimcihii hore khudbad uu ka jeediyay Masaajidka Madaxtooyada ugu adkeystay heshiiskaas, kaasi oo dhigayay in laba xisbi oo kaliya dalka laga dhiso, lana bedelo nidaamka baarlamaaniga ah ee hadda Soomaaliya ka shaqeeya.
“Madaxweyne Xasan Sheekh oo dul istaagay qoddobadda mudnaanta leh Xukuumadda JFS ayaa hay’adaha dowladda ku adkeeyey in ay xoogga saaraan ciribtirka khawaarijta, dhameystirka dastuurka, deyn cafinta iyo sidii dalkeenna looga qaadi lahaa cuna qabateynta hubka, isagoo sheegay in kobcinta aragtiyaha toolmoon ee dowlad dhiska iyo tayeynta fahamka lagu hoggaaminayo dowladnimada casriga ah ay jaangoyn doonto sidaan uga heshiinno arrimaheenna siyaasadeed, si jiilasha soo socdo loogu horseedo dhabbo cusub oo waxtar u leh mustaqbalkooda.” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay Villa Somalia.
“Waxaan si dhow ula soconnaa dhaqdhaqaaqyada ku aaddan wax ka beddelka qaabka dowladnimada, hanaanka baarlamaaniga ah, habka doorashooyinka qof iyo codka ah iyo hannaanka xisbiyada badan. Wax ka bedelka qodobadaas oo aan loo marin wadada saxda ah waxay keeni karaan in dalku uu dib ugu noqdo xasilooni darro iyo hubanti la’aan.” ayuu yiri MD Farmaajo
Sidaas darteed in laga guuro hannaanka Baarlamaaniga ah ee ka jira dalkeenna, lana laalo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waa masuuliyad ka baxsan awoodaha Hay’adaha Dawladda, maadaama ay taabanayso masiirka dalka.
“Baarlamaanka Federalka Soomaaliya waxaa waajib qaran iyo mid taariikhi ah ka saaran yahay in ay ka digtoonaadaan ansixinta qodobbada taabanaya jiritaanka dowladnimada ee aan loo marin hannaanka saxda ah, kuwaas oo abuuri kara kalsooni darro bulsho iyo jahwareer siyaasadeed.” – ayuu yiri Farmaajo
Cabashada Maamulka Puntland
Xariirka dowladda MD Xassan Sheekh Maxamuud iyo maamulka Puntland ayaa aad u liita, heshiisyadaana qeyb kama ahan. Farmaajo ayaa qoraalka uu soo saaray ku yiri “Waxaan garowsannahay ahmiyadda ay leedahay in la maqlo codka Dowlad Goboleedka Puntland oo ka maqan Madasha Wadatashiga Qaran si loo xaqiijiyo matalaaddooda ku aaddan arimaha masiiriga ah, taas oo aan looga maarmayn dawlad dhiska Soomaaliya. Shacabka Soomaaliyeed xaq ayey u leeyihiin in ay hoggaankooda ku soo doortaan codkooda, si xor iyo xalaal ah oo daahfuran, waafaqsanna xeerarka iyo shuruucda dalka.”
Hannaanka awood qaybsiga Soomaaliya ee 4.5
Iyada oo ay jirto isbeddellada waaweyn ee muuqaalka siyaasadeed ee Soomaaliya ee la arkay labaatankii sano ee la soo dhaafay, muuqaalka joogtada ah ayaa ahaa ku tiirsanaanta qaababka awood qaybsiga qabiilka, ee ‘4.5’. Inkastoo Dastuurka Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya uusan ku jirin wax tixraac ah oo ku saabsan qaabka, haddana wuxuu sii wadaa go’aaminta saami qaybsiga beelaha ee Golaha Shacabka iyo Golaha Wasiirrada Federaalka. Hababka awood-qeybsiga beelaha ee xiriirka la leh ayaa ka jira Aqalka Sare, oo ku jira jagooyinka muhiimka ah ee hoggaanka qaranka, siyaasadaha dowladaha xubinta ka ah federaalka, iyo heer deegaan.
Khasaaraha ugu weyn ee nidaamka 4.5 waxaa ka mid ah in uu dhiirigeliyo siyaasadda ku dhisan qabiilka ee Soomaaliya ragaadisay dhowr iyo toban sano. Saami qaybsiga kuraasta siyaasiga ah ee ku salaysan qabiilka waxa ay sii xoojinaysaa ahmiyadda uu qabiilku u leeyahay siyaasadda, waxaanay xoojinaysaa fikradda ah in haybta qabiilku ay tahay qodobka ugu muhiimsan ee lagu go’aaminayo matalaadda siyaasadeed. Taasina waxa ay dhalin kartaa in ashkhaastu ay danta qabiilkooda ka fiirsadaan danta guud ee dalka.
Khasaaraha kale ee nidaamka 4.5 ayaa ah in uu keeni karo in laga saaro siyaasadda dadka laga tirada badan yahay. Halka nidaamka uu u qoondeeyay 0.5 kuraasta dadka laga tirada badan yahay ee aan matalin afarta qabiil ee waaweyn, tani inta badan kuma filna in la hubiyo in codkooda la maqlo. Waxaa intaa dheer, dadka laga tirada badan yahay qaarkood waxaa laga yaabaa in aanay dowladdu aqoonsan, taasoo keentay in laga saaro hannaanka siyaasadda.
Axsaabta iyo Hogaamiyayaasha Siyaasada ayaa inta badan ka hormariya danta qabiilkooda, kana hormariyaan baahida dalka, taasi oo keenta musuqmaasuq iyo isla xisaabtan la’aan. Taasina waxa ay dhalin kartaa in ay dawladi ka damqato in ay talada dalka sii hayso oo ay taageereyaasheeda wax u qaybiso ayada oon eegin baahida shacabka.
“Qatarta ugu weyn ee hortaagan dowladnimada Soomaaliya ma ahan amni xumo oo kali, sidoo kale nidaamka dowladnimo ee dalka ka jira ayaa wuxuu halis ku yahay in amni waara la helo” – ayuu qoray Cabdijabaar Sh. Axmed oo ah qoraa iyo macalin jaamacadeed oo wax ka dhiga Kuliyada Dowladnimada iyo Difaaca ee Jaamacadda Ramaas, ahna falanqeeye ka tirsan Diblomaasi.com.
Hannaanka awood qaybsiga Soomaaliya ee 4.5 oo la soo saaray sanadkii 2004-tii oo qeyb ka ahaa axdigii ku meel gaarka ahaa ee federaalka, ayaa tan iyo markii la aasaasay waxaa ka dhashay muran iyo dhaleecayn. Iyadoo nidaamkan loo dejiyay in lagu hormariyo isku dhafka iyo in la xaqiijiyo in dhammaan beelaha waaweyn ee dalka ay matalaad ku yeeshaan dowladda, ayaa haddana waxaa uu leeyahay dhibaatooyin badan oo hortaagan horumarka Soomaaliya.
“Qatarta ugu weyn ee hortaagan dowladnimada Soomaaliya ma ahan amni xumo oo kali, sidoo kale nidaamka dowladnimo ee dalka ka jira ayaa wuxuu halis ku yahay in amni waara la helo” – ayuu qoray Cabdijabaar Sh. Axmed
Axsaabta iyo Hogaamiyayaasha Siyaasada ayaa inta badan ka hormariya danta qabiilkooda, kana hormariyaan baahida dalka, taasi oo keenta musuqmaasuq iyo isla xisaabtan la’aan. Taasina waxa ay dhalin kartaa in ay dawladi ka damqato in ay talada dalka sii hayso oo ay taageereyaasheeda wax u qaybiso ayada oon eegin baahida shacabka.
Iyada oo ay jirto isbeddellada waaweyn ee muuqaalka siyaasadeed ee Soomaaliya ee la arkay labaatankii sano ee la soo dhaafay, muuqaalka joogtada ah ayaa ahaa ku tiirsanaanta qaababka awood qaybsiga qabiilka, ee ‘4.5’. Inkastoo Dastuurka Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya uusan ku jirin wax tixraac ah oo ku saabsan qaabka, haddana wuxuu sii wadaa go’aaminta saami qaybsiga beelaha ee Golaha Shacabka iyo Golaha Wasiirrada Federaalka. Hababka awood-qeybsiga beelaha ee xiriirka la leh ayaa ka jira Aqalka Sare, oo ku jira jagooyinka muhiimka ah ee hoggaanka qaranka, siyaasadaha dowladaha xubinta ka ah federaalka, iyo heer deegaan.
“Madaxda Soomaaliya marka ay xilka qabanayaan iyagoo ku yimid nidaamka 4.5 waxay sheegaan inay dhisi doonaan dowlad wanaagsan oo masuqmaasuqa ka fog, balse waxaysan ogayn in nidaamka ay ku yimadeen uu gebi ahaanba caqabad ku yahay in la dhiso hanaan dowladnimo oo dhammeystiran.” – ayuu yiri Cabdijabaar Sh. Axmed
Iyada oo ay jirto isbeddellada waaweyn ee muuqaalka siyaasadeed ee Soomaaliya ee la arkay labaatankii sano ee la soo dhaafay, muuqaalka joogtada ah ayaa ahaa ku tiirsanaanta qaababka awood qaybsiga qabiilka, ee ‘4.5’. Hadda ma u diyaarsan tahay Soomaaliya inay dhisato Hannaanka Dowladnimada Casriga ah?
Siyaasadda Soomaaliya
Soomaaliya oo dhisanayso Hannaanka Dowladnimada Casriga ah
Iyada oo ay jirto isbeddellada waaweyn ee muuqaalka siyaasadeed ee Soomaaliya ee la arkay labaatankii sano ee la soo dhaafay, muuqaalka joogtada ah ayaa ahaa ku tiirsanaanta qaababka awood qaybsiga qabiilka, ee ‘4.5’. Hadda ma u diyaarsan tahay Soomaaliya inay dhisato Hannaanka Dowladnimada Casriga ah?

Hannaanka awood qaybsiga Soomaaliya ee 4.5 oo la soo saaray sanadkii 2004-tii oo qeyb ka ahaa axdigii ku meel gaarka ahaa ee federaalka, ayaa tan iyo markii la aasaasay waxaa ka dhashay muran iyo dhaleecayn. Iyadoo nidaamkan loo dejiyay in lagu hormariyo isku dhafka iyo in la xaqiijiyo in dhammaan beelaha waaweyn ee dalka ay matalaad ku yeeshaan dowladda, ayaa haddana waxaa uu leeyahay dhibaatooyin badan oo hortaagan horumarka Soomaaliya.
Madaxweynaha lagu soo doortay nidaamka 4.5 ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dhinacyo badan taabaneyso ka jeediyey shirka khibrad & aqoon Is-weydaarsiga Istaraatijiyadeed ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya si looga heshiiyo arrimaha aas aasiga u ah dowlad dhiskeenna.
“Madaxweyne Xasan Sheekh oo dul istaagay qoddobadda mudnaanta leh Xukuumadda JFS ayaa hay’adaha dowladda ku adkeeyey in ay xoogga saaraan ciribtirka khawaarijta, dhameystirka dastuurka, deyn cafinta iyo sidii dalkeenna looga qaadi lahaa cuna qabateynta hubka, isagoo sheegay in kobcinta aragtiyaha toolmoon ee dowlad dhiska iyo tayeynta fahamka lagu hoggaaminayo dowladnimada casriga ah ay jaangoyn doonto sidaan uga heshiinno arrimaheenna siyaasadeed, si jiilasha soo socdo loogu horseedo dhabbo cusub oo waxtar u leh mustaqbalkooda.” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay Villa Somalia.
Khasaaraha ugu weyn ee nidaamka 4.5 waxaa ka mid ah in uu dhiirigeliyo siyaasadda ku dhisan qabiilka ee Soomaaliya ragaadisay dhowr iyo toban sano. Saami qaybsiga kuraasta siyaasiga ah ee ku salaysan qabiilka waxa ay sii xoojinaysaa ahmiyadda uu qabiilku u leeyahay siyaasadda, waxaanay xoojinaysaa fikradda ah in haybta qabiilku ay tahay qodobka ugu muhiimsan ee lagu go’aaminayo matalaadda siyaasadeed. Taasina waxa ay dhalin kartaa in ashkhaastu ay danta qabiilkooda ka fiirsadaan danta guud ee dalka.
Khasaaraha kale ee nidaamka 4.5 ayaa ah in uu keeni karo in laga saaro siyaasadda dadka laga tirada badan yahay. Halka nidaamka uu u qoondeeyay 0.5 kuraasta dadka laga tirada badan yahay ee aan matalin afarta qabiil ee waaweyn, tani inta badan kuma filna in la hubiyo in codkooda la maqlo. Waxaa intaa dheer, dadka laga tirada badan yahay qaarkood waxaa laga yaabaa in aanay dowladdu aqoonsan, taasoo keentay in laga saaro hannaanka siyaasadda.
“Qatarta ugu weyn ee hortaagan dowladnimada Soomaaliya ma ahan amni xumo oo kali, sidoo kale nidaamka dowladnimo ee dalka ka jira ayaa wuxuu halis ku yahay in amni waara la helo” – ayuu yiri Cabdijabaar Sh. Axmed oo ah qoraa iyo macalin jaamacadeed oo wax ka dhiga Jaamacadda Ramaas, ahna falanqeeye ka tirsan Diblomaasi.com.
Axsaabta iyo Hogaamiyayaasha Siyaasada ayaa inta badan ka hormariya danta qabiilkooda, kana hormariyaan baahida dalka, taasi oo keenta musuqmaasuq iyo isla xisaabtan la’aan. Taasina waxa ay dhalin kartaa in ay dawladi ka damqato in ay talada dalka sii hayso oo ay taageereyaasheeda wax u qaybiso ayada oon eegin baahida shacabka.
Iyada oo ay jirto isbeddellada waaweyn ee muuqaalka siyaasadeed ee Soomaaliya ee la arkay labaatankii sano ee la soo dhaafay, muuqaalka joogtada ah ayaa ahaa ku tiirsanaanta qaababka awood qaybsiga qabiilka, ee ‘4.5’. Inkastoo Dastuurka Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya uusan ku jirin wax tixraac ah oo ku saabsan qaabka, haddana wuxuu sii wadaa go’aaminta saami qaybsiga beelaha ee Golaha Shacabka iyo Golaha Wasiirrada Federaalka. Hababka awood-qeybsiga beelaha ee xiriirka la leh ayaa ka jira Aqalka Sare, oo ku jira jagooyinka muhiimka ah ee hoggaanka qaranka, siyaasadaha dowladaha xubinta ka ah federaalka, iyo heer deegaan.
“Madaxda Soomaaliya marka ay xilka qabanayaan iyagoo ku yimid nidaamka 4.5 waxay sheegaan inay dhisi doonaan dowlad wanaagsan oo masuqmaasuqa ka fog, balse waxaysan ogayn in nidaamka ay ku yimadeen uu gebi ahaanba caqabad ku yahay in la dhiso hanaan dowladnimo oo dhammeystiran.” – ayuu yiri Cabdijabaar Sh. Axmed oo ah qoraa iyo macalin jaamacadeed oo wax ka dhiga Jaamacadda Ramaas, ahna falanqeeye ka tirsan Diblomaasi.com.
Dowladnimada ay Soomaaliya u baahan tahay maanta ayaa ah mid daah-furan oo anshax leh, oo diiradda saaraysa sidii loola tacaali lahaa caqabadaha horyaallo dowlad-dhiskeena, ayuu raaciyey. Asigoo intaas ku daray Kartida iyo awoodda gaarka ah ee Soomaalidu leedahay ayaa loo baahanyahay in si weyn loogu faa’ideysto, hadaba nidaamka dowladnimo ee aan haysano maanta looguma faa’idaysan karo kartida aanu leenahay.
Waxaa wanaagsan in guddi dhinacyo badan ka dhisan loo xilsaarro golaha wasiiradana dabagal ku sameeyaan iyadoo wakhti cayiman loo qabanaayo sidii loo dhisi lahaa hanaan dowlad wanaagsan lagu dhisi karo. Waxaa waajib ku ah xubnaha guddiga in ay diiradda saaraan yoolalka istaraatiijiyadeed ee ballaaran iyagoo wax ka qabanaya arrimaha maalinlaha ah iyo buuxinta waajibaadkooda, sidaas darteed waxaa waajib ku ah inay ku shaqeeyaan mabda’a maamul ee ku dhisan aragti iyo hadaf badbaadin ummadeed.” – ayuu yiri Cabdijabaar Sh. Axmed
Marka aan maqlo aragtida dowladnimada Soomaaliya ay ku dhisan tahay 4.5, waxaan soo xasuustaa xikmad kooban ee uu qoray qoraagga Buugga “Beyond the Black River”
“Weligay sarreen ma beeran, weligayna ma beeran doono, ilaa inta ay jiraan mirro kale oo seef lagu goosto.”
“I never planted wheat and never will, so long as there are other harvests to be reaped with the sword.” —Robert E. Howard (from ‘Beyond the Black River’)
Aragtidayda, xikmadaasi waa dhaqan mooryaannimo. Waxaana laga fahmi karaa sida beerta marka ay soo go’do gaarina lagu raro si loo suukhgeeyo in wadada loo galo wixii sanad oo dhan la tabcaayay si fudud lagu qaato. Tusaallaha kale ayaa noqon kara sida burcad-badeedka oo maraakiibta dhaco waliba si dhib yar kula wareegaan wixii dal iyo dadkiisa ay lahayeen. Sidaas awgeed nidaamka dowladnimo ee dalka waa nidaam ku dhisan qaabkaas oo kale ee aan ku dhisneen ‘yaa karti iyo aqoon leh oo dalkaan hoggaamin karo? – ayuu raaciyey
- Aragtida Indheergaradka2 months ago
‘Adigaba daraad ayaad Dowlad calan leh haystay, maantana halka aan joogo dalxiis kuma keenin’
- Qoyska & Horumarinta Bulshada3 months ago
Maxaan sameyn karaa si aan ugu guuleysto nolosha?
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Haddimada Qabyaaladda – Faallo kooban
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Caawiyaha Ardayga – Faallo kooban
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Maxaa Keenay Kadeedka Soomaaliya – Faallo Kooban
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta buugga Dabar iyo Hoggaan – Ka Adkaanshaha Nafta
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Naftii Hure – Faallo Kooban
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Ummadaha Jirraban – Faallo kooban
- Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 months ago
Aabihii ruuxaaniga ahaa ee dagaalkii shahiidiyiinta xornimada Aljeeriya
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Murtida Dardaaran Haween – Faallo kooba
- Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 months ago
Maxaad ka naqanaa taariikhda boqortooyada faca weyn ee Ajuuraan?
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Aafooyinka Baraha Bulshada – Faallo kooban
- Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 months ago
Gabaygii badda – Qeybtii 2aad
- Siyaasadda Soomaaliya1 month ago
IMF oo Soomaaliya u oggolaatay $100 milyan, laakiin waa sidee tayada la dagaalanka masuqmaasuq ee hoggaanka Xassan Sh. Maxamuud (4.5)?
- Siyaasadda Soomaaliya2 months ago
Soomaaliya oo dhisanayso Hannaanka Dowladnimada Casriga ah
- Afrika2 months ago
Safiirka Faransiiska oo ka tagaayo Niger – Reuters