Connect with us

Yurub

Yurub oo mamnuucday iibsiga naaftada Ruushka iyo badeecado kale

Mamnuuciddan ayaa la socota heshiis qiimo dhimis ah oo ay isla gaareen, Isbahaysiga toddobada dal ee dimoqraadiga ah.

Published

on


Yurub ayaa Axaddii mamnuucday naaftada laga keeno Ruushka iyo weliba badeecadaha kale ee la xidhiidha shidaalka la sifeeyo. Midawga Yurub ayaa hoos u dhigaya ku tiirsanaanta tamarta ka timaadda Ruushka, taas bedelkeedana ay qorshaynayaan inay curyaamiyaan dakhliga uu Ruushku ka helo shidaalka, si loogu ciqaabo duullaanka uu ku qaaday dalka Yukrayn

Cunaqabatayntu waxay mamnuuci doontaa soo dejinta saliidda cayriin ee Ruushka waxayna mamnuuci doontaa soo dejinta batroolka laga bilaabo Febraayo 2023. Soo dejinta dhuumaha saliidda cayriin iyo badeecadaha batroolka waa laga dhaafi doonaa, taas oo heshiis la gashay waddamada xubnaha ka ah MY sida Hungary, Slovakia, iyo Czech Republic, kuwaas oo ku tiirsan soo dejinta iyada oo la sii marayo dhuumaha Druzhba.

Mamnuuciddan ayaa la socota heshiis qiimo dhimis ah oo ay isla gaadheen, Isbahaysiga toddobada dal ee dimoqraadiga ah.

Ujeedada guud ayaa ah, in weli loo sii ogolaado in naaftada Ruushku inay ku sii qulqusho suuqyada dalalka ay ka midka yihiin Shiinaha iyo India, iyo in laga hortago in sare u kac degdeg ahi uu ku yimaaddo qiimaha naaftada, taas oo dhaawac weyn u geysan karta macaamiisha dunida oo dhan, halka taas bedelkeeda tallaabo laga qaadayo macaashka uu Ruushku ka helo naaftadan ee uu ku maalgeliyo miisaaniyaddiisa iyo dagaalka uu ka wado Yukrayn.

Naaftada ayaa fure u ah dhaqaalaha, sababtoo ah, waxaa loo isticmaalaa gaadiidka kala duwan, sida gawaadhida xamuulka ah ee alaabooyinka daabula, qalabka beeraha iyo mishiinada waaweyn ee wershedaha waxsoosaarka.

Qiimaha naaftada ayaa sare u kacay, tan iyo wixii ka dambeeyey markii laga baxay, xilligii faafista ee xanuunka COVID19, kaasoo yareeyey awoodda sifaynta ee shidaalka, waxaana tallaabadani ay dunida geyaysiisay sicir-barar ku yimaadda alaabooyinka.

Cunaqabataynta cusub ayaa abuuraysa hubanti la’aan ku saabsan qiimaha naaftada ee Yurub, xilli uu Midawga Yurub, uu helay suuqyo cusub oo uu ka helo sahayda naaftada sida, Maraykanka, dalal ku yaalla bariga dhexe iyo weliba Hindiya, si naaftada ka timaadda dalalkaasi ay u noqoto mid u daboosha booskii ay ku jirtay naaftada uu Midawaga Yurub ka helo Ruushka.

Sahayda naaftada ee ay ka helayaan dalalkan ayaa ah, mid soo maraysa jidad aad u dhaadheer, halka sahayda naaftada ee Ruushku ay tahay mid aad uga dhow.

Maadaama uu dalka Shiinuhu dib u furay suuqyadiisa dhaqaalaha, isla markaana uu qaaday xannibaadihii dhinaca COVID19, waxaa laga cabsi qabaa in dalabaadka Shiinuhu inay sare u qaadaan qiimaha shidaalka.

Ruushka ayaa bishii Diseember oo keliya ka macaashay illaa $2 Billion, naaftada uu ka iibiyey dalalka Midawga Yurub.

Midawga Yurub ayaa hore u mamnuucay dhuxusha ka timaadda Ruushka, iyo qaybo badan oo ka mida saliida caydhiin, halka Ruushkuna uu joojiyey qaybo badan oo ka mida gaasta uu u soo iibgayn jiray suuqyada Yurub.

Facebook Comments Box

Xafiiska Falanqeynta ee Diblomaasi.com waa xafiiska u qaabilsan dabagalka wararka, baarista qotoda dheer, xaqiiqo raadin, iyo ka warbixinta arrimaha danta guud, soo bandhigida xogta qarsoon ama daahsoon sida musuq maasuqa ama arrimo laga yaabo in aan si kale loo ogaan. Xafiiska Falanqeynta ee Diblomaasi.com wuxuu door muhiim ah ka ciyaaraa la xisaabtanka dawladda, ganacsatada iyo shakhsiyaadka iyaga oo xafiiskan soo bandhigaya sheekooyin muhiim ah oo saamayn ku yeelan kara bulshada. Ujeedada waa abuurista xaddaarad cusub.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Yurub

Norway ‘waxay diyaar u tahay’ inay aqoonsato madax-bannaanida Falastiin: Ra’isul Wasaaraha Norway

Warkan ayaa soo baxay ka dib markii uu kulan la qaatay dhiggiisa Spain Pedro Sanchez, oo Jimcihii u ambabaxay socdaal uu ku marayo Yurub.

Published

on

Ra'isul Wasaaraha Norway Jonas Gahr

Ra’iisul wasaaraha Norway Jonas Gahr Store ayaa sheegay in dalkiisu “diyaar u yahay” inuu aqoonsado madax-bannaanida Falastiin iyo inay si buuxda uga mid noqoto Qaramada Midoobay.

Warkan ayaa soo baxay ka dib markii uu kulan la qaatay dhiggiisa Spain Pedro Sanchez, oo Jimcihii u ambabaxay socdaal uu ku marayo Yurub, si uu dalal badan ugu qanciyo inay aqoonsadaan dowlad madax bannaan oo Falastiin ah.

“Su’aashu waxay tahay xilliga iyo meesha ay tahay in la aqoonsado Falastiin si loo taageero geeddi-socodka nabadda ee gobolka. Waxa kulanka maanta uu caddeeyay ‘waa inay si dhow u wada shaqeyaan Madrid iyo Oslo,” ayuu ka yirri shir jaraa’id oo wadajir ah.

Pedro Sánchez oo ah ra’isul wasaraha wakhtigaan ee Spain ayaa Jimcihii sheegay in Spain ay rabto inay aqoonsato Falastiin “sida ugu dhakhsaha badan,” isaga oo ujeedkiisa yahay in la helo dardar-socodka nabadda ee saxda ah.

Hogaamiyayaasha ayaa muujiyay muhiimada taariikhiga ah ee Spain iyo Norway ay u leeyihiin dhexdhexaadin. Shirkii Madrid ee 1991kii ayaa bilaabay wada xaajoodyo aakhirkii horseeday in la saxeexo heshiiskii Oslo 1993kii.

Heshiisyada Oslo waa labo heshiis oo ku meel gaar ah oo u dhexeeya Israa’iil iyo Ururka Xoreynta Falastiin (PLO): Oslo I Accord, oo lagu saxiixay Washington, D.C., 1993; iyo Oslo II Accord, oo lagu saxiixay Taba, Masar, 1995. Waxay calaamadiyeen bilawga geeddi-socodkii Oslo, geeddi-socod nabadeed oo loogu talagalay in lagu gaaro heshiis nabadeed oo ku saleysan Qaraarka 242 iyo Qaraarka 338 ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Ra’isul Wasaaraha Norway wuxuu qeexay in uu “si firfircoon uga qayb qaadan doono” aqoonsiga Falastiin toddobaadyada soo socda iyo in uu taageerayo “Falastiin oo dimuqraadi ah” oo Qaza iyo Daanta Galbeed ay maamusho Maamulka Falastiiniyiinta.

Dhanka kale, Sanchez ayaa sheegay in ay jirto “xoog cad” oo ku saabsan aqoonsiga Falastiin sababtoo ah xaaladda Qaza, isaga oo tilmaamaya doodda soo socota ee Qaramada Midoobay ee ku saabsan in qaranka laga dhigo waddan xubin buuxda ah.

Labada dal Norway iyo Spain ayaa sidoo kale cambaareeyay xaaladda bini’aadantinimo ee Qaza, iyaga oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah iyo in Israa’iil ay ogolaato in gargaarka bini’aadantinimo la gaarsiiyo dadka go’doomiyey.

“Laakin waxaas ka sokow, waxaa loo baahan yahay in la gaaro xal siyaasadeed oo mar qura nabad iyo cadaalad ka dhalata gobolka, waxaana dhammaanteen isku raacsannahay in xal labo gobol ah oo kaliya lagu dhameeyo colaadda,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

“Waxaa la joogaa xilligii laga gudbi lahaa hadalka oo loo gudbi lahaa ficil,” ayuu yiri, isagoo beesha caalamka ugu baaqay inay si degdeg ah wax uga qabtaan sidii colaadda loo joojin lahaa.

“Dad aad u badan ayaa dhintay.”

RW Sanchez wuxuu sheegay in Oslo iyo Madrid ay yihiin “xusuusin xooggan” oo ku saabsan suurtagalnimada nabadda, wuxuuna ku baaqay shir nabadeed caalami ah “sida ugu dhakhsaha badan.”

Kadib Jimcaha, Sanchez wuxuu u safri doonaa Ireland halkaas oo uu noqon doono hoggaamiyihii ugu horreeyay ee ajnabi ah oo la kulma Irish Taoiseach Simon Harris.

Ireland waxa ay hore uga go’an tahay in ay aqoonsato Falastiin, balse labada hoggaamiye ayaa sii wada hadli doona. Wuxuu ku qaabili doonaa Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Portugal Luis Montenegro Madrid si uu isugu dayo inuu ku qanciyo inuu sidaas oo kale sameeyo.

Safarka Sanchez ayaa markaa sii aadi doona Slovenia iyo Belgium si uu kulamo badan oo laba geesood ah uga yeesho arrinta aqoonsiga Falastiin. Horaantii bishaan, Sanchez ayaa sidoo kale u safray Jordan, Sacuudi Carabiya iyo Qadar si uu ugala hadlo xaalada Falastiin iyo Israa’iil.

Xaqiiqada marka laga hadlaayo dalal badan oo reer galbeed ah ayaa ku taageeray xasuuqa ay Israa’iil ka wado dhulka Falastiniinta. Dabcan, markii hore walaac ayaa laga muujiyay dilka dadka rayidka ah ee shacabka reer Israa’iil, laakiin baaxadda jawaabta Israa’iil ee ay dhiirigelisay quwadaha Maraykanka iyo Yurub ayaa dhalisay doodo badan oo daaha ka qaatay aragtida reer galbeedka ee ku aadan bani’aadamnimada.

Dadyow badan oo dunida kamid ah ayaa la yaabay markii Xoghaayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Anthony Blinken uu u sheegay suxufiyiinta asigoo ku sugan Tel Aviv inuu halkaas u joogo, “taageerada Maraykanka ee Israa’iil”, ” ila soco ma ahan oo keliya xoghayaha arrimaha dibadda, laakiin sidoo kale waa Yuhuudi.”

Guud ahaan dunida reer galbeedka, bayaannada lagu ballan qaadayo taageerada buuxda ee duullaanka Israa’iil ee Qaza iyada oo la gaynayo isku-darka sareynta cad iyo hadallada diineed ee kicinaya ayaa jahawareer ku riday Carabta iyo Muslimiinta.

Hadallada kulul ee ka socda dunida Carabta iyo Muslimka, iyo kuwa ka baxsan, ee ku eedaynaya reer Galbeedka laba wajilayaal iyo inay shuraako ku yihiin dembiyada dagaalka Israa’iil ee ka dhanka ah Qaza waa ay badan yihiin waxayna muujinyeen dareen dadnimo leh, waxaana kamid ah Soomaaliya, Bakistaan iyo Indonesiya, Jordan, iyo Morooko.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Yurub

Dowladda Poland ayaa diiday inay ciidamo u dirto Yukrayn

Dowladda Warsaw ayaa sheegtay in taageeradeeda Kiev ay sii socon doonto, balse aysan ciidan geyn doonin dalkaasi

Published

on


Warsaw ciidan uma diri doonto Yukreeyn, haddana waxaa lagu wadaa inay sii wado caawinta Kiev iyadoo loo marayo siyaabo kale, ayuu yiri Wasiirka Difaaca Poland Wladysław Kosiniak-Kamysz.

Wasiirka ayaa wax laga weydiiyay suurtagalnimada in NATO ay ciidamo geyso dalka Yukreeyn mar uu la hadlayay TVN24 Khamiistii. In kasta oo Kosiniak-Kamysz uu ka fogaaday inuu u hadlo dhammaan kooxda uu Maraykanku hoggaamiyo, wuxuu sheegay in “Ciidanka Polish-ka ah aysan sii joogi doonin Yukreeyn.”

“Waan caawin doonaa, waan sii wadi doonaa taageerada. Waxaan ku deeqeynaa qalab kale oo deeq ah. Wax badan baa ka jira,” ayuu yirri wasiirka.

Warsaw waxay sidoo kale taageertaa oo ka qaybqaataa dhammaan dadaallada wadajirka ah ee NATO, sida bixinta sirdoonka iyo tababarka ciidamada Yukreeyn, Kosiniak-Kamysz ayaa sidaas yirri. Wasiirka ayaa sidoo kale ku tilmaamay Poland inuu yahay “hogaamiyaha si wadajir ah Jarmalka” ee “isbaheysiga” si ay u siiyaan taangiyada iyo baabuurta kale ee gaashaaman ee Kiev.

Taageerada joogtada ah ee Kiev waxay faa’iido u leedahay Poland lafteeda, Warsaw waxay u aragtaa “maalgashi,” ayuu xusay.

“Dhammaan dadaalladan waxaa loogu talagalay in Poland laga dhigo mid ammaan ah. Caawinta ciidamada Yukreeniyaanku waa maalgashi lagu sameeyo ammaanka Poland,” ayuu yirri.

Poland ayaa mar ka mid ahayd dalalka ugu sareeya ee taageera Yukreyn colaadda joogtada ah ee ay kula jirta Ruushka, iyada oo ka faa’iidaysanaysa kaalmada milatari ee dalkaas, waxayna ku boorinaysay waddamada kale ee reer galbeedka inay ku daydaan.

Bilihii la soo dhaafay, si kastaba ha ahaatee, xiriirku wuxuu u muuqday mid sii qaboobaayo, taas oo ay ugu wacan tahay dhibaatooyinka dhaqaale ee gudaha Poland iyo mudaaharaadyada socda ee beeralayda maxalliga ah, oo ay ku dhaawacmeen qulqulka wax soo saarka beeraha ee Yukreeniinta.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya iyadoo ay sii socoto mowjado diidmo ah oo ka imaanaya xubnaha NATO ee ah in ay wataan qorshe kasta oo lagu doonayo in ciidamo dagaal loogu diro Yukreyn, taasoo uu kiciyay hadal uu jeediyay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron dabayaaqadii bishii Febraayo. Waqtigaas, Macron wuxuu sheegay in reer galbeedku “aysan ka saari karin” suurtagalnimada in ciidamo NATO loo diro Yukreyn, taas oo uu la kulmay diidmo ka timid inta badan xubnaha ururka uu Maraykanku hoggaamiyo.

Dib u riixista, si kastaba ha ahaatee, waxay umuuqataa inay ka tagtay hadalkii Macron, iyadoo madaxweynaha Faransiiska uu soo saaray hadalo sii kordhaya oo dagaal ah oo ku adkaysanaya in reer Galbeedka Yurub “ay ku noolaan doonaan taariikhda iyo geesinimada ay u baahan tahay.”

Xirrirka Poland iyo Yukreeyn

Poland iyo Yukreeyn ayaa ah xiriir caalami ah oo dib u soo noolaaday wax yar ka dib markii Yukreeyn ay xornimada ka qaadatay Midowgii Soofiyeeti 1991. Khilaafyo kala duwan oo ka dhashay taariikh wadaagga ah ee labada dal ayaa mararka qaarkood dib u soo noqda xiriirka Poland iyo Yukreyn, laakiin waxay u muuqdaan kuwo aan saameyn weyn ku yeelan.

Labada dal waxay wadaagaan xuduud dhan 529 km (329 mi). Ogolaanshaha Poland ee 2003 ee 1985 Heshiiskii Schengen wuxuu abuuray dhibaatooyin xagga taraafikada xudduudaha Yukreeyn. Bishii Luulyo 1, 2009, heshiis ku saabsan gaadiidka xuduudaha maxalliga ah ee u dhexeeya labada waddan ayaa dhaqan galay, kaas oo awood u siinaya muwaadiniinta Yukreeniyiinta ee ku nool gobollada xudduudaha inay ka gudbaan xudduudaha Poland iyadoo la raacayo habraac xor ah.

Yukreeyn waa xubin ka mid ah Iskaashiga Bari, mashruuc Midowga Yurub ay ka bilowday Poland 2009, kaas oo ujeedadiisu tahay in la bixiyo dariiqa wadahadalka ganacsiga, istaraatiijiyadda dhaqaalaha, heshiisyada safarka, iyo arrimaha kale ee u dhexeeya Midowga Yurub iyo dalalka deriska ah ee Bariga Yurub.

Yukreyn waa dalka leh tirada ugu badan ee qunsuliyadaha Poland. Labada waddan waxay leeyihiin taariikh dheer oo wadaag ah – qaybo ka mid ah galbeedka Yukreyn (sida Lviv) waxay sameeyeen qayb ka mid ah dawlad-goboleedka Poland dhowr qarni iyo qaybo ka mid ah bariga Poland mar waxay lahaayeen dad badan oo Yukreeniyaan ah; Tirakoobka gobollada ku teedsan xudduudda Poland iyo Yukreeyn waxaa si weyn u saameeyay 1944-kii ilaa 1946-kii is-dhaafsiga dadweynaha ee u dhexeeyay Poland iyo Soofiyeetigii Yukreeyn iyo ficillo ay ka mid yihiin 1947-kii Hawlgalkii Vistula ee ka dambeeyay dagaalkii labaad ee Adduunka. Poland waxay taageertaa Midowga Yurub ee UYukreeyn iyo xubinimada NATO.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Yurub

Qaramada Midoobay oo qeylo dhaan ka soo saartay saboolnimada carruurta Boqortooyada Midowday

UNICEF ayaa ka digtay in ku koridda deegaan sabool ah ay yeelan karto saameyn xun oo nolosha ah, waxayna ugu baaqday dowladaha inay si firfircoon wax uga qabtaan arrintan.

Published

on

FIIRO GAAR AH. Glasgow, Scotland. © Jeff J Mitchell/Sawirada Getty

Qaramada Midoobay ayaa dalka Britain ku tilmaantay mid ka mid ah dalalka ugu waxqabadka xun marka la eego heerka saboolnimada carruurta ee 39 xubnood ee Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta (OECD) iyo Midowga Yurub.

Warbixin la daabacay Arbacadii, Sanduuqa Carruurta ee Qaramada Midoobay (UNICEF) ayaa ku qiyaastay in ku dhawaad 70 milyan oo carruur ah oo ku nool waddamada dhaqaalahoodu sarreeyo iyo kuwa sareba ay ku nool yihiin faqri. Kaarka Warbixinta Innocenti 18 waxa uu ku salaysan yahay tira koobkii ugu dambeeyay ee la heli karo ee saboolnimada carruurta, iyo sidoo kale horumarka qaran kasta uu ka sameeyay wax ka qabashada dhibaatada laga bilaabo 2012 ilaa 2021.

Boqortooyada Midowday (UK) ayaa gashay dalka ugu hooseysa qiimeynta, iyadoo ay ku jirta kaalinta 37aad, iyadoo ka sareysa Turkiga iyo Kolombia. Halka dalalka bartamaha iyo bariga Yurub sida Poland, Slovenia, Latvia, iyo Lithuania ay si weyn hoos ugu dhigeen saboolnimada carruurta tobankii sano ee la soo dhaafay, Boqortooyada Midowday waxaa soo gaaray koror 20% ah, sida lagu sheegay warbixinta.

UNICEF ayaa ka digtay in ku koridda deegaan sabool ah ay yeelan karto saameyn xun oo nolosha ah, waxayna ugu baaqday dowladaha inay si firfircoon wax uga qabtaan arrintan.

Isagoo ka hadlaya warbixinta, madaxa fulinta ee UNICEF ee Ingiriiska Jon Sparkes ayaa sheegay in “Iyadoo dalalka qaar ee kooxdan ay qaadeen tillaabooyin lagu kordhinayo taageerada, Boqortooyada Midowday waxaan ku aragnay hoos u dhac ku yimid kharashka carruurta iyo faa’iidooyinka qoyska iyo carruur badan oo ku koraya faqri. Natiijada la daabacay ayaa sidaasi tilmaamtay.”

Afhayeen u hadlay Waaxda Shaqada iyo Hawlgabka ee Ingriiska ayaa ka jawaabtay isagoo sheeganaya in dowladdu ay kordhisay dheefaha caruurta in ka badan 10% sanadkan. Sarkaalku wuxuu intaas ku daray “waxaa jira 400,000 oo carruur ah oo ka yar iyo 1.7 milyan oo qof oo ka yar dadka saboolnimada buuxda ah marka la barbardhigo 2010.”

Joseph Rowntree Foundation (JRF) ee Boqortooyada Midowday ayaa soo wariyay bishii Oktoobar in in ka badan 1 milyan oo caruur ah oo dalka ku nool ay la kulmeen qaabkii ugu darnaa ee faqriga sanadka 2022. Waxa ay sidoo kale ku qiyaastay in tirada dadka Ingriiska ah ee la soo deristay ‘macluul’ ay kor u kacday 61% intii u dhaxaysay 2019 iyo 2022, iyada oo 3.8 milyan oo qof ay u adkaysteen heerkan saboolnimada. Tirada carruurta ‘ caydhoobay’ ayaa ku dhawaad saddex jibaarmay tan iyo 2017, taasoo calaamad u ah kor u kac 186% ah, ayay kooxdu sheegtay.

Dad badan oo ka jawaabay sahanka JRF ayaa u sheegay cilmi-baarayaasha inay inta badan ku qasbanaadeen inay sameeyaan hal cunto oo keliya maalintii si loo hubiyo in carruurtoodu ay iyaguna wax cuni karaan. In ka badan kala badh (51%) dadka waaweyn ee caydhoobay ayaa sheegay in ay si joogto ah u waayaan nadaafadda iyo alaabta nadiifinta, sida shaambo iyo daawada cadayga.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Yurub

Musharaxii mulxidka ahaa ee ku caanbaxay Islaam Naceybka oo ku guuleystay doorashadii Netherlaan

Siyaasiga ku caan-baxay Islaam naceybka ee Geert Wilders ayaa noqon doona Ra’iisul Wasaaraha Holland ee soo socda.

Published

on


Geert Wilders, oo ah siyaasi reer Holland ah oo hadaladiisa ka dhanka ah Islaamka ay horseedeen hanjabaado dil ah, ayaa laga yaabaa inuu noqdo hogaamiyaha xiga ee Nederlaan.

Siyaasiga midigta fog ee caanka ku ah Islaam-naceybka ayaa lagu wadaa inuu soo dhiso dowlad-wadaag ah oo mayal adag, kadib marki uu xisbigiisa Xorriyadda uu si lama filaan ah ugu guuleystay inta badan kuraashta baarlamaanka.

Guushan Wilders, ayaa mowjado naxdin leh u diray Yurub, sidoo kalana dadka reer Holland ku riday niyad-jabki siyaasadeed ee ugu weynaa tan iyo Dagaalki Labaad ee Dunida.

“Waa inaan helnaa habab aan ugu noolaan karno rajada codbixiyeyaasheenna, si aan Holland ugu celinno lambarka koowaad”, Wilders ayaa ku yiri jawaabtiisii ugu horreysay, isagoo raaciyay “Nederlaan waxaa lagu celin doonaa Dutch, tsunami magan-gelyo iyo tahriibka waa la xakamayn doonaa.”

Wilders wuxuu sheegay 2021, markii Maxkamadda Sare ay taageertay xukunkiisa, inuu ahaa dhibane ” ugaarsi sixir ah ” iyo nidaam sharci oo jabay.

Isaga oo hore u jeediyay hadalo adag oo ka dhan ah Midowga Yurub, waxa uu dhex dhexaad ka ahaa ololihii doorashada isaga oo doonayay in xisbigiisa uu ka mid noqdo xukuumadda. Waa inuu la shaqeeyaa xisbiyada taageersan EU si uu u sameeyo isbahaysi.

“Wilders ilaa hadda waa ololeeyaha ugu fiican, xitaa kuwa ka soo horjeeda siyaasadda ayaa qiraya taas, “ayuu yiri qoraaga Willem Post oo ka tirsan Machadka Clingendael ee Nederland.

Aragtida qallafsan ee Wilders ee Islaamka ayaa keentay hanjabaado dil ah waxaana loo sameeyey ilaalo culus oo bilays ah muddo sanado ah. Waxa uu Nebi Muxamed scw ku tilmaamay mid “Paedophile” ah, Islaamka “Fikirka Faashiistaha” iyo “Diin dib u dhac ah”, wuxuuna doonayaa inuu Nederland ka mamnuuco masaajidda iyo Qur’aanka Kariimka ah ee Muslimiinta.

Waa maxay xanuunka Pedophilia ‘nacasnimo’?

Pedophilia waa xanuun maskaxeed oo ku dhaca qof weyn ama qaan-gaar ah oo jecel inuu galmo la sameeyo carruurta aan qaan-gaarin iyo wiilasha da’doodu tahay 11 ama 12. Dadka xanuunka qaba waxaa badanaa loogu yeeraa carruur-barar (ama carruur-barar).

Hadaladiisa ayaa horseeday in mararka qaar ay dibadbaxyo rabshado wata ka dhacaan dalal ay ku nool yihiin Muslimiin badan, sida Pakistan, Indonesiya iyo Masar. Pakistan, hogaamiye diimeed ayaa soo saaray fatwo ka dhan ah ninkaas.

Wilders ayaa sidoo kale ku celceliyay in Nederlaan ay joojiso hubka ay siiso Ukrayn, maadaama buu yiri uu dalku u baahan yahay hubka si uu isu difaaco. Si kastaba ha ahaatee, midkoodna dhinacyada uu awood u leeyahay inuu soo dhiso dawlad la wadaaga fikradahan ma jiro.

Siyaasigu waa mid ka mid ah dadka ugu caansan Nederlaan, balse wax badan lagama oga noloshiisa gaarka ah, marka laga reebo in uu guursaday haweeney u dhalatay dalka Hungary oo uu leeyahay laba bisadood – kuwaas oo leh Instagram iyo X u gaar ah.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Yurub

Shiinaha ayaa ka digay inay Yukrayn ku biirto NATO, isagoo sheegay inaysan hagaajin doonin ammaanka gobolka

Diblomaasiga ruug caddaaga ah Henry Kissinger ayaa hadda aaminsan in Kiev loo ogolaado in ay ku biirto kooxda militariga ee uu Maraykanku hogaamiyo – NATO

Published

on

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Wenbin

Shiinaha ayaa ka digay inay Yukrayn ku biirto NATO, isagoo sheegay inaysan hagaajin doonin ammaanka gobolka, ka dib markii Diblomaasi Mareykan ah oo rug-cadaaga ah Henry Kissinger uu sheegay in xubinimada NATO ee Yukrayn ay u adeegi doonto danaha Kiev iyo Moscow labada dhinacba.

Xoghayihii hore ee arrimaha dibadda ee Mareykanka Henry Kissinger ayaa ka dhawaajiyay aragtidiisa ku aadan xubinnimada NATO ee Yukrayn. Siyaasiga ruug cadaaga ah ayaa u sheegay wargeyska The Economist in uu hadda aaminsan yahay in Yurub aan nabad lagu gaari karin iyadoo Yukrayn aysan kamid noqonin ciidamada Mareykanka ee uu hoggaamiyo NATO.

Deyrtii hore, Kissinger wuxuu ku adkaystay “ma ahayn siyaasad caqli-gal ah in Ukrayn lagu daro NATO.” Waxa uu sheegay in balaarinta dhinaca bari ee ururka tan iyo dhicistii Midowgii Soofiyeeti ee 1991 ay asal ahaan ka saartay aagga kaydinta taariikhiga ah ee Ruushka, laakiin wuxuu ku adkaystay in taasi aanay sabab u ahayn “weerarkii yaabka lahaa” ee Moscow ee Ukrayn.

Si kastaba ha ahaatee, wareysi uu Arbacadii la yeeshay warbaahinta Ingiriiska, siyaasiga, oo 100 jirsaday Maay 27, wuxuu soo jeediyay si “badbaadada Yurub loo helo, way fiicantahay in Ukrayn ku jbiirto NATO.”

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha Wang Wenbin mar wax laga weydiiyay hadalada Henry Kissinger intii lagu guda jiray shir jaraa’id oo Khamiista, wuxuu ksheegay in xubinnimada Yukreyn ee NATO ay sii hurin doonto xiisadaha Yurub.

“Yukrayn waa inaysan noqon xudduudaha iskahorimaadka awooddaha weyn,” ayuu yiri, isagoo raaciyay “in la xoojiyo ama xitaa la ballaariyo kooxaha milatariga maahan hab macquul ah oo lagu xaqiijin karo ammaanka gobolka. Hal waddan ammaankiisa laguma gaari karo amniga waddamada kale.

Wareysi uu siiyay wargeyska Economist ee la daabacay Arbacadii, Kissinger wuxuu sheegay in quwadaha Yurub ay wadaan istiraatiijiyad “khatar waali ah” iyaga oo Kiev ka ilaalinaya kooxda militariga ee uu hogaamiyo Mareykanka, isaga oo ku adkeystay in Yukrayn aysan “noqon dowlad kali ah oo is ilaalisa.” Wuxuu ku andacoodey in xubinnimada NATO aysan faa’iido u lahayn Yukrayn oo kaliya, laakiin sidoo kale Ruushka.

Wareysi uu siiyay Economist sababta ay sidaas u tahay ee la daabacay, Kissinger waxa uu sheegay in quwadaha Yurub ay wadaan horseed “khatarteeda leh” iyaga oo Kiev ka ilaalinaya kooxda militariga ee uu Mareykanka hoggaamiyo, isaga oo ku adkeystay in Yukrayn aysan “noqon dowlad kali ah oo is ilaalisa.” Wuxuu ku andacodey in xubinnimada NATO aysan faa’iido u Yukrayn oo kaliya u lahayn, laakiin sidoo kale Ruushka.

Wadahadaladii tooska ahaa ee Turkigu dhexdhexaadinayey ee labada dhinac ayaa burburay gu’gii 2022. Tan iyo markaas, madaxweyne Zelensky waxa uu meesha ka saaray in wax wadahadal toos ah lala yeelanayo Ruushka inta uu Putin xukunka sii hayo, Moscow waxay diiday shuruudaha wada xaajoodka ee Kiev soo bandhigtay.

Waxyaabaha kale, ee soo jeedinta Yukrayn waxay ku baaqaysaa in Ruushka uu ka saaro ciidamadiisa dhammaan dhulalka ku yaal xudduudaha Yukrayn ee 1991, si ay u bixiyaan magdhow, iyo inay u gudbiyaan maxkamadaha dembiyada dagaalka. Moscow ayaa diiday qorshahaas oo ah “wax aan la aqbali karin”, iyada oo tilmaantay in ay iska indho tireyso xaqiiqada dhabta ah ee jirta oo kaliya ay muujinayso rabitaan la’aanta Kiev ee ah in xiisadda lagu xalliyo wadahadal.

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Wararka5 hours ago

Meet suitable mature singles & enjoy fun & flirty conversation

Ameerika17 hours ago

Gabadha Ilhaan Cumar ayaa ‘laga joojiyay jaamacada’ sababo la xiriira mudaaharaadka Falastiiniyiinta ee wajahaya xasuuqa

Diblomaasiyadda20 hours ago

Diidmada qayaxan ee Maraykanku waxa uu si weyn u taageeray dalabka Falastiiniyiinta ee xubinnimada Qaramada Midoobay

Geeska Afrika21 hours ago

Taliyihii ciidamada Kenya ayaa ku dhintay shil diyaaradeed

Geeska Afrika2 days ago

Deeq bixiyayaasha aduunka ayaa balaayiin gargaar ah u balan qaaday dalka Suudaan oo ay dagaaladu halakeeyeen

Afrika2 days ago

Dalka Burkina Faso oo eryay diblomaasiyiin Faransiis ah – sababta waa maxay?

Yurub6 days ago

Norway ‘waxay diyaar u tahay’ inay aqoonsato madax-bannaanida Falastiin: Ra’isul Wasaaraha Norway

Bariga dhexe6 days ago

Waa maxay sababta ay Israa’iil halis usii gelinayso xiisadda Bariga Dhexe?

Bariga dhexe6 days ago

Maxaa kasoo cusboonaday weerarkii ugu dambeeyey ay Iiraan ku qaadday Israa’iil?

Ameerika7 days ago

Victor Manuel Rocha, safiir hore oo Mareykanka ah – Safiirkii u basaasayay Cuba tobanaan sano, waxaa lagu xukumay 15 sano

Bariga dhexe1 week ago

Iiraan iyo Israa’iil oo lagu booriyay in ay xiisadda u dhexeeya qaboojiyaan

Siyaasadda Arrimaha Dibadda1 week ago

Kenya ayaa soo jeedisay in xal laga gaaro xiisada ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Itoobiya ee ku saabsan heshiiska dekedda

Sirdoonka & Militariga1 week ago

Jabhada Xoraynta Oromada – afka Oromada: Waraanna Bilisummaa Oromo

Geeska Afrika1 week ago

Mid ka mid ah mucaaradka Itoobiya oo toogasho lagu dilay

Gumeysi iyo isir sifeyn1 week ago

Kumanaan shaqaale Hindi ah oo imanaya Israa’iil – mas’uuliyiin dowladda

Afrika2 weeks ago

Dunidu waxay ku fashilantay Ruwaanda 1994-tii – madaxweyne Paul Kagame

Geeska Afrika2 weeks ago

Kenya: Isbitaalka Qaranka ee Kenyatta ayaa ku dhawaaqay in la tuuri doono haraaga 541 qof, oo ay ku jiraan 475 carruur ah

Dhaqaalaha2 weeks ago

Zimbabwe waxay soo saartay lacag ‘dahab’ ah oo ay ku beddeshay dollarka

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Maraykanka oo isu diyaarinaya weerar ‘aan laga fursan karin’ oo kaga imaan kara Iiraan – warbaahinta

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Sida ay Iiraan u samaysatay giraangirta cadawga ee ku xeeran Israa’iil

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 weeks ago

Yurub waxay xaday dhaxalkii Afrika ee Cadaaladu ma guulaysan doontaa?

Diblomaasiyadda2 weeks ago

Yukreyn ‘waxay noqon doontaa xubin ka tirsan NATO’ – Xoghayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka Antony Blinken

Siyaasadda Arrimaha Dibadda2 weeks ago

Maxay ka dhigan tahay in Soomaaliya ay cayrisay safiirka Itoobiya, islamarkaana xirto qunsuliyado?

Diblomaasiyadda2 weeks ago

Ergeyga Mareykanka ee QM ayaa uga digay Iiraan inaysan weerar ku qaadin dadka Mareykanka ah ee weerarka qunsuliyada Suuriya

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Waa kuma taliyihii ciidamada Iiraan ee lagu dilay duqeynta Dimishiq?

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada2 weeks ago

Nibirowga Dhititaalka: Qalaalasaha digitaalka iyo loollanka caqlaaniga ah

Siyaasadda Arrimaha Dibadda2 weeks ago

MD Xassan Sh. Maxamuud oo booqasho ku jooga Sacuudi Carabiya – Maxaa loogu yeeray?

Wararka3 weeks ago

Waa maxay sababta doorashada Istanbul ay u tahay doorasho aad indhaha loogu hayo ee Turkiga?

Gumeysi iyo isir sifeyn3 weeks ago

Ciidamada Israa’iil ayaa isbitaalka Qaza ee Al-Shifa ku dilay 400 oo Falastiini ah

Gumeysi iyo isir sifeyn3 weeks ago

Qaza waxaa ka socda weerarro, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in wadahadallada xabbad joojinta ay dib u bilaabmeen

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada3 weeks ago

Waa Maxay Nidaamka Boqortooyo?

Siyaasadda Soomaaliweyn3 weeks ago

Cutubyada 1aad illaa 4aad ee dastuurka Soomaaliya oo la ansixiyay – sidee loogu falceliyey?

Wararka3 weeks ago

QM: Burcad Haiti ah waxay dileen 1,500 qof saddex bilood gudahood

Aasiya4 weeks ago

Iscasilaadii Madaxweynihii Vietnam waxay muujinaysaa khilaaf ka dhex jira xisbiga – Falanqeeyayaasha

Gumeysi iyo isir sifeyn4 weeks ago

Madaxa Qaramada Midoobay ayaa ku booriyay Qaza in la gaarsiiyo gargaar bini’aadantinimo oo ballaaran

Siyaasadda Soomaaliweyn4 weeks ago

Banaanbax uu soo abaabulay guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale oo lagu taageerayo wax ka beddelka dastuurka

Siyaasadda Soomaaliweyn4 weeks ago

Haddii ‘Soomaali oo heshiis ah la rabo dastuurka yaanan la siyaasadeynin’ – Xisbiga Qaransoor

Sirdoonka & Militariga4 weeks ago

Mareykanka ayaa burburiyay iskaashigii la dagaalanka argagixisanimada – Safiirka Ruushka Anatoly Antonov

Sirdoonka & Militariga4 weeks ago

Doorka ciidanka iyo daryeel la’aantooda

Afrika4 weeks ago

Kacaankii Liibiya: Sida NATO ay u burburisay dowlad tobanaan sano la soo dhisaayey

Xul