Connect with us

Xirfadaha & Teknolojiyada

Yaa Guulaysanaayo Haddii Dagaal Ganacsi Dhexmaro Shiinaha iyo Mareykanka?

Published

on

 


Dowladda Shiinaha ayaa Liu He oo ah sarkaal sare oo u qaabilsan arrimaha dhaqaalaha waxa ay u dirtay dalka Mareykanka, halkaa oo muddo shan maalmood ah uu wadahadal dhanka ganacsiga ah la yeelan doono wasiirka maaliyadda Mareykanka Steven Mnuchin. Waxaa la rajeynayaa in Shiinuhu uu shirkadaha ganacsiga ee Mareykanka u ogolaado in si fudud ay ganacsiga uga sameeyaan gudaha dalka Shiinaha halka Washington ay iyaduna cadaadiska ka yareyn doonto shirkadaha ganacsi ee laga leeyahay Shiinaha. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in dhiggiisa Shiinaha, Xi Jinping, uu kala shaqeynayo sidii shirkadda isgaarsiinta Shiinaha ee ZTE ay cagaheeda dib ugu istaagi lahayd.

Isbadalkan ku yimid mowqifka Trump ee ku aadan Shiinaha ayaa imaanaya usbuucyo uun kaddib markii xukuumadda Washington ay shirkadaha Mareykanka ka mamnuucday in shirkadda ZTE ay ka iibiyaan qalab muddo toddobo sano ah maadaama shirkaddaasi ay jebisay heshiis Mareykanka uu kula galay in aysan qalabkeeda ka iibin Iiraan.

Hadallada kulul ee labada dhinac ay is dhaafsanayeen ayaa dhaliyay jahawareer xooggan.

Trump ayaa bishii la soo dhaafay Twitter-kiisa ku soo qoray in dalkiisu uusan dagaal dhanka ganacsiga ah kula jirin Shiinaha, waxaase uu markiiba amar ku bixiyay in canshuuraad dheeri ah oo gaaraya 100 bilyan oo doolar lagu soo rogo baayacmushtariga Shiinaha ka imaanaya. Trump ayaa horey 50 bilyan oo doolar oo canshuur ah ku soo rogay waxyaabaha Mareykanka looga soo dhoofiyo Shiinaha. Waxaase xusuus mudan in Mareykanku uu sanadkii la soo dhaafay oo kaliya Shiinaha ka soo dhoofsaday baayacmushtari kor u dhaafaya 500 oo bilyan oo doolar. Dhanka kale, madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, ayaa sidoo kale ku adkeysanaya in uusan dooneyn dagaal dhanka ganacsiga ah.

Balse Shiinaha ayaa ku hanjabay in uu canshuur ku soo rogi doono ilaa 106 ka mid ah alaabaha Mareykanka uu u dhoofiyo Shiinaha, waxaana wasaaradda ganacsiga ee Shiinaha ay ku hanjabtay in aysan ka laba labayn doonin in ay difaacato danaheeda.

Haddaba maxay tahay cawaaqibka maaliyadeed ee ka dhalan karaya murankan ganacsi?

Marka la eego isu dheeli tirnaanta ganacsi ee hadda jirta, waxaa muuqanaya in Shiinuhu oo dakhligiisa lagu qiyaaso ku dhawaad 15 tiriliyoon oo doolar ay mustaqbalka dhow dhibaatada ugu ba’an ka soo gaari doonto murankan. Shuang Ding, oo ah dhaqaaleyahan reer Shiina ah oo ka tirsan bangiga Standard Chartered isla markaana ka tirsanaan jiray hay’adda IMF ayaa sheegaya in ay muuqato in labadani waddan aysan kala maarmin dhaqaale ahaan. Sida lagu xusay xog sanadkii 2016 uu shaaciyay xafiiska Mareykanka u qaabilsan ganacsiga, dakhliga Shiinaha ka soo galay ganacsiga uu Mareykanka la leeyahay waxaa lagu qiyaasay 578.2 bilyan oo doolar, arrintaa oo ka dhigtay dalka ganacsiga ugu ballaaran la leh Mareykanka.

Marka la eego wadartan, Mareykanka ayaa Shiinaha u dhoofiyay baayacmushtari lagu qiyaasay 115.6 bilyan oo doolar, halka uu ka soo dhoofsaday agab ganacsi oo lagu qiyaasay 462.6 bilyan oo doolar.

Shuang Ding ayaa sheegaya in inkastoo hadda dhaqaalaha Shiinuhu uu aad ugu tiirsan yahay Mareykanka, haddana waxaa jira isbadal ah in Mareykanka uu dhaqaale ahaan noqonayo ku tiirsan Shiinaha, waxa uuna rumeysan yahay in aysan jiri doonin waddan gooni ah oo guul ka sheegan karaya murankan ganacsi ee labada waddan u dahxeeya.

“Ganacsi doqonnimo ah”

Qoraal caro xambaarsan oo uu Trump soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxa uu ku sheegay in caqabadaha dhanka ganacsiga ah ee Mareykanka uu kala kulmayo Shiinaha ay tahay in la yareeyo, qaabka ganacsi ee hadda u dhaxeeya labadani waddanna uu yahay “mid doqonnimo ah”. Trump ayaa ka ashtakooday caddaalad darro lagu hayo shirkadaha baabuurta sameeya ee Mareykanka oo Shiinuhu uu ka qaado 25% canshuur ah, halka kuwa Shiinaha ay bixiyaan 2.5% oo canshuur ah. Balse sida caadiga ah, heshiisyada dhanka ganacsiga ma ahan kuwo hal maalin ah xal laga gaaro.

Heshiiska ganacsi ee hadda ka dhaxeeya labadani waddan ayaa ka dhashay tobaneeyo sano oo ay wada xaajood ku jireen, waxaana ay hadda ka caga jiidayaan in ay isbadal ku sameeyaan si ay ugu saleeyaan baahidooda ganacsi ee hadda taagan.

Murunkani ma mid siyaasadeed baa mise waa mid dhaqaale?

Usbuucyadii la soo dhaafay, waxaa cirka isku sii shareerayay dagaalka dhanka afka ah ee u dhaxeeya labadani waddan balse ilaa haatan ma jiraan wax iska baqalay xiriirkooga ganacsi. Dhinac kastaa waxa uu diiwaangeliyay waxyaabaha dhinaca kale uu u soo dhoofiyo oo ay tahay in canshuur lagu soo rogo, balse sida uu sheegaya Ding, waxaa suurtagal ah in murankan uu noqdo mid muddo dheer jiitama. Dal kastaa waxa uu doonayaa in uusan u muuqan in uu ku khasaarayo murankan ganacsi ee u dhaxeeya.

Isbadalka ka jira Shiinaha ma mid ku yimid cadaadiska Mareykanka mise dana yay ku wadataa?

Caqabadaha wajahaya madaxweyne Xi Jinping ayaa waxaa ka mid ah sidii uu isbadal u gaarsiin lahaa Shiinaha isaga oo aan loo arkin in uu jileec u muujinayo dalabka Mareykanka. Ding ayaa rumeysan in dowladda Shiinuha ay sidoo kale arkayso in wada xaajoodka ganacsi ee kala dhaxeeyo Mareykanka uu faa’iido u leeyahay dalkiisa oo heli doono maalgashi shisheeye oo aad u weyn.

Dagaal dhanka tignoolojiyadda ah

Marka la eego tartanka dhanka tignoolojiyadda iyo mukhaabaraadka ee ka dhaxeeyo labadani dal, waxa xaqiiqa ah in Mareykanka uu ku gacan sarreeyo. Waana guulaha dhanka tignoolojiyadda ah ee Shiinaha qorshaha ugu jirta marka la gaaro sanadka 2025 in la casriyeeyo wershadaha iyo tignoolajiyadda Shiinaha. Qorshaha mustaqbalka ee madaxweyne Xi Jinping ayaa ah casriyaynta tignoolajiyadda, si uu ula tartamo caalamka intiisa kale isla markaana uu yareeyo farqiga dhanka tignoolajiyadda ah ee u dhaxeeya Mareykanka iyo dalkiisa. Waana arrinta walwalka ku haysa Mareykanka isla markaana door muhiim ah ka qaadaneyso dagaalka dhanka ganacsiga ah ee labadani waddan.

Maxaa ka dhalan kara murankan?

Haddii murankan ganacsi uu cirka isku sii shareero, caqabadaha dhanka ganacsiga ah ee arrintaa ka dhalan karaya dhibaatooyin dhaqaale oo waxyeeleynaya dhaqaalaha labadani waddan. Caqabadahani ayaa mustaqbalka waxyeeleyn karaya ganacsiga xitaa waddamada ka baxsan Mareykanka iyo Shiinaha maadaama ganacsiga caalamku uu isku xiran yahay.

Tusale ahaan, waddan ayaa waxa uu sameynayaa moobeelada gacanta, kaddibna waxaa lagu dhameys tiraa waddan kale. Marka, haddii ay dhacdo in waxyaabaha laga sameeyo batariga moobeelka oo Shiinaha laga keeno uu qiimahooda sarakaca, shirkadda sameynaysa taleefoonkaasi waxa ay ku khasban tahay in ay gasho kharash kale oo ay waddan kale ka keensato qalabkaasi, taa oo sababaysa in qiimaha uu ku fadhiya tateefoonkaasi uu sarakac ku yimaado.

Facebook Comments Box

Xafiiska Falanqeynta ee Diblomaasi.com waa xafiiska u qaabilsan dabagalka wararka, baarista qotoda dheer, xaqiiqo raadin, iyo ka warbixinta arrimaha danta guud, soo bandhigida xogta qarsoon ama daahsoon sida musuq maasuqa ama arrimo laga yaabo in aan si kale loo ogaan. Xafiiska Falanqeynta ee Diblomaasi.com wuxuu door muhiim ah ka ciyaaraa la xisaabtanka dawladda, ganacsatada iyo shakhsiyaadka iyaga oo xafiiskan soo bandhigaya sheekooyin muhiim ah oo saamayn ku yeelan kara bulshada. Ujeedada waa abuurista xaddaarad cusub.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Xirfadaha & Teknolojiyada

Dowladda Soomaaliya oo ka hortimid nidaamka cusub ee ay soo kordhisay shirkadda WhatsApp

Tani waxay muujinaysaa in WhatsApp ay doonayso inay ilaaliso ujeeddadii asalka ahayd ee ahayd isgaarsiin gaar ah oo ammaan ah.

Published

on


Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku biirtay wadamada kasoo horjeestay qorshaha ay dhowaan ku dhawaaqday shirkadda Meta Platforms Inc, wadamada ka horyimid arrintaan waxaa kamid ah dalka Hindiya, taasoo la xiriirta in WhatsApp-ka lagu soo kordhiyo nidaamka magacyada isticmaaleyaasha (Usernames).

Mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee WhatsApp u hirgelisay isbeddelkan waa ilaalinta asturnaanta isticmaaleyaasha. Shirkaddu waxay sheegtay in lambarka taleefanku yahay xog shaqsiyeed oo ku xiran dhinacyo badan oo nolosha qofka ah, sida bangiyada, adeegyada dowladda, shaqada iyo xiriirrada qoyska. Sidaas darteed, lama habboona in qof kasta oo cusub si fudud u arko lambarka qof kale.

Tusaale ahaan, marka qof uu ku biiro koox cusub, ka qayb galo shir, ama la kulmo qof ganacsi, waxaa hore loogu baahnaa inuu bixiyo lambarkiisa taleefanka. Hadda, halkii uu lambarka siin lahaa, wuxuu wadaagi karaa magaca isticmaale oo keliya, taasoo yareynaysa halista in lambarkiisa loo isticmaalo spam, khiyaano ama wicitaanno aan loo baahnayn.

Tallaabadaaan ayaa laga muujiyay walaacyo xooggan oo ku aaddan dhanka amniga ah gaar ahaan dal muddo ku dhow labaatan sano la daalaa dhacayay dagaalka lagula jiro kooxaha hubeysan ee Islaamiyiinta.

Horraantii bishaan gudaheeda barta WhatsApp ee kuwada xiriir kumanaan dadyowga caalamka waxay billowday inay u oggolaato isticmaaleyaasha inay sii qabsadaan magacyo gaar ah (Unique usernames), kuwaas oo la filaayo in si rasmi ah loo hawlgeliyo dabayaaqada sannadkan.

Tallaabadan waxay qayb ka tahay qorshaha Meta ee ah in ku dhowaad 3 bilyan oo isticmaale oo WhatsApp ah ay iskula xiriiri karaan iyagoo aan isu baahnayn inay isdhaafsadaan lambarradooda taleefoonka.

Inkastoo nidaamkan uu la mid yahay habka ay u shaqeeyaan baraha bulshada sida Instagram iyo Facebook, WhatsApp waxay caddeysay in uusan noqon doonin madal bulsho. Ma jiri doono buug dadka lagu raadiyo ama talooyin muujinaya dadka aad ku dari karto. Sidoo kale, magaca isticmaalaha laguma xiriirin doono bogagga kale ee Meta haddii uusan isticmaaluhu isagu dooran.

Tani waxay muujinaysaa in WhatsApp ay doonayso inay ilaaliso ujeeddadii asalka ahayd ee ahayd isgaarsiin gaar ah oo ammaan ah, halkii ay ka noqon lahayd goob lagu dhiso shabakad bulsho. Sidaas darteed, isticmaalayaashu waxay sii wadan doonaan inay gacanta ku hayaan cidda la xiriiri karta iyo cidda arki karta xogtooda.

Faa’iidooyinka kale ee muuqda waxaa ka mid ah fududeynta xiriirka ganacsiyada iyo macaamiisha. Ganacsiyada yaryar, shirkadaha, ururrada iyo hal-abuurayaasha ayaa awood u yeelan doona inay yeeshaan magacyo isticmaale oo fudud oo ay macaamiishu si sahlan u xasuusan karaan. Tusaale ahaan, halkii shirkad ay ku qori lahayd lambarka taleefankeeda boorar ama xayeysiisyo, waxay soo bandhigi kartaa magaca isticmaalaha ee WhatsApp.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Xirfadaha & Teknolojiyada

Shirkada WhatsApp-ka oo sameysay isbeddelladeeda ugu waaweyn abid, iyadoo ka gudbaysa lambarrada taleefanka

WhatsApp oo sameysay isbeddelkeedii ugu weynaa abid: magacyada isticmaalaha oo beddelaya lambarrada taleefanka.

Published

on


Shirkadda WhatsApp ayaa ku dhawaaqday mid ka mid ah isbeddelladii ugu waaweynaa ee soo mara tan iyo markii la aasaasay adeegga farriimaha. Isbeddelkan cusub wuxuu meesha ka saarayaa ku tiirsanaanta lambarka taleefanka oo keliya, isagoo u oggolaanaya isticmaaleyaasha inay yeeshaan magac isticmaale (Username) oo ay kula xiriiraan dadka kale. Tallaabadan ayaa loo arkaa horumar weyn oo dhinaca asturnaanta, amniga iyo fududeynta isticmaalka barnaamijka.

Muddo ka badan toban sano, WhatsApp wuxuu ku shaqeynayay nidaam ku saleysan lambarka taleefanka, taasoo ka dhigan in qof kasta oo doonaya inuu kula xiriiro uu khasab ku ahaa inuu helo lambarkaaga gaarka ah. Inkastoo nidaamkan uu fududeeyay xaqiijinta isticmaaleyaasha, haddana wuxuu keenay caqabado la xiriira asturnaanta, maadaama dadka aan si dhow isu aqoon ay si fudud u heli kareen lambarka qofka.

Isbeddelka cusub wuxuu u oggolaanayaa isticmaalayaasha inay doortaan magac isticmaale gaar ah oo ay la wadaagi karaan dadka ay doonayaan inay la xiriiraan. Tani waxay la macno tahay in qof cusub uusan u baahnayn lambarka taleefanka si uu u bilaabo wada sheekeysi, balse uu isticmaali karo magaca isticmaalaha oo keliya. Sidaas darteed, dadka waxay heli doonaan xorriyad dheeraad ah oo ay ku ilaalinayaan xogtooda gaarka ah.

Mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee WhatsApp u hirgelisay isbeddelkan waa ilaalinta asturnaanta isticmaaleyaasha. Shirkaddu waxay sheegtay in lambarka taleefanku yahay xog shaqsiyeed oo ku xiran dhinacyo badan oo nolosha qofka ah, sida bangiyada, adeegyada dowladda, shaqada iyo xiriirrada qoyska. Sidaas darteed, lama habboona in qof kasta oo cusub si fudud u arko lambarka qof kale.

Tusaale ahaan, marka qof uu ku biiro koox cusub, ka qayb galo shir, ama la kulmo qof ganacsi, waxaa hore loogu baahnaa inuu bixiyo lambarkiisa taleefanka. Hadda, halkii uu lambarka siin lahaa, wuxuu wadaagi karaa magaca isticmaale oo keliya, taasoo yareynaysa halista in lambarkiisa loo isticmaalo spam, khiyaano ama wicitaanno aan loo baahnayn.

Inkastoo nidaamkan uu la mid yahay habka ay u shaqeeyaan baraha bulshada sida Instagram iyo Facebook, WhatsApp waxay caddeysay in uusan noqon doonin madal bulsho. Ma jiri doono buug dadka lagu raadiyo ama talooyin muujinaya dadka aad ku dari karto. Sidoo kale, magaca isticmaalaha laguma xiriirin doono bogagga kale ee Meta haddii uusan isticmaaluhu isagu dooran.

Tani waxay muujinaysaa in WhatsApp ay doonayso inay ilaaliso ujeeddadii asalka ahayd ee ahayd isgaarsiin gaar ah oo ammaan ah, halkii ay ka noqon lahayd goob lagu dhiso shabakad bulsho. Sidaas darteed, isticmaalayaashu waxay sii wadan doonaan inay gacanta ku hayaan cidda la xiriiri karta iyo cidda arki karta xogtooda.

Faa’iidooyinka kale ee muuqda waxaa ka mid ah fududeynta xiriirka ganacsiyada iyo macaamiisha. Ganacsiyada yaryar, shirkadaha, ururrada iyo hal-abuurayaasha ayaa awood u yeelan doona inay yeeshaan magacyo isticmaale oo fudud oo ay macaamiishu si sahlan u xasuusan karaan. Tusaale ahaan, halkii shirkad ay ku qori lahayd lambarka taleefankeeda boorar ama xayeysiisyo, waxay soo bandhigi kartaa magaca isticmaalaha ee WhatsApp.

Sidoo kale, dadka abuura waxyaabaha internetka lagu daawado (Content Creators) waxay heli doonaan hab fudud oo ay taageerayaashooda kula xiriiraan iyaga oo aan shaacin lambarkooda gaarka ah. Tani waxay kordhinaysaa amniga shaqsiga isla markaana fududaynaysa maamulka fariimaha soo gala.

Dhanka amniga, nidaamkan cusub wuxuu yareyn karaa khataraha la xiriira khiyaanada internetka. Maadaama lambarrada taleefanka aysan si fudud u muuqan doonin, waxay adkaan doontaa in dadka lagu bartilmaameedsado fariimo been abuur ah ama isku dayo lagu xado akoonnada. Si kastaba ha ahaatee, isticmaalayaasha waxaa weli looga baahan yahay inay taxaddar muujiyaan oo aysan la wadaagin magacyadooda isticmaale dad aan la aqoon haddii aysan jirin sabab macquul ah.

WhatsApp waxay sidoo kale soo kordhisay adeeg ka caawinaya dadka inay doortaan magac isticmaale ku habboon haddii magaca ay rabaan hore loo qaatay. Tani waxay fududeyn doontaa in qof walba helo magac gaar u ah oo aan la isku khaldin.

Marka adeeggan si rasmi ah u shaqo bilaabo, dhammaan wada sheekaysiyada cusub waxaa lagu bilaabi doonaa magaca isticmaalaha halkii laga isticmaali lahaa lambarka taleefanka. Si kastaba ha ahaatee, dadka hore ugu kaydsan buugga xiriirrada waxay sii wadan doonaan inay u muuqdaan sidii hore, iyadoo isbeddelku inta badan saameyn doono xiriirrada cusub.

Guud ahaan, isbeddelkan wuxuu muujinayaa jihada cusub ee WhatsApp ay u qaadayso adeeggeeda. Dunida maanta oo ay sii kordhayaan walaacyada la xiriira ilaalinta xogta iyo asturnaanta, shirkaddu waxay isku dayaysaa inay siiso isticmaaleyaasha xakameyn dheeraad ah oo ku saabsan cidda heli karta xogtooda. Haddii nidaamkan si guul leh loo hirgeliyo, wuxuu noqon karaa mid ka mid ah horumarrada ugu muhiimsan ee WhatsApp sameyso muddooyinkii ugu dambeeyay.

Gabagabadii, hirgelinta magacyada isticmaalaha waxay calaamad u tahay bilow cusub oo WhatsApp u horseedaya adeeg casri ah oo ammaan badan. Isticmaalayaashu waxay heli doonaan xorriyad dheeraad ah oo ay ku ilaashadaan lambarradooda taleefanka, halka ganacsiyada iyo ururraduna ay heli doonaan hab sahlan oo ay kula xiriiraan macaamiishooda. Isbeddelkan wuxuu xoojinayaa doorka WhatsApp ee ah inuu noqdo mid ka mid ah adeegyada isgaarsiinta ugu kalsoonida badan dunida.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Xirfadaha & Teknolojiyada

Maxaa caalamku uga baqayaa aaladaha ku shaqeeya “Garaadka Macmalka ah ee horumarsan” – Artificial Intelligence

Sababaha looga cabsi qabo aaladaha ku shaqeeya garaadka macmalka ah ee la horumariyey ayay ka mid yihiin, in mishiinadu ay si iskood ah oo ka madax-banaan aadanaha u shaqayn karaan, iyaga oo amaro iyo tallaabooyin qaadi karaya, in si fudud loogu faafin karo wararka been abuurka ah, inay halis ku noqon karaan shaqooyinka, iwm.

Published

on


Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa toddobaadkan yeeshay kulankoodii ugu horreeyey ee ku saabsan halisaha ku gedaaman horumarka xawliga ah ee farsamada casriga ah, gaar ahaan, garaadka macmalka ah ee la horumariyey, ama Artificial Intelligence.

Xoghayaha Arrimaha debedda ee Britian James Cleverly oo shirguddoomiyey kulanka golaha ammaanka, maadaama uu bishan July dalkiisu hayo xilka madaxtinimada meertada ah, ayaa sheegay in garaadka macmalka ah ee la horumariyey uu saamayn ballaadhan ku yeelanayo dhinac kasta oo nolosho aadamaha ah.

Wuxuu sheegay in si degdeg ah loogu baahan yahay in dib loo qaabeeyo maamulka guud ee farsamada casriga ah ee caalamka, sababtoo ah, garaadka macmalka ah ee horumarsani wuxuu noqonayaa mid aan xuduud lahayn, isaga oo saamayn ku yeelanaya, isbedelka cimilada, iyo koboca dhaqaalaha ee caalamka.

Wasiirka ayaa ka digay, in farsamadan casriga ahi ay shidaalka ku sii shubi doonto wararka been abuurka ah, taasoo laga yaabo inay iska hor-keento dalalka iyo weliba ururada aan dawliga ahayn.

15-ka xubnood ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay waxaa warbixin siiyey xoghayaha guud Antonio Guterres, Jack Clark oo wax ka asaasay shirkad cusub oo adeegsata garaadka macmalka ah ee horumarsan, iyo Prof. Zeng Yi oo kaaliye agaasime ka ah xarun cilmi-baadhis oo qaabilsan farsamadan casriga ah.

Xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa sheegay in adeegsiga aaladaha ku shaqeeya garaadka macmalka ah ee la horumariyey, gaar ahaan hawlaha milateriga ama kuwa aan milaterigaba la xidhiidhin, inay horseedi karayan tallaabooyin halis ku ah ammaanka iyo xasiloonida caalamka.

Xoghayaha ayaa soo dhoweeyey baaqyo ka imanaya, qaar ka mida dalalka caalamka oo ku baaqaya in la yagleelo hay’ad cusub oo qaabilsan farsamada casriga ah.

Danjiraha Shiinaha ayaa Garaadka Macmalka ah ee la horumariyey ku tilmaamay inuu yahay seef laba af leh, oo yeelan karta wanaag iyo xumaanba, iyada oo ku xidhan, sida aadanuhu u isticmaalo ama loogu sameeyo shuruuc xakamaysa, ama sida la isugu dheeli-tiro sayniska iyo ammaanka.

Sababaha looga cabsi qabo aaladaha ku shaqeeya garaadka macmalka ah ee la horumariyey ayay ka mid yihiin, in mishiinadu ay si iskood ah oo ka madax-banaan aadanaha u shaqayn karaan, iyaga oo amaro iyo tallaabooyin qaadi karaya, in si fudud loogu faafin karo wararka been abuurka ah, inay halis ku noqon karaan shaqooyinka, iwm.

Dhinaca kale waxaa Washington ka dhacay kulan kale oo muhiima oo uu soo qaban-qaabiyey Ururka Sayniska Qaranka ee Maraykanku, kaas oo ay hadal ka jeedisay madaxa guddida isgadhsiinta ee Maraykanka, iyada oo lagu soo casumay khubaro kala duwan oo ka kala socda shirkadaha waaweyn ee isgaadhsiinta, mac-hadyada qaabilsan dhinaca daraasaadka, hay’adaha federaaliga ah ee Maraykanka iyo daneeyayaal kala duwan.

Kulankan ballaadhan ayaa lagu lafa-gurayey ama wax la iskaga weydiinayey fursadaha iyo dhibaatooyinka ay wataan farsamada casriga ah ee garaadka macmalka ah ee la horu-mariyey ama artificial intelligence.

Bilawgii shirkaba waxaa la isweydiiyey su’aalo ay ka mid yihiin, Farsamadan casriga ahi, halis badan ma ku keeni kartaa jiri-taanka aadanaha, taas oo u horseedi karta inay dabar-go’aan? Waa su’aal ay dad badani qariibsan karaan, inay tahay mid ay isweydiinayaan khubaro kala duwani, hase ahaatee waxaa cabsida heerkaas gaadhsiiyey mugdiga badan ee ku jira, horumarka ballaadhan ee ay samaynayso farsamada casriga ah, gaar ahaan, aaladaha ku shaqeeya garaadka macmalka ah ee horumarsan.

Guddoomiyaha Guddida Isgaadhsiinta ee Maraykanka Jessica Rosenworcel ayaa sheegtay inay wanaaga ay ka rajaynayso farsamadan casriga ahi, inay ka badan tahay halista ku gedaaman, gaar ahaan marka laga hadlayo, habka looga faa’iidaysanayo farsamadan casriga ah iyo saamaynta ay ku yeelan karto shaqooyinka ay aadanuhu qabtaan, maadaama ay soo baxayaan mishiino iyo aalado kale oo casri ah oo ku shaqaynaya garaad macmal ah oo aad u horumarsan. Sidoo kale waxaa Iyana aan meesha laga saari Karin, su’aalaha laga qabo, saamaynta ay ku yeelan karaan dimoqraadiyadda iyo doorashooyinka caalamka.

John Chappin oo ah la taliye sare oo ka tirsan machadka sayniska qaranka ayaa sheegay “in haatan la gelayo, kacaankii ama fufkii, garaadka macmalka ah oo horumarsan” taasoo uu ku tilmaamay inay ka mid tahay, “is-bedelleda jiilalka ee farsamooyinka casriga ah” wuxuuna intaas raaciyey in loo baahan yahay in dib loo eego fikradaha aasaaska u ah nidaamyada isgaadhsiinta”.

Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in la isu keeno oo ay dood ka yeeshaan, khubaro aqoon durugsan u leh farsamada casriga ah iyo khubaro kale oo fahamsan, waxyaabaha ay doonayaan macaamiishu iyo xeerarka lagu dhiqi karayo.

Nathan Simington oo ah xubin ka tirsan guddida isgaadhsiinta ee Maraykanka, ayaa farta ku fiiqay, inkasta oo farsamada casriga ahi ay marar badan ku timaado, hannaan la sii saadaalin karo, haddana wuxuu sheegay in haatan ay si lama filaana ay wax waliba u socdaan, isaga oo tusaale u soo qaatay, in hal habeen uun lagu war-helay soo ifbixitaanka ChatGPT oo ku shaqeeya garaadka macmalka ah oo horumarsan, kaas oo saamayn ballaadhan ku yeeshay hab nololeedka.

_____

Xigasho warbaahin: Qoraalkaan ayaa markii hore lagu daabacay VOA Somali. Warbixintan waxaa qaybo ka mida qortay Julie Taboh sidoo kale waxaa ku jira xigashooyin laga soo qaatay wakaaladda wararka ee Reuters

Facebook Comments Box

Continue Reading

Xirfadaha & Teknolojiyada

Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha oo xarrunteeda ka qabsoomay bandhigga kulliyadaha waxbarasho

Sida aan wada ogsoonahay, xiisaha aad u qabto bilaabista jaamacad ayaa ah qodobbada ugu waaweyn marka la tixgelinayo barnaamij waxbarasho ee jaamacaddeed. Maxay kaga duwan tahay jaamacaddan jaamacadaha kale ee dalka ka jira?

Published

on


Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha ayaa maantoo khamiis tahay ku qabatay Xarruunteeda dhexe ee Muqdisho Bandhigga Kulliyadaha ay Jaamacadda heeyso. Bandhigan gaarka ah ayaa waxa ka qaybgalay arday badan oo xiiseeynaya in ay kusoo biiran jaamacadda iyo u heellan inay galaan safarka ay ku noqonayaan hoggaamiyeyaasha mustaqbalka, madaama Jaamacadda caan ku tahay cilmiga maamulka, siyaasadda, iyo Dhaqaalaha.

Bandhigga ayaa ku bilawday soo dhaweyn iyo khudbadd xiiso leh uu jeediyay, Madaxweyne xigeenka Jaamacadda, Mudane Jibriil Maxamed, isagoo ku soo dhaweeyay ardayda xiiseynaysa jaamacadda, isla-markaana waxa uu carrabka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay Jaamacadda soo saarista hoggaamiyeyaasha mustaqbalka iyo kobcinta hal-abuurkooda. Xiisaha ardaydu Jaamacadda u haayan ayaa ahayd mid aad loo ga dareemay sida xamaasadda leh ay su’aalo uga weeydiin Kulliyadaha Jaamacadda heeyso gaar ahaan darajada 1-aad oo jaamacaddu muddo saddex sano ku bixiso.

Jaamacadda iyada oo qiraysa muhiimadda ay leedahay in la helo fursaddo loo simanyahay ayaa waxa ay kaloo Bandhiga intuu socday kusoo soo bandhigtay deeqda waxbarasho ee Aadan Cadde, taasoo xoojinaysa himilada Jaamacadda si ay u xoojiso ardayda dabaqad kasta ka timid. Deeqdan ayaa jaamacadda uga Dan leedahay cidna inaan banaan cidlo loo ga tagin dhaqaale daro awgeed.

Sida aan wada ogsoonahay, xiisaha aad u qabto bilaabista jaamacad ayaa ah qodobbada ugu waaweyn marka la tixgelinayo barnaamij waxbarasho ee jaamacaddeed. Barashada maaddooyin aad xiisaynayso waxay noloshaada jaamacaddeed ka dhigaysaa mid aad u fudud oo xiiso badan leh. Waxaana marwalbo wanaagsan in waxbarashadaada jaamacaddeed iyo hadafkaaga nololleed ee aad rabto inaad xaqiijiso inta aad dunida joogto ay islahadaan.

Ardayda qaarkood waxaa maskaxdooda marwalbo ku jira oo ay ogyihiin jaamacadda ay dhigan lahayeen oo wakhti horeba qalbigooda degtay, taasoo ay u arkaan inay ka kororsan doonaan cilmi iyo sharaf ku sumadaysan shahaadada jaamacadda. Halka qaar kalena ay doortaan jaamacad laga heli karo kuliyadaha waxbarasho ee ay xiisaynayaan.

Marwalbo oo aad jaamacad aadayso waxaad u baahan tahay inaad raadiso jaamacad ku habboon yoollalkaaga mustaqbalka. Jaamacad aad ka heli karto kuliyadaha aad dhiganayso iyo sidoo kale maaddooyinka lagu dhigo kuliyada waxbarasho ee aad xiisaynayso. Tartanka adag ee suuqa shaqada ee sii kordheysa awgeed, waxay noqotay in muhiimad gaar ah la iska saaro Tayaynta Nidaamka Waxbarashada Jaamacaddeed ee Soomaaliya iyo guud ahaan dalalka caalamka. Isbeddelkaas socda awgeed, waa muhiim inaad doorato jaamacad iyo kuliyad waxbaarasho jaamacaddeed oo kaa caawin karaayo hadafyada aad hiigsanayso mustaqbalka fog.

Mala socotaa Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha inay tahay jaamacaddii ugu horreysay ee Afrika laga furay ee bixisa takhasusyo gaar ah? Jaamacadda waxay bixisaa labo kulliyadood oo baahi weyn loo qabo oo kala ah Kuliyadda Dowladnimada & Difaaca iyo Kullliyada Dhaqaalaha, Hal-abuurka & Maamulka.

“Ujeedka koowaad ee jaamacadda ayaa ah in jiilka cusub yeeshaan saameyn isbeddel xooggan leh, iyada oo loo marayo hal-abuurka joogtada ah oo ku saabsan siyaasadda guud, amniga, cilmi-baarista, dhaqaalaha, iyo hal-abuurka ganacsiga si dadku ay ugu noolaadaan nabadgelyo iyo caddaalad la taaban karo.” – Ayuu yiri Cabdijabaar Sh. Axmed Jibriil, Madaxweynaha Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha.

Jaamacadu waxay sidoo kale bixisaa fursado aad ku qaadan karto koorsooyin leh shahaado oo Online-ka ah oo waliba qaarkiis maalmo kooban aad ku qaadan karto ugu badnaan bil. Iyadoo ujeedka koowaad yahay sidii bulshada qeybaheeda kala duwan loo horumarin lahaa, gaar ahaan dadka raadinaayo fursado kale ay ku horumariyaan naftooda, si kor loogu qaado xirfadaha iyo inay aqoon dheeraad ah ku kordhiyaan CV-yadooda.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Xirfadaha & Teknolojiyada

Saameynta Robot-yada Mustaqbalka

Published

on


Aalada casriga ah ee loo yaqaan Robotic ama Robots-ka waa mashiino soo shaac baxay dhexdhexaadkii qarnigii 20aad aadna u qabsaday dunida qarnigan hada lagu jiro ee 21aad. Mashiinadan waa aalodo tikjnoolajiyadeed hoos taga daraasad cilmiyeedka oo loo yaqaan Artificial Intelligence oo ah in mashiinada loo borogaraamiyo in ay u dhaqmaan sida bini’aadamka oo kale.

Mashiinadan waxa ay arag ahaan ku shaqeeyaan aaladaha araga sida kaamirooyinka iyo ilaha artificial-ka ah, maqal ahaanna waxay u isticmaalaan microphones-ka. Aalada robotka waxa laga sameeyaa matooro isku tagay iyo jir artifical ah, waxaana hago ama koontoroolo badanaa bini’aadamka laakiin mustaqbalka dhaw waxaa la rajeenayaa in robot-yadu ayaga 100% iskood wax u qaban doonaan si atomatik ahna loo borogaraamiyo.

Sida aan wada ogsoonahay waxaa lagu jiraa qarniga 21aad oo ah qarni ku caan baxay tiknoolajiyada, loogu magac darayna “qarnigii tiknoolajiyada”. Qarnigan waa qarni adduun weynaha uu ku loolantamaayo soo saarida mashiinada casriga ah ee Robots-ka haddii ay ahaato robot-yo qabanaayo howlo kala duwan sida: Robot kabalyeeri ah, Robot darawal ah iyo mid askari ah oo loo addeegsado dagaalada. Aaladan robot-ka waa aalad badashay nolosha aadanaha sanadihii u danbeeyay, ayadoo ku yeelatay nolosha bini’aadamka saameyn aad u weyn.

Injineerada naqshadeeya Robots-ka ayaa ku howlan in mustaqbalka dhow robot-yada loo ekeesiiyo sida bini’aadamka oo kale. Waxay injineeradu kadhigi doonaan robot-yada kuwa leh jidh artificial ah oo u ek kan aadanaha, timo buruko ah iyo indho kamuuqaal sareeya kuwa bini’aadamka, sidoo kale in robot-ka uu dareemi karo taabashada, la dhaqmi karo aadanaha.

Robot-yada shaqooyin badan bay la wareegi doonaan mustaqbalka 

Waqtigan lagu jiro Robot-yadu waxa ay si tartiib ah ula wareegayaan shaqooyin badan oo awal bini’aadamka qaban jiray sida in ay robot-yadu kashaqeeyaan maqaayadaha,  noqdaan kuwa dalabka qaada sidoo kale robot-yada waxa ay noqdeen kuwa awood u leh in ay sameeyaan kafeyga, waxay kaloo qabtaan shaqooyin badan sida in ay haggaajiyaan guryaha, wadi karaan gawaarida, noqdaanna kuwa tilmaamaha bixiya.

Inkastoo shaqooyinkan aysan 100% la wareegin robot-yada laakiin waxaa soo badanaya ganacsadayaasha adeegsado robots-ka. Waxaa la saadaaliyay in mustaqbalka dhaw 2077 iyo wixii kadanbeeyo 40% shaqooyinka lawareegi doonaan robot-yada, waxaa kaloo laga cabsi qabaa in robot-yadu lawareegaan shaqooyin-ka kusaleysan maamulka.

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Arrimaha Amniga14 hours ago

Ciidamada taabacsan Laftagareen oo isku ballaariyay gobollada Baay iyo Bakool

Afrika15 hours ago

71 qof oo ku dhintay rabshado ka dhacay Koonfurta Suudaan, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah

Arrimaha Amniga16 hours ago

Xuutiyiinta oo doonaya inay Soomaaliya ka dhigtaan saldhig laga fuliyo hawlgalladooda

Yurub18 hours ago

Waa tuma Sagal Cabdiwali? Taariikhdeeda, hoggaankeeda siyaasadeed iyo doorkeeda matalaadda bulshada London

Yurub18 hours ago

Maxay ka dhigan tahay guusha gabadha Soomaaliyeed Sagal Cabdiwali ee kursiga baarlamaanka Ingiriiska?

Sirdoonka & Militariga18 hours ago

Ciidamo cusub oo Yugaandha ah oo soo gaaray Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan hawlgalka AUSSOM

Sirdoonka & Militariga19 hours ago

Masar oo ciidamo u diraysa Soomaaliya iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha ka jira Geeska Afrika

Arrimaha Amniga20 hours ago

Somaliland oo sheegtay in shirkii Masar aysan waxba ka beddelayn mustaqbalkeeda siyaasadeed

Soomaaliya21 hours ago

Soomaaliya oo ku biiraysa nidaamka caalamiga ah ee tigidadda diyaaradaha

Geeska Afrika2 days ago

Ma faragelin doonaan waddamada deriska la ah Itoobiya iyadoo uu sii xoogeysanayo dagaalka Tigray?

Yurub2 days ago

Maxkamad ku taalla Jarmalka oo diidday codsi lagu hakin lahaa masaafurinta haweeney Soomaali ah oo lagu helay hurinta nacaybka

Arrimaha Amniga2 days ago

Ugu yaraan 7 qof oo ku dhintay dagaal xooggan oo Al-Shabaab iyo Macaawiisley ku dhexmaray Tardo

Sirdoonka & Militariga2 days ago

Soomaaliya oo heshiis la gashay Bakistaan soo iibsiga diyaaradaha dagaalka ee JF-17

Itoobiya2 days ago

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Itoobiya ayaa weerar ku qaaday ciidamo ka tirsan Eriteriya oo ku sugnaa agagaarka Adigrat

Soomaaliya2 days ago

Soomaaliya oo baaritaan caafimaad ku bilowday dadka ka imaanaya qaaradda Afrika

Ameerika3 days ago

Wiil Soomaali Mareykan ah oo loo xiray qorshe weerar oo ka dhan ah Mall of America

Arrimaha Amniga3 days ago

Sheekh Shariif: “Xasan Sheekh waxa uu rabaa inuu dhiiggayga baneysto, isagoo Imaaraad marmarsiiyo ka dhigaya”

Diblomaasiyadda3 days ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in Soomaaliya ay weli dooneyso inay dib u hagaajiso xiriirka Imaaraadka

Ameerika3 days ago

Xubno ka tirsanaa wafdigii C/raxmaan Cirro ee Mareyanka oo u goostay dalka Kanada

Diblomaasiyadda4 days ago

MW Xasan Sheekh oo beeniyay in Turkiga uu Soomaaliya ku leeyahay saldhig ciidan

Arrimaha Amniga4 days ago

Hawlgal ka dhacay Jilib oo lagu dilay hoggaamiye hore oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Diblomaasiyadda4 days ago

Itoobiya oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedaysay in uu ku kacay ficillo ka hor imaanaya danaheeda

Sirdoonka & Militariga4 days ago

Ciidamada Yemen oo bilaabay weerar ay dib ugu qabsanayaan Al-Waziiya oo ay Xuutiyiintu haystaan ​​ee Taciz

Caafimaadka & Sayniska4 days ago

Kenya ayaa xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee Ebola iyadoo nin ku dhintay gudaha Nayroobi

Soomaaliya4 days ago

Maxkamadda Hargeysa oo seddex sano oo xabsi ah ku riday qoraa Aadan Sahan

Ganacsiga & Dhaqaalaha5 days ago

Hay’adda IMF oo ka digtay caqabadaha dhaqaale ee kusoo wajahan Soomaaliya

Ameerika5 days ago

Laba dhalinyarro Soomaali ah oo lagu dhaawacay toogasho ka dhacday garoon kubadda cagta ee Minnesota

Soomaaliya5 days ago

Webiga Shabeelle oo 366 goobood ka dilaacay, khatarta fatahaadaha oo sii kordheysa

Arrimaha Amniga5 days ago

Madaxweyne Xasan: “Al-Shabaab mar dambe Soomaaliya oo dhan ma qabsan doono”

Itoobiya5 days ago

Itoobiya oo ka jawaabtay bayaanka Soomaaliya, Masar, Suudaan iyo Ereteriya ee ku aaddan Badda Cas iyo Webiga Niilka

Itoobiya5 days ago

Axmed Shide oo noqday Soomaaligii ugu horreeyay ee Guddoomiye ka noqda Golaha Wakiillada Itoobiya

Diblomaasiyadda6 days ago

Midowga Afrika ayaa beeniyay in Masar ay mas’uul ka tahay xiisadda Itoobiya

Arrimaha Amniga6 days ago

Somaliland oo sheegtay inay taageersan tahay in Itoobiya ay hesho marin baddeed

Arrimaha Amniga6 days ago

MW Xasan Sheekh: “Xuutiyiintu waxay xasillooni-darro ka wadaan gobolka, waxayna carqaladeynayaan maraakiibta Babul Mandab”

Sirdoonka & Militariga6 days ago

Soomaaliya, Masar, Ereteriya iyo Suudaan oo si wadajir u sheegay in aysan cidna faragelin karin amniga Badda Cas

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda6 days ago

MW Xasan Sheekh: “Soomaaliya waxay diyaar u tahay maalgashiga Afrika iyo caalamka”

Arrimaha Amniga7 days ago

Somaliland oo sheegtay in dowladda Soomaaliya aanay go’aamin karin xiriiradeeda diblomaasiyadeed

Diblomaasiyadda7 days ago

Eriteriya, Soomaaliya, Suudaan iyo Masar oo wadahadallo yeelan doona iyadoo xiisadda Itoobiya ay sii xoogaysanayso

Soomaaliya7 days ago

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Soomaaliya ma oggolaanayso in Israa’iil saldhig militari ay ka sameysato Somaliland”

Soomaaliya7 days ago

Soomaaliya oo $16 Milyan ka helaysa Sanduuqa Gurmadka Degdegga ah ee Qaramada Midoobay

Xul

Diblomaasi.com