Connect with us

Diinta Islaamka

Yaa Wax Gaalaysiiya “Takfiirin”?

Published

on


Halkan waxaan kusoo gudbin doonaa warbaxin aan ka diyaariyay gaalaysiinta dadka caadaysatay hadal uu leeyahay Sheekh C/lladiif bin C/raxmaan Aalasheekh, oo ahaa muftigii najdi (Ciraaaq) xilligiisii, kana mid ah faracii Sheekh Muxammad Bin C/wahaab Salaymaan, hadalkaasi wuxuu ku socdaa kooxaha takfiirka ah, noocii ay doonaanba ha noqdeen, kuwo dadkoo dhan gaalaysiiya, ama kuwo siyaasiyiinta uun gaalaysiiya hadaba waxan kusoo koobay sadex qodabo oon soo u turjamay Soomaali.

  1. Inaan dadka gaalnimada ku dhaca la gaalaysiin iyada oo aan xujada lagu oogin xaquna aanu caddayn.
    2. Dadkaa xujadu ku oogantay ee culimada qaarkood gaalaysiiyeen qofkii gaalaysiin waaya inaanu gaaloobayn.
    3. Hadaad qof gaaliysiiso oonad hubin qofkaa waa dabi ku dhac laga dayriyey.
    Hadaba xalka dhibaatadaan maanta taagan.

Xalka kowaad:Sideedaba waxan ognahay in bulshada ay hogaamiyaan saddex hor-gala-yaal.

1. Culumda

2. Madaxda sayaasada

3. Madax- dhaqameed

Waa in arimaha xasaasigaa looga hadhaa madaxda waana sida Quraanka iyo Sunaha ku xusan.

Xalka labaad: Alleh inaad ka cabsad aa oo aynu ku dhaqanaa waa darajo aad u fiican , inaad qof eedaysaa waxaaba kaaga fiican adoo wanaaga fara bulshada xumaantana ka reeba Alleh subxaana wataacalaye waxa uu yidhi, “((Qofkii Allaah ka baqa, faraj ayuu u furaa, meel aanu filanayna waana ka arsaaqaa))”. Suuradda Dalaaq:

Xalka saddexaad: Waxa loo baahanyahay in kooxaha xaq darrada wax ku gaalaysiiya si cilmiyeysan loola doodo lagana badbaadiyo baadida ay ku socdaan, maxaa yeelay dhibkoodu iyaga kuma ekaanayo ee muslimiinta ayuu saamaynayaa, oo marka ay gaalaysiiyaan dhiigooda, hantidooda iyo dhammaan xurmooyinkooda ayey bannaysanayaan, dad bulshada ka faquuqan oo colaad u haya ayeyna noqonayaan  waana ta imka kusoo badanaysa bulsho weynta somaaliyeed.

Facebook Comments Box

Waa qoraa ka tirsan Diblomaasi. Qoraaga wuxuu wax ka qoraa aafooyinka haysta bulshada Soomaaliyeed sidda dhibaatooyinka qaadka, sigaarka iyo qabyaaladda. Wuxuu kalloo wax ka qoraa suugaanta, taariikhda Soomaalida, dhiirogelinta, caafimaadka, sheekooyinka madadaaladda iyo amuuraha ganacsiga.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Diinta Islaamka

Fanaanka caanka ah ee u dhashay dalka Maraykanka Lil Jon ayaa qaatay diinta Islaamka

Fannaanka caanka ah ee Maraykanka, DJ, iyo soo saare Jonathan H. Smith oo caan ku ah magaciisa Lil Jon, ayaa qaatay diinta Islaamka Jimcihii.

Published

on


Fanaanka caanka ah ee u dhalshay dalka Maraykanka Lil Jon ayaa si toos ah u qaatay diinta Islaamka xili uu booqasho ku tagay masaajid ku yaala gobolka California ee dalka Maraykanka.

Fanaankan oo 52 jir ah, ayaa ku dhashay Mareykanka oo magaciisa yahay Jonathan H. Smith oo ku nool magaalada Atlanta ee gobolka Georgia, isagoo Jimcihii ka sheegay Masjidka King Fahad ee magaalada Los Angeles, isagoo ku sugan meel ay isugu yimaadaan dad badan.

Lil Jon ayaa si fagaare ah uga dhawaaqay inuu qaatay diinta Islaamka asigoo hortaagnaa jamaaco badan oo masjidka ku sugneyd.

Muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay fanaanka oo ku dhawaqaayo Shahaadada caqiidada Islaamka (أشهدُ أنْ لا إلهَ إلاَّ اللهُ وأشهدُ أنَّ محمّداً رسولُ الله), isagoo ku akhrinaya luqadda Carabiga, kadibna Ingiriisi, iyadoo uu hagayo Imaamka Masjidka.

Lil Jon ayaa noqonaya qofkii labaad ee caan ah oo Mareykan ah oo qaata diinta Islaamka isbuuca koowaad ee Ramadaanka sanadkan, isagoo raacay wadadii uu qaaday qoraaga iyo dhaqdhaqaaqayaasha Mareykanka Shaun King.

Qaadashada diinta Islaamka kadib, Lil Jon waxa uu ku biiray koox caan ah oo diinta soo gashay, oo ay ku jiraan shakhsiyaad caan ah sida Clarence Seedorf, Andrew Tate, Kevin Lee, Gervonta Davis, iyo Thomas Partey.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Diinta Islaamka

Muxuu Islaamka u mamnuucay cabbista Khamriga “Waliba maandooriye kasta”?

Khamriga iyo waxyaabaha kale ee maandooriyaha ah ayaa qur’aanka kariimka ah mamnuucay, maadaama ay yihiin dhaqan xun oo dadka ka fogeeya xuska Eebbe.

Published

on


Islaamka ka hor, bulshada Carabta waxay si aad ah u cabi jireen khamriga. Waxayna u ahayd sida Soomaalida uu shaaha u yahay. Waxayna ahayd xikmad Alle (Abuuraha Cirka iyo Dhulka) in uu arrintaas si tartiib tartiib ah wax uga qabto, haddii kale diinta oo dhan way ka tagi lahaayeen.

Khamriga iyo waxyaabaha kale ee maandooriyaha ah ayaa qur’aanka kariimka ah mamnuucay, maadaama ay yihiin dhaqan xun oo dadka ka fogeeya xuska Eebbe. Dhowr aayadood oo kala duwan ayaa ka hadlaya arrinta, oo soo degay waqtiyo kala duwan muddo sanado ah. Mamnuucida khamriga waa mid si weyn ay u aqbalsan yihiin Muslimiinta, taas oo qayb ka ah sharciga Islaamka.

Quraanku ma mamnuucin khamriga bilowgiisii. Arintaan ayaa lagu tiriyaa in ay tahay hab xikmad leh in Alle uu sidaas ku sameeyay xikmaddiisa iyo aqoonta uu u leeyahay dabeecadda aadanaha—Cajiib. Aayadii ugu horeysay ee quraanka kariimka ah ee mowduucan ka hadlaysa waxay marka horre ka mamnuucday muslimiinta inay soo xaadiraan salaadaha iyagoo sakhraansan (4:43). Waxa xiiso leh, waxaa jirta aayad shaaca ka qaaday oo qirtay in khamrigu ka kooban yahay qaar wanaagsan iyo qaar shar ah, laakiin “xumaanta waa ay ka weyn tahay wanaagga” (2:219).

Haddaba, Qur’aanku wuxuu qaaday dhowr tillaabo oo bilow ah oo uu dadka kaga leexinayo cabidda khamriga. Aayadii u dambaysay ee soo degtay waxay qaadatay cod aan leexleexad lahayn, oo si toos ah u mamnuucday cabida khabriga. Waxanaa Islaamka laga mamnuucay “Maandooriyaha iyo khamaarka” kadib waxa loogu yeerri jiray “waxyaalihii karaahiyada ahaa ee gacmaha Shaydaanka,” oo loogu talagalay in dadka ka fogaadaan Ilaah oo ay illoobaan haddii khamriga iyo qamaarka ciyaaran.

Muslimiinta waxaa lagu amray inay ka fogaadaan (5:90-91) (Fiiro gaar ah: Quraanku uma habbayn taariikh ahaan, sidaas darteed tirooyinka aayaduhu uma kala horreeyaan waxyiga.

Maandooriye

Aayaddan u horreysa ee aan kor ku soo xusnay, ereyga “sakhraan” waa sukara oo ka soo jeedda ereyga “sonkor” macneheeduna yahay sakhraan. Aayaddaasi ma xusin cabitaanka mid ka dhigaya akhraan. Aayadaha soo socda ee la soo daliishaday, ereyga inta badan loo tarjumo “khamri” ama waa al-Khamr, oo la xiriira “in la khamiiriyo.” Ereygan waxaa loo isticmaali karaa in lagu qeexo maandooriyaha kale sida biirka, inkastoo khamrigu yahay fahamka ugu badan ee erayga.

Muslimiintu waxay si wada jir ah u fasiraan aayadahan si ay u xaaraantinimeeyaan wax kasta oo maandooriye ah-ha ahaado khamri, biir, giin, wiski iwm, natiijaduna waa isku mid, wuxuuna quraanku tilmaamay in ay tahay maandooriye oo macnahiisa noqon kara waxwalbo oo maanka dooriya waa Xaaraan cad, taas oo qofka ka dhigaysa mid Alle iyo salaadda ku ilaaway sakhraannimada. Sanadihii la soo dhaafay, fahamka walxaha sakhradda ayaa ku soo biiray daroogooyinka casriga ah iyo wixii la mid ah.

Nebi Muxamed scw waxa kale oo uu kula dardaarmay dadkii wakhtigaas la socday inay ka fogaadaan wax kasta oo maandooriyeyaal ah—(oo la soo koobay) “haddii ay wax badan sakhramaan, waa mamnuuc xataa xaddi yar.” Sababtaas awgeed, Muslimiinta ugu fiirsashada badan waxay ka fogaadaan khamriga nooc kastaba ha ahaatee, xitaa xaddi yar oo mararka qaarkood loo isticmaalo karinta.

Iibinta iyo iibsashada khamriga

Nebi Muxamed scw waxa kale oo uu uga digay xertiisa in ka ganacsiga Khamriga ay xaaraan tahay, isaga oo habaaray: “…Khammiiyihii, kii hayay, kii cabba, kii soo gaarsiiyay, kan loo geeyey, kan u adeega, kan iibinaya, kan ka faa’iidaysanaya qiimihii lagu bixiyay, ka iibsanaya iyo kan la iibsanayo. Sababtan awgeed, Muslimiin badan ayaa diidi doona inay ka shaqeeyaan meelo ay tahay inay u adeegaan ama iibiyaan khamriga.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Buuggaag

Buugga Haddimada Qabyaaladda –Qeybtii 23aad

Cafisku waa mowduuc aad u balaaran qeexidiisa qoraalkaan oo kali laguma soo koobi karo balse waxaan isku dayaynaa inaan soo koobno.

Published

on

Halkaan ka akhriso qeybtii 21-aad


Cafiska: Waa maxay cafis?

Cafisku waa   wax marka labo qof iyo ka badan isku dhacaan unoqda xal masaalaxo camal in aysan wixii ay kala galeen dib soo ulaaban.

Cafisku waa mowduuc aad u balaaran qeexidiisa intaas laguma soo koobi karo balse intaas ayaan ku soo koobay.

Qaybaha cafiska

Cafiska waxaan uqaybiyay labo qaybood oo kala ah, Cafis afka laga yiri iyo cafis qalibiga laga yiri, haddan qeexo labada qaybood ee cafiska.

Cafis afka laga yiri

Cafiska afka laga yiri: Mahan cafis inta badan noqda mid xal waara lagu gaaro waayo haddi markii labadii qof ama ka siibadan oo danbiga kala galay ay dhahaan waan is cafinay qalbigana aysan udaa dagin badanaa ma noqdo mid dhaqan gala waayo cafiskaasi meeshii ayaaba looga soo tagay oo qofkasta kursiguu markaa fadhiyay buu uga yimid, arintan waxaan usababeeyay waa iyada oo aan si fiican looga fiirsan waayo intii cafiska ku dhawaaqday oo meesha wada joogtay ayaad waxaad arkaysaa iyaga oo isku haysta shalay waxa ay iska cafiyeen maxaa yeelay cafiskani wuxuu ahaa mid afka ah, mana noqdo mid sii jira oo dhaqan gala.

Tusaale: Umadda halka af, diin iyo dhaqan leh markaan eego cafiska ay is cafiyaan inta badan waa mid afka ah waayo haduusan afka ahayn wuu dhaqan gali lahaa waxaa laga arki lahaa in ay ka gudbeen waxa ay iska cafiyeen madhihi karo markaas ay meesha fadhiyeen cafiskoodu been–been ayuu ahaa balse waxaan dhihi karaa waxaa ka awood batay cafiskii mawjadaha dillaaga dahsoon cafiskoodiina ka dhigay mid afka ah oo markii laga boxo meesha  xal unoqon waaya, waxan kaloo garan waayay waxa aysan ba garanayn cafisku in uu yahay caafimaad, haddii ay garan lahayeen in uu caafimad yahay afka kama ahaadeen ee wuxuu unoqon lahaa waxa koowaad oo ay ahmiyada siiyaan.

Cafiska qalbiga: Cafiskani wuxuu kaga duwanyahay cafiska afka waa mid qalbiga la iska cafinaayo waayo qalbiga wixii gala marna kama baxaan oo si kal iyo laaba ayuu u dhaqan gala, waana cafiska guulaysta oo dhaqan gala xalna unoqda danbigii iyo wixi ay kala galeen dadkaasi, cafiskani wuxuu kaloo ku fiicanyahy marka aan fiirinayno qalbiga qofkasta isaga ayaa haggaajin kara qalbigiisa gaar ahaaneed, haduu qofku leeyahy iimaan buuxa beddeli kara wacdiga iyo waanada lagu dul akhrinaayo.

Cafiska qalbigu wuxuu caafimaadiyaa dhammaan qalbiga, caloosha, maskaxda iyo dhammaan xubnaha qofka marka sidaa leeyahy qofku marka uu xanaaqo oo ay qof kale is qabtaan dhammaan xubnihiisa way wada kacaan oo xitaa neera foosi noqdaan xalaadda iyada ah inta aad ku guda jirtid qofku waxaa laga yaabaa in uu waxyaalo badan ka halaabo, marka haddii aad intaad shaydaan iska naarto, labo ragco suna ah tukato aad iska cafiso daawo ayuu kuu noqonayaa qalbigaagana wuu kuu nadifoobayaa. Cafiska qalbigu waxan dhihi karaa waa xal-waara loogana gaari karaa danbiyadda aan kala galnay haddaa nahay umadda Soomaaliyeed waa haddii qof kastoo naga mida uu dareen sanyahay faa’idada uu nafsada u leeyahay cafisku gaar ahaan qalbiga waayo waxaan niri qalbiga wixii gala lagama soo saari karo waa qalbiga dahsoon.

Maxaan isku cafin la’nahay oo waliba qalbiga iskaga cafin la’nahay? Maxaa keena wax ma yaqaanka meel uga soo wada jeedsan la’nahay?

Hadaan isku dayo jawaabta su’aasha hore waxaan isku cafin la’nahay cafiskeenii wuxuu noqday mid afka keliya laga dhaho oo aan qalibga laga dhihin ficiilkiina la jirin, cafiska noocaan ah ma noqon karo mid daawo ah ama xal keeni kara.

Anaga taas wan dhayal sanay oo waxba ka soo qaadi waynay waxana ujeedna waxyaalo haddii lagu heshiiyo ay fududahay in horay loogsa sii socdo, waxaan u baahanahay cafis qalbiga ah.

Goorma ayaa cafis loo baahdaa? Goormase la isdhihi karaa wuu dhaqan galay?

Cafiska waxaa loo baahdaa sidaan kor ku soo sheegnay markii hal qof, labo iyo ka badan oo dad ay is qabtaan, is qabashadaas hanoqoto gacan ka hadal ama af ka hadal ama ha noqoto in uurka wax la iskugu hayo.

Dadku isku mid ma ahan isku sina wax uma arkaan oo dabeecadahooda way kala duwan yihiin qofba si buu wax u arkaa, waxaa jira dad inta badan wax ka fiiriya dhan ka qaloocan oo aysanba waxa wanaagsan u muuqan macnaha dadka noo caas ah waxaba lama fahansiin karo, waxayna jecel yihiin in ay tooda socoto, markasta isaga ayaa isla saxan maxaayeelay tusaale ahaan dadka noocaas ah haddii ay wax idin kala gaaraan waxaad ku khas bantahay in aad tanaasushid oo aad iskaga tagtid cafisid.

Dilaaga dahsoon waxaan u arkay in uu yahay mid kala dilay qalbiyo is jeclaa, kala dilay dadwada dhashy, kala fogeeyay xigto iyo qaraabo wiil iyo abtigiis, gabar iyo habaryarteed, wiil iyo adeerkii, gabar iyo eedadeed waa wax aan caadi ahayn markii qaraabadii ay dulmi aan Alle ogolayn isku gaysanayaan misna aan inteenii kale inyar mooyaane ay uriyaaqayaan.

Cafisku waa daawo akhiro iyo adduunba wax buu ku tarayaa caafimad ayaad ka helaysaa, adduunka intaad joogtid, aakhirona waxaad ka helaysaa raali ahaanshiyaha Alle waayo haddii aad cafidid qof gaf aad kala gasheen oo qalbiga aad ka cafisid ajar ayaad helaysaa iyo danbi dhaafna wuu kuu noqon.

Cafisku waa mawduuc haddii uu dhaqan galo noo noqonaya horseed, wuxuu kaloo noo noqonayaa waxa keliya na anfacaya aakhiradeena iyo adduunkeena waayo waxaan noqonay ummad af-ka iyo uurkaba iska jarjarta. Haddii qofkasta oo naga mida uu habeenkii iska cafiyo qofkasta oo ay maalintaas wax kala galeen waxaan aamin sanahay in uu yahay qof nadiifiyay qalbigiisa nafsad ahaana u caafimad qaba Illaahay xagiisana ka nabada. Cafisku haddii lafahmo waa mawduuc noo horseedaya heshiis, wadajir, horay usocod, dhexdeena oo is jeclaano, isu soo dhawaansho dhinac walba ah.

__

Buugga: Haddimada Qabyaaladda

W/Q. Drs. Ruun Siciid Faarax

Sookoobay: Maxamuud Axmed Muuse “Tallman”

Facebook Comments Box

Continue Reading

Diinta Islaamka

Sheekadii feeryahankii caanka ahaa ee Muxamed Cali uu ku qanciyay wiil dhalinyaro ah inuusan nafta iska qaadin

Sheekadan waa sheekadii feeryahankii caanka ahaa ee Muxamed Cali uu ku qanciyay wiil dhalinyaro ah oo rabay inuu is-dilo si’uu isu dhaafiyo xanuunada nolosha ee mararka qaar aanan lahayn dhammaad.

Published

on


Feeryahankan caanka ah oo lagu magacaabo magaca suubanaheena Muxamed scw, Muxammad Cali wuxuu wiilkaan dhalinyarada ah ku qanciyay inuusan is-dilin meeshana uusan ka boodin, isaga oo u ballan qaaday in uu xalin doono dhibaatada haysata, isla markaana uu u heli doono shaqo, guri iyo dariiq nololeed oo sharaf leh.

Eebe wuxuu yidhi,

“Ruuxii nolol badbaadiya wuxuu la mid yahay inuu badbaadiyey dhammaan aadanaha.”

Dadweyne ayaa ku soo xoomay waddada hoose, iyaga oo sugaayay dhimashada wiilka dhallinyara ah. Wiilkaan dhalinyarada ah ayaa dhahaayay  “Waan boodayaa!” “Waan boodayaa!”

Muxamed Cali ayaa kor ugu qayliyay Joe: “Waxaad tahay walaalkay! Waan ku jeclahay, beenna kuu sheegi maayo.” Waxyar kadib, waxa uu u dhaqaaqay meeshii uu Joe saarnaa, waxa uu gacan u taagay Joe, oo uu meesha kasoo dejiyey. Labaduba waxay si wadajir ah uga soo baxeen dhismaha, waxayna fuuleen baabuurkii Muxamed Cali.

Kadib markii saraakiisha booliska, dhaqaatiirta cilmu-nafsiga iyo wadaadada kaniisadaha ay ku guuldareysteen inay ka dhaadhiciyaan inuu joojiyo is-dilka, laakiin wuxuu Illaahay u bixiyey Muxamed Cali oo badbaadiyay maalintaas.

Sababta dhabta ah ee uu Muxamed Cali u islaamay?

Muxamed Cali waxa uu markii ugu horeyay la kulmay Malcolm X, oo ahaa xertii sare ee Elijah Muxammad ee Nevada sanadkii 1962. Malcolm X waxaa lagu tiriyaa inuu door muhiim ah ka qaatay kobcinta doorka ee Muxamed Cali. Malcolm X wuxuu ahaa daaci, hogaamiye u dhaqdhaqaaqa xuquuqda madaniga ah iyo taageeraha qarannimada dadka Madowga ah. Sanadkii 1964-tii, Malcolm X waxa uu xaj ku tagay Maka, waxa uuna magaciisa u badalay el-Hajj Malik el-Shabazz. Markii uu da’diisu ahayd 6, mustaqbalka Malcolm X wuxuu galay mugdi waxaa soo gaaray burbur neerfaha ah. In kasta oo uu garaad sare iyo arday wanaagsan ahaa, haddana waxa uu ka baxay dugsigii ka dib markii uu fasalka siddeedaad ahaa. Wuxuu bilaabay xirashada suudadka zoot, ka ganacsiga daroogada wuxuuna helay naaneyska “Detroit Red.” Markii uu 21 jir ahaa, waxa uu xabsiga u galay fal-dambiyeed.

Sannado uun ka dib markii uu islaamay 1964-tii, Muxammad Cali waxa uu wax ka qoray wixii markii hore ku soo jiiday iinuu islaamo. Laakiin, Muxamed Cali ma uusan qorin sababta Islaamku u soo jiitay xagga ruuxiga ah. Waxa xusid mudan, in uu diiday in uu ka dagaalamo dagaalkii Vietnam 1967-kii uu Mareykanka ku weeraray dalkaas, isaga oo sabab uga dhigay waxa uu aaminsan yahay – waxa uu qaatay Diinta Islaamka 1960-meeyadii ka dibna waxa loo aqoonsaday Islaam Sunni ah.

Kadib markii saraakiisha booliska, dhaqaatiirta cilmu-nafsiga iyo wadaadada kaniisadaha ay ku guuldareysteen inay ka dhaadhiciyaan inuu joojiyo is-dilka, laakiin wuxuu Illaahay u bixiyey Muxamed Cali oo badbaadiyay maalintaas.

Feeryahanka, oo wakhtigii uu islaamayey loo yaqaanay Cassius Clay, ayaa loo bixiyay magac cusub Muxamed Cali, waxa uu yirri wakhtigaas, sida laga soo xigtay The Independent, “Anigu waxaan ahay Muxammad Cali, oo ah magac xor ah – macneheedu waa magac Illaah jecel yahay, waxaanan ku adkaysanayaa in dadku ay isticmaalaan magaceyga cusub marka ay ila hadlayaan”.

Feeryahan Muxammad Cali waxa uu sidoo kale gacan ka geystay in kumanaan kun ay soo galaan diinta Islaamka, waxaana la sheegay in uu ururiyay lacag dhan 200 oo milyan oo doolar si loogu daabaco Qur’aanka iyo buuggaag yaryar oo ka hadlaya Islaamka si loo fidiyo Diinta Islaamka, wuxuu lacagtiisa ku dhisay masaajidka ugu weyn magaaladda Chicago ee dalka Mareykanka.

Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo, waa shaqsi Muslim ah oo dedaalay asigoo gartay waajibaadka Alle u xilsaaray. Adiga akhrinaayo qoraalkaan waajibaadka ku saaran maxaad ka qabatay?

Facebook Comments Box

Continue Reading

Diinta Islaamka

Junayd Al-Baqdaadi ‘daa’uuskii fakhriga ahaa’ – Maxay ku kala duwanayeen raggii hore?

Sideedana raggii hore hal wax bay ka sinnaayeen; waxa kale oo dhan way ku kala aragti iyo falsafad duwanaayeen, walow inaan isku mudnaan siiyo ay ii xanuujinayso, waayo qaar aan mudneyn baa jira inaan ku lifaaqo oo la gaar yeelo qaarka kalle.

Published

on


Sideedana raggii hore hal wax bay ka sinnaayeen; waxa kale oo dhan way ku kala aragti iyo falsafad duwanaayeen, walow inaan isku mudnaan siiyo ay ii xanuujinayso, waayo qaar aan mudneyn baa jira inaan ku lifaaqo oo la gaar yeelo qaarka kalle. Raggii Shiinaha ka kacaamay ee Mencius, Lao Yzu, Confucius iyo Chuang Sun Tzu, nin walba wuxuu lahaa sheekadiisa iyo murtidiisa u gaarka ah oo uu xertiisa uga faaloodo, isla markaana uu waayo aragnimadiisana ku ban bixiyo.

Sidoo kalle, Illaa haddaynu isku keeno rag badan oo ahaa foollaaddadii kiciitamay kacaanadii Yurub ee dhan walba ahaa ee Voltaire, Rene Descartes, Sigmund Freud, Leo Tolstoy, Schopenchaur, Albert camus, Turgenev, Gorky, Zeno iyo qaar kale oo badan nin walba wuxuu lahaa sheekadiisa iyo murtidiisa uu gaarka ah oo uu xertiisa uga sheekeeyo ama ugu celcelsho, isla markaana faalladooduna ay tahay ilbiriqsiyada mudnaantooda xeesha dheer leh.

Halkaan hal ninna oo Suufiya kuma soo qaadan, waayo raggii suufiyiinta ahaa ee islaamka soo maray ee aqoontana dabka uu shiday, lama barbar dhigi karo raggan badankooda. Intaan soo xusay hal nin oo Junayd Al-Baqdaadi (daa’uuskii fakhriga ahaa) lalama simi karo kumannaan mufakir reer galbeed iyo barri toona iskugu jira. Haddii lay qasbana laba nin uun baa ii muuqda oo kala ah foollaadkii iyo mufakirkii Ruushiyaanka ahaa ee Fyodor Doestovsky iyo foollaadkii iyo hoggaamiyihii ciidan ee Shiinaha ee Sun Tzu. Waa sidaas oo weli ragga kaydka u ah Suufiyada aanna xusin.

Junayd wuxuu ahaa iftiin iyo shumac noolaa intii u dhaxeysay qarnigii sagaallaad ilaa kii tobnaad. Suufi reer Turki ah uun baa saddex qarni kadib sheekooyinkiisa iyo murtiyihiisii dadka soo gaarsiiyey oo dabkana uu qaaday ban bixinta afkaartaas uu katagay ninkaas suufiga ah ee junaydii. Anniguna waxaan idin soo gaarsiiyey oo idin xasuusiyay sagaal qarni kadib. Ujeeddada iyo murtida uu gaarka ah Junayd waa uun ha xoroobo maankaagu.

Haddaba, waa kumaa Junayd Al-Baqdaadi ‘daa’uuskii fakhriga ahaa’?

Junayd Al-Baqdaadi wuxuu ahaa Faarisi suufi ah oo ka mid ah kuwa ugu caansan faylasoofyadii hore ee Islaamka. Junayd wuxuu wax ku bartay Baqdaad intii uu noolaa oo dhan wuxuuna ahaa shakhsi muhiim u ah horumarinta caqiidada suufiyada. Sidii Xasan Basra isaga ka hor, ardaydiisii iyo xertiisii si weyn bay u qaddarin jireen iyo weliba suufiyadii kaleba way soo xigan jireen. Muhiimadda uu u leeyahay fiqiga Suufiga awgeed, Junayd waxaa badanaa loogu yeeraa “Suldaan”.

Waxaa la rumeysan yahay in Al-Junaayd uu ahaa abtirsiinyad reer Faaris ah, iyadoo awowayaashiis ay ka soo jeedaan Nihawland ee Iiraanta casriga ah. Al-Junaayd waxaa soo barbaariyey adeerkiis kadib markii uu ahaa agoon.

Abu Qaasim Al Junayd Baqdaadi waxaa uu ahaa suufi iyo aqoonyahan Faarisi ah. Waxa aannu ahaa udub-dhexaadka ay tilmaamsadaan ama tixraacaan qaar kamida suufiyada soo maray adduunka islaamka, sidoo kale wuxuu ahaa dab-qaadka ruuxiga ah ee ay ku xirnaayeen qaybo badan oo waddooyinka suufiga ah.

Waxaa uu dhashay sanaddii 210kii ee Hijriyada oo ku beegnayd (830kii Giriigooriyanka), wuxuuna Alle oofsaday sanaddii 298kii oo ku beegnayd (910kii Giriigooriyaanka). Waxaa la rumeysanyahay inuu Junayd ahaa Faarisi, iyadoo dadku ka soo jeedo ay ku abtirsadaan ama ka soo jeedan magaalada dhawaan lagu magacabo Nihawaand ee Iiraan. Junayd waxaa soo koriyay adeerkii Siiri Saqtii, kadib markii uu ku agoonobay da’aha wiilnimada.

Junayd waxbarashadiisi bilawga ahayd wuxuu ka soo dhabay wax-qabadyadii Abu Tuwaar, Abu Cubayd, Al-Xaarit Al Muxasabi iyo ugu dambeyn Saric ibnu Muqalas.

Junayd wuxuu cimrigiisa badankii wax ku bartay magaalo-hormuudkii Baqdaad, wuxuuna noqday udub-dhexaadka horumariya ee lama taabtaanka uu ahaa waddada iyo falsafadda diineed ee suufiga ah. Sidaa jaallihii Xasan Al-basra ee ka horreeyey, wuxuu saamayn togan oo dhaxal ah uu ku yeeshay ardaydii wax-qabadkiisa iyo soo-saarkiisa ka dheeftay, kuwaas oo iyaguna saameyntooda sii waday. Taas darteed waxaa lagu magac-dhabay suldaanka waddada suufiga ah, iyadoo lagu ixtiraamayo wax-qabadkiisa iyo dhaxalka diineed ee uga tagay jiilasha ka dambeeye ee soo ifbaxaaya.

Noloshiisii iyo waayihiisa

Sidaa lagu hayo diiwaankii uu qoray (Catar Nishabbuur ee (Tazkirat Al-Awliya), Junayd wuxuu dareemay oo uu qabatiimay kali-ahaansha qeexan ama aan wehelka lahayn. Taaso uu horseedii doonto dadaalka ruuxeed ee uu qaadi doono in badan oo kamida waqtigiisa nololeed. Marka laga yimaaddo murugooyinka ruuxeed ee uu la kulmi jiray, waxaa aad loogu yiqiin fahankiisa degdegga ah iyo anshaxiisa hoggaansan ee aan loo meel dayin. Tanni waxay sabab uu noqonaysaa innuu adeerkii Siiri Saqti uu aqbalo in inanka uu adeerka uu yahay ee Junayd, uu la shaqeeyo isaga. Siiri Saqtii laf-ahaantiis, wuxuu ahaa Suufi sare oo wax ka dhaxlay Xasan Albasra. Waana sababta horseedka uu noqotay in deegaanka Junayd uu ku noola uu ahaado degel aqooneed oo badhax-tiran.

Inagoo tixraacayna (Cattar Nishabbuur), Junayd kaliya wuxuu ahaa toddoba jir, markii adeerkii Siiri Saqtii uu u kaxeeyey illaa Xajka. Mar ay ku sugnaayeen Musaajidka Nebiga (csw), waxaa jiray 400 oo culimo ah oo ka wadahadlaayay ama gorfeynaayey fahanka ama ujeeddada (Mahadnaqa) ama (ﺮﻜﺷ), taas oo uu mid waliba aragtidiisa uu ku cabiray.

Markii ay soo gaartay ammintii Sirri Saqti u ka dhiiban lahaa aragtidiisa ku aadan qodobkan, ayaa waxaa loo sheegay inuu ka dhiibto qeexitaankiisa, isla amminta ayuu Junayd dafay adeerkii oo uu yirii, ” Mahadku wuxuu ka dhigan yahay inaan Illaahay lagu caasin uu ina siiyey, kana yeelin nicmadiisa mid caasinimo ay daboosho.” Culimadii madasha joogtay ayaa si isku mid ah iskugu raacay in aan erayo kale si fiican u qeexi karin ereygan, kaliyaata qeexitaanka wiilka yar ee Junayd Al-baqdaadii uu barteeda dhigay. Sirri Saqti waxa uu Junayd weydiiyey halka uu waxan oo dhan ka bartay, isla jeerkaas, Junayd baa ugu jawaabay, ” Waan kula fadhiyey uun “.

Hayaankiisii Ruuxeed

Diiwaanada badanka ka faalooda noloshiisa, waxay sheegeen in Junayd uu ku noqday magaaladda Baqdaad, uuna bilaabay iibinta muraayadaha iyo agabyo kale. Si kasta ahaatee, wuxuu waqtigiisa ugu badan ku bixin jiray, la jaalka Illaahay (swt). Kadib markii uu ka fariistay ama uu shaqo-gabey, wuxuu Junayd uu taafo-xeyday la jaalka Illaahiga iyo tasawufka, isagoo dhinaca kalena iska fogeeyay, wax walba oo soo xasuusinaya adduunyada iyo maaddigeedaba. Waxaanna uu dareenkiisa iyo soo jeedkiisa uu soo leexiyay innuu ku xirmo oo uu afkaartiisa uu ku xiro kaliyaa Illaahay (swt).

Dadku waxay u baahan yihiin inay “ka tanaasulaan rabitaanka dabiiciga ah, si ay u tirtiraan sifooyinka bini’aadamka, in ay iska tuuraan ujeedooyinka nafsiga ah ee keensanaaya dareenada kala duwan ee aadamuhu ku kaco, sidoo kale quudinta, falashada iyo kobcinta tayada ruuxiga ah, In ay naftooda u huraan aqoonta dhabta ah, sidoo kale, si ay u sameeyaan waxa ugu wanaagsan ee tiraabaya ujeeddada guud ee jiritaanka, in ay wanaag uu rajeeyaan bulshada oo dhan, iyo ugu dambeyn in si dhab ah loo daacad yeelo, oo lagu dhaqmo xeerarkii islaamiga ahaa ee nebigu wariyay.

Waxaas oo dhan ee aan sheegay waxay ka bilaabmayaan (Zuhdiga/Asceticism), waxaa labaynaya (Ibadah/Devotion), waxaa xigaya (Dhikr/remembrance), waxaa xigaaya sidoo kale (Ikhlas/ Sincerity), waxaa sidoo kale uga gudbaysaa (Muraqaba/Contemplation), waxaa ay ku biyo-shubanaysa heerka uga sareysa tasawufka ee la yiraahdo koreynta (Fana/Annihilation).

Junayd waxa uu 40 sano ku qaatay quudka iyo qiijinta suufinimada iyo tasawufka, isagoo ka araadmay ama ka tagay hurdadiisa iyo damac kasta oo adduunyo, hase yeeshee waxa qalbigiisa ka soo booday xaallad faan ah oo uu umaleeyay inuu gaaray himiladiisii. Markaas ayuu xasuustay muhimadda midnimada bulshada iyo la jaalkooda. Wuxuuna xasuustay hadalka ah ” kii dadka ka fogaada in aannu istaahilin midnimo, shuqulladiisa wanaagsan oo dhammu waa dembiyo.”

Taasi waxay ka dhigan tahay in salaadaha iyo gudashooyinka diineed ee lagu faano aanay faa’iido lahayn, sababto ah gudashadu waa Eebbe iyo addoonkii, haddii faan laga raadsho waa dhimantahay gudashada iyada ahii, maadaama ducada iyo baryada runta ahi ay qofka ka dhigayso mid khushuucsan oo Illaahay u go’ay. Junayd Al baqdaadii, Magaciisu meelo badan oo caalamka ka mid ah ayuu caan ka noqday in kasta oo uu la kulmay caddaadis iyo aflagaaddo ay ku dhufteen qaar loollan kula jiray waxqabadkiisa iyo falsafaddiisa diineed. Junayd ma uusan bilaabin wacdinta iyo waryeynta ilaa 30 ka mid ah awliyada waaweyn ee suufiyadu ay u tilmaameen ama uu ugu baaqeen isaga inuu hadda kadib dadka ugu yeeroo Eebbe iyo gudashada tasawufka. Laakiin weli wuxuu doortay oo uu ku adkeystay inuusan weli wax wacdin isagoo leh, “Intuu Macallinku (Master) halkaas joogo, uma eka mid bannaan in aan wax wacdiyo oo uu ardaygu gacandhaafo, barrihiisa.” Isagoo taas ula jeeda in aannay banaanayn in uu barrihiisa uu gacandhaafo faafinta iyo wacdinta intaa uu suganyahay jiraalka macallinkiisu.

Ka dib markii uu Nebi Muxammad (scw) uu riyadiisa ku arkay, welina ku amraaya inuu wacdiyo, ayaa waxaa uu ugu dambeyn yeelay baaqqa iyo dhageysiga adeerkii Sirri Saqti. Kalgacaylka diineed iyo heerka suufinimo ee xoogga badan ee ka soo yeeray khudbadda Junaydii daraaddeed ayaa 40-kii qof ee uu markii ugu horreysay wacdiyey, 18 ka mid ah ayaa dhintay 22 kalena way miyir beeleen. Jaallihisiii iyo xerowgii uu ugu jeclaa wuxuu ahaa Abuu Bakar Shibli.

Waxqabadkii Junaydii

Junayd wuxuu ka qayb qaatay aasaasidda waddo diineed hoostagta fikirka suufiga ah, fikirkaan ayaa loo baxshay (Suufiyada Miyir-qabka ah/ Sober Sufism), Waxaa loolla jeeda suufiyada ku dhisan qaab-su’aaleedka suurtagalnimada ah, ama aan yiraahdo Junaydii waxaa uu la jeeday in uu qaab suurtogalnimada iyo aqooneynta ah uu leexiyo qeexitaanada anshaxa iyo rumeynta iyo kuwa la halmaala ee kamida weyddimaha diineed.

Suufinimada Miyir-qabka ah (Sober Sufism), waxaa ku sifooba ama laga arkooda dadyowga soo maray ama waayo-aragnimada uu leh xaaladda ugu sareysa tasawufka ee (Fana/Walinimada), kuwaaso ku sugan xaaladda quudka nafsad-la’aanta ah (Selfless) ama jiraal-la’aanta ah ee ilaahay la la jaalo. Iyaguuse waxay is arkaan iyagoo nafahooda iyo dareemadooda uu celiyay ilaahay iyo xusitaankiisa. Uu noqoshadaaso ay keensatay waayo aragnimada laga dhaxlay jiraal-la’aanta nafeed (Selfless) ee dadka ka dhigaysa addoomada cusub ee imika ruuxda loo galshay.

Tusaalle ahaan, Junayd waxa laga soo xigtay isagoo leh, “Biyuhu waxay qaataan midabka koobka ay ku jiraan.” In kasta oo ay tani u muuqan karto mid jahawareer ah oo an la fahmi karin marka hore, ‘Abd al-Hakeem Carney (Aqoonyahan reer Ingiriis ah) wuxuu sharaxaayaa macnaha hadalkan Junaydi, ayaa wuxuu leeyahay: “Marka biyaha halkan laga fahmaayo looga jeedoo iftiinka qeexan ee shaqsiyadda saahidday, waxaa naloo horseeday fikradda muhiimka ah ee ‘Baaxadda Shaqsiyeed‘, Taaso ah ama loola jeedo, Gudashada rabbaaniga ah waxaa hela qalbiga qof kasta iyadoo lagu jangoynaayo qofkaas awooddiisa gorfeyneed ee gaarka uu ah. Waxaana tanni ay ka qayb qaadan doonta midabaynta dabeecadda qofkaas”.

Sidoo kale, sida laga soo xigtay Sells (Qoraa Oriental ahaa), “Junayd wuxuu u muuqdaa inuu u maleynayo in dhegaystayaashiisii ama akhristayaashii nuquladiisa ay lahaayeen ama lahaan karaan waayo-aragnimada uu ka hadlaayo ee tasawufka ah – ama, xitaa si ka sii xagjirsan, in dhegeysayaashiisu ama aqristayaashii nuquladiisu ay awoodaan inay galaan waayo-aragnimadaas , ama dib-abuurmanka ruuxeed (Re-creation of Soul), mar allaba markay bilaaban aqrinta ereyada ku xusan diiwaanadiisii tasawufka.”

Hadalkaan kor ku xusan waxa uu u ekaa in Junayd uu wax u qoraayey koox gaar ah oo ka mid ah dadyow lama arkaan ah oo uu horey uu tilmaamay. Dadyowgan uu tilmaamayo waa kuwa la doortay, ama “koox ‘walaalo ah (brethren)’ oo si adag isagu xiran oo uu junayd ku badhxay weedho ay ka mid yihiin ‘ kuwii la doortay ee rumaystayaasha ahaa (Choice of believers’) ama ‘kuwa saafiga ah (Pure Ones)’. Kuwaan uu tilmaamay, Waxay qaybo muhiim ka ciyaaran bulshada rumaystayaasha ah ee saahidday. ”

Fikrad Guud

Junayd waa shaqsiyad xiiso badan marka xagalo kala duwan lagu fiirsho, inkastoo aannu ka tagin diiwaano badan, waxqabadkiisa waxaa ka dheefay arday iyo jiilal uu bogay qaab-fikirkiisi falsafadeed iyo tasawufkiisii ruuxiga ahaa. Waxaana isku magac-dhabay waddooyin suufiyadeed oo uu garawsaday inuu ahaa dadyowgii waqtigii Cabbaasiyiinta ee sida aadka ah ugu dhawaa waqtigii Nebiga (csw), sidoo kalena noqon karaayay diiwaan la xigto oo warcelinihiisa iyo fasiraadihiisa diineed lagu jangooyo adduunka fiqiga, ama aan yiraahdo inuu yahay silsiladda qoraayada ah ee iska soo gaadha ah ee ku xiraaya nebiga (Csw) iyo Jaallayaashiisii cuddoona. Waxaana xiiso lahaa halka uu ku noola iyo xilliga uu noola, oo halka uu kunoola waa baqdaad oo ahayd magaalo-madaxdii Boqortooyadii Cabbaasiyiinta, sidoo kale waxay ahayd magaaladii ugu weynayd adduunka xilligaas iyo ta ugu muhiimsan ee ah in ay ahayd barta iyo degelka aqooneed ee caalamka iyo hooyadii casrigii dahabiga ahaa ee islaamka. Degelada aqooneed ee baqdaad, waxay kulmin jirtay qalinlayda ka kala timid gobolada boqortooyada, kuwaas oo ka qayb qaadanjirey turjumidda diiwaanada luuqadaha kale ku qoran. Waxaana kamida ah mawduucyadaas, caafimaadka, Xisaabta, Degel-sawireed (Geography) iyo sawir-gacmeedka (Cartography) iyo sidoo kale Suugaanta iyo Falsafadda.

Sidan ayay noloshii garaadeynta ee dunida Muslimku ula xiriirtay dhaqankii iyo qaab-fikirkii Hellenistic-ka ahaa iyo qaabfikirkii falsafadeed ee Giriiga’, gaar ahaan tii Plato iyo Aristotle.

Junayd waxa uu ahaa nin la ixtiraamo oo Suufiyadii noolaa waxna baray kuna dadaalay in uu tusaale u noqdo, intaas oo dhan. Waxqabadkiisi aqooneed waxaynu ku aragnaa in xooga uu saaray is-xakamaynta ruuxeed marka loo eego werinta iyo ka hadlidda suufiyadii hore, waxaana oo uu bulshadiisa baray nolosha aadka u nidaamsan. Waxa aannu ahaa shaqsiyad barwaaqaysan, oo lagu yaqaanay deeqsinimo. wuxuu alkumay hab-qotomi uu ku xalliyo weyddimaha qotoda dheer ee ku saabsana siraha ruuxiga ah (Spiritual Mysteries), inkastoo uu ku dhex noola bulsho si adag u eegta ama baandhaysa fikrad diimeed kasta oo dadka jahawareerin kara.

Suufinimadu, dabci ahaan, waxay xooga saartaa qaab-dhismeedka caqli-galka ah, taaso si guud loo wadaagi karo iyo sidoo kale khibradda shaqsiyadeed. Waddada suufiyadana waxay doonaysaa inay ka gudubto farqiga u dhexeeya gudashada iyo gacalinamda. Tani waxay keentay in dadka qaarkiis u arkaan in suufiyadu ay leedahay yool iyo dabeecad qatar ah oo ay ku doonayso in ay afkaar kale oo aan ku xusnayn ku kordhiso Tawxiidka sugan, si ay uu dhaliso wax cusub oo waxyeello leh. Horay intii lagu guda jiray qarnigii sagaalaad, Khulafadii boqortooyadu waxay dib ula noqdeen taageeradii ay siin jireen xarrumihii aqooneed iyo fikireed ee suufiyada, iyagoo ku andacoonaya inay hoos u dhigayaan heerka bulshada muslimka ah, halkii ay xoojin lahaayeen bulshada, waxaana jiray tallaabooyin ka dhan ah suufiyada oo lagu eedeeyay bidco iyo diin la’aan. Balse xaqiiqadu waxay ahayd oo ay ku dambeysay in ay ka shalaayeen falcelimahaas gurracan ee ay kala hortageen dadaal-wadayaashaas., ee ay ugu dambeyntii ay dib uu midoobeen.

Laakiinse xaqiiqada dahaadhnayd ee ka dambeysay waxaas oo dagaal iyo aflagaado ah, waxay ahayd in ay xilligaas jireen qolyo aan sunniyiin ahayn oo xilligaas noola. Waxaana lagu magacaabi jirey ibadiyiin, macna ahaanna noqonayaay (khawaarij), kuwaas oo afkaaro qaldan ku furdaaminaayay dhulalkii la oran jirey Khurasaan iyo Beershiyadii barriga. Sababaha darteed ayaa keensatay in qolyahaas iyo shiico wada socota ay dagaal dhan walba ah oo ay ku damacsanyihiin fara-maroojinta suufiyiinta iyo in ay dhammaan talisyada ay hogaamiyaan iyo nolosha bulsheed ee ka jirtay Boqortooyada ee ay saameynta ku lahaayeen ay dabar ku noqdaan. Balse ugu dambeyn cadaadiskaas iyo xurguftaasi ma waarin oo dib ayaa loo celiyay qolyahaas khawaarijta iyo shiicada iskugu jirey. Dadaalkaas iska-caabbineedna Junaydii qayb laxaad leh ayuu ka qaatay.

Fikirkannina (Tasawuf), wuxuu ahaa horseedkii ay ku tisqaaddey ilbaxnimadii islaamku iyo guud ahaan ogaalkii aadamuhu.

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Geeska Afrika38 mins ago

Deeq bixiyayaasha aduunka ayaa balaayiin gargaar ah u balan qaaday dalka Suudaan oo ay dagaaladu halakeeyeen

Afrika54 mins ago

Dalka Burkina Faso oo eryay diblomaasiyiin Faransiis ah – sababta waa maxay?

Yurub4 days ago

Norway ‘waxay diyaar u tahay’ inay aqoonsato madax-bannaanida Falastiin: Ra’isul Wasaaraha Norway

Bariga dhexe4 days ago

Waa maxay sababta ay Israa’iil halis usii gelinayso xiisadda Bariga Dhexe?

Bariga dhexe4 days ago

Maxaa kasoo cusboonaday weerarkii ugu dambeeyey ay Iiraan ku qaadday Israa’iil?

Ameerika5 days ago

Victor Manuel Rocha, safiir hore oo Mareykanka ah – Safiirkii u basaasayay Cuba tobanaan sano, waxaa lagu xukumay 15 sano

Bariga dhexe6 days ago

Iiraan iyo Israa’iil oo lagu booriyay in ay xiisadda u dhexeeya qaboojiyaan

Siyaasadda Arrimaha Dibadda6 days ago

Kenya ayaa soo jeedisay in xal laga gaaro xiisada ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Itoobiya ee ku saabsan heshiiska dekedda

Sirdoonka & Militariga6 days ago

Jabhada Xoraynta Oromada – afka Oromada: Waraanna Bilisummaa Oromo

Geeska Afrika7 days ago

Mid ka mid ah mucaaradka Itoobiya oo toogasho lagu dilay

Gumeysi iyo isir sifeyn1 week ago

Kumanaan shaqaale Hindi ah oo imanaya Israa’iil – mas’uuliyiin dowladda

Afrika1 week ago

Dunidu waxay ku fashilantay Ruwaanda 1994-tii – madaxweyne Paul Kagame

Geeska Afrika2 weeks ago

Kenya: Isbitaalka Qaranka ee Kenyatta ayaa ku dhawaaqay in la tuuri doono haraaga 541 qof, oo ay ku jiraan 475 carruur ah

Dhaqaalaha2 weeks ago

Zimbabwe waxay soo saartay lacag ‘dahab’ ah oo ay ku beddeshay dollarka

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Maraykanka oo isu diyaarinaya weerar ‘aan laga fursan karin’ oo kaga imaan kara Iiraan – warbaahinta

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Sida ay Iiraan u samaysatay giraangirta cadawga ee ku xeeran Israa’iil

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 weeks ago

Yurub waxay xaday dhaxalkii Afrika ee Cadaaladu ma guulaysan doontaa?

Diblomaasiyadda2 weeks ago

Yukreyn ‘waxay noqon doontaa xubin ka tirsan NATO’ – Xoghayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka Antony Blinken

Siyaasadda Arrimaha Dibadda2 weeks ago

Maxay ka dhigan tahay in Soomaaliya ay cayrisay safiirka Itoobiya, islamarkaana xirto qunsuliyado?

Diblomaasiyadda2 weeks ago

Ergeyga Mareykanka ee QM ayaa uga digay Iiraan inaysan weerar ku qaadin dadka Mareykanka ah ee weerarka qunsuliyada Suuriya

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Waa kuma taliyihii ciidamada Iiraan ee lagu dilay duqeynta Dimishiq?

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada2 weeks ago

Nibirowga Dhititaalka: Qalaalasaha digitaalka iyo loollanka caqlaaniga ah

Siyaasadda Arrimaha Dibadda2 weeks ago

MD Xassan Sh. Maxamuud oo booqasho ku jooga Sacuudi Carabiya – Maxaa loogu yeeray?

Wararka3 weeks ago

Waa maxay sababta doorashada Istanbul ay u tahay doorasho aad indhaha loogu hayo ee Turkiga?

Gumeysi iyo isir sifeyn3 weeks ago

Ciidamada Israa’iil ayaa isbitaalka Qaza ee Al-Shifa ku dilay 400 oo Falastiini ah

Gumeysi iyo isir sifeyn3 weeks ago

Qaza waxaa ka socda weerarro, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in wadahadallada xabbad joojinta ay dib u bilaabmeen

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada3 weeks ago

Waa Maxay Nidaamka Boqortooyo?

Siyaasadda Soomaaliweyn3 weeks ago

Cutubyada 1aad illaa 4aad ee dastuurka Soomaaliya oo la ansixiyay – sidee loogu falceliyey?

Wararka3 weeks ago

QM: Burcad Haiti ah waxay dileen 1,500 qof saddex bilood gudahood

Aasiya3 weeks ago

Iscasilaadii Madaxweynihii Vietnam waxay muujinaysaa khilaaf ka dhex jira xisbiga – Falanqeeyayaasha

Gumeysi iyo isir sifeyn3 weeks ago

Madaxa Qaramada Midoobay ayaa ku booriyay Qaza in la gaarsiiyo gargaar bini’aadantinimo oo ballaaran

Siyaasadda Soomaaliweyn3 weeks ago

Banaanbax uu soo abaabulay guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale oo lagu taageerayo wax ka beddelka dastuurka

Siyaasadda Soomaaliweyn3 weeks ago

Haddii ‘Soomaali oo heshiis ah la rabo dastuurka yaanan la siyaasadeynin’ – Xisbiga Qaransoor

Sirdoonka & Militariga4 weeks ago

Mareykanka ayaa burburiyay iskaashigii la dagaalanka argagixisanimada – Safiirka Ruushka Anatoly Antonov

Sirdoonka & Militariga4 weeks ago

Doorka ciidanka iyo daryeel la’aantooda

Afrika4 weeks ago

Kacaankii Liibiya: Sida NATO ay u burburisay dowlad tobanaan sano la soo dhisaayey

Bariga dhexe4 weeks ago

Xiriirka Israa’iil iyo Sacuudi Carabiya oo isbeddel horumar leh laga gaaray

Gumeysi iyo isir sifeyn1 month ago

Maxbuus Falastiini ah ayaa ku dhintay xabsiga Israa’iil ka dib caafimaad xumo iyo jirdil loo gaystay: warbixin

Diinta Islaamka1 month ago

Fanaanka caanka ah ee u dhashay dalka Maraykanka Lil Jon ayaa qaatay diinta Islaamka

Arrimaha Bulshada iyo Qoyska1 month ago

Muhiimada ay inoo leedahay aqoonta ama waxbarashada

Xul